You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Diyaarad Sacuudigu leeyahay oo burburtay iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

    Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaanno helicopter-ka oo ay lahayd shirkadda shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ayaa ku burburtay magaalada Ras Tanura ee ku taalla xeebta bari ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 qof.

    Dhammaan dadkii ku dhintay shilka ayaa ahaa muwaadiniin u dhashay Sacuudi Carabiya.

    Ilaa hadda lama oga waxa sababay shilka, hase yeeshee waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay diyaaradda inay burburto.

    Shirkadda weyn ee Saudi Aramco ayaa Jimcihii dib u billowday rarista shidaalka ceyriinka ah ee laga dhoofiyo dekedda Ras Tanura, kaddib hakad socday muddo afar bilood ah oo ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.

    Shirkadda Aramco ayaa sidoo kale xarun ku leh buur ku taalla agagaarka Ras Tanura, halkaas oo lagu xareeyo laguna dayactiro diyaaradaha qumaatiga u kaca ee shirkaddu isticmaasho.

    Wax badan ka sii akhri:

  2. War deg deg ah, Iiraan oo qaadday weerarro qarsoodi ah iyo Mareykanka oo ka hadlay

    Sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyay in Iiraan ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay saldhigyo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay dalalka deriska ah, oo ay ku jiraan Bahrain iyo Kuwait.

    Hore ayay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan u shaaciyeen inay weerareen xarumo muhiim ah oo ciidamada Maraykanku leeyihiin, oo ay ka mid yihiin saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait iyo xarunta Ciidanka Badda ee Maraykanka ee ee Bahrain.

    Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inay weerarrada ku fuliyeen gantaallo iyo diyaarado drone ah, ayna jawaab u ahaayeen weerarro hore oo uu Maraykanku ku qaaday.

    IRGC ayaa sidoo kale sheegtay inay bartilmaameedsatay siddeed xarumood oo ciidan oo Maraykanku leeyahay, iyadoo ku eedeysay Washington inay weerartay shan xarumood oo ciidan-badeed oo Iiraan leedahay, iyadoo marmarsiiyo ka dhigatay in ciidamada Iiraan ay xannibayeen isu-socodka maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz.

    Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Maraykanka ayaan weli shaacin baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarrada, mana cadda in ay jiraan dad ku dhaawacmay ama ku dhintay.

    IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in, sida uu dhigayo heshiiska la gaaray, Iiraan ay mas’uul ka tahay ilaalinta iyo maamulka isu-socodka maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz, waxayna ka digtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto markab kasta oo ay ku hesho inuu jebiyay xeerarka ay dejisay.

    Wax badan ka sii akhri:

  3. War deg deg ah, Degdeg: Diyaarad sidday koox ciyaartooy ah oo burburtay iyo faahfaahin

    Diyaarad sidday koox ciyaartooyada barafka ku dul carara ah ayaa ku burburtay bariga dalka Faransiiska, waxaana ku dhintay dhammaan 11- qof oo saarnaa.

    Dadka geeriyooday waxaa ka mid ahaa shan macallin tababare, shan arday oo ay tababarayeen, iyo duuliyihii diyaaradda.

    Diyaaradda ayaa burburtay wax yar kaddib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha. Qaar ka mid ah ehellada dadkii saarnaa ayaa goobta joogay, iyagoo daawanayay diyaaradda xilligii ay shilka gashay.

    Diyaaraddu waxay ku dhacday meel u dhow xaafad ay dad deggan yihiin, hase yeeshee ma jirin cid dhulka joogtay oo wax ku noqotay.

    Ilaa hadda lama oga sababta keentay shilka, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay diyaaradda inay burburto.

    Wax badan ka sii akhri:

  4. War deg deg ah, Ciraaq iyo Iiraan oo ka wadahadlaya xiisadaha iyo xaaladda taagan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji oo booqasho ku tagay dalka Ciraaq, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Cali Fateh Zaidi, waxayna yeesheen wada-hadallo.

    Intii uu kulanku socday, Caraqji ayaa sharraxay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka. Wuxuu ugu baaqay dalalka gobolka inay ka hortagaan in dhulkooda loo adeegsado weerarro lagu qaado Iiraan, isagoo sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga iyo horumarinta xiriirka u dhexeeya Iiraan iyo Ciraaq dhinacyo kala duwan.

    Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa soo dhaweeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha gobolka, wuxuuna yiri:

    “Ciraaq waxay taageersan tahay in mudnaanta la siiyo soo afjaridda dagaallada iyo in wadahadal lagu gaaro xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka.”

