War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo war cusub ku dhawaaqday iyo Trump oo hanjabaad cusub diray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay warbaahinta Iiraan sheegtay, Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa “u qoondeeyay maraakiibta marin cusub oo ay uga gudbaan marin-biyoodka Hormuz.”
Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in marinka keliya ee loo oggol yahay maraakiibta inay isticmaalaan marka ay marayaan Marin-biyoodka Hormuz uu yahay kan ay Iiraan ku dhawaaqday. War-saxaafadeedkooda ayaa lagu sheegay in maraakiibtu ay ku safraan “Kanaalka 16-aad “isla markaana ay xiriir joogto ah la yeeshaan ciidamada Iiraan.
Waxaa xusid mudan in dalka Cumaan uu shalay ku dhawaaqay inuu furay marin-badeed cusub si gaadiidka maraakiibtu ugu gudbaan Marin-biyoodka Hormuz si fudud oo degdeg ah. Hase yeeshee, bayaanka Ilaalada Kacaanka ma caddayn in marinka ay ka hadlayaan uu yahay isla marinka cusub ee Cumaan ku dhawaaqday iyo in kale.
Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in “Iiraan ay u xaqiijisay Maraykanka inaan wax canshuur ah, kharash caymis ah, ama lacag kale oo nooc kasta ah laga qaadin maraakiibta maraya Marin-biyoodka Hormuz.”
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii xogtaas ay noqoto mid aan sax ahayn, wadahadallada si degdeg ah loo joojin doono.
Sii akhri wararka kale:














