Baasaboorka Hindiya oo muran ka taaganyahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa muran weyn dhaliyay kaddib markii uu sheegay in haysashada baasaboorka Hindiya aysan caddayn u ahayn in qofku yahay muwaadin Hindi ah.
Hadalkan ayaa si weyn loo cambaareeyay, iyadoo dadka dhaliilaya ay ku doodayaan in tani ay ka dhigan tahay in dalalka kale aysan mar dambe u aqoonsan doonin baasaboorka Hindiya inuu yahay caddeyn muujinaysa jinsiyadda qofka.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Hindiya ayaa ku adkaysanaysa in baasaboorku uusan waligiis caddayn rasmi ah u ahayn muwaadinnimada, isla markaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay kaliya sharaxaysay sharciyada jira.
Murankan ayaa yimid kaddib markii la sheegay in malaayiin Hindi ah laga qaaday xuquuqdoodii codbixinta, sababo la xiriira eedeymo sheegaya inay ku guuldarreysteen inay caddeeyaan muwaadinnimadooda.














