Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad u jeedinayay shacabka deegaankiisa ayaa ka hadlay murankii maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dekedda Boosaaso ee la xiriirta cabashada ganacsatada ee ah in canshuur lagu kordhiyay, inkasta oo uu sheegay in aysan dhankooda wax canshuur kordhin ah aysan samayn.
‘’Dowladda Puntland wax canshuur kordhin ah oo ay samaysay
ma leh, canshuurta kordhinteedu nidaam (process) ayay martaa, miisaaniyada
dalkeey gashaa, oggolaansho baarlaman beey martaa, marka aan aragno inay dan
tahay canshuurta aan qaadno weli kuma filna adeegyada bulshadeenu u baahan
tahay, laakiin waxaan isla socod siinaa duruufta markaa jirta iyo kobaca
dhaqaalaha ee ganacsatadeena. Waxaa kale oo intaa dheer Dekedda magaalada Boosaaso
waxaad ogtihiin shirkad baa maalgelisay muddo badan ka shaqaynaysay, qof walba
wuu qirayaa isbedelka ku dhacay dekeddeena, waxaa kordhay dhinacyadii ay kusoo
xiran jiray maraakiibta, waxaa la qoday kanaalkii Maraakiibta waa weyn ay soo
maraysay, waxaa lagu wadaa dib u casriyayn iyo ballaarin joogta ah’’
Deni ayaa intaa ku daray in codsiyo ay u jeediyeen shirkada ay keentay in ay ugu dul qaataan marxalada ay ku jiraan oo aan la fulin canshuurihii ay heshiiska ku ahaayeen ‘’Muddada howshaasi socotay, waxaan shirkada gacanta ku
haysa ka codsan jirnay inay marxaladaha adag ee aan ku jirno noogu dul qaataan,
intaas toddobada sano aan joogay waxaan ka hoortaagnayn in canshuurihii
heshiiska lagula galay aan la fulin, duruufo jira awgood, anaga oo u eexeynayna
ganacsiga kobaciisa, anaga oo eegayna ganacsatada ay culays badan saaran tahay’’
Waxa uu ku tilmaamay wax kordhinta la sameeyay inay tahay khidmad oo aysan ahayn canshuur ‘’Waxaan rabaa in aan dadka maanta u caddeeyo waxa la
kordhiyay oo dadku sheegayaan horta canshuur ma aha, waxa weeye khidmadaha laga
qaado maraakiibta dalka badeecadaha keenta oo %95 ama %96 ama %99 ay leeyihiin
dad ajaanib ah, waxa Soomaalidu leedahay waa dhowr fara-kutiris ah,
maraakiibtaas ganacsatadeenu soo kiraystaan oo lacagta ka qaata oo dalka
baddeecada keena, Dekedda u adeegaysa waxa ay u baahan tahay khidmad lamid ah
khidmadaha dekedaha kale marka ay tagaan ay bixiyaan.
Waxa kale oo uu sheegay in ballaarin lagu samaynayo dekedda Boosaaso.
SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH