You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Qoorqoor oo ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka doorashada Galmudug

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka doorashada maamulkaas oo mudo muran ka taagnaa.

    “Waxaan go’aansaday howshan hadda socota annigu in aan ka hadho oo aan ka tanaasulo” ayuu sheegay isaga oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacaysay magaalada Dhuusamareeb habeenkii xalay ahaa oo uu goobjoog ka ahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

    “Xilka ayaan sii haynaynaa, cid kasta oo kusoo baxdana waxaan ku wareejinaynaa Galmudug midaysan caafimaad qabta oo horey u socota.”

    Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2020-kii kadib markii uu ku guuleystay doorashadii halkaas ka dhacday.

    Isagoo xusay in uu u daneeyay mustaqbalka maamulkaas xilkana usii haynayo inta maamul cusub ka imanayo.

  2. War deg deg ah, Mareykanka oo sheegay in weerarka lagu qaaday markab shidaal oo laga leeyahay Singapore ay fulisay Iran

    Saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la shaacin ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in weerarkii Khamiistii lagu qaaday markab shidaal oo ku dhow Marinka Hormuz ay fuliyeen Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC).

    Iran weli kama aysan jawaabin sheegashadan, balse Ciidanka Badda ee IRGC ayaa habeenkii Arbacada ka digay in maritaanka Hormuz ay kaliya suurtagal tahay marka Iraan lagala macaamilo marinnada sida rasmi ah loo shaaciyey, isla markaana maraakiibtu ay marinka uga gudbaan iyadoo ay kaashanayaan ciidamada Iran.

    Maanta Khamiis, 25-ka Luulyo Hay’adda cusub ee Maareynta Marinka Hormuz ayaa ka digtay in “cawaaqibka ka dhasha marista marinnada aan la oggolayn” ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan maraakiibta.

    Wakaaladaha wararka Iran ayaa habeenkii Khamiista qortay: “Iyada oo laga jawaabayo su’aalo soo noqnoqday, Hay’adda Marinnada Biyaha ee Gacanka Faaris (PGSA) waxay ku dhawaaqday in gaadiid kasta oo mara waddooyin ka baxsan nidaamka ay hay’addu dejisay aanu hoos imanayn dammaanadda marin ammaan ah, isla markaana aanu ku jiri doonin caymiska iyo waajibaadka la xiriira.”

    Qoraalka hay’addu wuxuu sidoo kale adkeeyey in: “Cawaaqibka ka dhasha safarka marinnada aan la oggolayn ay qaadi doonaan milkiilaha, hawlwadeenka iyo kabtanka markabka.”

    Digniintii IRGC ee habeenkii Arbacada waxay timid kaddib markii Cumaan ay ku dhawaaqday, intii uu Marco Rubio booqanayay dhowr dal oo Khaliijka ah, inay samaysay marin-badeed cusub si loo dedejiyo maritaanka maraakiibta ee Marinka Hormuz. Warkaas waxaa soo dhoweeyey Baxrayn, balse waxay u muuqataa in bayaan ka soo baxay Ciidanka Badda ee IRGC uu ahaa “falcelin taban” oo ku wajahan sameynta marinka cusub.

    Si kastaba ha ahaatee, Iran weli si rasmi ah uma aysan aqbalin mana aysan beenin mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday markabka laga leeyahay Singapore.

  3. War deg deg ah, Maxkamadda Sare ee Maraykanka: Donald Trump wuu ka noqon karaa sharci ilaaliya kumanaan Soomaali ah oo Maraykanka kunool iyo boqolaal kun oo dunida kale ka yimid.

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Xaaladdan ayaa u oggolaatay 350,000 muhaajiriin ka yimid Haiti iyo 6,100 ka yimid Suuriya inay ku sii nagaadaan Maraykanka sanado badan.

    Go’aanka Khamiistii kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa inuu saameyn ku yeesho dadka ka haysta xaaladdan ee ka yimid dalal kale.

    Go’aan kale oo gooni ah, Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale sheegtay in muhaajiriinta gaaraya xadka Maraykanka iyo Mexico aysan xaq u lahayn inay dalbadaan magangelyo ilaa ay cagta soo dhigaan gudaha dalka, taas oo loo arko guul kale oo u soo hoyatay maamulka Donald Trump.

    Temporary Protected Status (TPS) waa nidaam ay dowladda Maraykanku siiso dadka ajnabiga ah ee ka yimid dalal aan awoodin inay dib u qaabilaan muwaadiniintooda sababo la xidhiidha dagaal, masiibo dabiici ah, ama xaalado kale oo burbur ah. Dadka hela xaaladdan waxay si sharci ah ugu noolaan karaan ugana shaqayn karaan Maraykanka ilaa 18 bilood, iyadoo la cusboonaysiin karo.

