Shiinaha oo Mareykanka ku eedeeyay inuu Bariga Dhexe gelinayo “xaalad khatar ah”

Xigashada Sawirka, Reuters
Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka xilli lagu guda jiray kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu Bariga Dhexe ku riixayo “xuduud khatar ah” sababo la xiriira dagaalka uu kula jiro Iran.
Intii lagu jiray kulanka Golaha Ammaanka oo looga hadlayay xaaladda Xuutiyiinta Yemen, wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Li, ayaa sheegay:“Dowladda Mareykanka waxay leedahay mas’uuliyad aan la dafiri karin oo ku aaddan xaaladda hadda ka jirta Yemen iyo Badda Cas.”
Wuxuu intaas ku daray: “Mareykanka ayaa caqabad ku ah dadaallada Golaha Ammaanka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha, wuxuuna sabab u yahay sii socoshada dhibaatada Gaza iyo kororka xiisadaha.”
Wakiilka Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay:
“Mareykanku wuxuu qaaday weerarro militari oo ka dhan ah Iran isaga oo aan haysan oggolaansho Golaha Ammaanka, xilli ay socdeen wada-hadallo u dhexeeyay Washington iyo Tehran, taasoo mar kale xaaladda gobolka ku riixday meel aad u khatar badan.”
Hadallada Sun Li ayaa yimid kadib markii safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz, uu dhowr daqiiqo ka hor ku eedeeyay Beijing inay jebisay xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay ee saaran Xuutiyiinta.
“Dalal ay ka mid yihiin Iran, iyo ilaa xad shirkado iyo hay’ado ku yaalla Shiinaha, ayaa jebiyay go’aamada Golaha Ammaanka iyaga oo aan la kulmin cawaaqib culus,” ayuu yiri Waltz.
Wakiilka Shiinaha ayaa sheegay in Mareykanku “dib u eegis ku sameeyo tallaabooyinkiisa isla markaana qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu baabi’inayo saameynta taban ee ka dhalatay dhaqamadiisa iyo hadalladiisa.”
Warar dheeraad ah









