You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Ilaalada Kacaanka Iiraan oo qaaday weerarro culus oo lala beegsaday saldhigyo

    Ku dhowaad saacad kadib markii Mareykanku ku dhawaaqay weerarro cusub oo uu ka fuliyay gobollada koonfureed ee Iiraan, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro lagu beegsaday saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay Baxrayn iyo Kuweyt.

    Sida ay sheegtay BBC Persian, bayaan ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka soo saareen ayaa lagu sheegay in intii lagu jiray hawlgal isku mar loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn "bakhaarro dhowr ah oo lagu kaydin jiray hub iyo qalab dayactir oo loogu talagalay maraakiibta iyo diyaaradaha cadowga ayaa lagu burburiyay Saldhigga Cirka ee Sheekh Ciise ee Baxrayn."

    Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Waxaa sidoo kale la beegsaday goobta ay yaalleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca MQ-9 ee cadowga oo ku sugan Saldhigga Cirka ee Ali Al-Salem ee Kuweyt." Waxa kale oo lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn la burburiyay ama la dhaawacay weerarkaasi.

  2. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo walaac qoto dheer ka muujiyay xiisadda sii kordhaysa ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan.

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan sii kordhaya xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.

    Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in Antonio Guterres uu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda sii xumaanaysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.

    "Dib ugu laabashada dagaal buuxa waxay shacabka rayidka ah ku keeni doontaa dhibaato aan la qaadi karin," ayuu yiri Dujarric.

    Wuxuu intaas ku daray in "dagaalka noocaas ahi uu yeelan doono cawaaqib aad u daran oo ku wajahan nabadda iyo amniga caalamka, iyo sidoo kale dhaqaalaha dunida."

  3. IRGC oo sheegtay inay bartilmaameedsatay nidaamka radar-ka ee digniinta hor-dhaca bixiya ee saldhigga Ali Salem ee Kuwait

    Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay weerarradeeda ku beegsatay raadaarka digniinta hor-dhaca ah bixiya ee nidaamka C-RAM ee ku yaalla saldhigga Ali Al Salem ee dalka Kuwait.

    IRGC ayaa sidoo kale sheegtay inay weerartay goob ay ku sugnaayeen askar Mareykan ah oo ku taalla Kuwait.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in weerarradaasi ay ahaayeen howlgal isku dhaf ah oo lagu fuliyay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

  4. Ciidanka ugu awoodda badan Afrika ayaa shaaca ka qaaday nidaamka gantaalada Ruushka S-300 ee muddo u qarsoonaa

  5. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanka leeyahay

    Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa ku dhawaaqday inay soo ridday oo burburisay diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 ah oo uu leeyahay Mareykanka, taasoo ay sheegeen inay dul maraysay magaalada Andimeshk.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Tasnim, IRGC waxay sheegtay in diyaaradda lagu soo riday nidaam casri ah oo difaaca cirka ah.

    Ilaa hadda, Mareykanka iyo Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) si rasmi ah uma xaqiijin sheegashada ah in diyaaradda MQ-9 la soo riday.

  6. Iran ayaa u yeertay safiirka Britain ee Tehran si ay cabasho uga muujiso mamnuucidda Ilaalada Kacaanka

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi ay u yeertay safiirka Britain ee Tehran, si ay uga cabato go’aanka London ay Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ugu dartay liiska ururrada mamnuuca ah.

    Sida ay sheegayaan wararkaas, saraakiisha Iran ayaa intii uu socday kulanka cambaareeyay go’aanka dowladda Britain, iyagoo ku tilmaamay "mid sharci-darro ah" iyo "faragelin ah."

    Tehran ayaa sidoo kale ka digtay saameynta uu tallaabadani ku yeelan karo xiriirka labada dal.

    Dowladda Britain ayaa horay u shaacisay inay IRGC ku dartay liiska ururrada mamnuuca ah.

  7. Imaaraadka o war ka soo saaray duqeymaha ay Iran ku hayso dalalka Khaliijka

    Imaaraadka Carabta ayaa si "adag" u cambaareeyay weerarrada Iran ay ku qaaday dalalka Carabta.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa ku tilmaantay weerarradaas "xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida dalalka walaalaha ah iyo khatar ku wajahan ammaankooda iyo..."

  8. Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay muwaadiniin u kala dhalashay Iran, Ruushka iyo Talyaaniga

    Mareykanka ayaa ku soo rogay cunaqabateynno cusub oo la xiriira ka hortagga faafinta hubka shaqsiyaad iyo hay’ado ku sugan Iran iyo Ruushka.

    Sida ku xusan ogeysiis ay soo saartay Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC), mid ka mid ah dadka Iran u dhashay ee cunaqabateynta lagu soo rogay waa Behrouz Namazi, oo ah guddoomiyaha guddiga maamulka shirkadda Nika P Development Company iyo madaxa fulinta shirkadda Nika Jet Company, kuwaas oo lala xiriiriyay Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

    Muwaadin Ruush ah iyo muwaadin Talyaani ah ayaa sidoo kale lagu daray cunaqabateynta, iyagoo lala xiriiriyay shaqsiga Iran u dhashay.

    Mareykanka, oo shalay dib u bilaabay go’doominta badda ee Iran, ayaa isla waqtigaas sii wada inuu cunaqabateyn ku soo rogo muwaadiniin iyo hay’ado ka tirsan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

  9. Fars News Agency: Weerar gantaallo oo Mareykan ah ayaa ka dhacay meel u dhow Isbitaal lagu daweeyo Carruurta qabta Kansarka

    Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhowr gantaal oo Mareykan ah ay "ku dhaceen meel u dhow isbitaal lagu daweeyo carruurta qaba kansarka."

    Warbaahintu waxay qortay in "saacadihii la soo dhaafay, dadka magaalada Ahvaz ay arkeen weerarro gantaallo ah" oo ka dhacay goobo kala duwan.

    Fars waxay sheegtay:

    "Mid ka mid ah weerarradan, dhowr gantaal ayaa ku dhacay aagga ku dhow Isbitaalka Baghaei, kaasoo ah goob lagu bixiyo daaweynta kiimoterabiga ee bukaannada kansarka, gaar ahaan carruurta qaba kansarka."

    BBC-da si madax-bannaan uma xaqiijin karto warkan, sababo la xiriira inaysan si toos ah u heli karin xog gudaha Iran ah.

  10. Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka ee Erbil

    Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in dhowr qarax laga maqlay meel u dhow Qunsuliyadda Mareykanka ee Erbil, oo ah caasimadda gobolka Kurdistan ee Ciraaq.

    Kadib qaraxyadaas, waxaa la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka ee lagu rakibay agagaarka qunsuliyadda.

    Qunsuliyadda Mareykanka ee Erbil ayaa horey u noqotay bartilmaameed dhowr weerar oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) intii uu socday colaaddii ugu dambeysay ee Bariga Dhexe.

    Ilaa hadda lama soo saarin faahfaahin ku saabsan cidda ka dambeysay qaraxyada cusub, khasaaraha suurtagalka ah ee ka dhashay, ama heerka burburka.

    Saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin wararkan.

  11. Mareykanka oo mowjad cusub oo weerarro ah oo ka dhan ah Iran

    Milatariga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay bilaabeen mowjad cusub oo weerarro ah oo lagu qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Iran.

    Faahfaahin dheeraad ah lagama soo saarin goobaha ay weerarradu ka dhaceen, bartilmaameedyada la beegsaday, ama baaxadda khasaaraha suurtagalka ah ee ka dhashay. Saraakiisha Iran weli kama aysan jawaabin warkan

  12. War deg deg ah, Argentina oo farxad jilbaha dhigatay iyo Ingiriiska oo oohin dhabarka u jiifa

    Argentina ayaa gaadhay final-kii labaad oo xidhiidh ah, waxayna Axadda New Jersey kula ciyaari doonaan Spain. Waa qalbi-jab kale oo ku dhacay England. Mar kale.