    Inta muddadaas lagu jiro, hay’adaha amniga ma awoodaan inay masaafuriyaan ama xidhaan dadkaas sababo la xiriira xaaladdooda socdaalka.

    Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay siiyay “xaaladda ilaalinta ku-meelgaarka ah” muhaajiriinta Haiti kadib dhulgariirkii 2010, halka muhaajiriinta Suuriya lagu siiyay kadib dagaalkii sokeeye ee 2012.

    Ku dhawaad 2,500 oo Soomaali ah ayaa haysta sharcigaan taas oo ka dhigan in hadda kadib Trump soo masaafurin karo dadkaas kadib ogolaanshaha maxkamadda.

  4. War deg deg ah, Reuters: Netanyahu waa dhibbanaha ugu weyn ee heshiiska Iran iyo Maraykanka

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa falanqeeyayaal iyo saraakiil hore oo Maraykan ah, ayaa sheegtay in heshiiska Iran iyo Maraykanka uu dhaawici karo kalsoonida siyaasadeed ee Benjamin Netanyahu si ka badan inta uu wax u dhimayo istaraatiijiyadda Israel ee ku wajahan Tehraan.

    Muddo sanado ah, Netanyahu wuxuu isu soo bandhigayay inuu yahay hoggaamiyaha keliya ee Israa’iili ah ee saameyn ku yeelan kara siyaasadda Washington ee ku aaddan Iran, isla markaana Maraykanka ku qancin kara dalabaadka Israel. Isagoo ku tiirsan taageerada Jamhuuriga Maraykanka, wuxuu si joogto ah u adkaynayay in cadaadis milatari oo keliya lagu xakameyn karo Tehraan.

    Laakiin sida ay Reuters sheegtay, saxiixa is-afgaradka dhex maray Washington iyo Tehraan si dagaalka loo soo afjaro wuxuu muujinayaa in xisaabtaasi is beddeshay. Halkii uu siyaasadda Maraykanka jihayn lahaa, Netanyahu hadda wuxuu ku khasban yahay inuu aqbalo jihada Donald Trump, oo ah madaxweyne u arka diidmada Israa’iil inay caqabad ku tahay heshiis la gaadho.

    Sarkaal hore oo Maraykan ah, Dennis Ross, ayaa sheegay in Benjamin Netanyahu uu ku dhex xayiran yahay baaqa Donald Trump ee ah in colaadda la soo afjaro iyo diidmada taageerayaashiisa gudaha ee ku aaddan tanaasullada, gaar ahaan arrimaha Lubnaan.

    Aviv Bushinsky, oo hore la taliye ugu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, ayaa isaguna yidhi: “Heshiiska Iran iyo Maraykanka waa dharbaaxo go’aan leh oo ku dhacday Netanyahu. Ma aha oo keliya inuu ku guuldarraystay dagaalkii Iran, balse sidoo kale wuxuu waayay Trump oo saaxiib u ahaa.”

    Reuters waxay qortay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uusan ka jawaabin codsi ay wakaaladdu ka dalbatay faallo ku saabsan arrintan.

  5. War deg deg ah, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga: Marna kama anaan qaybgelin dagaalka Iran

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in dalkiisu uusan waligiis ka qaybgelin dagaalka Iran.

    Waxay sheegtay in Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, uu si khaldan u fahmay nooca duullimaadyada la oggolaaday, dabadeedna uu saxay khaladkiisa isla markaana uu arrinta caddeeyay.

    Meloni waxay hadalkan ka sheegtay dhammaadkii shir-madaxeedkii 36-aad ee dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska, kaas oo ka socda Antibes.

    Waxay tidhi Rooma waxay u hoggaansantay waajibaadkeeda iyo heshiisyadii la xidhiidhay isticmaalka saldhigyada, balse intaas kama sii gudbin.

    Mark Rutte ayaa Arbacadii u sheegay Fox News in Yurub dhab ahaantii ahayd “meel ay Maraykanku ku muujiyaan kuna adeegsadaan awooddooda,” isaga oo ka jawaabayay hadallo uu Madaxweyne Donald Trump ku sheegay in xulafada NATO aysan Maraykanka si ku filan u taageerin.

    “Shan boqol oo diyaaradood oo Maraykan ah ayaa ka duulay saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Talyaaniga si ay u taageeraan Howlgalka Epic Fury. Sidaas darteed taageeradeennu aad bay u ballaadhneyd,” ayuu yidhi.

