You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Maxay tahay sababta calamada Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq aan dhulka loo dhigin Koobka Adduunka?

  2. Ingiriiska oo ku dhawaaqay lacago dheeraad ah oo lagu maalgalinayo difaaca

    Keir Starmer oo Ku Dhawaaqay £15 Bilyan oo Dheeraad ah oo Lagu Kordhinayo Miisaaniyadda Difaaca Britain

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa ku dhawaaqay £15 bilyan oo dheeraad ah oo lagu maalgelinayo difaaca dalka, ka hor inta aan maanta la soo bandhigin qorshaha muddada dheer ee kharashaadka dowladda.

    Starmer ayaa sheegay in miisaaniyadda difaaca ee Britain ay gaari doonto £80 bilyan sanadkii marka la gaaro 2029, iyadoo lacagtaasi loo adeegsan doono xoojinta awoodda ciidamada iyo casriyeynta qalabka difaaca.

    Si loo maalgeliyo qorshahan, ayuu sheegay in dowladda ay joojin doonto ama dib u dhigi doonto qaar ka mid ah mashaariicda waddooyinka iyo tamarta, si dhaqaalaha loogu wareejiyo qeybta difaaca.

  3. WhatsApp oo u ogolaaneyso dadka isticmaala in ay lambar la'aan adeegsadaan app-ka

  4. Maxay ciyaartoyda Koobka Adduunka cayaaraya u wada xiran yihiin kabo (pink) ah?

  5. Maxaa keenay in Yurub ay xayiraado kusoo rogto baasaboorka Soomaaliga ah?

  6. Iran: Xiriirka u Dhexeeya Tehran iyo Washington Waa Mid Siyaasadeed, Ma Aha Mid Milatari

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka uusan ahayn mid u dhexeeya ciidamada labada dal, balse uu yahay xiriir siyaasadeed oo u dhexeeya hay’adaha dowladda.

    Baghaei ayaa sheegay in dhinaca Iran ay wada-xiriirka u qaabilsan tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, halka dhinaca Mareykankana uu matalo mid ka mid ah mas’uuliyiinta ay arrintani khusayso.

    Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in geeddi-socodka iibinta shidaalka ceyriin iyo waxyaabaha kale ee batroolka ee Iran uu si weyn u fududaaday.

    Dhanka kale, Baghaei ayaa sheegay in berri oo Arbaco ah ay koox khubaro ah oo ka socota Iran wadahadallo kula yeelan doonaan mas’uuliyiinta Qatar magaalada Doxa.

    Sida uu sheegay, kulamadaasi waxay diiradda saari doonaan hirgelinta ballanqaadka la xiriira sii deynta hantida Iran ee dibadda lagu xayiray.

  7. Madaxweynaha Iran: Wadahadalladii Mareykanka Waxay Ku Socdeen Hagidda Hoggaanka Sare

    Madaxweynaha Iran, Massoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dhammaan marxaladihii wadahadallada ay la yeesheen Mareykanka ay ku socdeen "qaab waafaqsan siyaasadaha guud ee nidaamka," isla markaana ay jireen "isku-duwid buuxda oo joogto ah" oo lala lahaa Hoggaamiyaha Sare, Mojtaba Khamenei.

    Isagoo kulan la qaatay xubno ka tirsan Ururka Macallimiinta Madarasada Diinta ee Qom, Pezeshkian ayaa ku tilmaamay heshiiska lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay Iran iyo Mareykanka inuu yahay "guul diblomaasiyadeed."

    Wuxuu sheegay:"Nasiib darro, waxaa jira kooxo la safan ololeyaasha nafsiyeed ee warbaahinta mucaaradka kuwaas oo isku dayaya inay dhaawacaan guushan, iyagoo weeraraya kooxda wadaxaajoodka isla markaana shaki gelinaya go'aannada qaran."