    Waxay ciyaarta kaalinta saddexaad kula kulmi doonaan France. Ciyaartoyda England ayaa dhulka daadsam iyagoo dhabarka u dhacay, halka ciyaartoyda Argentina ay jilbaha dhigteen iyagoo dabaaldegaya guusha.

  13. War deg deg ah, Argentina oo wacdaro dhigaysa, England 1-2 Argentina

    Toogashadii Alexis Mac Allister ee ku dhacday birta goolka waxaa soo celiyay Lionel Messi, kaasoo kubadda ka qaaday dhinaca midig, kadibna soo diray karoos cajiib ah oo uu Lautaro Martínez madaxa kaga dhaliyay goolka.

    Waa xaalad aad u xanuun badan oo England ku dhacday. Waxay doorteen inay dib u difaacdaan, laakiin qorshahaas ma shaqeyn.

  14. War deg deg ah, GOOOOOOOOOOOOOOOL -England 1-2 Argentina, Lautaro Martinez (90+2 Daqiiqo)

  15. War deg deg ah, Enzo Fernández oo dhaliyay gool 'buuqa joojiya ah', England 1-1 Argentina

    Enzo Fernández ayaa laba ama saddex jeer isku dayay inuu meel fog ka toogto goolka, markan se Jordan Pickford wax fursad ah ma siin, wuxuuna si degdeg ah u booday oo kubadda ka dul bixiyay birta goolka si ammaan ah.

  16. Ingiriiska oo wajahaya cadaadis aad u cabsi leh, England 1-0 Argentina

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    England ilaa hadda si heer sare ah ayay u ciyaaraysay, laakiin hadda waxaa saaran cadaadis aad u weyn. Labada dalba 15 ilaa 20 daqiiqo ee soo socda waxay noqon doonaan kuwo aad muhiim u ah.

    Argentina weerarkeeda ma joogsanaayo. Waa weerar joogto ah oo aan kala go’ lahayn, taasina waa arrin walaac leh.

    England waxay ku dheggan tahay ciyaarta iyagoo dhib yar ku badbaadaya.

  17. War deg deg ah, Yaa dhahay in aad hoggaanka hayso waa raaxo?, England 1-0 Argentina

    Argentina waxay wadaa weerar aad u kulul oo ay ku hayso xulka Ingiriiska, iyaga oo raba in ay ka aargutaan goosha laga dhaliyay. Difaaca ingiriiska ayaana wajahaya cadaadis daran.

    Cadaadiskaan haddii uu sii saaraado xulka Ingiriiska waxaa laga yaabaa in ay isku furaan.

  18. War deg deg ah, "Gordon si qurux badan ayuu u dhameystiray", England 1-0 Argentina

      • Author, Alan Shearer
      • Role, Weeraryahankii hore ee England, oo kula hadlay BBC One garoonka Atlanta Stadium:

    "Tani waa waxa aan dooneynay. Tani waa waxa aan sugaynay. Kubadda u dir dhinaca garabka, soo karoos, hana adkeynin. Gordon ayaa ka hor maray daafacii, waxaana kaliya u dhimanaa inuu ka adkaado goolhayaha. Si qumman ayuu kubadda ugu jiheeyay shabaqa."

  19. Qaybta labaad ayaa Ciyaarta oo bilaabatay

    Garsooraha ayaa qeybtii labaad ku bilaabay, wuxuuna dib u bilaabay ciyaarta.

    ciyaartoyda ayaa u muuqada inay goor hore soo galeen garoonka.

  20. "Messi mar walba wuxuu heli doonaa fursado uu ku muujiyo tayadiisa."

    Wayne RooneyWeeraryahankii hore ee England,:

    "Lionel Messi wuxuu heli doonaa fursado iyo waqtiyo uu saameyn ku yeesho kulankan. Waxaan u difaacannay si aad u wanaagsan. Waxaan muujinnay adkaysi, waxaana gadaal kaga jira kubadda ciyaartoy badan oo difaac ah.

    "Waxaan u maleynayaa tallaabada xigta inay tahay: ma awoodnaa inaan Argentina kubadda ka qaadno oo aan annagu maamulno ciyaarta, isla markaana aan kubadda heysanno waqti badan?"