Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ka wada hadlay xoojinta ciidankooda milateri ee wadajirka ah
Wasiirrada Difaaca ee Burkina Faso, Mali iyo Jamhuuriyadda Niger ayaa kulan ku yeeshay magaalada Ouagadougou, si ay dib ugu eegaan tallaabooyinka lagu xoojinayo ciidanka wadajirka ah ee Isbahaysiga Dowladaha Saaxil (AES), sida ay sheegtay RFI 11-kii Luulyo.
Wasiirka Difaaca Burkina Faso, Celestin Simpore, ayaa sheegay in ujeeddada kulanku ahayd in la caddeeyo qorshayaasha iyo hawlaha ciidamada wadajirka ah.
Kulankan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan weerarrada kooxaha jihaad-doonka ah, iyadoo weerarro waaweyn ay ka dhaceen Mali iyo Burkina Faso. Weeraradan waxaa lala xiriirinayaa kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo xiriir la leh Al-Qaacida.