    Madaxweynaha Iran ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka gaabsatay inay ka jawaabto qaar ka mid ah eedeymaha loo jeediyay, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

    Kadib markii la saxiixay is-afgaradka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo garabyada siyaasadeed ayaa si kulul u dhaleeceeyay heshiiska.

    Dhaliilaha ayaa sii xoogeystay kaddib markii la baahiyay farriin uu diray Hoggaamiyaha Sare, Mojtaba Khamenei, oo ku saabsan heshiiska is-afgaradka ee Iran iyo Mareykanka.

    Dhaleeceyntu waxay gaartay heer mid ka mid ah dadka taageera Massoud Pezeshkian uu ugu hanjabay dil, isagoo arrinta ka duulaya wadahadallada iyo hirgelinta shuruudaha uu dejiyay Hoggaamiyaha Sare.

    Dowladda Iran ayaa cambaareysay hadalladaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo "aad u gef badan oo aan la aqbali karin."

    Sidoo kale akhri

  8. Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka: Waan ku faraxsanaa inkooxdii ciyaartoyda Iraan ay ka haraan koobka adduunka

    Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Marquin Mullin, ayaa soo dhoweeyay ka harista xulka qaranka Iran ee Koobka Adduunka, isagoo sheegay inuu "aad ugu faraxsan yahay."

    Isagoo la hadlayay warfidiyeennada shir looga hadlayay ammaanka Koobka Adduunka oo ka dhacay magaalada Washington, Mullin ayaa yiri:"Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inay baxeen. Ma jirin xul nagu abuuray dhibaato sida Iran oo kale."

    Wuxuu intaas ku daray:"Waxaan aad ugu faraxsanahay inay howshoodii dhammaatay oo aysan mar kale soo laaban doonin,Markii ay noo suuragashay inaan baabi'inno fiisooyinkooda oo aan u sheegnay inay ka baxaan Mareykanka, waxaan dareemay farxad aad u weyn, ilaa aan qaaday hees ama laba, isla markaana aan farxad la ciyaaray."

    Xulka qaranka Iran ayaa lagu wadaa inay fiidnimada Talaadada,waqtiga Iran, uga safraan xaruntooda ku taalla Tijuana ee dalka Mexico una duulaan Antalya, halkaasna ay uga sii gudbi doonaan magaalada Tehran.

    Sidoo kale akhri

  9. Ciidamo aad u badan oo la geeyay Koonfur Afrika iyada oo uu maanta ku ekaa waqtigii loo qabtay soo galootiga

  10. Mareykanka oo amar cusub kusoo rogay qaxootiga ay Soomaalida ka mid tahay ee heysta sharciga TPS

  11. Cabbaas Araqchi:Tehran "kaliya" ayaa mas'uulka ah in ay si buuxda u furto marinka Hormuz

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi ayaa mar uu Axadii booqasho ku tagay dalka Ciraaq sheegay in Tehran ay "kaliya" mas'uul ka tahay in ay si buuxda u furto marinka Hormuz, sida uu dhigayo heshiiskii ay la galeen Mareykanka, faragelin kastana ay caqabad ku noqon doonto hannaankan, ayna horseedi doonto xiisad colaadeed.

    "Ku xadgudubka qaybo ka mid ah heshiiska Mareykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda [Israa'iil] - gaar ahaan qodobkiisa koowaad - wuxuu caqabad weyn ku noqday soo celinta amniga iyo xasilloonida gobolka," ayuu yiri mar uu la kulmay madaxweynaha Ciraaq Nizar Amidi.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaa ku daray inay doonayaan in la dhaqan geliyo qodobada heshiiska, balse ay "qaadi doonaan tillaabooyin adag" oo ay kaga hortagayaan xadgudub kasta oo ka yimaada dhanka kale.

    Waxaa xusid mudan in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ugu yaraan labo markab lagu beegsaday marin biyoodka Hormuz, taasoo keentay in Iran iyo Mareykanka ay weeraro isweydaarsadaan.

