Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Aqoonta ay isu leeyihiin labada kooxood oo natiijada adkeynaysa

    Is-maandhaaf

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Is-maandhaaf

    Pouria Jaffray, Los Angeles

    Waxaa jiray waqti ay England iyo Argentina isku arki jireen Koobka Adduunka, xitaa ilaa Koobkii Adduunka ee 2002, oo ay aad u yareyd in ciyaartoyda labada xul ay hore ugu kulmeen heer kooxeed.

    Waxaa jiray tusaalooyin yar, sida Juan Sebastián Verón, kaasoo u wareegay Manchester United kadib sannado uu ku soo qaatay ciyaaraha Talyaaniga.

    Laakiin maanta xaaladdu si weyn ayay isu beddeshay. Xulka Argentina ee hadda jira, saddex ciyaaryahan ayaa ka ciyaara kooxaha Premier League-ga England sida Chelsea, Liverpool iyo Aston Villa. Sidoo kale Julián Álvarez wuxuu leeyahay waayo-aragnimo uu kula soo ciyaaray Manchester City.

    Ciyaartoyda Argentina waxay si fiican u yaqaanaan kubadda cagta England iyo ciyaartoydeeda, halka ciyaartoyda England-na ay si buuxda u fahamsan yihiin xiddigaha Argentina.

    Isbarashada labada dhinac waxay ka dhigaysaa in ay aad u adkaato in kooxuhu si lama filaan ah ugu yaabiyaan kuwa kale, ama ay si fudud u muujiyaan xirfado shaqsiyeed iyo xeelado cusub.

  2. Garsooruhu go'aan sax ah ma qaatay?

    Daqiiqaddii 37-aad, ciyaaryahanka Argentina Juliano Simeone ayaa galay shan qalad (fouls). Saaxiibkiis Enzo Fernández ayaa ahaa ciyaaryahanka xigay ee ugu qaladaadka badnaa, isagoo sameeyay laba qalad.

    Garsooruhu sidoo kale wuxuu siiyay kaarka jaalaha ah ciyaaryahanka England Elliot Anderson, kaasoo galay qaladkiisii labaad ee ciyaarta.

  3. Mareykanka oo digniin dhanka socdaal ah ka soo saaray dalal ay soomalaiya ku jirto

    Waaxda arrimah dibadda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Waaxda arrimah dibadda

    Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartaa La-talinta dhanka Safarka ah oo leh heerar u dhexeeya Heerka 1 ilaa Heerka 4.

    Heerka 4 wuxuu ka dhigan yahay: HA U SAFRIN

    Heerkan waxaa la siiyaa waddan marka xaaladaha amni ee halkaas ka jira ay aad u halis yihiin ama awoodda dowladda Mareykanka ee ay ku caawin karto muwaadiniinteeda ay aad u xaddidan tahay.

    Waddamadan waxaa hadda lagu qiimeeyay Heerka 4 – Ha U Safrin:

    ⛔ Afghanistan ⛔ Belarus ⛔ Burkina Faso ⛔ Myanmar (Burma) ⛔ Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR) ⛔ Chad ⛔ Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ⛔ Haiti ⛔ Iran ⛔ Iraq ⛔ Lubnaan (Lebanon) ⛔ Libya ⛔ Mali ⛔ Niger ⛔ Waqooyiga Kuuriya (North Korea) ⛔ Ruushka (Russia) ⛔ Soomaaliya (Somalia) ⛔ Koonfurta Suudaan (South Sudan) ⛔ Suudaan (Sudan) ⛔ Suuriya (Syria) ⛔ Uganda ⛔ Ukraine ⛔ Yemen

  4. Dagaal aad u xiiso badan, Pouria Jaffray, Los Angeles

    Dagaal cajiib ah — Pouria Jaffray, Los Angeles

    Labada kooxood ma aha oo kaliya inay sameyn waayeen wax shuut ah oo goolka ku wajahan, balse xitaa midkoodna weli ma uusan helin isku day toos ah oo goolka lagu beegsado.

    Tirakoobkan wuxuu si cad u muujinayaa sida ay labada kooxood isugu dhow yihiin iyo sida uu kulankani u yahay mid xasaasi ah, adag, xiiso badan oo xamaasad leh.

