You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Bahrain ayaa cambaareysay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay ku qaadeen dalkeeda

    Wakaaladda wararka ee Baxrayn ayaa sheegtay in dalkaasi uu cambaareeyay weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay ku qaadeen dhulkooda Sabtidii, waxayna sheegeen in dalku uu xaq buuxa u leeyahay inuu difaaco sharafta iyo ammaanka dhulkiisa.

    Iran ayaa horay u sheegtay in ay weeraro ku qaaday saldhigyo lala xiriirinayo ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka, balse ma aysan sheegin halka ay duqeynta ka geysatay, mana aysan tilmaamin goobta la bartilmaameedsaday.

  2. Dibadbaxyo ayaa ka qarxay koonfurta Beirut ka dib heshiiskii Lubnaan iyo Israa'iil

    Muuqaal laga duubay saqdii dhexe ee Sabtidii koonfurta Beyruut ayaa muujinaya dibadbaxayaal iyo wadayaasha mootooyinka oo isugu soo baxay waddooyinka, calankana lulaya, ka dib markii Lubnaan iyo Israa’iil ay kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Israel iyo Hezbollah.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku tilmaantay goobta muuqaalkan laga duubay inay tahay duleedka koonfureed ee Beirut iyadoo baartay calamadaha, baararka korontadda, iyo qaabka waddooyinka, waxayna barbardhigtay sawirrada dayax gacmeedka iyo kaydka.

    Si kastaba ha ahaatee, wakhtiga saxda ah ee muuqaalka la duubay si buuxda looma xaqiijin.

    Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ka warantay mudaharaadka habeenkii jimcaha, waxaana muuqaalkii hore oo muuqaal ah aan laga helin online ilaa 26-kii June.

    Lubnaan iyo Israa’iil ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabadii ugu horreysay, oo ay tahay in Xisbullah ay hubka ka dhigaan, ciidamada Israa’iilna ay ka baxaan Lubnaan.

    Ilaa hadda ma cadda sida uu u dhaqan geli doono heshiiskaasi. Xisbullah ayaa sheegtay inaysan u hogaansami doonin.

  3. Hooyo dhimatay iyada oo gabadheeda ka bad baadinaysa dhulgariir ka dhacay Venezuela

    Hooyo u dhalatay dalka Venezuela ayaa dhimatay iyadoo ka bad baadinaysa cunugeeda dhul gariir ku dhuftay dalkaasi, sida ay sheegeen ciyaartoyga kubbada cagta Héctor Bello iyo warbaahinta gudaha.

    Bello ayaa ku soo qoray Instagram-kiisa in "jacaylkiisa qaaliga ah", oo ay warbaahinta Venezuela u aqoonsatay xaaskiisa Andrea, ay badbaadisay nolosha gabadhooda dhawaan dhalatay intii lagu jiray dhulgariirkii weynaa. "Waxaan ka sheekayn doonaa sheekada sida aad u badbaadisay, jacaylkayga - sidaad naftaada ugu biimaysay gabadheena, sidaad u ahayd haweeney geesi ah oo aan waligeed ka tagin, xitaa markaad neeftaada qaadatay," Bello ayaa soo qoray.

    Samatabbixiyeyaasha ayaa wali sii wada baadigoobka burburka dadkii ka badbaaday laba dhulgariir oo ku dhuftay caasimadda Caracas, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 920 qof in ka badan 3,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

  4. Tirada dhimashada dhulgariirkii Venezuela ayaa gaartay 920

    In ka badan 900 oo qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 3,360 kalena ay ku dhaawacmeen dhul gariir ka dhacay dalka Venezuela, sida ay sheegtay dowladda, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay wadaan baadigoobka dad badbaaday.

    Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo macmal ah, kaddib markii tobaneeyo dhismo oo ku yaalla waqooyiga dalkaas ay waxyeello kasoo gaartay labadii dhul-gariir oo ay ku jirto caasimadda Caracas.

    Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in boqollaal samatabbixiyaal caalami ah ay dalka soo gaareen, qaar kalena ay jidka ku soo jiraan.

    Laba dhul gariir oo xoog badan ayaa ku dhuftay Venezuela ilbiriqsiyo gudahood midba midka kale Arbacadii.

    Dhulgariirkii labaad oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.5 ayaa ahaa midkii ugu xooganaa ee dalkaasi ku dhuftay muddo qarni ah.

    Aagga La Guaira, oo ku yaalla waqooyiga caasimadda Caracas, ayaa ah meelaha ugu daran, sida ay saraakiishu sheegeen. Dad badan ayaa weli la la'yahay, iyadoo saraakiisha ay ka cabsi qabaan in dhimashadu ay kororto xitaa iyadoo ay socdaan gurmadka.