    Ka hor hadalka Meloni, Wasiirka Difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa sidoo kale sheegay in hadalka Xoghayaha Guud ee NATO uu ka dhashay “xamaasad” isla markaana uu sababay isfaham la’aan.

    Esmail Baghaei, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa ka falceliyay hadallada Xoghayaha Guud ee NATO, isaga oo sheegay in isbahaysigan milatari lagula xisaabtamo.

    Mudane Baghaei ayaa habeenkii Arbacada ku qoray X: “Tani waa qirasho cad oo muujinaysa ku lug lahaanshaha firfircoon ee NATO ee dagaalka gardarada iyo sharci-darrada ah ee lagu qaaday dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay; waana xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay.”

  6. War deg deg ah, Faahfaahin cusub oo ku saabsan weerar lagu qaaday markab xamuul ah meel u dhow marinka Hormuz

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Xarunta UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay in markabka uu ku dhacay madfac dhinaca starboard-ka, xilli uu marayay Marinka Hormuz, qiyaastii 14 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan dekedda Dahit ee Cumaan.

    Sida ku cad qiimeyntii hore ee Embry Maritime Security, dhacdadan waxaa loo arkay weerar sababay dhaawac soo gaaray qolka hagista markabka, balse wax dhimasho ah ama waxyeello deegaan ah lama soo sheegin.

    Mas’uuliyiintu waxay wadaan baadhitaanka dhacdadan, waxaana maraakiibta lagula taliyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan marka ay marayaan aaggaas.

    Sidoo kale, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in maritaan ammaan ah oo loo maro Marinka Hormuz uu suurtagal ka yahay keliya jidadka ay Iran cayimtay, isla markaana maraakiibta aan u hoggaansamin xeerarkan lala tacaali doono.

    Ka hor dhacdadan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in haddii Iran ay hanjabto ama joojiso maraakiibta maraya Marinka Hormuz, “waxaan la kulmi doonnaa dhibaato.”

    Sidoo kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobay (IMO) ayaa ka qayb qaadanaysa samatobixinta boqolaal markab oo ku xaniban Gacanka Faaris, kuwaas oo halkaas ku xayirmay tan iyo markii dagaalku billowday dabayaaqadii Febraayo.

    Shirkadda reer Taiwan ee Evergreen, oo leh markabka, weli wax faallo ah kama bixin arrintan.

  7. Madaxweynihii hore ee Somaliland oo digniin u diray xukuumadda madaxweyne Cirro

    Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku taliyay in laga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli ay caalamka ka dhacayaan isbedello siyaasadeed oo waaweyn.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa madaxweyne hore Muuse Biixi ku yiri: sidaan “Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doonaa”.

    Wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in laga feejignaado waxa ka imaan kara heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, isagoo si gaar ah xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay aad uga fiirsato waxa ka dhalan kara gelitaanka heshiisyada caalamiga ah si aaney wax ugu dhimin Somaliland, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:

    “Sida darteed, waxa lagama maarmaan ah in si qoto dheer loo lafo-guro culayska iyo natiijada ka soo baxaysa heshiisyada iyo isbeddellada socda, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed. Sidaas awgeed, waxa la gudboon Dawladda, gaar ahaan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, inay si xeeldheer u daraasadayso saamaynta ka dhalan karta isbeddelladan caalamiga ah, si looga baaqsado il-duuf siyaasadeed oo wax u dhimi kara danaha Qaranka. Waxa kale oo muhiim ah in tallaabooyinka aynu hore u qaadnay iyo kuwa ina horyaalla la is waafajiyo, iyadoo lagu salaynayo danta Qaranka”.

    Hadalka madaxweyne hore Muuse Biix, ayaa ku soo aadaya xilli madaxweyne Cirro uu maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa, kadib safar uu toddobaad ugu maqnaa Israa’iil.

  8. Wariye geeriyooday kadib markii gaarigiisa qarax loogu xiray

    Wariye u shaqeynayay telefishinka Al Arabiya ee dalka Yemen ayaa xalay lagu dilay dalkaasi, kaddib markii bam lagu qarxiyay gaarigiisa.

    Al Arabiya ayaa sheegtay in wariyaheeda, oo la oron jiray Maxamed Aida, lagu bartilmaameedsaday magaalada Mukalla. Sawirro ay baahisay Reuters ayaa muujinaya gaarigiisa oo burburay isagoo yaalla gudaha xarun boolis.

