Kow iyo toban qof oo ku dhintay dab ka kacay xarun lagu xannaaneeyo carruurta oo ku taal Aljeeriya
Kow-iyo-toban qof ayaa ku dhintay dab ka kacay xarun lagu xannaaneeyo carruurta oo ku taal Algiers, oo ah caasimadda dalka Algeria.
Waaxda ilaalinta dadweynaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in 19 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dabkaas, kaas oo ay dab-damiyayaashu bilaabeen inay la tacaalaan saacadda markay ahayd 03:30 subaxnimo (04:30 GMT) maalintii Khamiista.
Waxay weli ku hawlanaayeen daminta dabka saddex saacadood iyo wax ka badan ka dib, markii mas'uuliyiintu ay soo saareen warbixin ku saabsan xaaladda.
Bayaanka ka soo baxay waaxda ilaalinta dadweynaha laguma xusin sababta keentay dabka, mana lagu sheegin da'da dadka dhintay ama kuwa dhaawacmay.
Toban gaari oo dab-damis ah iyo 16 gaari oo gurmadka degdegga ah ayaa loo diray xarunta ku taal Mohammadia, oo ah xaafad dhanka bari kaga taal magaalada Algiers.
Dalka Algeria ayaa maalmo badan wajahayay mowjad kulayl daran, waxaana muddo toddobaad gudihiis ah la diiwaangeliyay ku dhawaad 1,000 oo dhacdo oo dab ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Subaxnimadii Khamiista, waaxda ilaalinta dadweynaha ayaa sheegtay inay diiwaangelisay 115 dab oo ka kacay dhul-baaxad leh (wildfires) 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune, ayaa tacsi u diray dadkii ay khuseysay musiibada dabka ka kacay xarunta carruurta, isagoo dhacdadaas ku tilmaamay "khasaare murugo leh".
Warar dheeraad ah: