Saraal sare oo boolis ah oo ka badbaaday iskuday lagu khaarijin rabay
Mid ka mid ah saraakiisha booliiska ugu sarreeya Koonfur Afrika ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay magaalada Johannesburg, sida ay booliisku sheegeen.
Ku-xigeenka madaxa sirdoonka la-dagaallanka dambiyada, Maj-Gen Feroz Khan, ayaa la toogtay fiidnimadii Axadda xili uu ka yimid daawashada cayaar kubadda cagta ah kuna sii socday gurigiisa.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in sarkaalka loola cararay isbitaal, halkaas oo loogu sameeyay qalliin degdeg ah.
Toogashadan ayaa dhacday maalmo yar ka hor inta uusan Khan ka hor muuqan guddi baaritaan dadweyne oo loo sameeyay in lagu baaro dambiyada iyo musuqmaasuqa ka dhex jira booliiska South Africa.
Afhayeenka booliiska Koonfur Afrika, Brig Athlenda Mathe, ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii ku sheegtay, in booliisku ay wadaan baaritaan.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: