You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Markab salid waday oo lagu weeraray meel bannaanka ka ah xeebaha Sucuudiga

    Hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan weerar ka dhacay meel 70 Mayl-baddeed koonfur-galbeed ka xigta magaalada Al-Shaqeeq ee dalka Sacuudiga.

    Sida warbixintu sheegtay, kabtanka markab sida shidaalka ayaa ku dhawaaqay in markabka lagu bartilmaameedsaday walax aan la aqoonsan oo lagu soo weeraray. Weerarkan ayaa sababay dab ka kacay markabka, iyada oo shaqaalihii markabkuna ay ku hawlan yihiin xakamaynta dabkaas.

    Sida ay sheegtay hay'adda Ingiriiska ah, ilaa iyo hadda ma jiraan warar sheegaya qasaare nafeed ama wasakhow deegaanka ah oo la soo wariyay.

  2. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay koonfurta Iiraan

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadoodu qaadeen wareeg cusub oo weerarro ah oo lagu bartilmaameedsanayo goobo millatari oo ku yaalla Iiraan, ku dhawaad 5:30 galabnimo oo ku beegan 1-da habeenimo xilliga Tehraan, kaddib amarrada Madaxweynaha Mareykanka.

    Sida uu sheegay CENTCOM, Hadafka hawlgalkan ayaa ah in la sii wado dhimista awoodda Iiraan ay ugu hanjabto badmaaxiinta rayidka ah iyo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan biyaha gobolka.

  3. Falcelinnada hadalkii Trump oo weli sii socda

    Falcelinnada ka imanaysa Iiraan ayaa sii socda si loogu jawaabo war-saxaafadeedkii Donald Trump ee ku saabsanaa bartilmaameedsiga kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan, haddii maraakiibta ganacsiga la weeraro.

    Saacadahii la soo dhaafay, dhowr mas'uul oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan (IRGC) ayaa ka falceliyay hadalladaas.

    Majid Mousavi oo ah Taliyaha Ciidanka Cirka ee Kacaanka Iiraan, ayaa ku hanjabay in haddii la weeraro buundooyinka iyo warshadaha korontada ee dalkaas, ay sidoo kale korontada ka go'i doona xulafada iyo kuwa martida u ah. Waana mid "hubaal ah."

  4. Araqchi: Weerarka kaabayaasha dhaqaale wuxuu horseedi doonaa jawaab adag

    Qoraal u muuqda jawaab laga bixinayo hanjabadii Donald Trump ee saacado ka hor ayaa waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi, ballanqaaday jawaab celin haddii Maraykanku uu weeraro kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan.

    Wuxuu ku qoray barta bulshada ee X: "Mabda'a difaaceennu waa mid cad: il il ayaa loogu aargudaa. Weerar kasta oo ka dhan ah Iiraan oo uu ku jiro weerar ka dhan ah kaabayasheenna, wuxuu horseedi doonaa jawaab xoog badan."

  5. Qalibaaf: Gobol aannaan saliid ku iibinayn, ma jiro nin saliid ku iibin doona

    Maxamed Baqer Qalibaaf, afhayeenka Baarlamaanka Iiraan ahna madaxa wadahadallada Iiraan, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku yidhi: "Astaanta iyo xaaladda Marinka Hormuz ku ma soo laaban doonto sidii ay ahayd dagaalka ka hor."

    Isaga oo ka dhiidhiyanaya iibka Saliidda, wuxuu qoray: "Isle'egta dagaalkan waa mid cad."

    Mr. Qalibaaf wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: "Gobol aannaan saliid ku iibinayn, ma jiro nin saliid ku iibin doona. Haddii amnigeenna la dammaanad qaadi waayo, ma jiri doonaan kaabayaaal ammaan ah, amniga Marinka Hormuz-na wuxuu ku jiraa maqnaanshaha xoogagga Maraykanka."

  6. Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan: 53 qof ayaa ku dhintay weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan, illaa 53 qof ayaa ku dhintay meertadii ugu dambaysay ee weerarrada Maraykanku ku qaaday Iiraan.

    Sida ku xusan xogta ay soo saartay wasaaraddu, dhimashadan ayaa dhacday muddadii u dhaxeysay 27-kii Juun illaa subaxnimadii 22-ka July.

    Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta ee Wasaaradda Caafimaadka Iiraan, Hossein Kermanpour, oo xogtan ku baahiyay barta X, ayaa sheegay in 592 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, ma aanu caddayn inta ay le'eg tahay tirada dadka dhintay ee millatariga ah iyo inta ay le'eg tahay tirada rayidka ah.

    Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahinta Maraykanka, ugu yaraan 18 askari oo milatariga Maraykanka ah ayaa ku dhintay tan iyo markii uu bilowday Dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan bishii March ee sannadkii hore.

  7. Muwaadiniinta Iiraan oo looga digay adeegsiga Starlink

    Qaybta Ka hortagga Dambiyada iyo Arrimaha Bulshada ee Garsoorka Tehran ayaa ka digtay isticmaalka adeegga Starlink.

    Muuqaal iyo farriin qoraal ah oo loo diray muwaadiniinta ayaa Garsoorka Tehran wuxuu ku dhawaaqay in "soo dejinta, iibsashada, iibinta, rakibidda, iyo isticmaalka qalabka satellite-ka ee intarneedka, oo uu ku jiro Starlink, ay tahay mid la mamnuucay oo mudan ciqaab sharci ah."

    Tani ma aha markii ugu horraysay oo ay masuuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ka digaan isticmaalka Starlink.

    Dagaalkii sagaal iyo soddonka Maalmood socday, helitaanka intarneedka caalamiga ah ayaa laga xidhay muwaadiniinta Iiraan, marka laga reebo dad kooban oo heli karayay adeegyo dheeraad ah.

  8. War deg deg ah, Hay'adaha xuquuqda aadanaha oo ka walaacsan dacwadaha kooxaha lala xiriiriyo Boko Haram

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ku eedeysay dowladda Nigeria inay si caddaalad-darro ah u maareyneyso dacwadaha la xiriira dadka looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Haram.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Maanta, HRW waxay sheegtay in caddaaladdu aysan si buuxda uga muuqan dacwadaha loo haysto dadka ay saameeyeen kacdoonka Boko Haram sannadihii la soo dhaafay.

    Hay’addu waxay sheegtay in dacwadaha intooda badan lagu beegsado dadka aan xilal sare ka hayn ururka, halka tuhmanayaasha magacyada waaweyn leh ee lagu eedeeyo dambiyada culus ay weli ka baxsan yihiin ciqaabta.

    HRW waxay sidoo kale tilmaantay inay jiraan dhibaatooyin la xiriira nidaamka garsoorka dembiyada iyo tayada caddeymaha la horgeeyo maxkamadaha.

    Waxay sheegtay in qaar ka mid ah dacwadaha lagu saleeyay oo keliya qirashada eedeysanayaasha, iyadoo aan la hayn caddeymo ku filan oo taageeraya eedeymaha loo jeediyay.

    HRW ayaa intaas ku dartay in qaar ka mid ah eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay inay taageereen kooxaha hubeysan, inkastoo ay suuragal tahay in lagu khasbay inay sidaas sameeyaan.

    Hay’addu waxay sidoo kale su’aal gelisay waxtarka qareennada ay maxkamaduhu u magacaabaan dadka aan awoodin inay qareen qabsadaan, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay caqabad ku noqon karto helitaanka difaac sharci oo buuxa.

    Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Nigeria ay sanadkan wajahday koror ku yimid dacwadaha la xiriira argagixisada, iyadoo in ka badan 1,100 qof lagu soo oogay dacwado la xiriira in ay ka tirsanyihiin Boko Haram iyo ISWAP.

  9. War deg deg ah, Mareykanka iyo Sacuudiga oo ku dhawaaqaya heshiiska tamarta nukliyeerka

    Washington iyo Riyaad ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan inay gaareen heshiis u oggolaanaya Sacuudi Carabiya inay markii ugu horreysay yeelato tamarta nukliyeerka.

    Labada dal ayaa gaaray heshiis ganacsi oo u oggolaanaya shirkado Mareykan ah inay dhisaan isla markaana maamulaan warshado tamarta nukliyeerka ah oo ku yaalla gudaha Sacuudi Carabiya, sida uu BBC-da u sheegay mas’uul gobolka aqoon wanaagsan u leh oo xog-ogaal u ah heshiiska.

    Ku dhawaaqista rasmiga ah ee heshiiska ayaa la filayaa inay dhacdo caawa.

    Sida ay sheegtay CBS News, heshiiska ayaa sidoo kale u oggolaan kara Sacuudi Carabiya inay iyadu hodmiso shidaalka loo isticmaalo matoorrada nukliyeerka.

    Magacyada shirkadaha ku lug leh heshiiska weli lama shaacin, hase yeeshee CBS waxay sheegtay in heshiiska uu u baahan doono in lagala tashado Kongareeska Mareykanka.