  5. Muxuu Trump uga fogaaday Koobka Adduunka?

  6. JD Vance: gacan kahdal wuxuu la kulmi doona gacan kahdal

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa uga digay Iran inay la kulmi doonto "gacan kahdal" haddii ay qaado weeraro kale.

    Digniintan ayaa timid, kadib, markii ay Milliteriga Maraykanka ku dhawaaqeen inay duqaymo ka fuliyeen dalka Iiraan, iyagoo ka jawaabayay Weerar ay Iiraan ku qaadday Markab kuwa xamuulka qaada ah.

    Mr. Vance waxa uu ku soo qoray shabakada xiriirka bulshada ee X: “Iran waxa ay saxeexday heshiiska xabbad joojinta, waana ku adkaysannay, haddii ay isku khilaafaan sida loo dhaqangelinayo heshiiska, way nala soo xidhiidhi karaan, laakiin rabshado waxay la kulmi doonaan gacan kahdal.

    Waxa uu tixraacayaa heshiis is-afgarad ah oo la saxiixay oo ujeeddadiisu tahay in lagu soo afjaro ku dhawaad ​​afar bilood oo dagaal ah.

  7. JD Vance: gacan kahdal wuxuu la kulmi doona gacan kahdal

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa uga digay Iran inay la kulmi doonto "gacan kahdal" haddii ay qaado weeraro kale.

    Digniintan ayaa timid, kadib, markii ay Milliteriga Maraykanka ku dhawaaqeen inay duqaymo ka fuliyeen dalka Iiraan, iyagoo ka jawaabayay Weerar ay Iiraan ku qaadday Markab kuwa xamuulka qaada ah.

    Mr. Vance waxa uu ku soo qoray shabakada xiriirka bulshada ee X: “Iran waxa ay saxeexday heshiiska xabbad joojinta, waana ku adkaysannay, haddii ay isku khilaafaan sida loo dhaqangelinayo heshiiska, way nala soo xidhiidhi karaan, laakiin rabshado waxay la kulmi doonaan gacan kahdal.

    Waxa uu tixraacayaa heshiis is-afgarad ah oo la saxiixay oo ujeeddadiisu tahay in lagu soo afjaro ku dhawaad ​​afar bilood oo dagaal ah.

  8. Maraykanka oo duqeeyey mar kale bartilmaameedyo Iran ah

  9. Saldhigga Khatam al-Anbia ayaa ka digaya 'dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha milatariga Israeli ee goobaha ku gadaaman Iiraan'

    Taliska Dhexe ee Khatam al-Anbiya, oo mas’uul ka ah hawlgallada milatari ee Iran, ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay joogitaanka diyaaradaha milatariga Israa’iil ee hawada qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Iran.

    Bayaan uu soo saaray Taliska Khatam al-Anbiya ayaa lagu sheegay in “dhaqdhaqaaqyada iyo joogitaanka diyaaradaha milatariga ee ciidanka maamulka Sahyuuniga ee argagixisada ah ee hawada qaar ka mid ah dalalka deriska ah ee ku wajahan Iran ay yihiin fal halis ah iyo khatar ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” hase yeeshee ma uusan magacaabin dalka uu ula jeedo.

    Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Haddii Maraykanku uusan awoodin inuu xakameeyo maamulka Sahyuuniga, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran uma dulqaadan doonto wax hanjabaad ah oo loo geysto, waxayna u aragtaa inay xaq u leedahay inay ka jawaabto falalkan halista ah.”

    Tan iyo markii la gaaray xabbad-joojinta u dhexeysa Iran iyo Maraykanka, Israa’iil ayaa sidoo kale joojisay weerarradii ay ku haysay Iran.

    Iran iyo Maraykanka ayaa haatan wada-hadallo uga socda sidii loo gaari lahaa heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

  10. "Iyadoo saacado keliya umul ah ayay gashay imtixaanka"

  11. Trump: Weerarka Iiraan ee markabka xamuulka waa xadgudub doqonimo ah oo ka dhan ah heshiiska joojinta dagaalka

    Isagoo ka hadlayay weerarkii Jimcihii lagu qaaday markab xamuul ah oo marayay Marinka Hormuz, Donald Trump ayaa Iran ku eedeeyay inay jebisay xabbad-joojintii lagu heshiiyay.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, madaxweynaha Maraykanka ayaa Iran dusha ka saaray mas’uuliyadda weerarka, isagoo qoray: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ugu yaraan afar diyaaradood oo ismiidaamin ah ku weerartay maraakiib marayay Marinka Hormuz.”

