Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
War deg deg ah, Iiraan oo bilowday waji cusub oo weerarro ah iyo Ciraaq oo qaraxyo laga soo sheegayo
Wakaaladda wararka ee Mehr ee Iiraan ayaa sheegtay in Iiraan ay
billowday waji cusub oo weerarro ah oo lagu bartilmaameedsanayo goobo uu
Maraykanku leeyahay, taasoo ay ku sheegtay in ay jawaab u tahay weerarradii uu
Maraykanku xalay ku qaaday deegaanno ku yaalla koonfurta Iiraan.
Warbaahintan, oo xiriir la leh dowladda Iiraan, ayaa sheegtay in goobo
ku yaalla Kuwait lagu weeraray gantaallo ay soo rideen Ciidanka Ilaalada
Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.
Waxay sidoo kale sheegtay in saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay Urdun lagu
qaaday weerarro gantaallo ah. Sida aan hore u soo tabinnay, warbaahinta
dowladda Urdun ayaa sheegtay in ciidamada dalkaasi ay hawada ku soo rideen siddeed
gantaal oo galay hawadooda.
Waxaa intaas dheer, Mehr waxay sheegtay in qaraxyo laga soo sheegay Saldhigga
Victory Base ee magaalada Baqdaad, dalka Ciraaq.
War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo ku dhawaaqday in ay la wareegtay gacan ku haynta Marinka Hormuz
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay in
ciidamada Iiraan ay la wareegeen gacan ku haynta Marinka Hormuz.
War-saxaafadeed ay daabacday wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la
leh IRGC, ayaa lagu sheegay in Iiraan ay "sugayso ammaanka marinka"
isla markaana ay bilowday "dib-u-furistiisa si tartiib tartiib ah"
labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in isu socodka maraakiibta ee
marinka uu gaaray qiyaastii 50% heerkii uu ahaa ka hor dagaalka, isla markaana
uu weli sii kordhayo maraakiibta hesha oggolaanshaha Iiraan.
"Waxaan mar kale caddeynaynaa in quwadaha shisheeye aysan wax
xuquuq ah ku lahayn dhulkan ama Marinka Hormuz," ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxay sidoo kale ka digeen in faragelin kasta ay la kulmi doonto "jawaab
burburin ah."
Dhanka kale, BBC Verify ayaa falanqaysay xogta ku saabsan isu socodka
maraakiibta ee Marinka Hormuz, taas oo muujinaysa in 23 markab oo xamuul iyo
shidaal qaada ay ka gudbeen marinka 8-dii Luulyo.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si kulul u cambaaraysay
weerarrada uu Maraykanku ku qaaday dhowr goobood oo ku yaalla gobollada
koonfureed ee dalka iyo laba buundo oo tareen oo ku yaalla gobollada bari,
iyadoo ku tilmaantay dambi dagaal.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay Khamiista maanta ah ayaa lagu
sheegay in weerarrada Maraykanku, oo lagu sababeeyay dhacdooyinkii ka dhacay Marinka
Hormuz, ay jebinayaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka ku xusan Qoraalka
Is-afgaradka ee Lagu Soo Afjarayo Dagaalka .
Maraykanku hore ayuu ugu eedeeyay Iiraan inay "si cad u jebisay
xabbad-joojinta", isagoo sidoo kale ku andacooday in Iiraan ay
bartilmaameedsatay saddex markab oo ganacsi oo marayay Marinka Hormuz. Iiraan,
dhankeeda, ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarradaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale cambaaraysay
hadalladallo uu Trump ka sheegay Iiraan ay ku tilmaantay "kuwa adag oo
aflagaado ah" kaas oo Arbacadii uu ku
tilmaamay hoggaamiyeyaasha Iiraan inay yihiin " kuwo edeb daran" oo "xanuunsan."
War deg deg ah, Dowladda Urdun oo ciidamadeeda heegan galisay kadib weerar Iiraan ku qaadday
Afhayeen u hadlay dowladda Urdun ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee
dowladda, Petra News Agency, in qalabka digniinta la shiday kaddib markii
gantaallo ay Iiraan soo ridday galabta ay galeen hawada Urdun.