  10. Kenya oo qirtay in dad loo karaantiilay cudurka Ebola

    Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa markii ugu horreysay qirtay in dad badan la karantiilay muddo 21 maalmood ah.

    “Waxaan karantiilnay dad badan, oo ay ku jiraan shaqaalaha Madaxweynaha,” ayuu yiri Wasiir Aden Ducaalr.

    Markii suxufiyiintu wax ka weydiiyeen mustaqbalka xarumaha karantiilka ee loo dhisayo in lagu hayo muwaadiniinta Mareykanka, wuxuu sheegay in dowladda ay joojisay dhismaha xarunta karantiilka Ebola ee laga dhisayay Laikipia, kadib amar maxkamadeed oo hakiyay mashruuca.

    “Waxaan ixtiraamnay go’aanka maxkamadda, waxaana joojinay dhismaha xarunta karantiilka ee Laikipia,” ayuu yiri Ducaale.

    Ducaale ayaa hadalkan sheegay xilli uu la wareegayay shan tan oo agab caafimaad ah oo ay Hindiya ugu deeqday Kenya, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka difaaca shaqsiga, qalabka baaritaanka cudurrada, heerkulbeegyada infrared-ka iyo agab kale oo degdeg ah si loo xoojiyo u diyaargarowga Kenya ee Ebola.

    Wasiirku wuxuu sheegay in ilaa hadda aan Kenya laga helin wax kiis Ebola ah oo la xaqiijiyay, balse dowladda ay weli ku jirto heegan sare.

    Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo dood ka taagan tahay xarun karantiil oo Mareykanku maalgeliyay oo ku taalla Nanyuki, taas oo wararka qaar sheegayaan inay weli shaqaynayso inkastoo maxkamaddu bishii May amar ku bixisay in la joojiyo dhismaheeda.

    Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in toddobo shaqaale gargaar oo Mareykan ah oo ka qayb qaadanayay la tacaalidda cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay isku karantiileen xarun ku taalla Kenya. Hase yeeshee, lama oga in lagu hayo saldhigga ciidamada cirka ee Laikipia ee Nanyuki.

  11. Maxaa ka dhacay kulankii u dhexeeyay Aoun iyo Trump, muxuuse Maraykanku ka rabaa Lubnaan?

  12. War deg deg ah, Iran oo shaacisay tirada dadka ku dhintay weerarrada Mareykanku hayo dalkeeda

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Iran, 53 qof ayaa ilaa hadda ku dhintay duullaannadii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku qaaday Iran.

    Tiradan waxay ku saabsan tahay muddadii u dhexeysay 27-ka Juun ilaa maanta.

    Markii uu ku dhawaaqayay tirada khasaaraha, Wasiirka Caafimaadka Iran Hossein Kermanpour ayaa bartiisa X ku qoray in weerarrada Mareykanka ay sidoo kale sababeen 592 dhaawac.

    Ma uusan sheegin in dadka dhintay ay ahaayeen ciidan ama shacab.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran bishii Maarso ee sannadkii hore.

    18-kii Luulyo, Mareykanku wuxuu xaqiijiyay in mid ka mid ah saldhigyadiisa ku yaalla Urdun lagu bartilmaameedsaday gantaallo Iran laga soo tuuray.

    Saddex askari ayaa la dilay Jimcihii kadib markii gantaal Iran laga soo tuuray uu ku dhacay saldhiggooda Al-Muwaffaq Al-Salti ee Urdun.

    Askari afraad ayaa sidoo kale la dilay Axaddii markii diyaarad aan duuliye lahayn oo weerar ahayd ay ku qaraxday magaalada Erbil ee Ciraaq.

  13. Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga la safatay, warna ka soo saartay hanjabaadaha Xuutiyiinta

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay hanjabaadaha ka dhanka ah dalka Sacuudiga ee ka imaanaya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

    War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa lagu yiri: “ Dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa hanjabaadaha ay kooxda Xuuthiyiintu u jeediyeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo sidoo kale falalka wax u dhimaya amniga marin biyoodka, xorriyadda isu socodka maraakiibta, iyo badqabka ganacsiga caalamiga ah,”.

    Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya, ayaa bayaankooda ku yrii: waxay Soomaaliya mar kale carabka ku adkeeneysaa sida ay uga go'an tahay ilaalinta madaxbannaanida, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah,”.

    Mas'uuliyiinta Xuuthiyiinta ayaa hore u sheegay inay qorsheynayaan inay xiraan marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin istaraatiiji ah oo loo tixgeliyo albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas, isla markaana ay beegsan doonaan maraakiibta Sacuudiga ku wajahan.