    Sida ay sheegtay Al Arabiya, saraakiisha amniga ee Mukalla ayaa qiyaastii bil ka hor uga digay in naftiisu khatar ku jirto. Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

    Dilkan ayaa dhacay xilli Yemen ay wajahaysay xiisado siyaasadeed iyo amni oo ka dhashay dagaallo u dhexeeyay ciidamo uu taageero Sacuudigu iyo xoogagga gooni-u-goosadka ah ee uu taageero Imaaraadka Carabta, kuwaas oo socday intii u dhexeysay Noofambar iyo Janaayo.

    Intii ay socdeen iska horimaadyadaas, gacan-ku-haynta magaalada Mukalla ayaa dhowr jeer isu beddeshay Golaha Ku-meelgaarka ah ee Koonfurta Yemen iyo ciidamada ku xiran dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay. Hadda magaalada waxaa gacanta ku haya ciidamada ay taageerto Sacuudi Carabiya.

    Golaha Kumeel-gaarka ee Koonfurta Yemen oo uu taageero Imaaraadka Carabtu, ayaa cambaareeyay dilka, wuxuuna ku tilmaamay calaamad muujinaysa dhibaatooyin amni oo ballaaran oo ka jira gobolka Xadramowt ee bariga Yemen.

    Rashad Al-Alimi, oo ah madaxa Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, ayaa amar ku bixiyay in la dhiso guddi wadajir ah oo baaraya dilkan, wuxuuna sheegay in dadka ka dambeeyay la horgeyn doono sharciga.

    Yemen ayaa colaad ku jirtay tan iyo sannadkii 2014, markaas oo kooxda Houthis ee ay taageerto Iiraan ay qabsatay magaalada Sanaa, taasoo keentay in isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudi Carabiya uu ku biiro dagaalka.

  9. War deg deg ah, Degdeg: Weerar lagu qaaday markab marayay meel u dhow Hormuz

    Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday inay heshay warbixin ku saabsan dhacdo ka dhacday biyaha u dhow Marin-biyoodka Hormuz, waqooyiga dalka Cumaan.

    Markab xamuul ah ayaa dhiniciisa midig waxaa ku dhacay walax aan la aqoonsan, taas oo dhaawac gaarsiisay qaybta laga hago markabka.

    Kabtanka markabka ayaa sheegay in aysan jirin cid ku dhaawacantay dhacdada, isla markaana aysan wax saameyn deegaanka ah ka dhalan.

    Mas’uuliyiinta ayaa baaraya arrintan, waxaana maraakiibta ku sugan aagga lagu wargeliyay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan isla markaana ay UKMTO ku soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

    Iiraan ayaa hore uga digtay in isu-socodka maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz uu noqdo mid la isku dubbariday oo raaca marin ay Iiraan u qoondeysay maraakiibta isticmaasha marin-biyoodkaa

  10. DAAWO: Sawirrada laga soo qaaday qyabo ka mid ah Venezuela

    Dhulgariirka ku dhuftay dalka Venezuela ayaa gaystay burbur xooggan. Waxaana laga soo qaaday goobaha qaar sawirro muujinaya baaxadda dhulgariirka. Daawo sawirrada iyo burburka uu sababay dhulgariirka dadka badan ku dhinteen.

  11. War deg deg ah, War cusub oo ka soo kordhay cudurka Ebola iyo faahfaahin

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa soo rogtay xayiraado cusub oo dhinaca safarka ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Ebola.

    Qof kasta oo ka baxaya meelaha uu cudurku saameeyay waa inuu hadda maro muddo go'doon ah oo ah 21 maalmood ka hor inta uusan u safrin meel kale oo dalka gudihiisa ah ama dibadda ah.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii kiiskii ugu horreeyay ee Ebola laga helay dalka France, kaas oo ku saabsanaa dhakhtar ka soo laabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Mas’uuliyiinta Congo ayaa ka codsaday Faransiiska inuu la wadaago xogta lagama maarmaanka u ah dabagalka dadka uu cudurku gaari karo, iyadoo la xoojiyay kormeerka garoomada diyaaradaha ee Kinshasa iyo Bunia, oo ah xarunta uu cudurku sida weyn uga dillaacay.

    Ilaa hadda, waxaa la xaqiijiyay in ka badan 1,000 kiis oo Ebola ah, kuwaas oo ay ku jiraan 291 qof oo geeriyooday.

  12. Midowga Yurub oo Soomaalida kusoo rogay xayiraad fiisaha ah

  13. War deg deg ah, Israa'iil oo sheegtay in laga dilay ku dhawaad afartan askari

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda uu ku dhintay waxa ay ku tilmaameen “hawlgal muhiim ah” oo ka socday koonfurta dalka Lebanon.