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay “ku dhacday sagxadda sare ee markab xamuul oo weyn oo aad u qaali ah. Waxaa soo gaaray waxyeello, balse markabku wuxuu awooday inuu sii wato safarkiisa.”

    Wuxuu intaa ku daray in Maraykanku “soo riday saddex diyaaradood oo kale.”

    “Sida cad, tani waa jebin nacasnimo ah oo lagu sameeyay heshiiskii xabbad-joojinta,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynaha Maraykanka.

  12. Ciidanka Israa’iil: Todobo Xubin oo Xisbullah ah oo Lagu Diley Koonfurta Lubnaan

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay dileen toddoba xubnood oo ka tirsan Xisbullah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) oo lagu daabacay baraha bulshada, raggan ayaa lagu eedeeyay inay hub iyo rasaas Xisbullah u wareejinayeen “agagaarka ciidamada IDF ee aagga Hail” ee koonfurta Lubnaan.

    Muuqaal ay IDF ku lifaaqeen bayaanka ayaa muujinaya dad ka saaraya baco gaari, kadibna u qaadaya dhisme. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in bacahaasi ay ku jireen hub.

    Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha uu ku yaallo aagga Manzala ee gobolka Daqahlia, isla markaana loo adeegsanayay “xarun milatari iyo xarun talis”.

    Ugu dambayn, milatariga Israa’iil ayaa carrabka ku adkeeyay inuu sii wadi doono hawlgalladiisa uu ku “baabi’inayo khataraha” ka dhanka ah dalkiisa.

  13. Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo dhaleeceyay Iiraan, ammaana u jeediyay Cumaan

    Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Jassim Maxammed al-Budaiwi, ayaa Jimcihii soo dhoweeyay go’aanka Cumaan ee lagu sameeyay marin-biyood ku-meelgaar ah oo laga hirgeliyay Marinka Hormuz, isagoo sidoo kale cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay hanjabaadaha Iran ee ku aaddan xorriyadda maraakiibta ee marinkaas.

    Cumaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in ay, iyadoo iskaashi la leh Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobey (IMO), samaysay marin-badeed ku-meelgaar ah si loo fududeeyo gudbidda maraakiibta Marinka Hormuz.

    Tallaabada Cumaan ayaa waxaa ka horyimid mas’uuliyiin Iran ah, iyadoo ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ay bayaan ku sheegeen in “waddada kaliya ee la oggol yahay ee lagu gudbo Marinka Hormuz ay tahay kuwa ay ku dhawaaqday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

    Xoghayaha guud ee GCC, kadib shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee ururka la yeesheen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ka dhacay Baxrayn, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku soo dhoweeyay tallaabada Cumaan, isagoo sheegay in marinkaasi uu gacan ka geysan doono daad-gureynta iyo dib u dejinta in ka badan 11,000 oo badmaax ah oo ku xaniban gobolka.

  14. Bad-maaxiin Iran u dhashay oo uu Mareykanku siidaayay

    Tehran ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in 22 shaqaale Iranian ah oo saarnaa markab shidaal oo ay Maraykanku qabteen intii lagu jiray dagaalka loo wareejiyay qunsuliyadda Iran ee Pakistan.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Pakistan, oo ah dhexdhexaadiyaha Iran iyo Maraykanka ee wada-hadallada, ay fududeysay soo celinta 22-ka badmaax ee Iran.

    Raggan ayaa Jimcihii lagu wareejiyay diblomaasiyiinta Iran, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu celiyo gudaha Iran.

    IRNA iyo mas’uuliyiinta Iran ma aysan shaacin magaca markabka, ama halka iyo waqtiga lagu qabtay.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Pakistan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Muhammad Ishaq Dar ayaa sheegay in Pakistan ay si dhow ula shaqeysay mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Iran inta lagu jiray dhammaan marxaladaha sii deynta Bad-maaxiinta.

    Wuxuu sheegay in tani ay tahay kooxdii afraad ee shaqaale Iran ah oo Pakistan ka caawisay dib ugu celinta dalkooda labadii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana ilaa hadda la fududeeyay dib u celinta in ka badan 70 muwaadin Iran ah, oo ay ku jiraan 22-ka maanta.

    Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay hoggaanka Iran kalsoonida ay ku qabaan Pakistan, iyo sidoo kale dadaalka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo dhammaan hay'adaha kale.