Afhayeenku wuxuu sheegay in gantaalladaas la soo riday, isla markaana
ciidamada qalabka sida ee Urdun ay ku jiraan heegan sare si ay uga hortagaan
khatar kasta oo kale oo iman karta.
Gelinkii hore ee maanta wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa
sheegay inuu maqlay codadka digniinta oo
ka yeeraya Urdun.
War deg deg ah, Safaaradda Mareykanka ee Urdun oo muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay raadsadaan gabaad
Xigashada Sawirka, AP
Safaaradda Maraykanka ee Urdun ayaa uga baaqday muwaadiniinteeda inay si
degdeg ah u raadsadaan meel ay gabaad ka galaan, iyadoo sheegtay in "wararku
muujinayaan in gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn, ama gantaallo nooca dheereeya
ah ah ay ku jiraan hawada Urdun."
Safaaraddu waxay intaas ku dartay inay sii wadi doonto qiimeynta
xaaladda, isla markaana ay bixin doonto warar iyo tilmaamo dheeraad ah marka
loo baahdo.
Sidee ayuu Turkigu uga mid noqday gaashaanbuurta NATO?
War deg deg ah, Degdeg: Warshadda Nukliyeerka Iiraan oo la beegsaday
Warbaahinta xiriirka la leh dowladda Iiraan ayaa sheegaysa in gordhow la
bartilmaameedsaday warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr.
Qoraal laga soo xigtay ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Bushehr, oo ay
baahiyeen warbaahinta dowladda xiriirka la leh, ayaa lagu sheegay in aagga ku
hareeraysan warshadda ay ku dhaceen gantaallo uu Maraykanku soo riday.
Sida aan hore u soo tabinaynay, saacadihii la soo dhaafay waxaa hawada
dalka Urdun lagu soo riday tiro gantaallo ah oo ay Iiraan soo ridday.
War deg deg ah, Degdeg: Qaraxyo ka dhacay magaalada muhiimka ah ee Koonfurta Iiraan
Dadka ku nool Bushehr, oo ah magaalada dekedda leh ee koonfurta Iiraan,
ayaa soo sheegay inay maqleen dhawaaqa laba qarax, sida ay baahiyeen
warbaahinta dowladda ee Fars iyo Mehr.
Ilaa hadda ma cadda waxa sababay qaraxyadan. Faahfaahin dheeraad ah
ayaan idiin soo gudbin doonnaa marka aan helno wararka ku saabsan qaraxyadaas.
Yaad ka garanaysaa fanaaniinta ka heesi doona xiritaanka koobka K/cagta adduunka
Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.
Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.
Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.
Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.
Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.
Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha.
Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.
Cilmi-baaris ay daabacday jaamacadda Harvard ayaa muujisay in nooca borotiinka ee loo yaqaan 'cytokine' la soo saaro tiro aad u badan marka dufanku ku ururo aagga caloosha. Barootiinkani waxa uu keenaa caabuqa jirka.
Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.
Sida laga soo xigtay Dr. Shiv Kumar Choudhry, dhakhtarka sare ee wadnaha ee Isbitaalka Fortis Escorts ee Delhi, dufanka caloosha ayaa ka khatar badan dufanka ku kaydsama qaybaha kale ee jirka.
Madaxa
Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in musiibo weyn ay ku soo
fool leedahay magaalada Al-Ubeyd ee dalka Suudaan, iyadoo uu weli socdo
dagaalkii sokeeye ee saddexda sano jirsaday ee u dhexeeya ciidamada Taageerada
Degdegga ah (RSF) iyo ciidamada dowladda.
Magaaladan
oo ay ku nool yihiin ku dhowaad nus milyan qof ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo
muhiim u ah isku xirka caasimadda iyo gobollada galbeedka dalka.
Bishii u
dambeysay waxaa si weyn u kordhay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
ee ay magaalada ku beegsanayaan ciidamada RSF.
