Muuse Biixi: Sida uu uga badbaaday xabsiga
Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sideedamaadkii ka badbaaday in xabsiga loo taxaabo xilligii ay jirtay dowladdii kacaanka.
Amar ka yimid madaxweynihii Dawladdii Kacaanka ee Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre, ayaa ahaa in mar kale la soo xidho mid ka mid ah sarkaalladii ciidanka cirka ee xilligaas Colonel Muuse Biixi Cabdi, oo maalmo yar ka hor xilligaas oo ahayd 1983 laga soo daayey xabsiga Boolisiyo Millataare.
Xadhigga hore, Muuse Biixi iyo nin kale oo lagu magacaabo Qamariye ayaa la xidhay 1982-83-gii iyada oo xilligaas la xidhxidhayey saraakiil ka soo jeedday gobolladii waqooyi oo loo arkeyey in ay ahaayeen Kacaan Diid. Gaar ahaan, saraakiishan ayaa lagu eedeeyey in Generaal Gaanni oo xabbado lagu ridey xilligaas isaga oo Hargeysa joogo in ay ka dambeeyeen. Afar bilood kaddib se waa la soo daayey markii ay dadaal badan sameeyeen xubno sarsare oo asxaab la ahaa, mana ay dhicin in la sii gudbiyo ama maxkamad la soo taago labadoodiiba.
Markaa kaddib Muuse wuxuu codasaday in waxabarsho loogu diro Maraykanka, intii se hawshii uu ku jirey ayaa uu soo baxay amarka kale ee ah in mar kale la soo xidho. Waxaana halkaa bilaabatay xaalad halis ah oo ay tahay ma la xidhi doonaa? Mise Maraynka ayuu waxbarasho u doonan doonaa?
Sidee ayuu ku ogaaday amarka xadhiggiisa?
General Ibrahim Adam Xaal Xaal, oo ahaa xilligaa Madaxa Guud ee Hoggaanka Siyaasadda Ciidanka ayaa ogaaday warka ah in saaxiibkii Muuse Biixi uu soo baxay amar xadhig ah oo ka yimi madaxweynaha.
"Markii amarkii soo baxay ayaa anoo xafiiska fadhiya ayuu qof muhiim ihi ii soo galay, wuxuuna ii sheegay arrinta cusub ee Muuse khuseysa, run ahaan waan naxay laakiin go'aan degdeg ah ayaan qaatay. Waxaan aaday gurigi Muuse, albaabka ayaan garaacay, waxa iga furtay xaaskiisa, markay ii aragtay wey naxday madaama aanaan weligay gurigood soo gelin!"