    Sidoo kale akhri

  15. Digniin taleefoon oo ku saabsan weerar gantaal oo suurtagal ah Imaaraadka ayaa laga yaabaa inay ahayd 'khalad'

    Fiidnimadii Jimcaha waqtiga Imaaraadka Carabta, dadka deegaanka ayaa helay farriin digniin taleefan ah oo ka hadlaysa “suurtagalnimada khatar gantaal.” Si kastaba ha ahaatee, wax yar kadib ayaa la soo diray fariin kale oo sheegaysa in digniintaas la kansalay.

    Fariin kale oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Imaaraadka ayaa dadka muwaadiniinta ah iyo dadka deggen lagu amray inay iska indhatiraan digniintii hore.

    AFP ayaa sheegtay in tani ay muujinayso in digniintii hore ay u badan tahay inay ahayd khalad.

    Qoraalka digniintii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa oranayay: “Iyadoo la tixgelinayo xaaladda hadda jirta iyo suurtagalnimada khatar gantaal, si degdeg ah u galo meel ammaan ah.”

    Waxyar kadib, fariin kale ayaa la diray oo lagu yiri: “Xaaladdu hadda waa ammaan. Waxaad dib ugu laaban kartaa hawlahaaga caadiga ah.”

    Intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran, qaybo ka mid ah Imaaraadka Carabta ayaa si isdaba joog ah loogu beegsaday weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo tuuray Iran.

    Sidoo kale akhri

  16. Muxuu madaxweynaha Soomaaliya ka yiri xayiraadda fiisaha ee Midowga Yurub?

  17. Daawo muuqaal: Carruur laga soo badbaadiyay dhisme ku dumay dhul-gariirka Venezuela

    Booliska Venezuela ayaa soo saaray muuqaal muujinaya carruur laga soo badbaadinayo dhisme burburay.

    Tobannaan qof ayaa iyaga oo nool laga soo badbaadiyay tan iyo markii uu dhul-gariirka ku habsaday dalkaasi, sida ay hore u sheegtay madaxweynaha ku-meelgaarka ah Delcy Rodríguez.

    Hoos ka daawo muuqaalka

  18. Tirada dhimashada Dhul-gariirka Venezuela oo korodhay

    Tirada dadka ku dhintay laba dhulgariir oo ka dhacay Venezuela ayaa gaartay 589 qof, halka 2,980 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay madaxweynaha ku-meelgaarka ah Delcy Rodríguez.

    Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo kooxo caalami ah oo gurmad ah ay ku biireen dadaallada lagu raadinayo dadka ka badbaaday burburka, waxaana ka mid ah 80 samatabixiye oo Swiss ah iyo koox shaqaale gargaar oo ka yimid Mexico kuwaas oo gacan ka geysanaya howlaha gurmadka.

    Kooxo maxalli ah ayaa habeenkii oo dhan baaritaan ka waday dhismayaal burburay oo ku yaalla Caracas iyo gobolka La Guaira, iyadoo dad laga maqlayay iyagoo gargaar ka codsanaya burburka hoostiisa.

  19. Giorgia Meloni:Taliyaanigu marna kama qaybgelin dagaal ka dhan ah Iiraan

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in dalkeeda uusan waligiis ka qaybgelin dagaal ka dhan ah Iran.

    Sida ay sheegtay BBC Persian, Meloni ayaa sheegtay in Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte uu si khaldan u fahmay nooca duulimaadyada laga oggol yahay Talyaaniga, balse uu markii dambe saxay hadalkiisa oo caddeeyay arrinta.

    Iyadoo ka hadlaysay gabagabada shirkii 36-aad ee wadajirka ah ee dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska, Meloni waxay sheegtay in Talyaanigu “uusan wax ka hayn” fulinta “ballanqaadyadiisa iyo heshiisyada la xiriira isticmaalka saldhigyada milatari.”

    Shalay, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran Esmail Baghaei ayaa bartiisa X ku faafiyay muuqaal wareysi uu Mark Rutte siiyay Fox News. Muuqaalkaas waxaa laga maqlayaa Xoghayaha Guud ee NATO oo sheegaya in ku dhawaad 500 oo diyaaradood oo Mareykan ah ay ka duuleen saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Talyaaniga intii lagu jiray howlgalka “Epic Fury.”

    Isaga oo ka jawaabaya hadalkaas, Baghaei ayaa sheegay in hadalka Xoghayaha Guud ee NATO uu muujinayo in NATO ay ka qayb qaadatay dagaal sharci-darro ah oo ka dhan ah dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.

    Wuxuu intaa ku daray in “NATO iyo dalalka xubnaha ka ah ee go’aankaas ka qayb qaatay ay tahay in lala xisaabtamo.”

    Sidoo kale akhri