    Wax badan ka sii akhri:

  5. Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay xiisadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka Tigray

    Midowga Yurub ayaa ka walaacsan xiisadaha sii kordhaya ee gobolka Tigreega.

    Wuxuu ka digay in isbedelladii ugu dambeeyay ay wiiqi karaan heshiiskii Pretoria ee soo afjaray dagaalkii Tigreega ee labada sano socday.

    Xafiiska Midowga Yurub ee Addis Ababa ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray 27 Juun 2026 in Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) ay "ka walaacsan tahay xiisadaha ka jira waqooyiga Itoobiya" iyagoo xusay sameynta gole gobol oo hore iyo in qasab looga saarayo militariga.

    Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in tallaabooyinkani ay jebinayaan shuruudaha Heshiiska Nabadda ee Pretoria.

    Wuxuu ku boorriyay dowladda federaalka iyo TPLF inay si degdeg ah u bilaabaan wadahadallo ku saabsan hirgelinta buuxda ee Heshiiska Pretoria.

    Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay taageerada uu u hayo dadaallada dhexdhexaadinta ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo.

    Bayaanka Midowga Yurub wuxuu daba socdaa hadal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa 26-kii Juun.

    Safaaraddu waxay ku baaqday in si buuxda loo hirgeliyo heshiiskii Pretoria.

    Midowga Yurub Wuxuu hadalkan jeediyay toddobaad ka dib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay inuu cunaqabatayn fiisaha ku soo rogay xubnaha "xagjirka ah" ee TPLF iyo qoyskooda.

  6. Taliyaha ciidamada Uganda oo albaabada u laabay warbaahinta ugu muhiimsan Uganda

    Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay inay ku jirto "go'doomin milatari" ka dib markii taliyaha ciidanka - oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni - uu amray in la xiro telefishinnada, wargeysyada iyo idaacadaha.

    Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay ku sugnaayeen meel dibadda ka ah xaruntooda caasimadda Kampala, isla markaana telefishinka NTV iyo Spark TV laga saaray hawada.

    Warbaahintu waxay qayb ka tahay Nation Media Group, oo ah mid ka mid ah shirkadaha warbaahinta ugu saameynta badan Bariga Afrika.

    Ma cadda waxa dhabta ah ee horseeday joojinta, laakiin qoraallo uu ku qoray X, Gen Muhoozi Kainerugaba wuxuu yiri: "Ma aaminsani saxaafadda xorta ah! Saxaafadda waa inay hagto kaadiriintii kacaanka."

    Kooxaha mucaaradka iyo xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Gen Kainerugaba inuu yahay shakhsi udub dhexaad u ah nidaam aad u caburin badan oo uu hoggaamiyo aabihiis.

    Taageerayaasha madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa sheegaya in la damaanad qaaday xasilloonida Uganda, dhaqaaluhuna uu soo hagaagay xilligii ay xukunka hayeen.

    Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, waa hoggaamiye hore oo fallaago ah oo xukunka la wareegay qiyaastii 40 sano ka hor.

  7. Iiraan oo ugu baaqday Mareykanka inuu qaado tallaabooyin ay Israa'iil ku joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa carrabka ku adkeeyay in ka bixitaanka Israa'iil ee Lubnaan iyo joojinta weerarrada ay waajib ku tahay heshiiska is-afgaradka ee ay la galeen Mareykanka, intii uu socday booqasho rasmi ah oo uu ku tagay caasimadda Ciraaq.

    Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Ismaaciil Baghaei ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu qaado "dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah" si loo hubiyo in Israa'iil ay joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Mehr ee Iiraan.

    Hadalka Baqai ee Axaddii ayaa jawaab u ahaa su'aal laga weydiiyay heshiiska qaab-dhismeedka ee ay kala saxiixdeen mas'uuliyiinta Lubnaan iyo Israa'iil oo ay gacanta ku hayso Mareykanka, iyo xaaladda heshiiska is-afgaradka ee Iiraan iyo Mareykanka ee la xiriira Lubnaan.

    Baqaei wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo madaxbannaanida Lubnaan iyo sharafta dhuleed, isagoo sheegay in joojinta dagaalka Israa'iil iyo joogitaankeeda Lubnaan ay tahay "shuruud aasaasi ah" si loo gaaro guul heshiis kasta, isagoo intaa ku daray in Tehran ay arinkan mudnaanta siisay heshiiskii is-afgaradka ee lala galay Washington, iyo sidoo kale soo afjaridda dagaalka Iiraan.