    Inkasta oo xabbad-joojin lagu dhawaaqay, haddana waxaa jira warar sheegaya in weli ay iska horimaadyo ka socdaan aaggaas oo u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo xoogagga Xisbullaah.

    Afhayeen u hadlay ciidanka Israa’iil ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in askarigaasi uu geeriyooday kaddib markii gaarigii uu saarnaa uu rogmaday.

    Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo markii uu billowday dagaalka ay la galeen Xisbullaah horraantii bishii Maarso, ay koonfurta Lubnaan ku dhinteen 37 askari iyo hal shaqaale rayid ah.

  14. War deg deg ah, Lubanaan iyo Israa'iil oo war cusub ka soo kordhay

    Wajigii ugu dambeeyay ee wadahadallada u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil ayaa ka bilowday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ee magaalada Washington, D.C..

    Wadahadalladan ayaa dhacaya xilli Maraykanku uu isku dayayo inuu helo xal diblomaasiyadeed, halka Israa'iil ay sii waddo weerarradeeda ka dhanka ah Lubnaan. Taas ayaana dhalisay su’aal ku saabsan in wadahadalladani ay awoodi doonaan inay keenaan xal siyaasadeed oo waara.

    Cadaadis kaga yimid Maraykanka awgiis, mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa bishii Abriil ka bilaabay Washington wadahadallo toos ah oo ay la leeyihiin Israa'iil.

    Isagoo ka hadlayay wadahadallada, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in labada dal ee deriska ah ay ku dhow yihiin “xal adag oo rasmi ah”.

  15. War deg deg ah, Dad loo haysto dil oo dacwad lagu soo dalka Koonfur Afrika

    Xeer-ilaaliyeyaasha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in saddex qof oo u dhashay dalka Lesotho lagu soo oogay dacwad dil ah, kaddib toogasho wadareed horraantii bishan dhacday oo ay ku dhinteen 13 qof.

    Dadka lagu eedeeyay ayaa la xiray kaddib markii ay aqoonsadeen qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka.

    Booliska ayaa sheegay in ku dhowaad toban nin oo si culus u hubeysnaa ay weerar ku qaadeen degaan aan rasmi ahayn oo ku yaalla aagga Cleveland, oo bariga kaga beegan magaalada Johannesburg. Weeraryahannadu waxay rasaas ku fureen dadka halkaas joogay, kaddibna waxay ku baxsadeen gaari hore ugu sugayay goobta.

    Dadka deegaanka ayaa aaminsan in toogashadu ay la xiriiri karto loollan ka dhexeeya kooxo macdan qodayaal sharci-darro ah oo ku nool aaggaas, kuwaas oo ku muransan gacan-ku-haynta iyo saamaynta goobaha ay ka shaqeeyaan.

  16. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo Israa'iil u dirtay digniin adag

    Ismaaciil Qaani, oo ah taliyaha laanta dibadda ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa uga digay Israa'iil in ciidamadeedu ay sii joogaan dhulka dalka Lebanon.

    Farriin uu ku daabacay bartiisa X ayuu Qaani ku yiri:

    “Haddii aydnaan maanta uga bixin danihiinna awgood, berri waxaa la idinku qasbi doonaa inaad ku carartaan ceeb iyo bahdilaad.”

    Xabbad-joojinta u dhexeysa Israa'iil iyo kooxda Xisbullaah ee Lubnaan ayaa ka mid ah is-afgaradka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, waxaana dowladda Iiraan ay mar walba u aragtay hirgelinteeda inay tahay shuruud muhiim ah oo heshiiskaas ka mid ah.

    Si kastaba ha ahaatee, iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada Israa'iil iyo Xisbullaah ayaa weli socda.

    Maalmihii u dambeeyay, Ra’iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa bayaan uu kaga jawaabayay is-afgaradka Iiraan iyo Maraykanka ku sheegay:

    “Waxaan sii joogi doonnaa aagga amniga ee koonfurta Lubnaan inta ay jirto baahi taas loo qabo. Anigoo ah Ra’iisul Wasaaraha Israa'iil, ayaa arrintaas si cad u xaqiijinayaa, mana jiro wax beddeli kara go’aankaas.”

  17. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun ku riday Sacdiyo Bajaaj

  18. Caashuuraa: Maalin iimaan, xusuus iyo taariikh u ah Muslimiinta

  19. Sheeko yaab leh: Mataano walaalo ah oo guursaday mataano kale