Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump oo $5 milyan oo magdhow siiyay haweeneey sabab la xiriirta xadgudub galmo

  2. War deg deg ah, Kuwait iyo Baxrayn oo ka hortagay weeraro uga yimid dhanka Iiraan

    Sawir laga soo qaaday muuqaal ay sii daayeen milatariga Maraykanka oo ay ku sheegeen inuu muujinayo gantaal la riday intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday Iiraan

    Xigashada Sawirka, US Central Command/Handout via REUTERS

    Qoraalka sawirka, Sawir laga soo qaaday muuqaal ay sii daayeen milatariga Maraykanka oo ay ku sheegeen inuu muujinayo gantaal la riday intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday Iiraan

    Dowladaha gacanka ee Kuwait iyo Baxrayn ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro cusub oo uga yimid dhanka Iiraan, iyada oo Tehran iyo Washington ay u dagaalamayaan maamulka marinka Hormuz.

    Labada dhinacba waxaa ay cambaareeyeen in Iiraan ay iyaga beegsatay.

    Iiraan ayaa sheegtay inay weeraraysay saldhigyada Maraykanka ee gobolka iyada oo ka jawaabaysay duqaymaha Maraykanka.

    Labada dhinacba waxaa ay ku hanjabeen kordhinta weerarada.

    Iiraan ayaa ku hanjabtay inay duqayn karto saldhigyada Maraykanka ee gobolka iyada oo ka jawaabaysa duqaymaha Maraykanka, halka Madaxweyne Trump uu ka digay in beegsigooda xiga uu noqon doono warshadaha korontada iyo buundooyinka haddii ay Tehran diido wadahadalada.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  3. War deg deg ah, CENTCOM: Waxaynu qaadnay weeraro cusub oo ka dhan ah Iiraan subaxnimadii Arbacada

    Milatariga Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay qaadeen weeraro cusub oo ka dhan ah Iiraan, subaxnimadii Arbacada, wakhtiga Iiraan.

    Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa kaga dhawaaqay barta bulshada ee X: ‘’Weeraradan waxaa loola jeeday in lagu soo daciifiyo milatari ahaan awoodda ciidamada Iiraan; awood ahaan ciidamada ay ugu adeegsanayeen inay ku weeraraan maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz’’.

    Dhankooda saraakiisha Iiraan iyaga oo ka jawaabaya weerarada Maraykanka waxa ay beegsadeen qaybo kamid ah danaha Maraykanka ee dalalka gobolka, oo ay ku jirto Urdun, Baxrayn iyo Kuwait.

    Maraykanku waxa ay dib u bilaabeen go’doominta badda ee Iiraan ee dhanka Koonfurta maalinkii shalay.

    Iiraan waxaa ay sheegtay heshiiskii is-afgaradka ee Islamabad ee qaybta ka ahaa xabbad joojinta ee u dhaxeeyay labada dal uu dhammaaday.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  4. War deg deg ah, Japan oo raadinaysa waddo beddel u ah shidaalka u soo mara marinka Hormuz

    Madaxa midowga shidaalka Japan ayaa sheegay in shirkadaha sifeeya shidaalka ee dalkaasi ay doonayaan inay kala duwaan ilaha ay saliidda ceeyriin kasoo dhoofsadaan, isla markaana ay taageeraan qorshayaasha lagu horumarinayo dhuumaha shidaalka ee ka leexda marin-biyoodka Hormuz.

    Shunichi Kito ayaa sheegay in samaynta waddo wax ku ool ah oo lagu qaado saliidda ceeyriin iyada oo aan la marin marin-biyoodka Hormuz ay ka muhiimsan tahay in shidaalka Bariga Dhexe lagu beddelo shidaal laga keeno gobollo kale.

    Sida uu sheegay, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya waxay dowladda Japan ka codsadeen inay ka qayb qaadato ama taageerto qorshayaasha lagu dhisayo dhuumo shidaal oo beddel u noqda kuwa hadda jira.

