Kazem Gharibabadi, ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay in Mareykanku burburiyay heshiiskii lala gaaray:
“Mareykanku wuxuu gebi ahaanba burburiyay heshiiskii is-afgaradka ahaa markii uu dib u soo celiyay xannibaadda badda.”
Sida uu sheegay ku xigeenka wasiirka, “Qodobka ugu weyn ee heshiiskaas wuxuu ahaa in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Iran iyo dhinacyada kale, taas oo lagu xadgudbay gudaha dhulka Iran iyo sidoo kale Lubnaan.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in intii uu geedi-socodka lagu guda jiray aan wax heshiis ah lala gaarib Cumaan.
Dhawaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa booqday Cumaan si uu ugala wada hadlo xaaladda ka taagan marin-biyoodka Hormuz.
Mareykanka oo weeerar ku qaaday mar kale cawa dalka Iran
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Diyaarad dagaal
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarrada la qaaday ay ujeeddadoodu ahayd “in la yareeyo awoodda Iran ee ay ku weerari karto maraakiibta ganacsiga ee ku sugan marin-biyoodka Hormuz.”
Sida laga soo xigtay ciidamada Mareykanka, weerarradan ayaa dhacay wax yar ka hor dib-u-soo-celinta xannibaadda lagu soo rogay dekedaha iyo goobaha xeebaha Iran.
Dhanka kale, warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay magaalooyin iyo gobollo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bandar Abbas, Sirik iyo Ahvaz.
Wakaaladda Wararka ee Mehr ayaa soo xigatay guddoomiyaha gobolka Hormozgan oo sheegay in “goob u dhow magaalada Bandar Abbas lagu beegsaday madaafiic loo nisbeeyay Mareykanka,” hase yeeshee weli lama soo sheegin wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ama burburka ka dhashay.
Sidoo kale, sida ay sheegtay wakaaladdu, magaalada Sirik ayaa lagu beegsaday “gantaal Mareykan ah,” balse weerarkaasi ma uusan sababin wax khasaare nafeed ah.
Bayaanka CENTCOM ee ku saabsan “weerarrada lagu qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Iran” ayaa kusoo beegmaya xilli la soo sheegayo qaraxyo ka dhacay gobollada koonfureed ee dalka.
Iran oo weeraratay saldhigyada Mareykanka ee Kuwait iyo Baxreyn
Hal saac kadib markii CENTCOM ay ku dhawaaqday weerarro cusub oo ka dhacay koonfurta Iran, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay weerartay saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Baxrayn iyo Kuwait.
“Intii lagu guda jiray hawlgal isku mar ah oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ah, dhowr bakhaarro oo lagu keydiyay hub iyo qalab loogu talagalay maraakiibta iyo diyaaradaha cadowga ayaa la burburiyay saacado ka hor, kuwaas oo ku yaallay saldhigga Sheikh Issa ee Baxrayn. ayaa lagu yiri bayaanka iran.
Sidoo kale, tiro diyaarado aan duuliye lahayn ah ayaa la burburiyay ama waxyeello ayaa soo gaartay kadib weerar lagu qaaday goobtii laga hawlgelinayay diyaaradaha MQ-9 ee cadowga, taas oo ku taalla saldhigga Ali Al-Salem ee Kuwait.”
Henderson iyo Quansah oo ah ciyaartoyda England ka maqnaanaya kulanka Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Jordan Henderson
Jordan Henderson iyo Jarell Quansah ayaa la filayaa inay noqdaan labada ciyaaryahan ee keliya ee aan diyaar u ahayn xulka England kulanka semi-finalka Koobka Adduunka ee ay wajahayaan Argentina.
Henderson weli wuxuu ka soo kabanayaa qalliin looga sameeyay gacanta ka jabtay xilli uu dabaaldegayay guushii ay England ka gaartay Mexico wareegga 16-ka. Difaaca Quansah, dhankiisa, wuxuu ganaax ku maqnaanayaa kadib kaarka cas ee uu ku qaatay isla kulankaas.
Taasi waxay tababare Thomas Tuchel siinaysaa doorashooyin badan inta uu dhammeystirayo safka uu ku bilaabanayo kulanka.
Tababaraha England weli ma uusan isticmaalin isla afarta difaac ee safka hore laba kulan oo isku xigta Koobka Adduunka, balse waxaa la fahamsan yahay inuu ka fikirayo inuu sii haysto isla difaaca ku bilaabay kulankii wareegga 8-da ee Norway.
