You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump oo sheegay in Iran ay siiyeen wakhti ay ku aastaan hogaamiyahoodii sare

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay siisay Tehran muddo hal toddobaad ah si ay u aasaan hoggaamiyihii hore ee sare ee Iran Cali Khamenei, isagoo yiri “maxaa yeelay dad wanaagsan ayaa nahay.”

    Waaxaa xusid mudan in Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan lagu dilay weerarro ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan.

    Isagoo ka hadlayay furitaanka xuska 250-aad ee aasaaska Mareykanka oo ka dhacay Mount Rushmore National Monument habeenkii Jimcaha, Trump wuxuu ku andacoodey in Iran ay dooneyso inay “heshiis la gaarto” Mareykanka.

    “Waxaan hal maalin ku jabinnay Venezuela, sidoo kalena si weyn ayaan u waxyeellaynay Iran,” ayuu yiri, isagoo xusay waxa uu ku tilmaamay awoodda milatari ee Mareykanka. “Waxay si aad ah u doonayaan heshiis, aad bayna u rajo beeleen inay arrintan xalliyaan.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan siinnay hal toddobaad si ay u aasaan, maxaa yeelay waan wanaagsan nahay.”

    Sidoo kale akhriso

  2. Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay weerari doonaan Sacuudiga

  3. Kumuu ahaa Ayatollah Cali Khamenei oo maanta aas qaran loo sameynayo?

    Waxaa magaalada Tehran iyo guud ahaan Iran ka socda aaska iyo tacsida hogiyihii ruuxiga iran Ayatollah Cali Khamenei.

    Khamenei waxaa lagu dilay weeraradoo ugu horeeyay ee ay Mareykanka iyo Iraan ku qaadeen dalka Iran.

    Taariikhda Ayatollah Cali Khamenei si aad u akhriso ku dhufo lifaaqa hoose.

  4. Iran oo digniin u dirtay Fransiiska iyo Britain

    Isaga oo ka jawaabaya bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Britain iyo Faransiiska, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran Kazem Gharibabadi ayaa ka digay in joogitaan militari laga sameeyo Marinka Hormuz.

    Britain iyo Faransiiska, bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Jimcihii, waxay ku tilmaameen Marinka Hormuz inuu yahay “halbowle muhiim ah oo u ah dhaqaalaha caalamka”, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay diraan ciidamo si loo xaqiijiyo marin ammaan ah oo xor ah oo maraakiibtu uga gudbaan marinkan istiraatiijiga ah ee maraakiibta.

    Labada dal ayaa sidoo kale sheegay inay la shaqayn doonaan saaxiibada gobolka, oo ay ku jirto Cumaan, si loo xoojiyo amniga badda ee marinka.

    Mr. Gharibabadi ayaa barta bulshada ee X ku soo bandhigay sawirka bayaanka wadajirka ah ee Britain iyo Faransiiska, isagoo qoray:

    “Marinka Hormuz ma aha goob lagu sameeyo bandhig milatari oo ay isticmaalaan quwadaha ka baxsan gobolka,Iran, oo ah awood mas’uul ah isla markaana dammaanad qaadaysa amniga marinka, waxay ka digaysaa dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo ka dhaca marin-biyoodkan xasaasiga ah".

    "Amniga Hormuz waxaa iska leh dalalka xeebaha leh; kuwa abuura xiisadaha ayaa qaadi doona mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhalan kara tallaabooyinkooda. Tani waa digniin culus.” ayuu intaa ku daray.

    Wargeyska Bloomberg News ayaa Khamiistii sheegay, isagoo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah, in qaar ka mid ah dalalka waaweyn ee Yurub ay hadda aqbaleen in bixinta lacag si maraakiibta loogu oggolaado inay si ammaan ah uga gudbaan Marinka Hormuz ay noqon karto mid aan laga fursan karin.

    Sidoo kale akhriso

  5. Taliye cusub oo looga magacaabay ciidamads Badda ee ciidanka IRGC ee Iran

    Cali Azmaei waxaa loo magacaabay taliyaha cusub ee Ciidanka Badda IRGC.

    Taliyihii hore ee ciidankan wuxuu ahaa Alireza Tangsiri, kaasoo la dilay Abriil 26, weerar ay qaadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Israa'iil.

    Ali Azmaei wuxuu hore u ahaa taliyaha Gobolka Shanaad ee Ciidanka Badda IRGC.