    Wuxuu sheegay in shidaalka Maraykanku uu noqon karo ikhtiyaar lagu kala duwanaan karo ilaha shidaalka, balse wuxuu xusay in warshadaha sifaynta shidaalka ee Japan inta badan loogu talagalay inay farsameeyaan shidaalka ka yimaadda Bariga Dhexe, sidaas darteedna aysan hadda awood u lahayn inay qaabilaan tiro badan oo shidaalka Maraykanka ah.

    Imaaraadka Carabta wuxuu qorsheynayaa inuu labanlaabo awoodda dhoofinta shidaalka ee dekedda Fujairah marka la gaaro sannadka 2027, isagoo dhisaya dhuun cusub oo shidaal. Sacuudi Carabiya sidoo kale waxay ka fiirsanaysaa inay ballaariso dhuunta shidaalka ee gaarta xeebta galbeed ee Badda Cas.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  5. War deg deg ah, Degdeg: Ilaalada Kacaanka Iiraan oo war cusub ka soo saaray Marin-biyoodka Hormuz

    .

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz uu sii xirnaan doono ilaa Maraykanku joojiyo weerarrada uu ku hayo dalka, maalin kadib markii ciidamada Maraykanku mar kale xannibeen dekedo ku yaalla Iiraan.

    Ciidamadu waxay sidoo kale ka digeen inay ballaarin karaan weerarradooda oo ay ku beegsan karaan ilo kale oo dhoofinta shidaalka.

    Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday weerarro habeenkii ah, iyadoo warbaahinta Iiraan ay sheegtay in weerarro lagu qaaday saldhigyo ciidamada Maraykanka ku leeyihiin Baxrayn, Kuweyt iyo Urdun.

    Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay muddo toddobo saacadood ah weerarro ku hayeen Iiraan.

    Iyadoo heshiiska xabbad-joojinta la sheegay inuu burburayo, Madaxweyne Trump ayaa mar kale ku hanjabay inuu weerari doono xarumaha korontada iyo buundooyinka Iiraan haddii aanay dib ugu soo laaban miiska wadaxaajoodka.

  6. War deg deg ah, Weearrada Mareykanka ee Iiraan oo dad badan oo rayid ah ay ku geeriyoodeen

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka dowladda Iiraan, Fatemeh Mohajrani, ayaa sheegtay in in ka badan 30 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymihii ugu dambeeyay ee Maraykanku ka geystay koonfurta Iiraan.

    “In ka badan 30 qof oo rayid ah ayaa naftooda ku waayay weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybaha koonfureed ee dalka,” ayay Fatemeh Mohajrani ku qortay bayaan ay ku baahisay barta bulshada ee X.

    Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Iiraan, khasaaraha rayidka ee weerarradan ayaa laga soo sheegay deegaanno kala duwan.

    Sida ay qortay BBC Persian, mas'uuliyiinta waaxda deegaanka ee gobolka Hormozgan ayaa shalay sheegay in saddex qof ay ku dhinteen weerar gantaal oo uu Maraykanku ku qaaday magaalada Hajiabad, oo ku taalla waqooyiga gobolka.

    Waxay sidoo kale sheegeen in saddexda qof ee dhintay ay ku jireen xubno ka tirsan qoyska qof u ololeeya ilaalinta deegaanka.

  7. War deg deg ah, Askari Israa'iili ah oo muuqaallo u diray Iiraan oo xukun lagu riday

    Militariga Israa’iil ayaa saaka ku dhawaaqay in askari ka tirsan ciidankooda lagu xukumay shan sano oo xabsi ah kadib markii uu u diray muuqaallo ku saabsan qabashada gantaallada qof u shaqeynayay dhinaca Iran.

