You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump: Todobaad ayaan siinnay Iiraan si loo aaso Khamenei

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay toddobaad siisay Tehraan si ay u aasto Hoggaamiyihii Sare ee hore ee Iiraan Cali Khamenei, kaas oo ku dhintay weeraradii Mareykanka iyo Israa'iil, isagoo xusay in tallaabadan ay u sameeyeen "sababtoo ah inaan nahay dad wanaagsan".

    Mr. Trump, oo ka hadlayay furitaanka dabaaldegga sannad-guurada 250-aad ee aasaaska Mareykanka oo habeenkii Jimcaha ka dhacay Mount Rushmore, ayaa sheegay in Iiraan ay aad u rabto inay "heshiis la gasho" Mareykanka.

    Isagoo ku faanaya awoodda ciidanka Mareykanka ee adduunka, wuxuu intaas ku daray in ay hal maalin gudaheed ku jabiyeen dalka Venezuela, sidoo kalena ay khasaare xoogan u geysteen Iiraan, wuxuuna ku celiyay in muddada toddobaadka ah ee ay u siiyeen aaska hoggaamiyaha ay tahay naxariis ay u muujiyeen.

  2. Trump: Maraykanku weligiis ma fashilmin isma na dhiibin

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ku jira habeenka looga dabaaldegayo sannad-guuradii 250-aad ee madaxbannaanida dalkaas, waxa uu weerar afka ah ku qaaday waxa uu ugu yeeray "khatar cusub oo ku wajahan aqoonsiga qaranka Mareykanka", isagoo tilmaamay "xagjiriinta gudaha".Khudbaddiisa waddaniga ahayd, wuxuu ku ammaanay aaminsanaanta ah in Mareykanku yahay dal sarreeya islamarkaana gaar ah, isagoo ammaanay hoggaamiyayaashii hore ee dalkaas.Mr. Trump oo ka hadlayay fagaaraha taallada caanka ah ee Mount Rushmore ee gobolka South Dakota, ayaa ku tilmaamay Mareykanka dal "aan waligiis is dhiibin, marnabana fashilmin."

  3. Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo oo hanjabaad u diray Xuutiyiinta

    Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay si go'aan qaadasho leh iyo "xoog aan horay loo arag" ugu jawaabi doonaan isku day kasta oo lala beegsanayo boqortooyada Sacuudi Carabiya.War-murtiyeedkan ka soo baxay isbahaysiga ayaa yimid saacado yar kaddib markii afhayeenka ciidammada kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iiraan uu uga digay Sacuudiga in haddii uu sii wado waxa uu ugu yeedhay ku xadgudubka hawada Yemen, ay kooxdoodu beegsan doonto garoommada diyaaradaha iyo goobaha muhiimka ah ee Sacuudigu ku leeyahay berriga iyo baddaba.

  4. Colombia oo iska xaadirisay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka

    Kolombiya ayaa hal gool iyo waxba kaga badisay xulka Ghana, ciyaartii ugu dambaysay ee wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka.

    Xulka Kolombiya ayaa hoggaanka ciyaarta qabtay qeybtii hore iyo daqiiqadihii ugu horreeyay ee ciyaarta. Intii ay ciyaartu socotay kaddib, kooxda Ghana oo uu tababare u yahay Carlos Queiroz ayaa isku dayday in ay iska soo gudaan goolkaas laga dhaliyay, balse qaybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhammaatay natiijadaas.

    Qeybtii labaad ee ciyaarta, Kolombiya ayaa haddana muujisay ciyaar aad u wanaagsan, waxayna ku guuleysteen in ay dhaliyaan gool labaad daqiiqaddii 55-aad ee ciyaarta, balse calan-hayaha ayaa tilmaamay inuu ahaa offside. Kaddib markii dib loo eegay dhacdadaas, goolkii waa la diiday, ciyaartuna waxay ku dhammaatay isla natiijadii 1-0 oo ay guushu ku raacday Kolombiya.

    Natiijadan darteed, Kolombiya waxay u gudubtay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, waxayna wajihi doontaa xulka Iswisarland taariikhdu marka ay tahay July 7.