    Markabkii ugu horeeyay ayaa la beegsaday maalintii Khamiista, waxaana xigay Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay xeebaha koonfureed ee Iran, Iran ayaa sheegtay inay beegsatay saldhigyada Mareykanka ee gobolka, taasoo jawaab u ah.

    Labada Tehran iyo Washington ayaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu jabiyay xabbad joojinta.

    Sidoo kale akhri

  12. Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

    Dhowr diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nuucoodu yahay T129 ATAK ayaa galabta lagu soo badhigay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in lagu xusayay maalinta guusha qaran ee Turkiga sida uu baahiyay talafishinka dowladda Soomaaliya.

    Waxaa goobjoog ahaa goobta munaasabadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka qaarkooda sida wasiirka gaashaandhigga dalka.

    Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradahu ay muujinayaan taagerada Turkiga ee dhismaha hay'ada difaaca Soomaaliya.

    Maxay tahay T129?

    Diyaaradaha T129 ATAK waa diyaarado siyaabo kala duwan u dagaallama iyagoo loogu talogalay in ay si dhow u taageeraan ciidamada iyo howlgalada sahanka. Diyaaradahan waxay sidoo kale awood u leeyihiin in laba saacadood ay hawada ku jiraan.

    Habka ay u kala wareegayaan iyo sida tooska ah e ay u beegsan karaan cadowgooda ayaa ka dhigay in ay noqdaan kuwa tayadoodu sareyso.

    Waxaa ku xiran diyaaradahan hub casri ah oo ay ku jiraan kuwa darandooriga u dhaca iyo gantaallada. Sidoo kale diyaaradahan qumaatiga u kaca waxaa lagu yaqaan in ay si saxan u weeraraan goobaha ay doonayaan iyagoo degdeg jihada ay doonaan ugu wareegi kara.

    Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee wax weerara waxaa la sheegay in ay yihiin helikobtarada ugu waxtarka badan noocyadeeda, waxaana loo adeegsan karaa sidoo kale duqeymaha meelaha aan fogeyn.

    Awooda diyaaradahan waxaa ka mid ah in ay ku dagaallami karaan cimilo kasta, waxaana ujeedkii hore ee loo sameeyay uu ahaa in ay daboolaan baahida ciidamada Turkiga.

  13. Ku simaha wasiirka difaaca iraan: Ma aamineyno cadowga

    Ku simaha wasiirka difaaca ee Iiraan, ayaa sheegay in "haddii ay dhacdo in la jebiyo qodobbada xabad joojinta, ay qaadi doonnaa tallaabo ku habboon oo lagama maarmaan ah".

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA, Majid Ibn al-Reza ayaa arrintan ku soo qaaday wicitaan taleefan oo uu la yeeshay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Qatar, isla markaana wuxuu muujiyay sida Iran ay diyaar ugu tahay inay ballaariso iskaashiga difaaca ee ay la leedahay Qatar".

    Wasiirka ayaa yiri, "Ma aamini karno cadowga”

    Tan iyo markii weerarrada Israa'iil iyo Mareykanka ay bilowdeen, Iiraan waxay qaadday weerarro aargoosi ah, oo ay ku jiraan bartilmaameedyo ku yaal Qatar".

    Qatar iyo Pakistan ayaa hadda wada howlaha, si Iiraan iyo Mareykanka ay u gaaraan heshiis nabadeed oo joogto ah".

    Sidoo kale akhri

  14. UK oo soo saartay sharci cusub oo qabanaya qaxootiga iyo magan-galyo doonka

  15. Cilmi-baaris war naxdin leh u wadda doobabka iyo garoobbada

    Dadka guursaday waxay u badan tahay inysan u dhiman wadno xanuun marka la barbar dhigo kuwa doobabka ah, sida ku cad cilmi-baaris cusub. Cilmi-baarayaashu waxay arruuriyeen xogta 34 daraasadood oo hore oo ay ku lug lahaayeen in ka badan laba milyan oo qof.