    Gobolka Shanaad ee Ciidanka Badda IRGC waxaa la aasaasay Noofambar 4, 2012, waxaana hawlgalkiisa lagu dhawaaqay "laga bilaabo cirifka Jasiiradda Qeshm, oo lagu daray aagga Jasiiradaha Nazeat, ilaa galbeedka Jasiiradda Kish."

    Mr. Azmaei waxaa loo magacaabay taliyaha gobolkan laga bilaabo taariikhdaas.

    Kahor intaas, wuxuu ahaa ku xigeenka taliyaha Gobolka Koowaad ee Ciidanka Badda IRGC.

  6. Baaxadda burburka soo gaaray xarumaha militari iyo kuwa Niykleerka Iran oo la soo bandhigay

  7. Mojtaba Khamenei ma huggaamin doono janaasada aabihiis

    Warbaahinta Iran ayaa sheegaysa in magaalo kasta, uu wadaadka ugu sarreeya hoggaamin doono salaadda janaasada ee Cali Khamenei iyo qoyskiisa.

    Sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee Iran, Jafar Sobhani Tabrizi ayaa hoggaamin doona salaadda janaasada ee Tehran, Nasser Makarem Shirazi ayaa ka hoggaamin doona Qom, halka Hossein Nouri Hamedani uu ka hoggaamin doono Mashhad.

    Cali Akbar Pourjamshidian, oo ah xoghayaha guddiga qabanqaabada aaska Cali Khamenei, ayaa sheegay in go'aanka ku saabsan ka qaybgalka Mojtaba Khamenei ee aaska aabihiis uu u yaallo qoyska Hoggaamiyaha Sare, haddii la qorsheeyona lagu shaacin doono xafiiskiisa.

    Mojtaba Khamenei laguma arkin goobaha dadweynaha tan iyo bilowgii dagaalka—markaas oo aabihiis iyo xubno dhowr ah oo qoyskiisa ka tirsan lagu dilay daqiiqadihii ugu horreeyay ee dagaalka socday 40-ka maalmood—mana jiro wax muuqaal ama cod ah oo laga soo saaray isaga.

  8. Cuntooyinka kaa caawin kara korriinka Timaha

    Timaha banii'aadanka waxay ka kooban yihiin borootiin la yiraahdo Keratin kasoo sidoo kale qaabilsan korriinka cidiyaha iyo maqaarka jirka.

    Timaha waxaa sidoo kamid ah qeybta u xilsaaran kalarka ,qeybta difaaca iyo sidoo kale qeybta hoose ee qaabilsan tamarta ay u baahan yihiin timaha.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  9. Qoys gabadhooda nolosh ku gubayay oo laga badbaadiyay

  10. In ka badan 600,000 oo qaxooti Lubnaaniyiin ah ayaa dib ugu laabtay guryahooda - IOM

    Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa ku dhawaaqday in in ka badan "640,000" oo qaxooti Lubnaan ah ay ku soo laabteen guryahooda iyadoo dagaalku uu yaraaday ka dib markii la gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe.

    Ururku wuxuu warbixin ku sheegay in qiyaastii "500,000 oo qof" ay weli barakaceen oo aysan awoodin inay ku laabtaan guryahooda.

    Tiradani waxay ku salaysan tahay xog la ururiyay tan iyo Juun 22 iyadoo lala kaashanayo mas'uuliyiinta maxalliga ah.

    Lubnaan waxay gashay dagaal goboleed horraantii Maarso (afar bilood ka hor), markii Hezbollah, oo ah koox ay taageerto Tehran, ay gantaallo ku tuurtay Israa'iil si ay uga jawaabto dilkii hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee weerarrada wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa'iil.

    Iyada oo ka jawaabaysa, Israa'iil waxay bilowday duqeymo cirka ah iyo duullaan dhulka ah oo ay ku qaadday koonfurta Lubnaan, oo ah aag ay weli ciidamada Israa'iil ku sugan yihiin qaybo ka mid ah.

  11. Mareykanka ayaa ciidamo kala baxay Nigeria kadib hawlgal ka dhan ah kooxda Dowladda Islaamka

    Mareykanka ayaa kala baxay ciidamadiisa la geeyay Nigeria horaantii sanadkan si ay gacan uga geystaan ​​la dagaalanka kooxaha diimaha ee xagjirka ah.

    Bishii Disembar ee lasoo dhaafay, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Nigeria ayaa howlgal wadajir ah ka billaabay gobolka Harada Chad, kaasoo ay ku jireen weerarro lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii maalinta Kirismaska, waxaana xigay 200 oo askari oo labo bilood kaddib la geeyay.

    Hogaamiyihii ugu sareeyay Daacish Abu-Bilaal al-Minuki ayaa lagu dilay howlgalka oo socday dhowr bilood.

    Khamiistii, Mareykanku wuxuu muujiyay guulaha laga gaaray howlgalka, iyadoo afhayeen u hadlay militariga Nigeria uu BBC-da u sheegay in ka bixitaanka ciidamada Mareykanka aysan "wax saameyn ah ku yeelan doonin dardarkeena".

    Iyadoo ay jiraan howlgalladaas, kooxaha jihaad doonka ah ayaa sii waday weerarada, gaar ahaan waqooyi bari Nigeria.

    Sarreeye Gaas Michael Onoja ayaa sheegay in iskaashiga dhanka sirdoonka ee labada dal uu sii socon doono, waana arrin uu militariga Mareykanka ku sheegay warbixintiisa.

    Wadashaqeynta militari ee u dhaxeysa Nigeria iyo Mareykanka ayaa kor u kacday kadib markii Washington ay ku eedeysay mas’uuliyiinta Nigeria inay ku guuldareysteen inay si waafi ah uga hortagaan dagaalyahannada jihaad doonka ah, waxayna sheegtay inuu dalkaas ka dhacay "xasuuq ka dhan ah Masiixiyiinta Masiixiyiinta ah".

    Nigeria ayaa beenisay eedeymahaas, waxayna sheegtay in rabshadaha ay saameeyaan dadka ka soo jeeda dhammaan bulshooyinka.

  12. BBC-da oo booqatay Marinka Hormuz iyo wixii ay ku soo aragtay

  13. 'Aargoosi' oo ayay ku qaylinayaan dadka isugu soo baxay aaska Ali Khamenei

    Weriyaha wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan magaalada Tehran ayaa sheegaya in kumanaan qof ay isugu soo baxeen deegaanka Mosal ee magaalada Tehraan ka hor imaanshaha naxashka Ali Khamenei, hogaamiyihii hore ee jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka, tiro ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa sitay calan cas iyo boorar, midab la xiriira baaqyada aargoosiga.

    Warbixintu waxay tilmaamtay in dadkii goobta joogay ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ka mid yihiin “Dhimashada Ameerika” iyo “Aargoosi, Aargoosi”.

    Telefishinka qaranka Iran ayaa ku dhawaaqay in xaflada aaska dadwaynaha ee lixda maalmood ah ee Mr. Khamenei ay bilaabatay subaxnimadii Sabtida.

  14. Aaska qaran ee loo samaynayo Cali Khamenei

    Magaalada Tehraan waxaa ka billowday aaska ee loo samaynayo Hoggaamiyihii Sare ee hore ee Iiraan Cali Khamenei iyo dad kale oo ehelkiisa ahaa, iyadoo shalay la qabtay xaflad maamuus caalami ah oo ay ka soo qaybgaleen hoggaamiyayaal iyo ergooyin ka socday waddamo kala duwan oo caalamka ah, oo uu ka mid ahaa wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

    Kuwani waa sawirradii ugu dambeeyay ee aaska hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan.

  15. Trump: Todobaad ayaan siinnay Iiraan si loo aaso Khamenei

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay toddobaad siisay Tehraan si ay u aasto Hoggaamiyihii Sare ee hore ee Iiraan Cali Khamenei, kaas oo ku dhintay weeraradii Mareykanka iyo Israa'iil, isagoo xusay in tallaabadan ay u sameeyeen "sababtoo ah inaan nahay dad wanaagsan".

    Mr. Trump, oo ka hadlayay furitaanka dabaaldegga sannad-guurada 250-aad ee aasaaska Mareykanka oo habeenkii Jimcaha ka dhacay Mount Rushmore, ayaa sheegay in Iiraan ay aad u rabto inay "heshiis la gasho" Mareykanka.

    Isagoo ku faanaya awoodda ciidanka Mareykanka ee adduunka, wuxuu intaas ku daray in ay hal maalin gudaheed ku jabiyeen dalka Venezuela, sidoo kalena ay khasaare xoogan u geysteen Iiraan, wuxuuna ku celiyay in muddada toddobaadka ah ee ay u siiyeen aaska hoggaamiyaha ay tahay naxariis ay u muujiyeen.