  8. 47 masuuliyiin oo Ciraaqi ah oo xabsiga loo taxaabay

    Hawlgalka la dagaalanka musuq-maasuqa, ayaa waxaa lagu soo qabtay 47 qof oo isugu jira siyaasiyiin, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda Ciraaq, kadib howlgalo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

    Howlgalka ayaa laga sameeyay deegaanka Cagaaran ee magaalada Baqdaad oo si weyn loo ilaaliyo.

    Arrintan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa ee uu wado ra'iisul wasaaraha cusub ee Ciraaq Cali Zaidi.

    Goor sii horeysay, Cadnaan Jalili, wasiir ku xigeenka shidaalka, ayaa isna la xiray.

    Sarkaal Ciraaqi ah oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in maxaabiista loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin musuqmaasuq iyo tahriibin doolar iyo shidaal.

  9. Georgia Mellon iyo Trump: Khilaaf furan oo ay adag tahay in la xalliyo

  10. Maxaa ka socda gudaha Lubnaan oo aadan ogayn?

  11. Diyaarad ku burburtay Sacuudiga oo ay ku dhinteen 14 qof

    Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay shirkadda shidaalka ee Aramco ayaa ku burburtay magaalada Ras Tanura ee ku taal xeebta bari ee dalka Sucuudiga, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 qof.

    Dhammaan dadka la dilay waxay ahaayeen muwaadiniin Sucuudiyaan ah. Lama oga sababta ka dambeysay burburka diyaaradda, balse waxaa la bilaabay baaritaan.

    Shirkadda weyn ee Aramco ayaa Jimcihii dib u bilowday ku shubista saliidda ceyriin ee Terminalka Ras Tanura kaddib afar bilood oo ay hakad ku jirtay dagaalka Iran dartiis.

    Aramco waxay leedahay hangar buurta dusheeda ah oo loogu talagalay diyaaradaheeda helikobtarka.

  12. Sidee hurdadu kaaga caawin kartaa in aad wax barato?

  13. Xog dheeraad ah oo ku saabsan markabka ka gudbay marinka Hormuz

    Markabka Galapagos, oo ay leedahay shirkadda maraakiibta Faransiiska ee CMA CGM, ayaa ka gudbay marin biyoodka Hormuz isagoo maraya waddo ay Ilaalada Kacaanka u aqoonsadeen waddo "ammaan ah".

    Markabku, oo shalay ka baxay meel u dhow Dubai ee Imaaraadka Carabta, kana gudbay marin biyoodka Hormuz, sida laga soo xigtay xogta laga helay bogga maraakiibta ee MarineTraffic.

    Waqtiga qoraalkan, markabku wuxuu ka baxsan yahay xeebta Cumaan. "Ka tallaabiddan waxay calaamad u tahay marxalad muhiim ah oo ka jirta xaaladda gobolka, taasoo weli ah mid adag oo u baahan feejignaan iyo daryeel joogto ah," ayay shirkaddu ku tiri bayaan ay soo saartay.

    Bayaanku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waddada ama habka loo maro. CMA CGM wali waxay leedahay 10 markab oo kale oo ku sugan Gacanka Faaris.

  14. Dalka yar ee Afrikaanka ah ee wacdaraha ka dhigaya Koobka Adduunka

  15. Iran oo soo dhawaysay baaqa Ciraaq ee wada hadal dhexmara wadamada Golaha Khaliijka iyo iyaga

    Cabbaas Arakchi ayaa soo dhaweeyay wada-hadallada ay la leeyihiin dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka.

    Waxa uu shir jaraa’id oo uu ku qabtay Baghdad ku yiri “Waan soo dhawaynaynaa soo jeedinta Fawad Hussein ee wada-hadallada u dhexeeya dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka, Iran iyo Ciraaq, kaas oo la soo jeediyay in uu noqdo 6+2”.

    Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Isutagga Imaaraadka Carabta, Qatar, Cumaan, iyo Kuwait ayaa xubin ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka.

    Fu’aad Xuseen waxa kale oo uu yiri: “Ciraaq ma taageersana in dagaalka lagu balaariyo dalalka Gacanka Faaris, mana ogola in la weeraro Iran”.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sidoo kale sheegay in ujeedadiisa koowaad ee safarkan ay tahay inuu u mahadceliyo dowladda Ciraaq taageerada ay siiso iyo "cambaareynta gardarada" ee ka dhanka ah Iran.

    Waxa uu sidoo kale ammaanay "taageerada dadka Ciraaq."

    Araqchi ayaa sheegay in qayb ka mid ah sababaha safarka uu ahaa "iskudubaridkii lagama maarmaanka u ahaa qabashada xaflada aaska" Ayatollah Ali Khamenei, oo sidoo kale la qorsheeyay in lagu qabto "magaalooyinka Baghdad, Kazemien, Karbala, iyo Najaf."

