War deg deg ah, Nin lagu waysanaa deegaanka Milxo oo maydkiisa la helay
Deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in la helay meydka nin ilaa shalay oo dhan la raadinayay, kaas oo ugu dambeyn laga helay midka ka mid ah gododka dahabka laga qado ee deegaankaasi oo uu ku geeriyooday.
Sidoo kale ninka dhintay ayaa waxaa la socday nin kale oo isna la helay isaga oo dhaawac ah.
Labadan nin oo midna dhaawacmay midna geeriyooday ayaa ah dhalinyaro, waxaana ay ku dhaceen godadka laga qado dahabka ee deegaanka Milxo.