    Askariga ayaa diray laba muuqaal oo noocaas ah intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iran iyo Israa’iil xagaagii hore, waxaana uu “lacag ku helay arrintaas,” sida ay sheegeen ciidamada dalkaasi.

    Waxa kale oo ay ciidamadu intaas ku dareen in askarigu uu sidoo kale la wadaagay “wakiil Iiraani ah” dhowr muuqaal oo lagu duubay goobo magaalooyin ah.

    Intii uu socday dagaalka Israa’iil iyo Iran, dalkaasi wuxuu saaray xannibaado adag oo ku saabsan duubista goobaha ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka.

  8. War deg deg ah, Trump oo ku hanjabay duqeyn xooggan oo Iiraan uu ka gaysanayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu toddobaadka soo socda duqeyn doono buundooyinka iyo xarumaha korontada ee Iran haddii dalkaasi uusan dib ugu soo laaban wada-hadallada.

    Hadalladan oo lagu sheegay wareysi uu siiyay Fox News ayaa soo baxay xilli labada dal ay is-weydaarsanayeen weerarro maalintii afraad oo xiriir ah.

    Trump ayaa horay uga laabtay hanjabaad uu ku sheegay in lagu soo rogi doono khidmad dhan 20% dhammaan maraakiibta xamuulka ee maraysa Marinka Hormuz, balse wuxuu dib u bilaabay xannibaadda dekedaha Iran.

    “Toddobaadka soo socda xaaladdu aad bay ugu sii xumaan doontaa iyaga,” ayuu Trump yiri. “Waxaan burburin doonnaa dhammaan xarumahooda korontada. Waxaan burburin doonnaa dhammaan buundooyinkooda haddii aysan miiska wada-hadalka imaan oo aysan gorgortan gelin.”

  9. Koox xul ah oo garaacday shaqsiyaad laacibiin ah - Isbayn iyo Faransiiska

  10. War deg deg ah, Weerarka Mareykanku saaka ku qaaday Iiraan oo dad ku dhinteen

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Iran ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in 7 qof ay ku dhinteen weerar uu Maraykanku ku qaaday xerada Ciidanka Dhulka ee ku taalla Bampour, gobolka Sistan iyo Baluchestan.

    Subaxnimadii saaka, militariga Maraykanka ayaa “13 gantaal ku dhuftay xarun caafimaad iyo xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee Bampour,” ayay waaxdu sheegtay.

    War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in intii uu socday weerarka Maraykanka, “7 shaqaale oo ka tirsanaa Guutada 388-aad ee Iranshahr ay dhinteen, halka tiro kale oo shaqaale ah ay dhaawacmeen, waxaana ay ku jiraan daaweyn.”

    Warbaahinta Iran ayaa hore u sheegtay in qaraxyo laga maqlay Bampour ee gobolka Sistan iyo Baluchestan, iyo sidoo kale dhowr magaalo oo xeebeed oo ku teedsan Gacanka Faaris iyo Marinka Hormuz.

  11. Shaah kulul mise cabitaan qabow; kee baa u wanaagsan inuu harraadka kaa bi'iyo xilliga kulaylaha?

  12. Kenya: Cabsi laga muujinayo doorashada soo socota iyo waxa dhici kara

    Kenya

    Xigashada Sawirka, CARL DE SOUZA/AFP/Getty Images

    Kenya waxay wajahaysaa 84.1% khatar ah inuu dhaco nooc ka mid ah rabshadaha la xiriira doorashada inta lagu jiro Doorashada Guud ee sannadka soo socda ee 2027, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Kofi Annan.

    Warbixintu waxay caddeyneysaa in qiimeyntu tahay mid ku saleysan heer khatar ah, balse aysan macnaheedu ahayn in rabshado ay si dhab ah u dhici doonaan. Sidaas darteed, waxay ugu baaqaysaa dowladda, hoggaamiyeyaasha siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah iyo shacabka inay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu xoojinayo dadaallada nabadda iyo ka hortagga rabshadaha ka hor inta aysan dhicin.

