Qiyaastii shan saacadood kadib markii ay ku dhawaaqday bilowga wareeg cusub oo duqeymo cirka ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay howlgalka weerarrada oo la fuliyay aroornimadii Isniinta, 12-ka Luulyo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka CENTCOM, weerarradan ayaa lagu beegsaday tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla goobo kala duwan, iyadoo la adeegsaday hub si sax ah u hago bartilmaameedka, si loo yareeyo awoodda Iiraan ee ay ku sii wadi karto weerarrada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ee mara Marinka Hormuz.
CENTCOM ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay beegsadeen nidaamyada difaaca cirka ee Iiraan, xarumaha raadaarka ee xeebaha, awoodaha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , iyo sidoo kale doomaha yaryar ee militariga.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in howlgalka lagu adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, maraakiibta ciidamada badda, diyaaradaha ismiidaaminta ah ee aan duuliyaha lahayn, iyo markii ugu horreysay doomaha ismiidaaminta ah ee aan cidina wadin.
CENTCOM waxay sidoo kale sheegtay:“Marinka Hormuz waa marin-biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, mana aha marin ay Iiraan maamusho.”
Taliska ayaa xusay in ciidamada Mareykanka ee gobolka ay si buuxda ugu diyaar garoobeen ilaalinta xorriyadda maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marinkaas, inkastoo, sida ay hadalka u dhigeen, ay jiraan “falal gardarro ah, handadaado, dhibaateyn iyo bayaanno aan sharci ku dhisnayn” oo ay ku eedeysay Iiraan.