    Waa kulan ay khalad yar ama hal fursad oo keliya beddeli karto natiijada.

  5. Richards: Waa inay England samir muujisaa

    Richards: Waa inay England samir muujisaa

    "Illaa hadda ciyaartu waxay ahayd mid xeelad ahaan si adag isu haysata, isla markaana u eg dagaal dhinaca jirka ah.

    Anthony Gordon mararka qaar wuxuu helay meelo fiican oo bannaan, laakiin marka kubaddu u timaaddo wuxuu u baahan yahay inuu isdejiyo oo uu si deggan u go'aansado.

    Si kastaba ha ahaatee, ciyaartu si tartiib tartiib ah ayay u furmi doontaa, England-na waxay u baahan tahay oo keliya inay samir yeelato oo aysan degdegin."

    Micah Richards wuxuu rumeysan yahay in kulanku uu hadda yahay mid adag oo labada dhinac ay si xeeladaysan isu xannibayaan.

  6. Qalibaf: Marka aysan Iiraan ka faa'iideysanayn heshiis is-fahamka, ma jirto sabab ay ugu hoggaansanto.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa soo saaray bayaan faahfaahsan isagoo yiri:"Waxaan ku jirnaa dagaal dhab ah oo jiritaan ah oo aan kula jirno Mareykanka."

    Wuxuu sheegay in ujeeddada cadowgu ay tahay "in la rido nidaamka dowladda" iyo "in dalka la kala qaybiyo."

    Qalibaf wuxuu sheegay in heshiiska is-afgaradka uu qiimo leeyahay oo keliya haddii qodobadiisa la dhaqan geliyo. Wuxuu yiri:"Haddii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran aysan ka faa'iideysan qoraalkan, ma jirto sabab aan ugu hoggaansanno heshiiskan."

    Sida uu sheegay, ciidamada qalabka sida ee Iran waxay haystaan xorriyad buuxda oo ay kaga jawaabaan weerar kasta oo cadowgu soo qaado, sidii ay horeba u sameyn jireen.

    Wuxuu intaas ku daray in go'aanka ku saabsan dagaal ama wadaxaajood uu yaallo gacanta Hoggaamiyaha Sare ee Iran, isagoo yiri:"Go'aanka ah in dagaal la galo ama lala xaajoodo cadowga waxaa lagu saleeyaa amniga iyo danaha qaranka. Cidda go'aanka ugu dambaysa leh waa Hoggaamiyaha Sare iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada."

  7. Ciyaar adag ayaa durba bilaabatay

    Waxay u muuqataa inaan goobjoog u nahay ciyaar xiisad badan. Ciyaartii xitaa weli ma bilaaban, ciyaartoyduna way is-haystaan.

  8. Ciyaartii u dhaxaysay England iyo Argentina ayaa bilaabatay.

    England 0-0 Argentina

    Argentina waxay doonaysaa inay difaacato koobkeeda, halka England ay doonayso inay gaarto ciyaarta kama dambaysta ah ka dib 60 sano.

    Kooxda badisa ciyaarta caawa ayaa la ciyaari doonta Spain kulanka kama dambaysta ah.

  9. Jude Bellingham, oo ah ciyaaryahanka lambarka 10-aad ee England iyo rajada taageerayaal badan

    Jude Bellingham

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Jude Bellingham

    Jude Bellingham ayaa hoggaamiyay xulka England intii ay ka ciyaarayeen joogga sare ee magaalada Mexico City, iyo kulaylka daran iyo huurka magaalada Miami, iyadoo dadaalkiisu uu u muuqdo mid shaqsiyeed oo lagu soo afjarayo sugitaanka 60-ka sano ah ee England ay u hayso ku guuleysiga Koobka Adduunka.

    Iyadoo indhaha dunidu ay ku jeedaan lambarka 10-aad ee hibada badan ee xulka Argentina, Lionel Messi, England-na waxay leedahay lambarkeeda 10-aad; xiddig Jude Bellingham, oo ay weheliyaan saaxiibbadiis, rajaynaya inuu dalkiisa gaarsiiyo guul taariikhi ah oo ay muddo dheer sugayee

  10. "Waxaan leenahay taariikh dheer, laakiin tani waa ciyaar kubadda cagta ah oo keliya."

    Julen Alvarez

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Julen Alvarez

    Weeraryahankii hore ee Manchester City iyo xulka Argentina, Julián Álvarez, ayaa caawa wajahaya ciyaartoy uu si fiican u yaqaan oo ka tirsan xulka England.

    Álvarez ayaa sannado badan ka ciyaaray Manchester City, sidaas darteed wuxuu si fiican u garanayaa qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda England.

    "Qaar ka mid ah ciyaartoyda waan garanayaa, sababtoo ah waxaan ku noolaa England. Laakiin waligay fursad uma helin inaan kaga hor imaado xulka qaranka. Kulankani wuxuu noqon doonaa mid gaar ah, maadaama aan la ciyaarayno koox adag, sidoo kalena uu yahay wareegga afar-dhammaadka (semi-final)," ayuu yiri Julián Álvarez.

    Markii la weydiiyay in xifaaltanka taariikhiga ah ee labada dal uu keenayo cadaadis dheeraad ah, wuxuu yiri:

    "Ma hubo in ereyga 'cadaadis' la adeegsan karo, laakiin waa kulan gaar ah. Sida aan wada ognahay, labada xul waxay leeyihiin taariikh dheer oo xifaaltan ah, mana u baahni inaan wax intaas ka badan ku sharraxo."

    "Si kastaba ha ahaatee, ugu dambayn waa ciyaar kubadda cagta ah. Waxa ugu muhiimsan waa inaan joogno semi-final-ka Koobka Adduunka." ayuu intaa ku daray

  11. Sidee baad u xallinaysaa dhibaato la mid ah Messi?

    Messi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Messi

    Messi oo 39 jir ah ayaa caawa markii ugu horreysay xirfaddiisa dheer ee cajiibka ah wajahaya xulka England.

    Ciyaartoy badan oo England ah ayaa hore ula kulmay Messi iyagoo u ciyaaraya kooxahooda. Laakiin kulankan wuxuu noqon karaa dareen gebi ahaanba ka duwan, maadaama ay la ciyaarayaan halyeeyga iyo hoggaamiyaha Argentina.

    Way caddahay in kooxda uu hoggaamiyo Lionel Scaloni ay ku tiirsan tahay Messi, gudaha iyo dibaddaba garoonka. Kulanka caawa waxaa si weyn u saameyn doonta inta uu Messi ciyaarta uga qayb qaato.

    Sannadkii 2022, Argentina waxay ku guuleysatay Koobka Adduunka iyagoo u dagaallamay riyadii Messi. Haddaba, su'aashu waxay tahay: ma mar kale ayay ku guuleysan karaan si loo xaqiijiyo in Messi yahay ciyaaryahanka ugu weyn ee taariikhda kubadda cagta?

  12. War deg deg ah, Iiraan: Maraykanka ayaa ‘’jebiyay’’ is-afgaradkii, heshiiskiina ‘’si dhab ah ayuu u dhammaaday

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Qoraalka sawirka, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in Mareykanku uu “jebiyey” is-afgaradkii isaga oo dib u billaabay hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Iiraan, isla markaana heshiiskaasi uu hadda “si dhab ah u dhammaaday.”

    Afartii maalmood ee lasoo dhaafay, Mareykanka iyo Iiraan waxay isweydaarsanayeen weerarro. Washington ayaa hawlgalladeeda milatari ku beegsanaysay deegaannada xeebaha ee Iiraan, halka Tehran ay sheegtay inay weerartay saldhigyo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka.

    Washington waxay sheegtay in ujeeddada hawlgalladu tahay in la wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku carqaladayn karto maraakiibta ganacsiga. Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku dhawaaqay xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Iiraan.

    Wadahadallada u dhexeeyey Mareykanka iyo Iiraan waxay ku socdeen dhexdhexaadinta Pakistan iyo Qatar, hase yeeshee Madaxweyne Trump ayaa muujiyey in wadahadalladii Tehran ay soo afjarmeen kaddib weerarkii lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ee IRNA, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Kazem Gharibabadi ayaa sheegay in Iiraan aysan ka leexan doonin waddada diblomaasiyadda, balse sidoo kale aysan billaabi doonin wadahadallo cusub oo ay la yeelato Mareykanka.