  16. Markab konteenar ah oo "ka gudbay" marin-biyoodka Hormuz

    Shirkadda maraakiibta ee CMA CGM ayaa ku dhawaaqday in markabka konteenarka "Galapagos" uu si guul leh u maray marin biyoodka Hormuz oo uu ka baxay marin biyoodka subaxnimadii Axadda.

    CMA ayaa ku dhawaaqday bayaan: "Arrinkan wuxuu calaamad u yahay xaalad muhiim ah oo ka jirta gobolka, taas oo weli ah mid adag oo u baahan feejignaan iyo taxadar joogto ah."

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri: “Iyadoo laga duulayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee lala galay Islamabad, qabanqaabada lagu xakameynayo isu-socodka marin-biyoodka Hormuz waxay la jirtaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah, wixii hadda ka dambeeyana, ku xad-gudbida maraakiibta waxaa loola dhaqmi doonaa si ka adag sidii hore.

    Sida ku cad heshiiska is-afgaradka ee Iran iyo Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, marin biyoodka Hormuz waa in si buuxda dib loo furo.

    Maalmihii la soo dhaafay, iyadoo uu cirka isku sii shareeray khilaafka ku saabsan maamulka iyo maraakiibta marin biyoodka Hormuz, ayaa waxaa mar kale is weeraray Mareykanka iyo Iran.

  17. Baxrayn oo sheegtay in ay qabatay gantaalo laga soo riday Iran

    Difaaca cirka ee Baxrayn ayaa Axadii ku dhawaaqay in ay ka hortageen oo ay burburiyeen gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

    Ciidamada Baxrayn ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku shaaciyeen: "Tiro gantaallo ah oo loo adeegsaday weerarradan halista ah ee Iran ayaa la qabtay oo la burburiyey" waxayna qoreen in ciidamada milateriga ee waddanku ay ku sugan yihiin "heegankii ugu sarreeyay".

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa saacado ka hor bayaan ay soo saareen ku sheegay in iyaga oo ka jawaabaya weerarada uu Mareykanka ku qaaday dhulkooda ay la beegsadeen Saldhigga Shanaad ee Ciidamada Badda Mareykanka ee Baxreyn iyo sidoo kale Saldhigga Mareykanka ee Cali Al-Salem ee Kuweyt.

    Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Mareykanka uu bilaabay weeraro cusub oo ka dhan ah Iran.

  18. Kuwait oo cambaaraysay weerarada Iran ee dalkeeda

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ayaa si kulul u cambaareysay weerarka cusub ee Iran, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub cad ku ah madax banaanida dalkeeda.

    Saacado ka hor, Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in iyaga oo ka aargoosanaya weerarkii “shanta saldhig ee xeebta” ay la beegsadeen gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka saldhigyada Kuweyt oo uu ku jiro saldhigga Cali Al-Salem.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Dowladda Kuwait waxa ay cambaareyneysaa oo ay si adag u cambaareyneysaa xadgudubka soo noqnoqday ee Iran ay ku qaaday Kuwait Sabtidii”.

  19. Sideed isaga ilaalin kartaa in lagaa jabsado WhatsApp-kaaga?

    Burcadda Internet-ka ayaa weli sii wada inay beegsadaan dadka isticmaala WhatsApp-ka ayna afduubtaan akoonnadooda, iyaga oo iska dhigaya saaxiib kuna weydiinaya nambarrada sirta.

    Arrintan sanado ayay jirtay balse weli way sii wadaan inay dadka siraan, iyadoo dhibbanayaashu ay baraha bulshada ku wadaagayaan sheekooyinkooda.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  20. Iran oo ku tilmaantay weerarrada Mareykanka "xadgudub qaawan" oo lagu sameeyay heshiiska

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in weerarrada Maraykanku ay yihiin “xadgudub cad” oo ka dhan ah is-afgaradkii labada dal ee lagu soo afjarayay dagaalka, isla markaana ay adkeeyeen “xaqa ay u leeyihiin difaaca madax-bannaanida dalka.”

    Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay in Iran ay “muujinayso go’aankeeda adag ee ay ku difaacayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.”

    Iyadoo cambaareyneysa duqeymaha cirka ee Maraykanku fuliyay aroornimadii Axadda, 27-ka July, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa tiri: “Maraykanku wax qiime ama kalsooni ah ma siiyo ballanqaadyadiisa, jebinta heshiisyaduna waa dabeecadda nidaamkan.”