BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Iran oo uga digtay dalalka Khaliijka inay Maraykanka u oggolaadaan inuu dhulkooda ka weeraro Iran
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran ayaa sheegay in haddii Maraykanku u adeegsado dhulka dalalkaas inuu weerarro ku qaado Iran, ay dalalkaasi bixin doonaan "qiime aad u culus" oo ka dhalan doonta tallaabadaas.
Ku xigeenka Trump: Ma doonayno inaan ciidamo lugta ah u dirno Iiraan
J.D. Vance, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa ku dooday in dirista 150,000 oo askari oo ciidanka lugta ah loo diro Iiraan ay "dhab ahaantii ka dhigan tahay in ciidamada Mareykanku ay qabtaan shaqadii ay ahayd in shacabka Iiraan ay iyagu qabsadaan.
Maxay haween badan u qariyaan astaamaha caado-goyska?
Haween badan ayaa sidoo kale sheegaya in ka hadalka caado go'a weli loo arko arrin laga xishoodo, taas oo ka dhigaysa inay ku adkaato inay si furan uga hadlaan.
Koox diimeed ku nool Kenya oo ku guuldarreystay isku day ay ku doonayeen in xashiishka la sharciyeeyo
Maxkamaddu waxay qiratay in loo baahan yahay dood qaran oo ballaaran oo ku saabsan siyaasadda xashiishadda ee Kenya.
Soomaalida oo qodobbo muhiim ah la tagaya shirka wada-tashiga qaran ee Itoobiya
Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa tilmaamay suurtagalnimada wax-ka-beddelka dastuurka dalka intii lagu guda jiray furitaanka shirka ugu dambeeya ee Wada-hadallada Qaranka, kaas oo maanta billowday.
Ma habboon tahay in aad baabuurka xawaare sare ku waddo si meesha aad rabto aad dhaqso u gaarto?
Haddii aad labanlaabto xawaaraha oo aad ku socoto 20 kiiloomitir saacaddii, waxaad ku gaadhaysaa 30 daqiiqo oo keliya.
Madaxweynihii hore ee Iran Mahmoud Ahmadinejad muxuu ka yiri eedda ah inuu xiriir la leeyahay sirdoonka Israa'iil
Maalin ka dib markii lagu daabacay wargeysyada New York Times iyo Haaretz warbixin ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga Madaxweynihii hore ee Iiraan Maxamuud Axmedinajad uu la leeyahay Israa'iil ayuu xafiiskiisa hadal ka soo saaray
Baro weriyahan soo tebiyey 18 koob adduun
Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay ee uu ka soo warramay wuxuu ahaa kii 1958-kii ee lagu qabtay dalka Sweden, xilligaas oo xiddigii weynaa ee reer Brazil, Pelé, uu jiray 19 sano oo keliya.
Muxuu dhab ahaantii Maraykanku ka rabaa Iiraan
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil aan la magacaabin, in Iiraan ay si qarsoodi ah ula heshiisay la-taliyayaasha Madaxweyne Donald Trump oo ay ogolaatay in weerarrada maraakiibta ay ahaayeen khalad.
Ciidanka ugu awoodda badan Afrika ayaa shaaca ka qaaday nidaamka gantaalada Ruushka S-300 ee muddo u qarsoonaa
Masar ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah dadweynaha ugu soo bandhigtay nidaamka difaaca cirka ee S-300VM ee ay Ruushka samaysay.
Afgambigii badalay dal dhan; sida Erdogan u qaabeeyay Turkiga muddo toban sano ah
Cawaaqib xumada ka dhalatay isku daygii afgambi ee 15 Luulyo 2016 ayaa beddeshay dhinac kasta oo siyaasadda Turkiga ah tobankii sano ee la soo dhaafay
Cumaan oo saluug ka muujinaysa doorka Maraykanka ee amniga bariga dhexe, dhaliishayna siyaasadda xakamaynta Iran
Wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa sheegay in dalku uusan lahayn ujeedo ah inuu ka tago xiriirkii taariikhiga ahaa ee uu la lahaa Mareykanka, laakiin fikraddiisa, "dhibaatadii dhawaan dhacday waxay muujisay in doorka quwadaha shisheeye ee gobolka loo baahan yahay in dib loo eego."
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Fan iyo Dhaqan
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Halkee buu ku maqan yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan Mojtaba Khamenei?
Mojtaba Khamenei, oo la sheegay in toddobaad gudihii ka dib dilkii aabbihii loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, ayaan weli ka soo muuqan fagaarayasha shacabka.