Ezri Konsa, John Stones, Marc Guehi iyo Nico O'Reilly ayaa dhammaantood ku bilowday kulankaas, waxaana la sheegay in Tuchel uu ku qancay sida afarta ciyaaryahan ay u wada shaqeeyeen kulankii ay England 2-1 kaga adkaatay Norway.
Diyaargarowga Declan Rice ee kulankii Norway waxaa si weyn u saameeyay xanuun, balse BBC Sport ayaa Isniintii sheegtay in rajo laga qabo in xaaladdiisu soo hagaagtay oo uu diyaar u noqon doono inuu ciyaaro Arbacada.
Rice ayaa si buuxda u tababartay Talaadadii, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo kulanka Atlanta.
CENTCOM: Mareykanka ayaa dib u bilaabay xayiraadda dhanka badda ee Iiraan
Xigashada Sawirka, Centcom/Reuters
Qoraalka sawirka, Diyaarado dagaal iyo Marakaiib
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 4:00 galabnimo waqtiga Bariga Mareykanka maanta — oo ku beegan ku dhowaad saqdii dhexe waqtiga Tehran — ciidamada Mareykanku ay dib u bilaabeen xannibaadda badda ee maraakiibta u kala goosha dekedaha Iran iyo goobaha xeebaha dalkaas.
CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan 20 markab oo ciidamada badda Mareykanka ah iyo boqolaal diyaarado militari ah ay hadda ka hawlgalaan guud ahaan Bariga Dhexe.
Bayaanka ayaa lagu yiri:“Ciidamada Mareykanka waxay weli ku jiraan feejignaan, waxayna leeyihiin diyaar-garow hawlgal iyo awood dagaal oo buuxda.”
Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay bilowga wareeg cusub oo weerarro ah oo lagu qaaday goobo ku yaalla Iran, iyaga oo ku tilmaamay “weerarro dheeraad ah” oo sii wadaya mowjadihii weerarrada ee dhacay subaxnimadii Talaadada.
Mikel Oyarzabal waxaa uu Koobka adduunka ka dhaliyay goolal badan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Mikel Oyarzabal
Mikel Oyarzabal ayaa noqday ciyaaryahankii saddexaad ee xulka Spain ee hal Koob Adduun ka dhaliya shan gool.
Kahor isaga, waxaa sidaas sameeyay oo keliya David Villa sanadkii 2010 iyo Emilio Butragueño sanadkii 1986, iyadoo labadooduba ay sidoo kale dhaliyeen min shan gool.
Difaaca Spain iyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan kulanka, Pedro Porro, oo ka hadlaya ka dib guushii ay ka gaareen ciyaartii caawa ay la dheeleen Faransiiska.
“Waxaan ogayn inaan wajahayno koox aad iyo aad u adag, waxaana si fiican u qabannay wax walba. Tani waa dadaal kooxeed, aniga keliya ma aha. Waxaan rabaa inaan hambalyeeyo qof walba oo sameeyay bandhig sidan u wanaagsan.”
Isagoo ka hadlayay sida ay uga hor istaageen Faransiiska inuu ciyaaro qaabkiisa:
“Dabcan waan ogayn in kubad haysashadu ay ahayd mid ka mid ah waxyaabaha naga caawin lahaa inaan u dhowaanno kama dambaysta. Weerar-celintooda degdegga ah waa awooddooda ugu weyn, joojinta taasna waxay ahayd arrin muhiim ah.”
Isagoo ka hadlayay beddelkiisii:
“Ma garanayo daqiiqaddii la iga saaray, laakiin waxaan dareemayay inaanan wax badan sii kordhin karin. Sida aan horay u sheegay, guushan waxaa gaaray dhammaanteen, 26-ka ciyaaryahanba. Hadda waan sii wadeynaa.
“Waqtigan xaadirka ah aad ayaan u daalay, laakiin waan soo kaban doonnaa, ka dibna waxaan siin doonnaa wax walba ciyaarta kama dambaysta ah.”
Abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan ciyaartii cawa waxaa helay Pedro Porro
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Pedro Porro
Pedro Porro waligiis gool uma uusan dhalin xulka Spain ka hor Koobkan Adduunka.
Difaaca Tottenham ee 26 jirka ah ayaa hadda tartankan ka dhaliyay laba gool, iyadoo goolkiisii ugu dambeeyay uu dalkiisa u horseeday inuu gaaro kama dambaysta Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 2010.