  5. Koobka Adduunka 2026: Waa kee dalka ay dhammaan ciyaartoydiisu ku dhasheen qurbaha?

  6. Ukrayn: Hore-u-socoshada ciidanka Ruushka ee bariga dalka waa la wiiqay

    Masuuliyiinta Ukraine, oo uu ku jiro madaxweynaha dalkaas, ayaa sheegay in horusocodkii ciidamada Ruushka ee bariga Ukraine uu si weyn u gaabiyay tan iyo bilowgii sannadkan, ayna ciidamada Ukraine xitaa ku guuleysteen inay dib u qabsadaan meelaha qaar.

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa meesha ka saaray sheegashadaas intii uu ku guda jiray khudbadiisa, isagoo sheegay in ay qayb ka yihiin "olole dacaayad ah" oo ay Ukraine ku soo bandhigayso "guulaha ay sheeganayso."

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa warqad furan ku weydiistay Vladimir Putin in ay si toos ah u kulmaan, balse hoggaamiyaha Ruushka ayaa diiday soo jeedintaas.

    Dedaallada Mareykanka ee lagu horumarinayo heshiis nabadeed, oo ay gadhwadeen ka tahay Washington, ayaa istaagay xilli ay jirto xiisad kala dhaxaysa Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ee Moscow iyo Kiev ayaa sheegay in ay rajaynayaan booqashada dhow ee Steve Whittaker.

  7. Aas qaran oo loo samaynayo hoggaamiyihii la dilay ee Iiraan

    Warbaahinta Iriaan ayaa sheegtay in la la furay albaabbada dhanka waqooyi ee Mosalla ee magaalada Tehran, xilli ay sii kordhayaan dadweynaha ku sugan goobtaasi.Dadkaas ayaa ka qaybqaadanaya aaska Cali Khamenei. Waxaa qorshuhu yahay in naxashka hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo afar xubnood oo qoyskiisa ka mid ah si guud loogu soo bandhigo fagaaraha Mosalla ee Tehran, iyadoo dadkuna ay hareer mari doonaan.

    Masuuliyiinta Iiraan ayaa filayaa in inta u dhaxaysa 15 ilaa 20 milyan oo qof ay ka qaybgalaan aaska oo muddo lix maalmood ah ka socon doona magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalalka Iiraan iyo Ciraaq. Waxaa la sheegay in magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq la xidhi doono maalinta Arbacada ah sababo la xidhiidha munaasabadda rasmiga ah. Dhanka kale, tiro masuuliyiin sare ah oo ka socda dalalka Ruushka, Bakistaan iyo Bartamaha Aasiya ayaa ka qaybgalaya.

  8. Turkiga: Israa'iil waxay raadinaysaa cadow cusub, balse annagu ma baqi doonno

  9. Mas’uuliyiin ka socday Sacuudiga iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka qaybgalay aaska Cali Khamenei ee Tehran

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Waliid Al-Khuraiji, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay munaasabadda tacsida iyo aaska Hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Cali Khamenei, oo lagu qabtay goob salaadda lagu tukado oo ku taalla magaalada Tehran.

    Sidoo kale, hoggaamiyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo caalami ah oo u safray Tehran si ay uga qaybgalaan munaasabadda ayaa tacsidooda u muujiyay Cali Khamenei.

    Waxaa ka mid ah Madaxweynaha Tajikistan, Emomali Rahmon; Madaxweynaha Georgia, Mikheil Kavelashvili; Madaxweynaha Ciraaq, Nizar Omeidi; Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Haibat al-Halbousi; Ra’iisul Wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan; Hoggaamiyaha Turkmenistan, Gurbanguly Berdimuhamedow; iyo Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Belarus, Igor Sergeenko.

    Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Cumaan iyo Qatar ayaa iyaguna hoggaaminaya wafdiyo u tegay magaalada Tehran si ay uga qaybgalaan munaasabadda.

    Sidoo kale akhriso

  10. Taliban-ka Afgaanistaan ​​oo beddelay magaca booliiska Taraafikada una bixiyay magac cusub

    Dowladda Taliban ee Afghanistan ayaa shaacisay inay magac cusub u bixisay booliiska taraafikada iyo kuwa ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo hadda ka dib loogu yeeri doono “Sharta”.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Taliban, go’aankan ayaa lagu dhaqangeliyay amar rasmi ah oo ka soo baxay Hoggaamiyaha Sare Mullah Haibatullah Akhundzada, kaas oo faray in la tirtiro erayada lagu tilmaamo “shisheeye ama afka qalaad” ama “aan Afgaanistaan ahayn”.

