War deg deg ah, Qiimaha shidaalka Mareykanka oo kor u kac weyn ku yimid iyo Trump oo wajahaya culeys
Reuters ayaa soo warisay in qiimaha shidaalka ee Mareykanka uu mar kale kor u kacay kadib dhowr toddobaad oo uu hoos u sii dhacayay, iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay mar kale sii xoogeysatay, isla markaana qiimaha saliidda uu kacay.
Sida laga soo xigtay xogta Ururka Baabuurta Mareykanka (AAA), celceliska qiimaha shidaalka ayaa toddobaadkan kor u kacay lix senti, isagoo gaaray $3.88 halkii liitar, taasoo ah kororkii ugu weynaa ee toddobaadle ah tan iyo bartamihii bishii May.
Weeraradii lagu qaaday dhowr booyadood oo shidaal qaada oo marayay Marin-biyoodka Hormuz iyo is-weydaarsiga weerarrada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa sababay in qiimaha saliidda Brent uu ku socdo koror toddobaadle ah oo ku dhow 5.5%. Gaadiidka shidaalka ee mara Marin-biyoodka Hormuz ayaa weli aad uga hooseeya heerarkii ka hor intii uusan khilaafku bilaaban.
Kororka qiimaha shidaalka xilli bartamaha xagaaga ay dadku safarro badan sameeyaan ayaa noqday arrin siyaasadeed oo saameyn ku leh Donald Trump. Wuxuu ku eedeeyay shirkadaha shidaalka inay si xad-dhaaf ah u iibinayaan, halka dowladdiisuna ay ku baaqday in arrintaas baaritaan lagu sameeyo.