    Waxay ogaadeen iyagoo barbardhigaya dadka guursaday in dadka kala tagay, kuwa laga dhintay ama aan waligood guursanin ay 42 boqolkiiba u dhow yihiin inay qaadaan cudurrada wadnaha,iyadoo sidoo kale 16 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay qaadaan cudurrada halbowlaha wadnaha ku dhaca.

    Dadka aan guursan ayaa sidoo kale boqolkiiba 43 aad ugu dhow inay u dhintaan cudurrada wadnaha halka 55 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay u dhintaan faalugga, sida lagu sheegay cilmi-baarista ay sameeysay majaladda Heart.

    Inkastoo cilmi-baarista aan lagu faah-faahin sida guurku u caawin karo hagaajinta caafimaadka wadnaha, haddana waxaa jira sababo badan oo guurka laga yaabo inuu yeesho saameyn ilaalin ah oo ay ku jiraan xasillooni dhaqaale oo dheeraad ah iyo taageero bulsho, ayuu yiri qoraaga sare ee daraasadda Dr. Mamas Mamas oo ka tirsan Jaamacadda Keele ee UK.

    "Tusaale ahaan waxaa la ogsoonyahay in bukaannadu ay qaataan dawoooyinka muhiimka ah sida kuwa wadne xanuunka qaba ama faalugga oo ay cadaadis isku saaraan qaadashada dawooyinka haddii ay lamaane yihiin ," ayuu yiri Dr Mamas.

  16. Kumanaan qof oo saxiixay fatwada Golaha Khubarada Iiraan oo ahayd in la dilo Trump iyo Netanyahu

    Wakaaladda Wararka Mehr ayaa sheegtay, in kumanaan qof ay soo dhaweeyeen bayaanka ka soo baxay Golaha Khubarada.

    Bayaanka oo la soo saaray Sabtidii isla markaana ay saxiixeen 63 ka mid ah 88 xubnood ee Golaha Khubarada ee Iiraan, ayaa loogu baaqay in laga aarguto dilkii Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyo fatwo Muslimiinta ugu baaqay inay dilaan Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu haddii ay fursadda helaan.

    Codsiga, oo la gudbiyay 27-ka Luulyo, ayaa waxaa bilaabay "barayaal jaamacadeed, seminaarro, iyo dad heer sare ah," ayaa ururiyay in ka badan 25,000 oo saxiix markii warkan la isku soo ururiyay.

    Isla markii la sii daayay bayaankan, Madaxweynaha Iiraan Masoud Peshkeskian wuxuu la kulmay dhowr ka mid ah madaxda diinta iyo culimada ugu waaweyn dalka intii uu ku guda jiray safarkiisa Qom, isagoo muujiyay walaaciisa ku aaddan waxa uu ugu yeeray "dadaallada qaar ee ka socda gudaha iyo dibadda dalka si loo waxyeeleeyo midnimada qaranka iyo isku xirnaanta, iyo sidoo kale in la carqaladeeyo geeddi-socodka heshiisyada".

    Markii hore waxaa soo baxay kala qaybsanaan aan caadi ahayn oo ka dhex taaganayd Golaha khuburada Iiraan oo ah hayadda ugu sarreysa culimada diinta ee Iiraan.

    Ku dhowaad saddex meelood laba meel xubnaha golaha oo ka kooban 88 xubnood ayaa soo saaray fatwo diimeed ay ku baaqayaan in la dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

    Fatwada ayaa sheegtay in ay waajib ku tahay Muslimiinta inay dilaan labada hoggaamiye haddii ay fursad u helaan.

    Si kastaba ha ahaatee, maamulka Golaha Khubarada ayaa ku tilmaamay fatwadan “mid aan caadi ahayn”, iyagoo sheegay in waxa ku qoran ay u baahan yihiin dood iyo falanqeyn dheeraad ah.

    Fatwadan oo ay soo saareen xubno mayal adag ayaa lagu daray warqad loo diray shacabka Iiraan. Warqaddaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Tehran aysan ahayn inay oggolaato furitaanka Marin-biyoodka Hormuz ama in barnaamijkeeda nukliyeerka lagaga hadlo wada-hadallada ay la leedahay Maraykanka.

  17. Ma rabtaa inaad dareento faraxad markaad shaqeynayso?

  18. Inaad labo jeer cadeysato maalintii ma wanaagsana, sababta ogow

    Dhammaanteen waxaan u maleyneynaa inaan naqaanno sida loo cadaydo ilkaheenna - xoqid subax iyo habeen, biyo ku raaci iyo laga yaabee isticmaalka af-dhaq ka sameysan nacnaac oo qiyaas wanaagsan ah.

    Laakiin sida ay qabaan khubarrada ilkuhu, xitaa dadka cadeysiga aadka ugu dadaala waxaa laga yaabaa inay samaynayaan khaladaad yar oo dib u dhigaya shaqadooda wanaagsan.

    Dr Praveen Sharma, oo ka tirsan dugsiga cilmiga ilkaha ee jaamacadda Birmingham, ayaa sheegay in kala bar dadka qaangaarka ah ee ku nool UK uu mar uun ku dhici doono cudurka cirridka iyo calaamadda hore ee cirridka oo dhiig baxaya.

    "Haddii cirridkaagu uu dhiig baxayo ama bararayo waa calaamad ku tusineysa inaad u baahan tahay inaad si fiican u cadayato," ayuu yiri.

    Iyo sidoo kale booqashooyinka joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha, halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa afar shay oo isaga iyo daadiheyeyaasha barnaamijka What's Up Docs ee BBC Dr Xand iyo Dr Chris van Tulleken, ay ku sheegeen in qaar badan oo naga mid ah ay hadda khaldan yihiin kuwaas oo haddii aan beddelno hagaajin kara caafimaadka ilkaheenna.

    Inaad mar qura si fiican u cadeysato ayaa ka wanaagsan inaad labo jeer dhaqso u cadeysato.

    aa mid ka mid ah amarrada dhanka ilkaha ee weyn - cadayashada laba jeer maalintii - taasina waa waxa waaxda caafimaadka UK ee NHS ay ku talinayso.

  19. Qalliinka dhalmada kadib ayay ogaatay in ay kelli ka maqantahay

  20. War deg deg ah, Hindiya oo Taaliban-ka Afghanistan garab istaagtay, kadib duqeymihii Pakistan

    Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa lagu cambaareeyay duqeymihii dhinaca cirka ee Pakistan ay habeenkii Axadda ka fulisay Afghanistan.

    Bayaanka oo la soo saaray 29-kii Juun ayaa ku tilmaamay weerarrada Pakistan "gardarro cad iyo xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Afghanistan," iyadoo la sheegay inay ku dhinteen dad rayid ah oo badan.

    Pakistan ayaa sheegtay in habeenkii Axadda, iyadoo ku salaynaysa waxa ay ku tilmaantay "xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo," ay ciidamadeedu beegsadeen saddex goobood oo ay ku sugnaayeen kooxaha Jamaat-ul-Ahrar iyo Tehreek-e-Taliban Pakistan ee gobollada Paktika, Paktia iyo Kunar ee Afghanistan, ayna ku dileen 25 dagaalyahan.

    Hase yeeshee, afhayeen u hadlay Dowladda Taliban ee Afghanistan ayaa ku eedeeyay militariga Pakistan inay duqeeyeen goobo ay ku nool yihiin dad rayid ah, taasoo sababtay dhimashada 36 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, iyo dhaawaca 163 kale. Taliban waxay ku doodaysaa in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen rayid.

    Sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya:

    "Hindiya waxay tacsi u diraysaa qoysaska reer Afghanistan ee waayay ehelladooda, waxayna u rajaynaysaa dhaawacyada inay si degdeg ah u bogsadaan."

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hindiya ay mar kale xaqiijinayso taageeradeeda aan leexleexashada lahayn ee madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Afghanistan.