  16. Trump: Maraykanku weligiis ma fashilmin isma na dhiibin

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ku jira habeenka looga dabaaldegayo sannad-guuradii 250-aad ee madaxbannaanida dalkaas, waxa uu weerar afka ah ku qaaday waxa uu ugu yeeray "khatar cusub oo ku wajahan aqoonsiga qaranka Mareykanka", isagoo tilmaamay "xagjiriinta gudaha".Khudbaddiisa waddaniga ahayd, wuxuu ku ammaanay aaminsanaanta ah in Mareykanku yahay dal sarreeya islamarkaana gaar ah, isagoo ammaanay hoggaamiyayaashii hore ee dalkaas.Mr. Trump oo ka hadlayay fagaaraha taallada caanka ah ee Mount Rushmore ee gobolka South Dakota, ayaa ku tilmaamay Mareykanka dal "aan waligiis is dhiibin, marnabana fashilmin."

  17. Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo oo hanjabaad u diray Xuutiyiinta

    Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay si go'aan qaadasho leh iyo "xoog aan horay loo arag" ugu jawaabi doonaan isku day kasta oo lala beegsanayo boqortooyada Sacuudi Carabiya.War-murtiyeedkan ka soo baxay isbahaysiga ayaa yimid saacado yar kaddib markii afhayeenka ciidammada kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iiraan uu uga digay Sacuudiga in haddii uu sii wado waxa uu ugu yeedhay ku xadgudubka hawada Yemen, ay kooxdoodu beegsan doonto garoommada diyaaradaha iyo goobaha muhiimka ah ee Sacuudigu ku leeyahay berriga iyo baddaba.

  18. Colombia oo iska xaadirisay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka

    Kolombiya ayaa hal gool iyo waxba kaga badisay xulka Ghana, ciyaartii ugu dambaysay ee wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka.

    Xulka Kolombiya ayaa hoggaanka ciyaarta qabtay qeybtii hore iyo daqiiqadihii ugu horreeyay ee ciyaarta. Intii ay ciyaartu socotay kaddib, kooxda Ghana oo uu tababare u yahay Carlos Queiroz ayaa isku dayday in ay iska soo gudaan goolkaas laga dhaliyay, balse qaybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhammaatay natiijadaas.

    Qeybtii labaad ee ciyaarta, Kolombiya ayaa haddana muujisay ciyaar aad u wanaagsan, waxayna ku guuleysteen in ay dhaliyaan gool labaad daqiiqaddii 55-aad ee ciyaarta, balse calan-hayaha ayaa tilmaamay inuu ahaa offside. Kaddib markii dib loo eegay dhacdadaas, goolkii waa la diiday, ciyaartuna waxay ku dhammaatay isla natiijadii 1-0 oo ay guushu ku raacday Kolombiya.

    Natiijadan darteed, Kolombiya waxay u gudubtay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, waxayna wajihi doontaa xulka Iswisarland taariikhdu marka ay tahay July 7.

  19. Koobka Adduunka 2026: Waa kee dalka ay dhammaan ciyaartoydiisu ku dhasheen qurbaha?

  20. Ukrayn: Hore-u-socoshada ciidanka Ruushka ee bariga dalka waa la wiiqay

    Masuuliyiinta Ukraine, oo uu ku jiro madaxweynaha dalkaas, ayaa sheegay in horusocodkii ciidamada Ruushka ee bariga Ukraine uu si weyn u gaabiyay tan iyo bilowgii sannadkan, ayna ciidamada Ukraine xitaa ku guuleysteen inay dib u qabsadaan meelaha qaar.

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa meesha ka saaray sheegashadaas intii uu ku guda jiray khudbadiisa, isagoo sheegay in ay qayb ka yihiin "olole dacaayad ah" oo ay Ukraine ku soo bandhigayso "guulaha ay sheeganayso."

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa warqad furan ku weydiistay Vladimir Putin in ay si toos ah u kulmaan, balse hoggaamiyaha Ruushka ayaa diiday soo jeedintaas.

    Dedaallada Mareykanka ee lagu horumarinayo heshiis nabadeed, oo ay gadhwadeen ka tahay Washington, ayaa istaagay xilli ay jirto xiisad kala dhaxaysa Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ee Moscow iyo Kiev ayaa sheegay in ay rajaynayaan booqashada dhow ee Steve Whittaker.