Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo weerar ku dilay askar Iiraaniyiin ah
Sida lagu sheegay war ay baahiyeen ciidamada Iiraan, siddeed askari oo
Iiraaniyiin ah ayaa lagu dilay weerarradii uu Mareykanku qaaday habeenkii
xalay.
Warsaxaafadeedka, oo ay baahiyeen dhowr warbaahin oo Iiraan leedahay,
ayaa lagu sheegay in askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidanka cirka iyo ciidanka
badda ee Iiraan.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in askartan ay ku sugnaayeen
magaalooyinka Bandar Abbas iyo Bushehr.
Ma ogtahay in Ruushku boqolaal bambo uu si kama ah ugu dhuftay ciidiisa?
War deg deg ah, Trump oo war cusub oo ka dhan ah Iiraan ku dhawaaqay
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku uu ka
fiirsanayo inuu dib u soo rogo go'doominta badda ee dekedaha Iiraan.
Go'doomintan ayaa hore looga qaaday iyadoo qayb ka ahayd heshiis hordhac ah oo
la gaaray 17-kii Juun si loo soo afjaro dagaalka.
Isagoo la hadlayay warbaahinta, Trump ayaa yiri: "Waxaan dib u soo
rogi karnaa go'doominta badda." Wuxuu intaas ku daray: "Waxay quseyn
doontaa oo keliya Iiraan; dhammaan dalalka kale waxay samayn karaan waxa ay
doonaan."
Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay dhigi karto miinooyin badeed haddii ay
fursad hesho, balse wuxuu xusay in Mareykanku leeyahay maraakiibta miino-saarka
oo awood u leh inay soo saaraan ama baabi'iyaan miinooyinka noocaas ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ku andacooday in qaar ka mid ah
dalalka xubnaha ka ah NATO ay soo jeediyeen inay gobolka u diraan maraakiibta
miino-saarka intii uu socday shir madaxeedka NATO.
War deg deg ah, Madaxweynaha Faransiiska oo ka falceliyay hanjabaadda Trump ee Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu filayo in Mareykanka
iyo Iiraan ay sii wadi doonaan wada-hadallada nabadda inkastoo ay dib u soo
cusboonaadeen xiisadaha u dhexeeya labada dal.
Macron wuxuu sheegay in weerarradii Iiraan ay ku qaaday saldhigyada
milatari ee Mareykanka ay jebiyeen heshiiskii ay labada dhinac gaareen, isagoo
xusay in Tehraan ay qalad samaysay markii ay qaaday weerarradaas.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in weli ay jirto
fursad lagu sii wado kulamada iyo wada-hadallada lagu qorsheeyay heshiiska xabbad-joojinta
ee 60-ka maalmood ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.
Hadallada Macron ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, uu sheegay in heshiiskii u dhexeeyay labada dal uu burburay sababo la
xiriira weerarradii ay mar kale isweydaarsadeen.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in sii wadidda wada-hadalladu ay
muhiim u tahay in laga hortago in colaaddu ay sii xumaato.
War deg deg ah, Trump oo ku hanjabay in caawa uu dhacayo weerar xooggan oo Iiraan lagu qaado
Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii aad hadda nagu soo biirtay,
halkan waxaa ku yaal dulmar kooban oo ku saabsan hadalladii ugu dambeeyay ee
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ee la xiriiray Iiraan:
Trump ayaa ka digay in Mareykanka ay "caawa
u badan tahay inuu mar kale si xooggan u weeraro Iiraan", kadib
weerarro cusub oo dhacay habeenkii xalay.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in ujeeddada
hawlgallada Mareykanka ee Iiraan ay tahay in la soo afjaro barnaamijka
nukliyeerka ee dalkaas, balse aysan ahayn in la beddelo maamulka talada
haya.
Markii wax laga weydiiyay hadalkiisii hore ee
ahaa in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan uu
burburay, Trump si cad ugama jawaabin su'aasha ahayd in heshiis cusub la
gaari karo. Wuxuu yiri:
Trump ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu dib u soo
celin doono go'doomintii badda ee lagu hayay Iiraan, taas oo markii hore
laga qaaday iyadoo qayb ka ahayd heshiiskii lagu soo afjaray dagaalka.
Sida uu qoray weriyaha Aqalka Cad ee Bernd
Debusmann Jr., Caro ayaa si cad uga muuqatay Trump wuxuu muujinayay in
laga yaabo inuu ka samri waayay Iiraan.
War deg deg ah, Dhakhatar dad ku laayay daawooyin uu siiyay oo xukun lagu riday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamad ku taalla Berlin ayaa
dhakhtar Jarmal ah oo ku takhasusay daryeelka bukaannada xaaladaha adag ku
xukuntay xabsi daa'in kadib markii lagu helay inuu dilay 15 bukaan oo uu
daweynayay.
Dhakhtarka oo 41 jir ah, laguna
aqoonsaday oo keliya magaca Johannes M, ayaa maxkamaddu ku tilmaantay inuu
lahaa "rabitaan dil."
Da'da dhibbanayaashu waxay u
dhexeysay 25 ilaa 94 sano.
Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu
dhowr jeer dab qabadsiiyay guryaha dhibbanayaasha si uu u tirtiro raadadka
dambiyada.
Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in
tobannaan dhimasho oo kale weli baaritaan lagu hayo.
Maxkamadda dhexdeeda, dhakhtarku
wuxuu qirtay 12 ka mid ah dilalka, isagoo sheegay inuu "naftiisa ka
quustay."
War deg deg ah, Trump oo ka farxiyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale
sheegay inuu u oggolaan doono Ukraine inay soo saarto gantaallada difaaca cirka
ee Mareykanka ee Patriot, arrintaas oo loo arko guul weyn oo u soo hoyatay
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib
kulan ay labada hoggaamiye ku yeesheen hareeraha shir madaxeedka NATO, halkaas
oo Trump uu hadallo wanaagsan ka sheegay dadaalka dagaal ee Ukraine.
Trump wuxuu sheegay in Kyiv ay si
degdeg ah u soo saari karto gantaalladan, inkastoo uu xusay in shirkadda
Mareykanka ee soo saarta Patriot aan weli arrintaas si rasmi ah loogu wargelin.
Zelensky ayaa sheegay in
gantaallada Patriot ay yihiin habka ugu waxtarka badan ee lagu soo ridi karo
gantaallada ballistic-ga ee Ruushka.
Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha
Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay
Ruushku ay ku adkaatay difaaca hawadiisa, taasoo Washington ay rajaynayso inay
horseedi doonto wadaxaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka.
Trump oo Iiraan ku tilmaamay "Qashin" iyo xiisadda oo cirka isku sii shareeraysa
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald
Trump ayaa ka digay in Mareykanku uu caawa mar kale si adag u weerari doono
Iiraan, isagoo sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta uu hadda
dhammaaday. Isagoo ka hadlayay shir madaxeedka NATO ee ka socda Ankara,
Trump wuxuu maamulka Iiraan ku tilmaamay "dad qashin ah", wuxuuna
sheegay inuusan si toos ah ula macaamilayn doonin. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu
sheegay in wadaxaajoodayaashu ay sii wadi karaan wadahadallada ay la leeyihiin Tehraan.
Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay
in ka badan 4%, isagoo gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo laba toddobaad ah.
Weerarro is-daba-joog ah ayaa dib
u billowday fiidnimadii Talaadada, iyadoo Mareykanku sheegay inuu duqeeyay
bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla Iiraan kadib markii ciidamada Iiraan ay
weerareen maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz. Iiraanna waxay
sheegtay inay qaaday weerarro aargoosi ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo
hanti Mareykan leeyahay oo ku yaalla gobolka.
Hay'adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan arrimaha badaha ayaa cambaareysay weerarradaas, waxayna ugu baaqday
shirkadaha maraakiibta inay si ku-meel-gaar ah u joojiyaan dhammaan socdaallada
ay ku marayaan Marinka Hormuz.
Diyaarad xamuul ah oo ay dad saarnaayeen oo la la' yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay ilaa iyo hadda
War deg deg ah, Walaaca laga muujinayo marista Marin-biyoodka Hormuz
Xigashada Sawirka, Anadolu/Getty Images
Madaxa Ururka Caalamiga ah ee
Badaha (IMO), oo hoos taga Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay weerarradii
lagu qaaday maraakiibta maraysay Marinka Hormuz labadii maalmood ee la soo
dhaafay. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shirkadaha maraakiibta iyo hawl-wadeennada
gaadiidka badda inaysan maraakiibtooda marin marin-biyoodkan muhiimka ah inta
xaaladda amni laga sugayo.
Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio
Dominguez, ayaa yiri: “Weerarradan aan masuuliyadda lahayn waxay mar kale
khatar weyn geliyeen nolosha badmaaxiinta aan waxba galabsan.”
Wuxuu intaas ku daray: “Ilaa laga
xaqiijinayo badbaadada iyo amniga shaqaalaha maraakiibta, waxaan ugu baaqayaa
dowladaha calanka maraakiibta laga leeyahay, milkiilayaasha maraakiibta,
shirkadaha maamula maraakiibta iyo hay’adaha ay khusayso inay ka fogaadaan u
dirista badmaaxiinta khataro aan loo baahnayn, isla markaana ay iska ilaaliyaan
inay maraan Marinka Hormuz.”
Kadib heshiiskii xabbad-joojinta
ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, waxaa si tartiib tartiib ah u kordhay
dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan kuwa shidaalka qaada, ee mara Marinka
Hormuz.
Sida ay sheegtay shirkadda xogta
iyo sirdoonka maraakiibta ee Lloyd’s List, 211 markab ayaa maray Marinka Hormuz
toddobaadkii ku dhammaaday 5-tii Luulyo. Si kastaba ha ahaatee, tiradani weli
aad ayay uga hooseysaa heerkii ka hor dagaalka, markaas oo celcelis ahaan ku
dhowaad 138 markab ay maalin kasta mari jireen marin-biyoodkaas.
Masar oo ka carootay "caddaalad-darro", kuna eedaysay in Messi loo eexday kadib markii ay ka hartay Koobka Adduunka
War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ku dhawaaqay in heshiiskii Mareykanka iyo Iiraan uu burburay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, ayaa sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Mareykanka iyo
Iiraan uu burburay, kadib markii labada dhinac ay dib u bilaabeen weerarro ay
isweydaarsanayaan.
Trump ayaa hadalkan sheegay isagoo
la hadlayay weriyeyaasha intii uu ka qaybgalayay shir madaxeedka NATO ee ka
dhacay Ankara maanta.
Trump ayaa sidoo kale hadallo adag
u jeediyay hoggaanka Iiraan, isagoo sheegay inuusan u arkin wax faa'iido ah oo
ku jirta sii wadidda wada hadallada lala yeesho.
Hadallada Trump ayaa yimid kadib
markii Mareykanka iyo Iiraan ay is dhaafsadeen eedeymo la xiriira inay jebiyeen
heshiis hore oo xabbad-joojin ah, arrintaas oo sii kordhisay xiisadda u
dhexeysa labada dal.
War deg deg ah, Iiraan oo soo saartay hanjabaad culus iyo wax ka dhalan kara
Xigashada Sawirka, IRNA
iraan ayaa uga digtay dalalka ku
yaalla gobolka Badda Madow inaysan oggolaan dhulkooda ama qalabkooda milatari
in loo adeegsado weerarro lagu qaado Iiraan. Waxay sheegtay in iskaashi kasta
oo lala yeesho Mareykanka oo loo adeegsado weerar ka dhan ah Iiraan loo
aqoonsan doono fal dambiyeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee
Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanku uu weeraray xarumo kormeer iyo sirdoon oo ku
yaalla xeebaha koonfureed ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid
jebinaysa heshiiska xabbad-joojinta.
Iiraan waxay sidoo kale ku
eedaysay Mareykanka inuu mas'uul ka yahay burburinta qaybo muhiim ah oo ka mid
ah heshiiska, iyadoo sheegtay in weerarrada joogtada ah ee Israa'iil ku hayso
Lubnaan iyo ku lug lahaanshaheeda marin-biyoodka Marinka Hormuz ay ka dhigayaan
heshiiska mid aan waxtar lahayn.
Ugu dambayn, Iiraan waxay ku
hanjabtay in ciidamadeedu ay weerari doonaan dal ama dhul kasta oo u oggolaada
in loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan.
Baarlamaanka Faransiiska oo meel mariyaysharci muran badan dhaliyay
Xildhibaannada
Faransiiska ayaa ansixiyay hindise sharciyeed cudur daar siinaya saraakiisha
booliiska ee ku lug yeesha toogashada, arrintaas oo dadka dhaliila ay ku
tilmaameen “ruqsad wax lagu dili karo.”
Hindise-sharciyedkan,
oo muddo dheer ay dalbanayeen kooxaha midigta fog, wuxuu ka dhigan yahay in hadii
sarkaal booliis ah oo qof ku dilo rasaas loo qaadan doono inuu ku dhku
xad-gudbay sharciga, ilaa laga keeno caddayn muujinaysa wax ka duwan.
Madaxweyne
Donald Trump oo ka hadlayay shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Turkiga, Donald
Trump wuxuu ku tilmaamay nidaamka Iran inuu yahay “dad shar leh” wuxuuna
maamulka Iran ku sheegay dad “waalan”.