    "Tirooyinkani waa qiimeyn khatar, mana aha xaqiijin waxa dhici doona. Waa inay noqdaan baaq lagu dhaqaaqo goor hore si loo xoojiyo dadaallada nabadda loogana hortago rabshadaha ka hor inta aysan dhicin," ayay warbixintu sheegtay.

    Sida uu sheegay Machadka Kofi Annan, doorashadu waxay noqon kartaa fursad lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, balse sidoo kale waxay kordhin kartaa xiisadaha haddii ay jiraan kala qaybsanaan siyaasadeed, hay'ado daciif ah ama hoos u dhac ku yimaadda kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada.

    Warbixintu waxay sheegtay in Tusmada Khatarta Doorashada ay adeegsato tilmaamayaal siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo maamul si loo qiimeeyo xaaladda doorashada, isla markaana loo bixiyo digniin xilii hore oo ku socota dejiyeyaasha siyaasadaha, maamulka doorashada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.

    Kenya waxay ka mid tahay 10 waddan oo warbixinta lagu sameeyay falanqayn qoto dheer, taas oo isku daraysa qiimeyn tirakoob iyo falanqayn ku saabsan xaaladda siyaasadeed, caqabadaha doorashada iyo tallaabooyinka la qaadi karo si loo yareeyo khatarta rabshadaha ka hor Doorashada Guud ee sannadka 2027.

  13. War deg deg ah, Qaraxyo laga soo sheegayo Koonfurta Iiraan iyo Iiraan oo sheegtay in si dhab ah u burburay heshiiskii

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kadib weerarrada cusub ee Maraykanku ku qaaday xeebaha koonfureed ee Iran iyo ku dhawaaqistii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM, ee dib loogu soo celiyay go'doominta dhinaca badda ee koonfurta Iran, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazim Gharibabadi, ayaa sheegay in gebi ahaanba uu burburay qaab-dhismeedkii aasaasiga ahaa ee isfahamka u dhexeeyay Tehran iyo Maraykanka.

    Wuxuu sheegay in waxa loogu yeero "Heshiiska Islamabad" uusan hadda jirin. Isla saaka oo Arbaco ahna, waxaa sidoo kale la soo sheegay dhowr qarax oo ka dhacay koonfurta Iran.

    Iyagoo ka jawaabaya weerarrada Maraykanka, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee IRGC, iyo ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa sheegay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Kuweyt, Baxreyn iyo Urdun.

  14. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil oo hanjabaad cusub u diray Iran

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay qaadi doonto weerarro aargoosi ah haddii Iran ay mar kale weerarto.

    Muuqaal uu ku baahiyay baraha uu ku leeyahay warbaahinta bulshada, ayuu Netanyahu ku yiri:

    "Waxaan rabaa inaan hoggaamiyeyaasha Iran u sheego inaysan u malayn in nabadi ay jiri doonto, haddii ay na soo weeraraan."

    Wuxuu sheegay in jawaabta Israa’iil aysan la mid noqon doonin sidii ay uga falcelisay weerarradii hore ee Iran, inkastoo uu sheegay in jawaabtii xilligaas ay ahayd "mid aad u xooggan."

    "Waqtigii nala soo weerari jiray iyadoo aan wax jawaab ah laga bixin wuu dhammaaday," ayuu yiri.

    Netanyahu wuxuu intaas ku daray:

    "Waxaan tallaabooyinkan u qaadaynaa si aan ula tacaalno khatarta Iran, waxaana sii wadi doonnaa inaan sidaas ula dhaqanno cid kasta oo na waxyeellaysa. Taasi waa waxa aan sameyneyno."

    Sii akhri:

  15. Cudur laga qaado Jiirka ama Dooliga oo dad badan ku laayay dal Afrikaan ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Nigeria ayaa muujiyay walaac ku saabsan sii faafitaanka cudurka Lassa fever, kadib markii uu cudurku sababay dhimashada 221 qof lixdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan.