Khubaro ayaa ka digaya in weerar dhulka ah uu si
dhow u soo wajahan yahay magaalada, iyadoo ay durba la daalaa dhacayso burburka
baaxadda leh ee gaaray kaabeyaasha muhiimka.
Dagaallada ka socda magaalada El-Obeid ee Suudaan ayaa hakiyay gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo, iyadoo qoysas badan ay halis ugu jiraan gaajo.
Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadku ay naftooda halis gelinayaan si ay gargaar u gaarsiiyaan dadka.
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la ilaaliyo rayidka, la joojiyo weerarrada, isla markaana dib loo furo waddooyinka gargaarka.
Madaxa xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka iyo culuumta
Caafimaadka ayaa ku dhawaaqay in "14 qof" ay ku dhinteen weeraradii
ugu dambeeyay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu Mareykanka ku qaaday
dalkiisa.
Sida uu sheegay, "47 ka mid ah dadka
dhaawacmay" ayaa la dhigay isbitaalka si loo dabiibo.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC)
ayaa xaqiijiyay in ay xalay fuliyeen weerarro ay ku sheegeen aargoosi, kuwaas
oo lagu beegsaday saldhigyo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait iyo
Baxrayn.
Ciidanka ayaa sheegay inay weeraro ku qaadeen kaabeyaal
muhiim ah iyo xarumo ku yaalla saldhigyadaas Mareykanku leeyahay.
Fannaan loo xiray hees aan weli la siideyn oo “Qaza ku saabsan”
Xigashada Sawirka, Facebook
Qoraalka sawirka, .
Wararka ka imanaya jamhuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa shegayaa inuu halkaas ku xiran yahay fannaanka caanka ah, Khaalid Kaamil.
Fannaankan ayaa waxaa lagu heystaa hees uu weli qaadin oo uu u qareemay Falastiin.
Xisbiga mucaaradka
ee jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa cambaareeyay
xarig la sheegay in loo geystay fannaanka Khalid Kaamil.
“Xariga fannaaniinta,
suxufiyiinta iyo muwaadiniinta lagu beegsado caburinta aragtidooda iyo hal-abuurkooda,
wuxuu dhaawacayaa xoriyadaha aasaasiga ah ee uu dammaanad qaaday dastuurkuu”,
ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu goor dhow soo saaray ururku .
Xisbiga ayaa
dhanka kale ugu baaqay xukumadda Somaliland inay si de deg ah u sii deyso
fannaanka, isla markaana ay joojiso tallaabo kasta oo u muuqata mid cabsi lagu
gelinayo bulshada hal-abuurka leh, waa sida ay iyagu hadalka u dhigeenee.
“Habdhaqanka
dal dimuqraadi ah waa mid ku dhisan ilaalinta sharciga, iyo ixtiraamka
xoriyadda hadalka, waana mid ka fog xarig iyo caburin”, ayaa lagu yiri
war-saxaafadeedka.
Dagaal cusub oo laga cabsi qabo inuu qarxo xilli la aasayo hoggaamiyihii sare
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Maanta waa
maalintii ugu dambaysay ee xafladda baroordiiqa oo si weyn loo soo agaasimay,
taas oo socotay muddo lix maalmood ah, kana dhacday shan magaalo oo ku yaalla
Iran iyo sidoo kale dalka deriska ah ee Ciraaq.
Waxay ahayd
dadaal ay hoggaamiyeyaasha cusub ee Iran ku doonayeen inay ku muujiyaan midnimo
iyo awood, isla markaana ay ku caddeeyaan in hoggaamiyahoodii sare, oo la dilay
saacadihii ugu horreeyay ee dagaalkii qarxay horaanti sanadkan, uusan muhiim u
ahayn oo keliya Iran balse uu sidoo kale muhiim u yahay bulshada ballaaran ee
Muslimiinta Shiicada ah.
Ha yeeshee munaasabadda
aaska waxaa gaabiyay dadweyne aad u tiro badan oo murugo iyo dareen xooggan
muujinayay — waxaana maanta sidaas ka dhacday magaalada ugu barakaysan Iran ee
Mashhad, oo sidoo kale ah halka uu ku dhashay Ayatollah Khamenei.
