Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump oo mar kale cambaareeyay Raysal Wasaaraha xilka ka sii degaya ee UK

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne Trump ayaa mar kale dhaleeceeyay Ra'iisul Wasaaraha xilka ka degaya ee Britain, Keir Starmer, kaasoo iscasilay Isniintii.

    Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiska Oval-ka (Oval Office), ayuu Mr Trump ku eedeeyay Sir Keir inuu sababo deegaan dartiis uga faa'iidaysan waayay kaydka saliidda ee badda Waqooyi (North Sea).

    Waxa uu intaa ku daray in Mr Starmer uu "wax is gaarsiiyay" marka la eego siyaasaddiisa socdaalka iyo dambiyada.

    Xiriirka labada hoggaamiye ayaa xumaaday ka dib markii Britain ay taageeri weyday dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iiraan.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa u mahad celisay Mr Starmer dhanka xoojinta amniga Yurub iyo kan Ukraine.

    Mar soii horeysay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay Keir Starmer inuu yahay “nin wanaagsan” iyo “nooc saaxiib” oo uu “leeyahay, balse wuxuu dhaliilay habkiisa ku aaddan tamarta, socdaalka iyo dambiyada.

    Isagoo ka jawaabaya su’aal BBC ay ku weydiisay gudaha Xafiiska Oval Office, wuxuu ku celiyay dhaliilihiisa siyaasadda Xisbiga Labour-ka ee tamarta Badda Waqooyi, isagoo ku tilmaamay inay tahay “mid ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee shidaalka ee adduunka”.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Starmer uusan u oggolaan Mareykanka “in uu isticmaalo jasiiradda si uu u dego”, taas oo u muuqata tixraac ku saabsan diidmada hore ee dowladda UK ay ku diiday in diyaaradaha Mareykanka ay ka duulaan saldhigyada UK si ay u fuliyaan weerarro ka dhan ah Iran.

    Trump wuxuu sheegay in go’aankaas “aad u dhaawacay, si aad u xun”, balse wuxuu sidoo kale yiri “waan u rajeynayaa wanaag.”

    Sidoo kale akhri

  2. Iiraan oo cadeysay inay maamuli doonto marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ka dib wareeggii koowaad ee wadahaddallada dhex maray Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacay dalka Switzerland, Iiraan ayaa mar kale caddeysay inay aad u doonayso inay maamusho Marinka Hormuz.

    Isaga oo la hadlayay telefishinka dowladda Iiraan xilli uu dib ugu soo laabanayay dalkiisa ka dib wadahaddallada, madaxa wada-xaajoodka Iiraan ayaa sheegay in maamulka iyo gacan ku heynta Marinka uusan marna dib ugu laaban doonin sidii uu ahaa dagaalka ka hor.

    Mohammed Baqer Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay dejiyaan qaab-dhismeedyo isku-dubbarid — kuwaas oo ah khadka telefoonka ee degdegga ah iyo xarun isgaarsiineed — muddo soddon maalmood ah si loo fududeeyo isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz.

    Dhankiisa, Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka, Scott Bessent, ayaa mar sii horreysay sheegay in Washington ay muddo lixdan maalmood ah hakin doonto cunaqabataynta saaran wax-soosaarka iyo dhoofinta saliidda Iiraan.

    Bayaan wadajir ah oo la sii daayay Isniintii, dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan waxay sheegeen in kadib wareeggii koowaad ee wada-hadallada ee ka dhacay magaalada tamashlaha loo tago ee Bürgenstock ee Switzerland, Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen "khariidad waddo oo lagu gaadhayo heshiis kama dambays ah 60 maalmood gudahood".

    Sidoo kale akhri

  3. Kenya: Wasiir Aadan Barre Ducaale oo lagu helay dembi maxkamadeed

  4. Cunnooyinka ay Soomaalida caanka ku tahay ee aan beerka u fiicneyn

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Dr. Maxamed Cabdullaahi oo ku takhasusay cudurrada guud, baaritaanna ku sameeyay cagaarshowga oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in beerka ay ku dhacaan xanuunno dhowr ah oo uu cagaarshowgu ka mid yahay.

    Dr. Maxamed ayaa sheegay in cunnooyinka ay Soomaalidu u badan yihiin, sida kuwa dufanta leh, saliidda iyo dufanka xoolaha oo laga helo hilibka aysan u wanaagsaneyn caafimaadka beerka.

    Waxyaabaha ay caanka ku tahya Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah oodkaca, oo ka mid ah waxyaabaha ay dufantu ku badan tahay.

    “Dadkeenna Soomaalida waxay u badan yihiin cunnooyinka dufanka leh ee xoolaha ka yimaada, subagga, waxyaabaha aadka loo shiilo, saliidda aadka u badan. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay cabaan macsarada amaba ay cuntada ku badiyaan. Cunnada daqiiqda ku badan ayaa sidoo kale ka mid ah,”

    Kuwa daqiiqdu ku badan tahay ayaa waxaa ka mid ah baastada iyo bariiska noocyada qaar, iyo sidoo kale cunnooyinka burka lagu badiyo sida canjeerada iyo waxyaabaha burka laga sameeyo.

    “Cunnooyinkaas waxay sababayaan in dhiifshiidku cuslaado, haddii uu dheefshiidku cuslaadana beerka saameyn xoog leh ayay ku yeelataa,” ayuu yiri.

    Dhaqtarka ayaa intaa ku daray in hab-nololeedka dadka qaar ee saameyn kara beerka ay ka mid yihiin, in qofku isticmaalo daawooyin uusan dhaqtar u qorin, amaba dawo-dhireedka oo kale.

    “Waxaa dalkeenna aad ugu badan in qofku uu farmashiye iska tago kana soo iibsado dawooyinka sida xanuun-baabi’iyaha iyo kuwa xasaasiyadda loo cuno, kuwaas waxay qaarkood dhaawici karaan beerka,” ayuu yiri.

    Macluumaad dheeri ah hoos ka akhriso.