Iiraan oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, isagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana sheegay inuu meel ka dhac ku yahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Yemen.
Baghaei ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay ka hor imanayso dadaallada lagu doonayo nabad iyo xasillooni ka dhalata Yemen, isla markaana ay lid ku tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sannadkii 2022.
Maanta, Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen oo ay taageerto Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay beegsatay dhabaha diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Sanca si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.
Dhanka kale, afhayeenka Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran isla markaana maamula Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeeyay weerarka, isagoo sheegay in kooxdaasi ay ka jawaabi doonto.
Iran ayaa iyaduna sheegtay in weerarka lagu qaado garoon rayid iyo khatar gelinta ammaanka iyo badqabka diyaarad rakaab ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee duulista rayidka, isla markaana ay tahay arrin aan gebi ahaanba la aqbali karin.
Baghaei ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay bixiso taageero kasta oo gacan ka geysan karta horumarinta geeddi-socodka siyaasadeed iyo hirgelinta qorshaha nabadda, si loo gaaro nabad waarta iyo xasillooni gudaha Yemen.
Warar dheeraad ah