    Tirokoob ay soo saartay Xarunta Nigeria ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (NCDC) ayaa muujisay in 922 kiis oo cudurka ah la xaqiijiyay ilaa dhammaadkii bisha Juun.

    Xogta ayaa sidoo kale muujisay in 24% dadka cudurka qaaday ay dhinteen, taasoo ka sarreysa 18.7% oo la diiwaangeliyay isla muddadan sanadkii hore.

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in kiisaska cusub ay kordheen muddo saddex toddobaad oo xiriir ah.

    "Bishii 24-aad ee sanadkan waxaa la xaqiijiyay 13 kiis, toddobaadka 25-aad waxay noqdeen 22 kiis, halka toddobaadka 26-aad ay gaareen 31 kiis," ayaa lagu yiri bayaanka NCDC.

    NCDC waxay sheegtay in cudurku uu si weyn ugu faafay 23 ka mid ah 36-ka gobol ee Nigeria, iyadoo gobollada Bauchi, Ondo, Taraba, Benue iyo Edo ay yihiin kuwa ugu badan ee kiisaska laga diiwaangeliyay, kuwaas oo wadajir u ah qiyaastii 85% dhammaan kiisaska sanadkan.

    Daraasadda ayaa sidoo kale muujisay in dadka da'doodu u dhaxayso 21 ilaa 30 sano ay yihiin kuwa ugu badan ee uu cudurku saameeyay, halka shaqaalaha caafimaadkuna ay weli ku jiraan halis, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ay kordheen caabuqyada cusub ee lagu arkay.

    Lassa fever waa cudur keena dhiig-bax, waxaana inta badan lagu kala qaadaa cunto ama agabka guryaha oo ay wasakheeyeen kaadida ama saxarada noocyo ka mid ah jiirka sida gaarka ah u sida fayraska.

    Fayrasku ayaa dadku isu gudbi karaan, gaar ahaan goobaha caafimaadka haddii aan si sax ah loo raacin tallaabooyinka ka hortagga caabuqa.

    Sii akhri:

  16. War deg deg ah, Mareykanka oo shaaciyay waxyaabaha loo adeegsaday weerarka uu Iran ku qaaday

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku sheegay in wejiga hadda socda ee weerarrada ka dhanka ah Iran uu soo dhammaaday.

    Sida ay sheegtay CENTCOM, howlgalka ayaa la soo gabagabeeyay 10:00 habeenimo waqtiga Maraykanka, waxaana lagu beegsaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla agagaarka marin-biyoodka Hormuz iyo xeebaha Iran.

    Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in weerarradu ay beegsadeen xarumaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, awooddeeda ciidamada badda iyo nidaamyada difaaca xeebaha. Howlgalka waxaa loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn, diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda.

    Sida ay CENTCOM sheegtay, howlgalka waxaa la fuliyay iyadoo dib loo soo celiyay go'doominta dhinaca badda iyo xeebaha ee Iran, waxaana lagu soo gabagabeeyay muddo toddobo saacadood ah.

    War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ujeeddada weerarradu ay ahayd "in la yareeyo khatarta ay Iran ku hayso maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalahooda."

    Sii akhri:

  17. War deg deg ah, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan oo war cusub hadda soo saaray

    War kale oo ay soo saareen, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen raadaarrada difaaca gantaallada iyo hawada, iyo sidoo kale goobaha laga gano gantaallada ee Kuweyt.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay weerarro uu Maraykanku ku qaaday afar saldhig oo ku yaalla koonfurta Iran, kuwaas oo ay ka mid yihiin "bakhaar qamadi oo ku yaalla magaalada Hoveyzeh iyo warshad biyaha macdanta soo saarta oo ku taal Dehloran, gobolka Ilam."