Iran waxaa
laga yaabaa inay rajaynaysay in heshiis ku-meel-gaar ah oo ay bishii hore la
saxiixdeen Maraykanka, kaas oo ahaa is-afgarad uu hubin lahaa in munaasabadahan
aysan dagaal carqaladayn.
Iran iyo
gobolka intiisa kale waxay u muuqdaan inay geli doonaan xaalad “nabad iyo dagaal”
— iyadoo ay dhici karaan iska horimaadyo mararka qaar, isla markaana ay socdaan
dadaallo lagu sii wado wada-hadallada arrimaha ugu waaweyn, oo ay ka mid yihiin
cidda maamuleysa marin-biyoodka Hormuz iyo barnaamijka nukliyeerka Iran.
Sida uu Donald
Trump sheegay, xabbad-joojin ka dhacda Bariga Dhexe way ka duwan tahay
xabbad-joojin ka dhacda meelo kale oo adduunka ah.
Soomaaliya iyo Kenya oo la sheegay inay taageeraan koox fallaago ah
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Maamulayaasha dalka Koongada Dimuqaraadiga ayaa sheegay in
Soomaaliya iyo Kenya ay ciidamo u direen falaagada M23 ee ka dagaallanta
gobolka Sud Kivu ee bariga dalkaas si ay uga dhinac dagaallamaan fallaagada M23
ee, sida ay ku soo warrameyso qaybta warqabadka BBC-da ee (BBC monitoring).
Maamulaha dhulka la yiraahdo Fizi ee Sud Kivuu ayaa 5tii
Bishan sheegay in askar Soomaali iyo Kenyan ah ay ka dhinac dagaallamayeen
falagada M23 ee gobolka Hauts-Plateaux.
"Samy Kalonji Badibanga ayaa sheegay, in askartan ay
taageerayeen ciidamada Rwanda, maleeshiyaadka Twirwaneho, kuwa Red Tabara ee
Burundi, iyo M23 si ay ula dagaallamaan ciidamada dowladda.", sida lagu
yiri warbixinta.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, ayaa horay Kenya ugu
eedeysay inay taageerto M23 iyo xulafadeeda, balse tani waa markii ugu
horreysay ee eedeyntan loo jeediyo Soomaaliya.
Ha yeeshee ilaa hadda uma suurta galin BBC Somali inay
si madax banaan u xaqiijiso eedeymahan.
Labada dal weli wax jawaab ah kama aysan bixin hadalladan,
hase yeeshee Kenya ayaa horay u beenisay inay ku lug leedahay colaadda.
Arrintan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ciidanka dowladda
iyo xulafadooda ay dhawaan horumar ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah M23 ee
gobollada waqooyi iyo koonfureed ee Kivu.
Lixdii bishii Luulyo, ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka
Wazalendo ee xulafada la ah, ayaa sheegay inay dib ula wareegeen saddex deegaan
oo kale oo ku dhow magaalada Minembwe ee Kivu-ga Koonfureed.
M23 waa koox hubeysan oo ka go'ay ciidamada Congo ku dhowaad 20 sano, kuwaasoo sheegta inay difaacayaan bulshada Tutsi oo muddo ka cabanaysay dilal iyo takoor.
Khubarrada QM ayaa sheegay, in kooxda ay taageero ka heysato dalka deriska la ah Congo ee Rwanda, taas oo dowladda Rwanda ay in badan beenisay.
Rwanda ayaa hore u sheegtay in dowladda DR Congo ay la shaqeyneysay qaar ka mid ah kuwa mas'uulka ka ah xasuuqii Rwanda ka dhacay 1994 ee ka dhanka ahaa qowmiyadda Tutsi iyo Huutuuga.
Iiraan oo warqad cabasho ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Iran ayaa
warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud, iyadoo
ka cabanaysa weerarrada Mareykanka.
Jamhuuriyadda
Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay, inay warqado cabasho ah u dirtay
Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku saabsan weerarrada Mareykanka.