Maxaad ka taqaannaa dalalka Afrika ee Soomaaliya ay ku jirto ee lagu dhisay nidaamka kaligii-taliska?
Tobannaanihii sano ee la soo dhaafay, dowlado badan ayaa u weecday hannaan kali-talisnimo ah, iyagoo xakameynaya xorriyadda hadalka, cabburinaya cod kasta oo mucaarad ah, isla markaana maamulaya geeddi-socod kasta oo doorasho, haddii uu jiroba.
Qaabka loo aasay Ayatollah Cali Khamenei ma waafaqsan tahay Shareecada Islaamka?
Ka dib markii la shaaciyay geerida Hoggaamiyihii hore ee Sare ee Iiraan iyo dib u dhaca aaskiisa, su'aalo badan ayaa baraha bulshada laga keenay oo ku saabsan dib u dhigista iyo xukunnada Islaamka iyo kuwa sharciga khuseeya.
Netanyahu oo Trump uga cawday Madaxweyne Erdogan
Labada hoggaamiye ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay ka dib Shir-madaxeedkii NATO. Sida laga soo xigtay AFP, Netanyahu wuxuu sheegay in "Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo xubnaha la socda ay sameeyeen hadallo su'aal gelinaya jiritaanka Dowladda Israa'iil iyo inay ku baaqayaan in la sameeyo aagag amni oo ku teedsan xuduudaha Israa'iil."
Puntland oo ku adkeysatay in aan maalgashi kalluumeysi laga sameyn karin xeebaheeda
Xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xumaa, iyadoo arrinta ugu weyn ee la isku diiddan yahay ay tahay wax ka beddelka dastuurka.
'Sidii Hitler oo kale, Putin cabsi ayaa haysa' maqaal laga qoray xaalka Putin
Maqaalka wuxuu ku bilaabmayaa xasuusinta isku daygii dilka ee caanka ahaa ee Hitler Luulyo 20, 1944, markii uu ka badbaaday qarax boorso ku jiray oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Ruushku boqolaal bambo uu si kama ah ugu dhuftay ciidiisa?
Inta badan hubka ay ridaan diyaaradaha Ruushku waa bambooyin la hago, bambooyin lagu qalabeeyay qalab cusub oo ay ku jiraan baalal laabma.
Trump oo cunaqabataynta ka qaadaya Turkiga iyo Netanyahu oo ka digaya in Ankara laga iibiyo diyaaradaha F‑35
Hoggaamiyeyaasha NATO waxay Talaadada iyo Arbacada ka kulmayaan si ay u dejinayaan Trump oo ka carooday jawaabta Yurub ee dagaalka Iran.
Haweenkii kaalinta wayn ka qaatay aasaaskii qarankaMarayknaka; kumay ahaayeen 'hooyooyinkii wax ka aasaasay'?
BBC Mundo waxay la hadashay afar ka mid ah taariikhyahannada ugu caansan kuwaas oo bartay doorka haweenka ee Kacaankii Mareykanka iyo aasaaskii Mareykanka qarnigii 18aad iyo 19aad.
Muxuu hoggaamiyaha sare ee Iiraan uga maqan yahay aaska aabbihiis Ayatollah Ali Khamenei?
Mojtaba Khamenei laguma arkin goob fagaare ah tan iyo weerarkii lagu dilay aabbihiis billowgii dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jireen Iran.
Luuqada dahsoon ee uu adeegsan jiray huggaamiyihii Iran Cali Khamenei
Si loo falanqeeyo khudbadda Cali Khamenei, waxaa la doortay 150 erey oo muhiim ah oo si joogto ah ugu soo noqnoqda qoraalladiisa muddo 32 sano ah. Kadib, kordhinta ama hoos u dhaca isticmaalka mid kasta oo ka mid ah ereyadan waqti ka dib ayaa la xisaabiyay. Dukumeentiga hadda jira, waxaan soo bandhignay natiijooyinka xisaabinta noocaas ah.
250 sano kaddib Mareykanku ma yahay meel loo haajiro?
Mareykanka uu u dabaaldegaya sanadguuradii 250-aad, ayuu Cabdi Iftin ka walaacsan yahay si la mid ah Mareykan badan waxa uu noqonayo mustaqbalkiisa.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 17 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 16 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 16 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 15 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.















































