    Waxa uu diiday aragtida ah in “cadaadis milatari lagu qasbi karo Iiraan inay gasho wadahadal ama ay beddesho mowqifkeeda ku aaddan Marinka Hormuz.”

  13. War deg deg ah, Iran oo ku goodisay marino kale ay xiri doonto

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Iran ayaa ku hanjabtay inay xirayso marino kale oo ganacsiga badda fure u ah kadib markii Maraykanku ay qaadeen mowjado cusub oo weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo milatari.

    Bayaan kasoo baxay ilaalada kacaanka ayaa lagu sheegay marin Hormuz uu sii xirnaan doono inta Maraykanku ka dhammaynayo ‘’talaabooyinka cadaawada.’’ Masuuliyiinta Iiraan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay xiri doonaan marino kale oo muhiim ah oo loo adeegado dhoofka gaaska iyo shidaalka ee gobolka.

    Bayaanka ayaa soo baxay iyada taliska dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay subaxnimadii Arbacada in ciidamada Maraykanku ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn iyo duqaymo dhanka hawada oo ay ku ekeeyeen bartilmaameedyo milatari oo dhaca Iiraan.

    Colaada u dambaysay ee xiisada ka dhex aloosan Maraykanka iyo Iiraan ayaa sii muujisay muhiimada marinka Hormuz u leeyahay dhaqaalaha gobolka.

    Qiimaha shidaalka ayaa sidoo kale laga arkay koror weyn oo uu dhaliyay dagaalka u dambeeyay, iyada oo marinkaasi muhiimka ah uu ku dhowaaday in uu istaago.

    CENTCOM ayaa ku sheegtay bayaankeeda weerarada subaxnimada Arbacada looga gol lahaa ‘’in lagu sii wiiqo awoodda Iiraan ay ku beegsan karto maraakiibta ganacsiga ee marinka Hormuz.’’

  14. War deg deg ah, Muwaadin Hindi ah oo la xaqiijiyay geeridiisa kadib weerar markab

    Qunsuliyada Hindiya ee Dubai ayaa xaqiijisay Arbacadii geerida muwaadiniin Hindi ah oo lagu waysanaa kadib weerar lagu qaaday markabka ganacsiga ee JFS Galaxy ee lagu weeraray xeebaha Cumaan.

    Soddoga Harambe Karmarkar oo 30 jir ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay geeridiisa. Harambe Karmarkar ayaa kaga shaqaynayay injineernimo markabka ku gooshayay calanka Qubrus ee lagu beegsaday xeebaha Cumaan Axadii.

    Sida laga soo xigtay masuuliyiinta Qubrus, shaqaalaha Markabka oo 24 ahaa ay ku jireen 11 Hindi ah, halka Markabka ay ku dhaceen gantaal aan la aqoonsan.

    Iiraan ayaa sheegtay inay Markabka beegsatay markii uu isku dayay inuu maro marina aan loo oggolaan iyada oo la siiyay digniin.

  15. Afgambigii badalay dal dhan; sida Erdogan u qaabeeyay Turkiga muddo toban sano ah

  16. War deg deg ah, Siciid Deni oo faahfaahin ka bixiyay cabashada ka dhalatay muranka Dekedda Boosaaso

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

    Xigashada Sawirka, H.E Said Abdullahi Deni

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad u jeedinayay shacabka deegaankiisa ayaa ka hadlay murankii maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dekedda Boosaaso ee la xiriirta cabashada ganacsatada ee ah in canshuur lagu kordhiyay, inkasta oo uu sheegay in aysan dhankooda wax canshuur kordhin ah aysan samayn.

    ‘’Dowladda Puntland wax canshuur kordhin ah oo ay samaysay ma leh, canshuurta kordhinteedu nidaam (process) ayay martaa, miisaaniyada dalkeey gashaa, oggolaansho baarlaman beey martaa, marka aan aragno inay dan tahay canshuurta aan qaadno weli kuma filna adeegyada bulshadeenu u baahan tahay, laakiin waxaan isla socod siinaa duruufta markaa jirta iyo kobaca dhaqaalaha ee ganacsatadeena. Waxaa kale oo intaa dheer Dekedda magaalada Boosaaso waxaad ogtihiin shirkad baa maalgelisay muddo badan ka shaqaynaysay, qof walba wuu qirayaa isbedelka ku dhacay dekeddeena, waxaa kordhay dhinacyadii ay kusoo xiran jiray maraakiibta, waxaa la qoday kanaalkii Maraakiibta waa weyn ay soo maraysay, waxaa lagu wadaa dib u casriyayn iyo ballaarin joogta ah’’