War deg deg ah, Abaalmarinta Ciyaaryahanka Kulankii caawa waxaa qaadanaya Pedro Porro
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaar tani waa mid ka mid ah bandhigyada kubadda cagta ee ugu quruxda badnaa, waxaana ciyaarta lagu kala awood batay qaab ciyaareedka xulka labada qaran waa Spain oo ciyaarta kubad deggan oo khadka dhexe ka socota iyo xulka Faransiiska oo sii watay qaab ciyaareedkiisii degdegga ahaa iyo weerarkoodii labada garab.
Spain caawa ciyaartan waxay ku awood sheegatay dhumucda kooxdeeda iyo habka kubadaha sida degdegga ah ay dib ugu hanan karto, waxayna tani jahwareer ku furtay xulka Faransiiska oo isku aadinta kubadahiisii degdegga ahaa meesha ay ka baxeen.
Spain waloow ciyaarta ay dhalisay labo gool haddana ma gelin difaac xoogan ee weerarka ayayba sii xoojisay waxayna u muuqdeen in ay ka faa'iidaysanayaan jahwareerka ku yimid Faransiiska.
Ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka waxaa ku kulmi doona Spain iyo midkood England ama Argentina. Spain, oo ku guuleysatay Koobka Adduunka 2010 isla markaana ah kooxda heysata horyaalka Yurub ee hadda, ayaa xaqiijisatay booskeeda kulanka weyn ee kama dambaysta ah.
Labada gool waxaa kala dhaliyay ciyaaryahannada Oyarzabal iyo Porro.
War deg deg ah, Patrick Vieira oo ka hadlay ciyaarta
Article Information
Author, Patrick Vieira
Role, Kabtankii hore ee xulka Faransiiska
Waxaan filayay in qeybta labaad ay wax badan soo bandhigi doonaan [xulka Faransiiska]. Waxaana u maleynayaa in Spain ay aad uga wanaagsan tahay xulka Faransiiska.
Waxay u muuqataa in kalsooni yari jirto. Ma garanayo inay aad uga baqeen kooxda Spain iyo in kale. Waxaan dareemayaa in ay ka maqan tahay shakhsiyad iyo dabeecad ay ciyaarta gacanta ugu dhigaan. Waan niyad jabay!
Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka xilli lagu guda jiray kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu Bariga Dhexe ku riixayo “xuduud khatar ah” sababo la xiriira dagaalka uu kula jiro Iran.
Intii lagu jiray kulanka Golaha Ammaanka oo looga hadlayay xaaladda Xuutiyiinta Yemen, wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Li, ayaa sheegay:“Dowladda Mareykanka waxay leedahay mas’uuliyad aan la dafiri karin oo ku aaddan xaaladda hadda ka jirta Yemen iyo Badda Cas.”
Wuxuu intaas ku daray: “Mareykanka ayaa caqabad ku ah dadaallada Golaha Ammaanka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha, wuxuuna sabab u yahay sii socoshada dhibaatada Gaza iyo kororka xiisadaha.”
Wakiilka Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay:
“Mareykanku wuxuu qaaday weerarro militari oo ka dhan ah Iran isaga oo aan haysan oggolaansho Golaha Ammaanka, xilli ay socdeen wada-hadallo u dhexeeyay Washington iyo Tehran, taasoo mar kale xaaladda gobolka ku riixday meel aad u khatar badan.”
Hadallada Sun Li ayaa yimid kadib markii safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz, uu dhowr daqiiqo ka hor ku eedeeyay Beijing inay jebisay xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay ee saaran Xuutiyiinta.
“Dalal ay ka mid yihiin Iran, iyo ilaa xad shirkado iyo hay’ado ku yaalla Shiinaha, ayaa jebiyay go’aamada Golaha Ammaanka iyaga oo aan la kulmin cawaaqib culus,” ayuu yiri Waltz.
Wakiilka Shiinaha ayaa sheegay in Mareykanku “dib u eegis ku sameeyo tallaabooyinkiisa isla markaana qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu baabi’inayo saameynta taban ee ka dhalatay dhaqamadiisa iyo hadalladiisa.”
Mareykanka oo ku dhawaaqay weerarro cusub oo lagu qaaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Iran.
Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada Mareykanka ay waaberigii hore ee maanta oo Talaado ah weerarro dheeraad ah ku qaadeen bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Iran, si loo baabi’iyo waxa uu ku tilmaamay “halisyo soo ifbaxaya.”
Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah, hase yeeshee wuxuu sheegay in tirada weerarrada cusub ay ahayd mid xaddidan.
Ciidamada Mareykanka ayaa hore u shaaciyay in 13-kii Luulyo ay fuliyeen weerarro ballaaran oo lagu beegsaday nidaamyada difaaca xeebaha ee Iran, saldhigyada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo awoodaha ciidamada badda ee dalkaasi.
Sida lagu sheegay wararka, weerarradaas ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo kala duwan oo ku yaalla Iran, oo ay ku jiraan Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abu Musa iyo Bandar Cabbaas.
Sawirada Maxamuud Axmadinejad oo ka qeybgalaya aaska Ali Khamenei oo la baahiyay
Xigashada Sawirka, IRIB
Qoraalka sawirka, Maxamuud Axmadinejad
Kadib markii la daabacay warbixino cusub oo ku saabsan xiriirka la sheegay inuu ka dhexeeyay Madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad, iyo Israa'iil, ayaa maanta la baahiyay sawir cusub oo muujinaya isaga oo ka qeybgalaya munaasabadda aaska Cali Khamenei ee ka dhacday Mosallaha magaalada Tehran.
Mahmoud Ahmadinejad ayaan fagaarayaasha lagu arag tan iyo markii uu billowday dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka, Israa'iil iyo Iran. Markii ugu horreysay ayaa dhowr maalmood ka hor lagu arkay aaska Cali Khamenei, isagoo ay hareerihiisa ka muuqdeen shaqaale ilaalo u eg.
Maanta, maalin kadib markii wargeysyada The New York Times iyo Haaretz ay daabaceen warar ku saabsan doorkii la sheegay inuu ku lahaa qorshe lagu doonayay in lagu beddelo dowladda Iran, ayaa sawirro iyo warbixino dheeraad ah oo ku saabsan Ahmadinejad la faafiyay.
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Zaydi, ayaa u safray magaalada Washington si uu ula kulmo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, toddobaad kadib markii uu garoonka diyaaradaha ee Najaf ku soo dhoweeyay diyaaraddii siday naxashka Ayatollah Khamenei.
Booqashadan oo ah safarkii ugu horreeyay ee dibadda ee Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ciraaq ayaa lagu sheegay inay diiradda saarayso ballaarinta xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya labada dal.
Wararku waxay sheegayaan in ajandaha wada-hadallada albaabadu u xirnaayeen ay ka mid ahaayeen qorshaha ciidamada Mareykanka uga baxayaan Ciraaq ugu dambeyn 30-ka Sebtembar iyo waqtiga kama dambaysta ah ee dowladda Ciraaq u qabatay maleeshiyaadka inay hubka dhigaan isla taariikhdaas.
Isagoo la hadlayay wariyeyaal Talaadadii, iyadoo Ra’iisul Wasaare Zaydi uu garab taagnaa, Madaxweyne Donald Trump ayaa Iran ku tilmaamay “xoog-sheegatada Bariga Dhexe,” isagoo sheegay in awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay si weyn u wiiqantay kadib weerarradii Mareykanka, isla markaana dowladda Ciraaq ay hadda haysato fursad ay si madax-bannaan ugu dhaqaaqdo.
Trump ayaa sidoo kale xusay dilkii Qaasim Suleymaani, taliyihii hore ee Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran, kaas oo la dilay intii lagu jiray xilligiisii ugu horreeyay ee madaxtinimada. Wuxuu ku tilmaamay Suleymaani “halyey waalan,” isagoo sheegay in xitaa mas’uuliyiinta dowladda Iran ay ka cabsan jireen.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in “qof aad u xun” oo ka tirsanaa hoggaanka Ciraaq lagu dilay isla weerarkii lagu beegsaday Qaasim Suleymaani.
Trump wuxuu ula jeeday Abu Mahdi al-Muhandis, oo ka mid ahaa saraakiishii ugu sarreysay ee Ciidamada Xoogagga Gurmadka Shacabka (PMF).
Intaas kadib, Trump ayaa u jeestay Ra’iisul Wasaare Zaydi isagoo weydiiyay: “Ma garanayo inaan wanaag kuu sameeyay iyo in kale?”
Hadalladan ayaa yimid iyadoo aaskii Cali Khamenei ee toddobaadkii hore lagu qabtay magaalooyinka Najaf iyo Karbala, xaflad ay si buuxda u maamulayeen dowladda iyo ciidamada Ciraaq, taas oo falanqeeyayaal ay ku tilmaameen inay ahayd muujin awood oo ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah u dirtay Mareykanka gobolka Bariga Dhexe.