    Erayga Carabiga ah “Shurta” (شرطة) ayaa macnihiisu yahay booliis, waxaana si ballaaran looga adeegsadaa dalal badan oo Carbeed, sida Sacuudi Carabiya.

    Horay, 3-dii May, iyadoo lagu dhaqmayay amar ka yimid Akhundzada, waxaa sidoo kale la faray in laga saaro erayga Ingiriisiga ah “national” magacyada hay’adaha dowladda.

    Kadib, dhowr wasaaradood ayaa beddelay magacyadooda. Tusaale ahaan, Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa loo bixiyay Wasaaradda Difaaca, halka Hay’adda Qaranka ee Ilaalinta Deegaanka loo beddelay Agaasinka Guud ee Ilaalinta Deegaanka.

    Sidoo kale akhriso

  11. Turkiga: Majaajiliiste loo heysto inuu aflagaaddeeyay Islaamka iyo Erdogan

  12. Sawirro dayax-gacmeed oo muujinaya burbur ka dhashay weerarro lagu qaaday Nukliyeerka Iran

    Shirkad bixisa sawirrada dayax-gacmeedka oo lagu magacaabo Planet Labs PBC ayaa dhowaan soo saartay in ka badan 250,000 oo sawirro heer sare ah, kuwaas oo markii ugu horreysay si cad u muujinaya baaxadda burburka ka dhashay qaar ka mid ah xarumaha militari iyo nukliyeerka Iran intii lagu jiray dagaalka.

    Planet Labs, oo ka mid ah shirkadaha hormuudka ka ah sawirrada dayax-gacmeedka, ayaa dib u soo celisay helitaanka sawirro ka kooban ku dhowaad 800 goobood oo ku yaalla Iran, kuwaas oo horey loo xaddiday 9-kii March kadib codsi ka yimid dowladda Mareykanka.

    BBC Verify ayaa falanqeeysay sawirrada dayax-gacmeedka, kuwaas oo diiradda saaray laba goobood oo muhiim ah, Isfahan iyo Bushehr.

    Sida ay sheegtay shirkadda sirdoonka militari ee Janes, sawirradu waxay muujinayaan in weerarradu ay beegsadeen xarumo kala duwan, oo ay ku jiraan kaydka rasaasta, kaabeyaasha gantaallada ballistic-ga, xarumaha nukliyeerka, goobaha difaaca hawada, iyo saldhigyada ciidamada badda.

    Warbixinno hore oo la xaqiijiyay ayaa sidoo kale muujiyay in goobahan ay hore u beegsadeen Mareykanka iyo Israa’iil, hase yeeshee sawirrada cusub ee dayax-gacmeedka ayaa bixiya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan bartilmaameedyada iyo baaxadda burburka.

    Burbur ballaaran oo ka dhacay agagaarka Bushehr

    Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in dhowr goobood oo ku yaalla agagaarka magaalada xeebta ah ee Bushehr ay si weyn u burbureen ama gabi ahaanba u baaba’een tan iyo 9-kii March.

    Sida ay sheegtay shirkadda Janes, xarumaha ay saameeyeen waxaa ka mid ah dhismayaal militari iyo dowladeed, sida hangarro diyaaradeed, bakhaarro hub, xarumo dayactir iyo dhismo maraakiib, iyo sidoo kale goobaha laga rido gantaallada.

    Sawirradu waxay muujinayaan burbur cad oo ka muuqda goobahaas, iyadoo qaar ka mid ah aagagga lagu tilmaamay “goobo militari” oo ku yaalla khariidadaha internet-ka sida OpenStreetMap ay gebi ahaanba burbureen dhismayaashii ku yiilay.

    Sida lagu sheegay warbixinta, goobaha ay waxyeelladu gaartay waxay ka tirsan yihiin labada dhinac ee dowladda Iran iyo sidoo kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

    Hoose ka eeg sawirada

  13. Madaxda Taliban iyo mucaaradkooda oo aaska Khamenei, ku wada-kulmay

    Munaasabadda aaska Hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Cali Khamenei, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Taliban iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal ka tirsan mucaaradka Afghanistan.

    Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay sawirro muujinaya Axmad Massoud, hoggaamiyaha Jabhadda Iska-caabbinta Qaranka Afghanistan, iyo Maxammad Mohaqiq, hoggaamiyaha Xisbiga Midnimada Islaamiga ah ee Shacabka Afghanistan, iyagoo u wda tacsiyaynaya Cali Khamenei iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

    Sidoo kale, wafdi ka socday dowladda Taliban oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Abdul Ghani Baradar Akhund, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amir Khan Muttaqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda, iyagoo booqday masaajidka lagu qabtay tacsida ee magaalada Tehran.

    Madaxda Taliban iyo mucaaradkooda oo isku mar ka soo muuqday aaska Cali Khamenei ee Tehran ayaa noqotay dhacdo si weyn loo hadal hayo, maadaama labada dhinac ay muddo dheer uu u dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed iyo mid militari.

    Sidoo kale akhriso

  14. Sidee ayuu u dhici doonaa aaska Ayatollah Cali Khamenei, hoggaamiyihii Iiraan ee la dilay?

  15. Nigeria oo xaqiijisay in inta badan ciidamadii Mareykanka ay ka baxeen dalkeeda

    Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay in inta badan ciidamada Mareykanka ee horraantii sanadkan loo diray dalkaasi si ay gacan uga geystaan la dagaallanka kooxaha hubeysan ee xagjirka ah laga saaray.

    Afhayeenka ciidamada Nigeria, Michael Onoja, ayaa Jimcihii u sheegay BBC in tallaabadan "aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha amniga."

    Wuxuu intaas ku daray:"Waxaan sii wadi doonnaa inaan wadaagno xogaha sirdoonka."

    Hadalka Onoja ayaa waafaqsan hadal uu Khamiistii jeediyay taliyaha Ciidamada Cirka Mareykanka ee Afrika Janaraal Dagvin Anderson, oo sheegay in iskaashiga dhinaca sirdoonka uu sii socon doono.

    Nigeria ayaa wajahaysa caqabado amni oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kooxo hubeysan oo sheegta inay yihiin jihaadiyiin, burcad hubeysan iyo kacdoonno ka billowday waqooyiga dalka, kuwaas oo ku fiday qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Nigeria.

    Xiriirka amni ee u dhexeeya Nigeria iyo Mareykanka ayaa sii xoogaystay kaddib markii Washington ay ku eedeysay dowladda Nigeria inaysan ku filnayn dadaallada ay ku ilaalinayso kooxaha xag-jirka.

    Mareykanka ayaa sidoo kale xilligaa sheegay in Masiixiyiinta dalkaasi ay la kulmayaan "rabshado u eg xasuuq," balse dowladda Nigeria ayaa arrintaas beenisay, iyadoo sheegtay in rabshaduhu yihiin kuwo adag oo saameeya dhammaan bulshooyinka dalka, iyadoo aan loo kala soocin diin ama qowmiyad.

    Labada dal ayaa sheegay in tan iyo bishii December ee sanadkii hore ay ciidamada labada dhinac si wadajir ah u fuliyeen howlgallo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada kooxaha hubeysan, si loo xoojiyo amniga Nigeria.

    Sidoo kale akhriso

  16. Jarmalka oo difaacay heerarka kharashaadka militariga isaga oo ka jawaabaya dhaleecaynta Trump

    Hogaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay in dalkiisu uusan haysan wax sabab ah oo uu uga xishoodo heerka kharashaadka uu ku bixiyo difaaca, isagoo ka jawaabay dhaliilo uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, u jeediyay Jarmalka.

    "Jarmalku wuxuu laba jibbaari doonaa miisaaniyadda difaaciisa afarta sano ee soo socota,tani waa dadaalkii ugu weynaa ee aan abid sameyno si aan u xoojino awooddeenna difaac. Arrintaas awgeed, ma jirto sabab aan qof hortiisa ugu dareenno tabar-darro." ayuu yiri Merz.

    Merz ayaa sidoo kale sheegay in Jarmalka, oo ah dalka ugu weyn Midowga Yurub, uu leeyahay masuuliyad gaar ah oo ku aaddan sugidda amniga qaaradda Yurub, isagoo xusay inuu masuuliyaddaas u gudanayo "si xushmad iyo bina'aadannimo ku dhisan."