  14. War deg deg ah, Trump oo baahiyay war cusub oo ku saabsan Marinka Hormuz

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in Mareykanku uu ka aargoosan doono haddii Iran ay bartilmaameedsato wax markab ah oo mara Gacanka Hormuz.

    “Laga bilaabo hadda, mar kasta oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay weerarto markab maraya Gacanka Hormuz iyadoo adeegsanaysa gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn ama hub kasta oo kale, Mareykanku wuxuu duqeyn doonaa buundo ama warshad koronto, wuuna burburin doonaa,” ayuu Trump ku sheegay bayaan uu ku daabacay bartiisa Truth Social.

    Wuxuu intaas ku daray in bartilmaameedyadaasi ay ku jiri karaan xarumo ku yaalla meel u dhow caasimadda Tehran ama gudaha magaalada Tehran, isagoo tilmaamaya meelaha suurtagalka ah ee Mareykanku tallaabo ka qaadi karo.

  15. War deg deg ah, Ilaalada Kacaanka Iran oo ku dhawaaqay weerarro ay ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku leeyahay

    Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhigyada Maraykanka ee King Faisal iyo Prince Hassan ee Urdun, iyadoo adeegsanaysa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn intii lagu jiray “Hawlgalka Nasr 25”, taas oo ay sheegtay inay waxyeello gaarsiisay qalab milatari iyo ciidamo Maraykan ah.

    IRGC waxay sheegtay bayaan ay soo saartay in la burburiyay ama waxyeello loo geystay goob diyaarinta diyaaradaha F-15, siddeed diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 ah, iyo laba diyaaradood oo qumaatiga u kaca oo culus.

    War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xarunta ay deggan yihiin ciidamada Maraykanka la bartilmaameedsaday, ayna jiraan askar la dilay iyo kuwo dhaawacmay.

    Sheegashooyinka IRGC weli si madax-bannaan looma xaqiijin, waxaana aan weli wax jawaab ah ka bixin saraakiisha Maraykanka ama Urdun.

  16. Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino oo loogu baaqay inuu is casilo

    Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay in hoggaankiisu uu “dilayo kubadda cagta.”

    Isagoo la hadlayay wargeyska Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport, Tebas wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in waqtigii Infantino uu hoggaanka hayay uu dhammaaday, inkastoo uu qiray in uu taageero ka haysto inta badan ururrada kubadda cagta ee dunida.

    Tebas wuxuu ku andacooday in nidaamka doorashada madaxweynaha FIFA uu yahay mid musuqmaasuq badan, taas oo keentay in cidna aysan ku dhiiran inay la tartanto Infantino, maadaama ay aaminsan yihiin inaysan guulaysan karin.

    Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay Infantino, isagoo ku eedeeyay faragelin ku saabsan go’aankii ganaaxa ciyaaryahanka Mareykanka ee Balogun, fasaxyada cabitaanka biyaha inta lagu jiro ciyaaraha, waqtiga dheer ee nasashada kama dambaysta ah, iyo soo jeedinta ah in Koobka Adduunka lagu kordhiyo 64 kooxood.

    Intaa waxaa dheer, Tebas wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaal badan oo kubadda cagta ah aysan ku qanacsanayn hoggaanka Infantino, balse ay doorteen inay aamusiyaan.

    Dhinaceeda, UEFA waxay dhaleeceysay go’aanka lagu oggolaaday Balogun inuu ciyaaro, iyadoo ku tilmaantay go’aanka mid “aan la iska indho tiri karin, aan la fahmi karin, isla markaana aan la sharxi karin.”

    Infantino ayaa la filayaa in mar kale loo doorto muddo afraad xilka madaxweynaha FIFA shirweynaha FIFA ee la qaban doono bisha Maarso ee sannadka dambe, laakiin Tebas wuxuu qiray in arrinta Balogun ay dhaawici karto fursaddiisa.

    BBC Sport ayaa xiriiro la smaeynaysa FIFA si ay uga hesho jawaab ku saabsan eedeymaha loo jeediyay madaxweynaheeda.

  17. Dhaqaalaha Maraykanka uga baxay dagaalka Iran oo kor u dhaafay $37 bilyan iyo weerarada ee wali socda

  18. Madrid oo weli laga dabaaldagayo kadib guushii Spain ee Koobka Adduunka

  19. Trump oo markuu Spain Koobka guddoonsiin rabay laga maqlay garoonka oorin iyo qeylo

  20. 'Netanyahu waa dambiile dagaal.. laguma soo dhaweynayo New York' - Zohran Mamdani