Isagoo ka jawaabaya su’aasha Trump, Ra’iisul Wasaare Zaydi kama uusan falcelin hadalladaas, wuxuuna bixiyay jawaab kooban oo siyaasadaysan.
“Waxaan halkan u imid inaan ka hadlo mustaqbalka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inuusan xilligaas ku jirin siyaasadda.
Sheekada gooldhaliyihii ugu fiicnaa taariikhda Koobka Adduunka: Wuxuu doortay kabo amaah ah iyo qori hawada lagu toogto halkii laga siin lahaa Kabta Dahabka
Weerar lagu qaaday dalka Baxreyn
Saacad ka hor, ayaa seeriga digniinta duqeymaha cirka laga maqlay dalka Baxrayn.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa ku dhawaaqday digniintan kadib markii Manama ay hore u sheegtay isla maalintaas inay ka hortagtay weerarro dhowr ah oo ay Iran soo qaaday.
"Seeriga digniinta waa la shiday,muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka waxaa laga codsanayaa inay isdejiyaan isla markaana ay galaan goobta ugu dhow ee ammaan ah," ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ku sheegtay bayaan lagu daabacay baraha bulshada.
Wakaaladda Wararka ee Fars ayaa baahisay muuqaal iyadoo qortay: "Ilo wareedyo ayaa sheegay in gantaallo tiro badan loo adeegsaday weerarka lagu qaaday saldhigyada milatariga Mareykanka ee Baxrayn."
Horey ayay Iran u shaacisay inay weerarro ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Kuwait, Baxrayn, iyo Urdun.
War deg deg ah, Xiriirka u dhaxeeya cimriga gaaban iyo carruurta badan iyo dhalmada Soomaalida
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Waalidiintu waxa ay inta badan ku kaftamaan in carruurtu ay noloshooda ka jartay sannado intii ay la tacaalayeen daryeelkooda, marka carruurtu xanaaqaan, cunto diidaan ama hurdo diidaan, badanaa waxaa la isticmaalaa tusaalaha ''nolol badbaadiye''
Laakiin daraasad cusub ayaa soo jeedinaysa in aysan tani ka fogayn runta.
Falanqeeynta diiwaanada taariikhiga ah ayaa muujisay in nolosha qaar kamid ah hooyooyinka ay gaabin karto ilaa lix bilood carruur kasta oo ay dhalaan, iyada oo haweenka ku nool deegaanada ugu adag ay yihiin kuwa la kulma saamayntan.
War deg deg ah, Weeraro cusub oo lagu qaaday Jasiirada Qeshm
Barasaabka Hormozgan ayaa ku dhawaaqay weeraro cusub oo lagu
qaaday jasiirada Qeshm.
Wakaalada Taleefishinka iyo Raadiyaha Iiraan ayaa soo xigtay
xafiiska barasaabka o oleh ‘’Markii ay ahayd 7:00 p.m., Jasiirada Qeshm waxaa
ku dhacay gantaalo cadowga Maraykanka’’.
Saraakiisha Iiraan ayaa horay ugu dhawaaqay mowjado cusub oo
weeraro Maraykanku uu ku qaaday Koonfurta dalkaasi, oo ay ku jiraan Abadan,
Mahshahr iyo Bushehr.
Sida laga soo xigtay oo ay ku dhawaaqday CENTCOM, Iran waxa
ay gashay go’doomin ciidamada badda Maraykanka mar kale muddo saacado ah.
Waa tuma gabadha la dhalatay saaxiibkii Trump ee dhintay ee haatan booskiisa badalaysa?
War deg deg ah, Trump oo ka laabtay lacagihii 20% ee uu kusoo rogay marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Donald Trump ayaa ka sheegay bartiisa Truth Social inuu
go'aansaday inuu beddelo lacagta magdhowga ee 20% ee la xiriirta marin-biyoodka
Hormuz, isagoo ku beddelaya heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka
Khaliijku la geli doonaan Maraykanka.
“Waxaan go'aansaday inaan ku beddelo lacagta 20% ee
Maraykanka heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka kala duwan ee
Khaliijku ka samayn doonaan Maraykanka.”
Wuxuu intaas ku daray: “Maalgashatadu waxay noqon doonaan
kuwo aad u ballaaran, isla markaana si aan caadi ahayn faa'iido ugu leh
dalalkaas iyo mustaqbalkooda.”