    Hadalkan ayaa imanaya iyadoo hoggaamiyeyaasha NATO ay isu diyaarinayaan shir madaxeed la filayo inuu qabsoomo toddobaadka soo socda, kaas oo dalalka Yurub ay rajeynayaan inay ku yareeyaan khilaafaadkii u dambeeyay ee kala dhexeeyay maamulka Mareykanka, isla markaana ay ku xoojiyaan iskaashiga dhinaca difaaca.

    Donald Trump ayaa toddobaadkan dhaleeceeyay kharashaadka difaaca ee dalalka xubnaha ka ah NATO, isagoo sheegay inaysan caddaalad ahayn in Mareykanku sii wado inuu qaado culayska ugu weyn ee difaaca isbahaysiga, maadaama dalal badan aysan gaarsiisnayn heerarkii lagu heshiiyay ee kharashaadka difaaca.

    Sidoo kale akhriso

  17. Barnaamijka AI oo cabsi ku abuuray Hollywood-ka Mareykanka

    Barnaamij cusub oo garaadka macamalka ah (AI) oo ay sameeysay shirkadda Shiinaha ee TikTok ayaa gilgilay Hollywood. Tani ma ahan oo keliya awoodda barnaamijkaas uu leeyahay ee sidoo kale waxa ay ka dhigan tahay qaabka hal abuur ee mustaqbalka.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.

  18. Madaxweynaha Cuba: Waxaan diyaar u nahay inaan dalkeenna u difaacno ilaa dhibicda ugu dambeysa ee dhiiggeenna

    Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa sheegay inuu si dhab ah u qaadanayo hanjabaadaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ee ku saabsan suuragalnimada in tallaabo milatari laga qaado Cuba.

    Wareysi gaar ah oo uu siiyay Sky News ayuu Díaz-Canel ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu u dagaallamo dalkiisa iyo qiyamka bulshada Cuba "ilaa dhibicda ugu dambeysa ee dhiiggiisa."

    Wuxuu yiri:"Dagaal ma doonayno, balse sidoo kale kama baqeyno."

    Hadalka Madaxweynaha Cuba ayaa yimid kadib hanjabaado isdaba joog ah oo uu Donald Trump u jeediyay magaalada caasimadda ah ee Havana, iyo sidoo kale warar sheegaya in Mareykanku uu kordhiyay joogitaanka ciidamadiisa ee ku sugan meelaha u dhow xuduudaha badda ee Cuba.

    Sidoo kale akhriso

  19. "Hilib aan cunay ayaa sababay in 38 gooryaan laga helo maskaxdeyda"

  20. Iiraan oo uga digtay Maraykanka iyo Israa’iil in ay tallaabo qaadaan inta lagu gudao jiro aaska Cali Khamenei

    Iiraan ayaa sheegtay in haddii Maraykanka, Israa’iil ama xulafadoodu ay qaadaan tallaabo kasta inta lagu guda jiro munaasabadda aaska Hoggaamiyihii Sare ee hore ee dalka, Cali Khamenei, ay bixin doonto jawaab adag oo ku habboon.

    Sida ay sheegtay BBC Monitoring, Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, oo ah taliyaha Xarunta Khatam al-Anbiya ee Iiraan, ayaa uga digay Maraykanka, Israa’iil iyo xulafadooda inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah Iiraan ka hor inta aan la qaban aaska Cali Khamenei.

    Cabdullaahi, oo ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya ciidamada Iiraan, ayaa sheegay in munaasabadda aasku ay muujin doonto go’aanka shacabka Iiraan ee ah inay “u aar gudaan” hogaamiyahooda Cali Khamenei.

    Warbixintan ayaa la baahiyay 2-dii July, waxaana baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), iyada oo loo marayo akoonkeeda Telegram.

    Cabdullaahi ayaa yiri:“Waxaan uga digaynaa cadowga awoodda badan ee Iiraan, gaar ahaan Maraykanka, maamulka Israa’iil iyo xulafadooda ku sugan gobolkan iyo meelo kale, inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta isfaham la’aan ama khalad xisaabeed.”

    Sidoo kale akhriso