Wuxuu mar
kale ku celiyay mowqifka Mareykanka ee ah in Tehran aan loo oggolaan karin inay
samaysato hub nukliyeer ah.
Wuxuu soo
hadal qaaday weerarradii lagu qaaday maraakiibta ku sugnaa marinka Hormuz
Talaadadii, iyo sidoo kale weerarradii lagu qaaday bartilmaameedyo ku yaalla
Kuwait iyo Baxrayn.
“Dadkani waa
dad shar wadayaal ah,” ayuu madaxweynaha Mareykanka sii raaciyay. “Waxay yihiin
kansar, waadna ogtahay waxa laga yeelo kansarka — waa in goor hore la gooyaa
kansarka.”, ayuu intaa raaciyay.
War deg deg ah, Degdeg: Trump oo sheegay in xabbad-joojintii Iran ay 'dhammaatay'."
Madaxweynaha Mareykanka ayaa goor la hadlay weriyaasha,
isagoo kulan la yeeshay xoghaya guud ee NATO.
Markii wax laga weydiiyay xabbad-joojinta u dhexeysa
Mareykanka iyo Iran, Donald Trump wuxuu yiri: "Waxaan u maleynayaa inay
dhammaatay."
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay shirkii NATO: "Ma
doonayo inaan mar dambe la macaamilo iyaga, waa dad aan wanaagsanayn."
Wuxuu intaas ku daray: "Aniga aragtidayda, way
dhammaatay. Waa waqti lumis in lala macaamilo iyaga, waa beenaalayaal."
Trump wuxuu sheegay in wadaxaajoodyada labada dhinac ay "wada
hadli karaan", laakiin ay "waqtigooda iska luminayaan."
"Runahaanti, ma doonayo inaan waqtigayga ku lumiyo iyaga," ayuu intaa ku daray.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Xoghayaha Guud ee gaashaanbuurta NATO, Mark Rutte, ayaa hadda wariyeyaasha kula hadlaya shir-madaxeedka NATO ee Ankara.
Trump wuxuu ammaanay xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, oo uu dhinaciisa ka hadlayay, balse wuxuu sheegay inuusan ku qanacsanayn isbahaysiga milatari ee NATO.
Wuxuu sheegay in xulafada NATO aysan doonayn inay naga caawiyaan waddanka ugu weyn ee taageera argagixisada, kaas oo ah Iran.", ayuu yiri.
Wixii ka soo kordha halkan kala socda.
Shan arrimood oo gabadh kasta aysan u sheegi karin seygeeda xitaa haddii ay aad u jeceshahay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Guurku waa muhiim, sababtoo ah waa waxa mideeya nin iyo xaaskiisa isla markaana uu ka bilowdo qoys, wuxuuna wataa barako badan sida carruur iyo qaar kaloo badan.
Maalmahan, si kastaba, qoysas badan ayaa burbura sababo jira awgood, gaar ahaan is fahan waa labada qof ku timaadda.
Dabcan waa inaysan sir kala qarsan lammaanaha, balse waxaa jira waxyaabo aan habbooneyn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda, si walba oo ay isu jecel yihiin.
Bulshooyin badan oo Afrikaan ah ayaa waxay ku maahmaahaan, haddii aysan dheguhu wax maqleyn, wadnuhu ma caroodo. Annaguna haddii aan dooneyno inay nabad ka dhex jirto qoyska waxaa jiri kara caqabado badan, haweeneyduna waxaa laga doonayaa inay ka qeyb qaadato xallinta arrimahaas.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa shan arrimood oo aysan ahayn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda:
Ha kala hadlin inta nin ee aad soo shukaansatay
Waa inaadan seygaaga u sheegin amaba u faahfaahin inta nin ee ay sheeko kaala dhaxeysay kahor intaydaan is guursan.
Haddii aad arrimahaas kala hadasho una faahfaahiso, isla markaana ay raggaas isaga ka horreeyay aad u badan yihiin, waxaa laga yaabaa inuu kuu qaato qof xun.
Sidaas darteed, haddii uu ku weydiiyo inta rag ee aad la soo sheekeysatay, intaad qososho waxaad tiraahdaa: ''Aan iska deyno hadalka waxaas".
Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu saaka fuliyay weerar ka dhacay koonfurta Iiraan, isagoo sheegay in uu ahaa jawaab ka dhan ah weerarkii lagu qaaday maraakiibta shidaal ee Qatar iyo laba markab oo kale.