    IRGC waxay sheegtay in "Xarunta Isgaarsiinta Dayax-gacmeedka, raadaarrada difaaca gantaallada iyo hawada, nidaamka difaaca hawada ee Patriot, saldhigga ciidamada Maraykanka ee Kuweyt iyo goobaha laga rido gantaallada Mars" ay dhammaantood bartilmaameed u noqdeen weerarro ay fuliyeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay adeegsadeen ciidamada IRGC.

    Warbaahinta Iran ayaa hore u sheegtay in "weerar diyaarado aan duuliye lahayn lagu qaaday Kuweyt, iyadoo sheegtay in nidaamka difaaca ee dalkaas la hawlgeliyay si looga hortago weerarka.

    Sii akhri:

  18. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo ku hanjabtay in ay xiri doonto dhamaan waddooyinka ay wax ku dhoofiyaan saaxiibbada Mareykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saacado kadib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM, uu ku dhawaaqay inuu dib u bilaabay go'doominta dhinaca badda ee dekedaha koonfureed ee Iran, isagoo adeegsanaya 20 markab dagaal iyo boqolaal diyaaradaha dagaalka ah, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa soo saaray bayaan adag oo ay ku hanjabeen inay carqaladayn doonaan marinnada ay dalalka kale iyo "xulafada Maraykanka" u adeegsadaan dhoofinta, haddii waddooyinka Iran ay saliidda iyo gaaska u dhoofiso ay sii xirnaadaan.

    "Badowgu waa inuu ogaadaa in maadaama uu xiray marinka saliidda iyo gaaska looga dhoofiyo dunida iyada oo loo marayo Badweynta Hindiya, taas oo halis gelinaysa danaha tartamayaasha dhaqaale ee Maraykanka, uu hadda sugo in la xiro marinnada kale ee dhoofinta saliidda iyo gaaska ee u adeega danaha Maraykanka iyo xulafadiisa," ayaa lagu yiri bayaanka IRGC ee la soo saaray saaka oo Arbaco ah.

  19. Hooyo cadow ah: 'waxay igu qasabtay inaan bukaan noqdo sanado badan'

  20. Boqorka Spain oo isla markii ay ciyaarta dhamaatay-ba wacay xulka Spain

    Kylian Mbappé iyo Lamine Yamal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kylian Mbappé iyo Lamine Yamal

    Iyadoo kumannaan taageerayaal Isbaanish ah ay waddooyinka dalka isugu soo baxeen si ay u dabaaldegaan guusha, tababare Luis de la Fuente ayaa shaaciyay inuu telefoon ka helay oo uu soo wacay Boqor Felipe VI isla markii ciyaartu dhammaatay.

    De la Fuente wuxuu xiriir dhow la leeyahay ciyaartoydiisa, maadaama qaar badan oo ka mid ah ay hore uga soo hoos ciyaareen xulalka da’yarta ee Spain.

    Mikel Merino ayaa koobkiisii ugu horreeyay ee caalami ah kula guuleystay De la Fuente sannadkii 2015, markaas oo uu garabka la ciyaarayay Rodri — oo hadda ah kabtanka xulka — iyo goolhaye Unai Simón, iyagoo ku guuleystay Koobka Qaramada Yurub ee xulka 19 jirrada.

    “De la Fuente wuxuu safarkan bilaabay 10 sano ka hor isaga oo ay la jireen Oyarzabal, Dani Olmo, Rodri iyo Unai Simón,” ayuu yiri Guillem Balagué oo la hadlayay BBC Radio 5 Live.

    “Waxay ku guuleysteen Koobabka Qaramada Yurub ee 19 jirrada iyo 21 jirrada, si fiican ayay isu barteen, waxayna noqdeen sida qoys,dareenka ah in wadajir ahaan ay uga xoog badan yihiin inay ay keli ahaan u dadaalaan ayaa hadda qayb ka noqday dhaqankooda iyo aqoonsigooda.”