Saeed
Iravani, oo ah wakiilka Iran ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Mareykanku
mar kale "bilaabay weerarro militari oo baahsan oo ka dhan ah
madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,
taas oo si cad uga hor imaanaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadkiisa
caalamiga ah."
Wuxuu sidoo
kale ku tilmaamay tallaabooyinkan Mareykanka inay yihiin, xadgudub ka dhan ah
qodob ku jira Is-afgaradka Islamabad ee ay kala saxiixdeen Iran iyo Mareykanka.
Milatariga
Mareykanka ayaa sheegay inuu weeraray qiyaastii 90 bartilmaameed oo ku kala
yaalla Iran, taas oo ah habeenkii labaad oo xiriir ah oo weerarro lagu qaaday
dalkaas.
Bartilmaameedyada
waxaa ka mid ahaa nidaamyada difaaca cirka, qalabka kormeerka xeebaha, goobaha
lagu kaydiyo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, qalabka
ciidamada badda, iyo kaabayaasha saadka militariga ee ku teedsan xeebaha Iran.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo sidoo kale ah madaxa Iiraan, ayaa bartiisa X ku sheegay in "Mareykanku uusan weli baran in cabsi gelinta iyo jebinta ballanqaadyadu aysan mar dambe noqon doonin wax aan cawaaqib lahayn."
Waa kuwee dalalka haysta dayaaradda F-35, maxayse muhiim u tahay
IRGC oo xaqiijisay weerarro lagu qaaday Kuwait iyo Baxrayn
Ciidanka
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa xaqiijiyay in ay xalay
fuliyeen weerarro ay ku sheegeen aargoosi, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo
ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait iyo Baxrayn.
Ciidanka ayaa sheegay inay weeraro ku qaadeen kaabeyaal muhiim ah iyo xarumo ku yaalla saldhigyadaas Mareykanku leeyahay.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Tasnim, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa bayaan ku sheegay in wajigii koowaad ee waxa ay ugu yeereen "jawaabta ciqaabta ah ee ka dhanka ah Mareykanka oo jebiyey heshiisyada," ay ciidamada badda iyo kuwa cirka ee IRGC, iyagoo fulinaya hawlgallo wadajir ah oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah, ay "burburiyeen" kaabeyaal muhiim ah iyo xarumo ku yaalla saldhigyada Mareykanka ee Arifjan iyo Cali Al-Salem ee Kuwayt, iyo Juffair iyo Sheekh Ciise ee Baxreyn.
IRGC waxay
sheegtay in weerarradan ay yihiin "wajigii koowaad ee jawaabta ciqaabta ah
ee ka dhanka ah Maraykanka oo jebiyay heshiisyadii" la galay.
Ciidamadan ayaa sidoo
kale uga digay Maraykanka in haddii waxa ay ugu yeertay "gardarradu"
sii socoto, ay ballaarin doonaan weerarrada oo ay beegsan doonto saldhigyo kale
oo Maraykanku ku leeyahay gobolka.
kafeega oo la ogaaday in uu yareyn karo halista cudur halis ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Daraasad cusub oo ay sameeyeen jaamacado ku yaalla Britain ayaa lagu ogaaday in cabidda kafeega ay yareyn karto halista xanuuno halis ah.
Waxaana cilimi baaristan sameeyay jaamacadaha kala ah Southampton iyo Edinburgh, kuwaas oo ogaaday in cabidda kafeega ee saddex ilaa afar koob maalinkii, ay yareyn karto halista ah in qofka uu ku dhaco xanuun waxyeelleeda beerka.
Cilimibaarayaasha ayaa darasaadda ku beegsaday ku dhawaad nus milyan qof oo ku nool gudaha UK, waxayna ogaadeen in boqlkiiba 21 uu cabidda bunka yareyn karo halista cudurrada ku dhaca beerka halka boqolkiiba 49 uu wax ka qaban karo xaaladda qofka la il-daran cudurradaas, marka la barbardhigo dadka aanan cabin bunka.
Waxaa aad sare ugu kacay cabidda kafeega, maadama dad badan ay jecel yihiin si ay nashaad u dareemaan.