    Deni ayaa intaa ku daray in codsiyo ay u jeediyeen shirkada ay keentay in ay ugu dul qaataan marxalada ay ku jiraan oo aan la fulin canshuurihii ay heshiiska ku ahaayeen ‘’Muddada howshaasi socotay, waxaan shirkada gacanta ku haysa ka codsan jirnay inay marxaladaha adag ee aan ku jirno noogu dul qaataan, intaas toddobada sano aan joogay waxaan ka hoortaagnayn in canshuurihii heshiiska lagula galay aan la fulin, duruufo jira awgood, anaga oo u eexeynayna ganacsiga kobaciisa, anaga oo eegayna ganacsatada ay culays badan saaran tahay’’

    Waxa uu ku tilmaamay wax kordhinta la sameeyay inay tahay khidmad oo aysan ahayn canshuur ‘’Waxaan rabaa in aan dadka maanta u caddeeyo waxa la kordhiyay oo dadku sheegayaan horta canshuur ma aha, waxa weeye khidmadaha laga qaado maraakiibta dalka badeecadaha keenta oo %95 ama %96 ama %99 ay leeyihiin dad ajaanib ah, waxa Soomaalidu leedahay waa dhowr fara-kutiris ah, maraakiibtaas ganacsatadeenu soo kiraystaan oo lacagta ka qaata oo dalka baddeecada keena, Dekedda u adeegaysa waxa ay u baahan tahay khidmad lamid ah khidmadaha dekedaha kale marka ay tagaan ay bixiyaan.

    Waxa kale oo uu sheegay in ballaarin lagu samaynayo dekedda Boosaaso.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  17. Cumaan oo saluug ka muujinaysa doorka Maraykanka ee amniga bariga dhexe, dhaliishayna siyaasadda xakamaynta Iran

  18. War deg deg ah, Kenya: Maxkamad ayaa diidday codsi bulshada Rastafarian ay ku doonayeen sharciyaynta xashiishada

    Maxkamad ku taalla Kenya ayaa diidday codsi ay bulshada Rastafarian-ka ay ku dalbanayeen in xashiishadda (cannabis) loo sharciyeeyo si isticmaal diimeed ah.

    Dadka codsiga gudbiyay ayaa ku dooday in xashiishaddu ay qayb muhiim ah ka tahay cibaadadooda, isla markaana mamnuuciddeedu ay ku xadgudbayso xuquuqdooda dastuuriga ah ee xorriyadda diinta.

    Garsooraha ayaa sheegay in caddeymaha ay soo bandhigeen aysan ku filnayn isla markaana ay is khilaafsan yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in Kenya ay u baahan tahay dood qaran oo ku saabsan sharciyeynta xashiishadda, isagoo tilmaamay in maandooriyahan si ballaaran looga isticmaalo bulshada dhexdeeda.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  19. War deg deg ah, Ukraine iyo Midowga Yurub oo iska kaashanaya ballaarinta soo saarista drones-ka

    Ukraine iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay inay hirgeliyaan mashaariic wadajir ah oo lagu ballaarinayo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

    Iyada oo ka hadleysay magaalada Kyiv, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegay in heshiiskani uu isku dari doono hal-abuurka Ukraine iyo awoodda wax-soo-saarka warshadaha Yurub.

    Ukraine waxay dhistay warshado casri ah oo soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga hortagto duullaanka Ruushka, waxayna khibraddeeda u iibisay sagaal dal, oo ay ku jiraan dalalka Khaliijka, kuwaas oo raadinaya habab ka jaban oo ay isaga difaacaan weerarrada Iiraan.

    Heshiiska maanta ayaa ah kii ugu horreeyay ee loogu talagalay inuu daboolo dalalka iyo shirkadaha ka kala tirsan Midowga Yurub.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  20. Trump oo $5 milyan oo magdhow siiyay haweeneey sabab la xiriirta xadgudub galmo