Ciidanka Iran: Waxaan weerarnay saldhigyo iyo xarumo Maraykan ah oo ku yaalla Baxreyn
Ciidanka Iran ayaa bayaan ay baahiyeen warbaahinta gudaha ku sheegay in xarumo iyo saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay dalka Baxreyn lagu bartilmaameedsaday weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn.
Sida lagu sheegay bayaanka, weerarka ayaa ahaa jawaab laga bixiyay waxa Iran ku tilmaantay "falalka cadowtinimo ee lagu beegsaday kaabeyaasha magaalooyinka iyo shacabka aan waxba galabsan."
Ciidanka Iran ayaa sheegay in wejigii 11-aad ee howlgalka, ay ku bartilmaameedsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha sahan ee P-8 ee ciidamada Maraykanka ku leeyihiin saldhigga Sakhir ee Baxreyn, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Arash.
Saacado ka hor, dowladda Baxreyn ayaa ku dhawaaqday in dalka laga maqlay seeriga digniinta, waxayna shacabka ugu baaqday inay u dhaqaaqaan goobo ammaan ah.