Waxay sidoo kale ogaadeen waxtarka isticmaalka bunka aanan laheyn maaddada keenta nashaadka ee qofka ka qaada hurdada iyo caajiska ee Caffein-ta.
Waxaa la arkay in uu sidoo kale uu kafeega yareyn karo halista cudurrada beerka ee ku dhaca xoolaha, sida lagu sheegay daraassadda.
Nooc ka mid ah bunka uu ku yar yahay maaddooyinka Kahweol iyo cafestol, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay arrintan.
Cilmi-baarista ayaa natiijo wanaagsan ka muujisay in waxtar uu leeyahay bunka marka lagu daro waxyaabo kale.
Waxaa la arkay in uu sidoo kale uu kafeega yareyn karo halista cudurrada beerka ee ku dhaca xoolaha, sida lagu sheegay daraassadda.
Nooc ka mid ah bunka uu ku yar yahay maaddooyinka Kahweol iyo cafestol, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay arrintan.
Cilmi-baarista ayaa natiijo wanaagsan ka muujisay in waxtar uu leeyahay bunka marka lagu daro waxyaabo kale.
Mareykanka
iyo Iiraan ayaa xalay mar kale isweydaarsaday weerarro. Haddii aad hadda ku soo
biirtay tebinteena tooska ah, waa kuwan qodobada ugu muhiimsan iyo waxyaabihi
xalay dhacay:
Mareykanka ayaa xalay duqeymo
cirka ah oo cusub ku qaaday Iiraan. Donald Trump ayaa sheegay in
weerarradan ay ahaayeen "aargoosi ku saabsan weerarkii shalay ay
Iiraan ku qaaday maraakiibta." Marayay Hormuz.
Taliska Dhexe ee Ciidamada
Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu bartilmaameedsaday ku dhowaad 90
goobood oo Iiraan leedahay, isagoo sheegay in weerarradu loogu talagalay
in lagu wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku weerari karto maraakiibta ganacsiga
iyo maraakiibta rayidka ee maraya Marinka Hormuz.
Saacado kadib markii weerarrada
la soo sheegay, Trump ayaa wariyeyaasha saarnaa diyaaradda Air Force One u
sheegay, in mas'uuliyiin Iiraaniyiin ah ay "wax yar ka hor" la
soo xiriireen isla markaana ay si aad ah u doonayaan heshiis, balse uusan
hubin inay "u qalmaan" heshiis.
Dhowr dal oo Khaliijka ku yaalla
ayaa sooweriyay weerarro. Waxaa ka mid ahaa qaraxyo ka dhacay caasimadda
Baxrayn ee Manama, Kuwait oo sheegtay inay hawada ku burburisay gantaallo
iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), iyo Qatar oo soo saartay
digniin amni.
Guddoomiyaha Baarlamaanka
Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo sidoo kale ah madaxa Iiraan, ayaa
bartiisa X ku sheegay in "Mareykanku uusan weli baran in cabsi
gelinta iyo jebinta ballanqaadyadu aysan mar dambe noqon doonin wax aan
cawaaqib lahayn."
Weerarradan cusub ayaa yimid
kadib markii Mareykanku sheegay inuu in ka badan 80 bartilmaameed ku
dhuftay weerarro uu Talaadadii ku qaaday Iiraan, isagoo ku jawaabayay
weerarro lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz.
Intii uu joogay shirka NATO oo
ka dhacay Ankara, Trump ayaa la weydiiyay xaaladda xabbad-joojinta,
wuxuuna ku jawaabay: "Aniga ahaan, waxaan u maleynayaa inay
dhammaatay." Wuxuu sidoo kale Iiraaniyiinta ku tilmaamay erayo
aflagaado ah sida kansar iyo shar wadayaaal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee
Iiraan ayaa arrintaas uga jawaabay isagoo yiri: "Aflagaaddo kuma
jawaabno aflagaaddo, balse waxaan kaga jawaabnaa ficil—annagoo aan cabsi
qabin isla markaana geesinimo weyn muujineyno."
Halkan kala
soco wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan xaaladdan.