You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Iran ayaa Mareykanka ku eedeysay 'dambi dagaal', waxayna mar kale uga digtay dalalka gobolka

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dib u soo celinta xannibaadda badda ee Iran ay tahay "qayb kale oo ka mid ah jebinta is-afgaradka" u dhexeeyay Tehran iyo Washington.

    Waxay sidoo kale Maraykanka ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal, iyadoo ku sababeysay waxa ay ku tilmaantay "weerarro lagu qaaday kaabeyaasha iyo xarumaha rayidka ah."

    Bayaan-ka wasaaradda ayaa lagu sheegay in tusaalooyinka dambiyada dagaal ay ka mid yihiin weerarka lagu qaaday xarunta caafimaadka ee Guutada 388-aad ee Ciidanka Iran ee ku taalla Bampour, Iranshahr, bakhaarka kaydka qamadiga ee Hoveizeh, iyo munaaradda ilaalada ciidamada badda ee Chabahar.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sidoo kale sheegtay in tani ay tahay markii saddexaad sanadkii la soo dhaafay ee Maraykanku weerar ku qaado Iran iyadoo wada-hadallo socdaan.

    Tehran ayaa ugu baaqday dalalka gobolka inaysan oggolaan in dhulkooda, badahooda iyo hawadooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran.

    Waxay ku adkaysay inay doonayso "is-afgarad iyo iskaashi" ay la yeelato dalalka gobolka, iyadoo aysan jirin joogitaan ama faragelin ka timaadda Maraykanka.

    Maxamed Saleh Jokar, oo ah madaxa Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran, ayaa sidoo kale Khamiistii sheegay in dalalka Khaliijka ay tahay inay wax ka bartaan "waayo-aragnimada dagaalka Ramadaan" isla markaana aysan ciidammada Maraykanka u dhiibin dhulkooda iyo xeebahooda.

  2. Isgoyska tareenka ee Bandar Abbas oo la kulmay weerarro

    Wakaaladda wararka Fars, iyadoo soo xiganaysa maamulka gobolka Hormozgan, ayaa sheegtay in saldhigga isku xirka tareennada ee Bandar Cabbaas la weeraray.

    Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hormozgan ayaa sheegay in laba qof ay ku dhaawacmeen weerarka, isla markaana loo qaaday xarumaha caafimaadka.

    Hay’adda dowladda ayaa intaas ku dartay: "Kooxaha gurmadka iyo dab-damiska ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, waxaana socda tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xakameynayo xaaladda."

    Warar dheeraad ah:

  3. Warbaahinta Iran:Siddeed qarax ayaa ka dhacay jasiiradda Qeshm

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in ugu yaraan siddeed qarax laga maqlay Jasiiradda Qeshm iyo agagaarka tuulada Masan.

    Isla waqtigaas, wakaaladda wararka Tasnim ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay dul heehaabayaan hawada Jasiiradda Qeshm.

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta saxda ah ee qaraxyadu ka dhaceen weli lama shaacin.

    Warar dheeraad ah:

  4. Tasnim waxay sheegtay in buundada isku xirta Bandar Abbas iyo Shiraz iyo waliba Bandar Abbas iyo Lar la bartilmaameedsaday

    Wakaaladda wararka Tasnim ayaa sheegtay in wareeggii ugu dambeeyay ee weerarrada Maraykanka lagu qaaday Iran lagu beegsaday buundada isku xirta Bandar Cabbaas iyo Shiraz, taas oo loo yaqaan Buundada Bandar Cabbaas-Kohurestan-Lar.

    Warbaahintu waxay sheegtay in weerarradu ay beegsadeen magaalada Bandar Khamir iyo degmada Kohurestan, halkaas oo laga maqlay dhowr qarax.

    Sida ay sheegayaan wararka, korontada ayaa sidoo kale ka go'day qaybo ka mid ah deegaanka Kohurestan.

    Sawirro muujinaya qaraxa ka dhacay Buundada Kohurestan ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.

    Warar dheeraad ah:

  5. Kuwait oo sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu weeraray

    Wasiirka Difaaca Kuwait ayaa sheegay in dhowr xarumood oo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas lagu bartilmaameedsaday weerarro ay fuliyeen Iran.

    Afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Difaaca Kuwait, Kornayl Saud Abdulaziz Al-Atwan, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada qalabka sida ee Kuwait ay tan iyo saaka ogaadeen 32 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo uu ku tilmaamay kuwo "cadowtinimo ah" kuwaas oo ku jiray hawada Kuwait.

    Wuxuu yiri: "Diyaaradahan waa la qabtay, waana laga hortagay."

    Al-Atwan ayaa intaas ku daray in ka hortagga bartilmaameedyadan uu sababay in burburka diyaaradahaasi uu ku dhaco dhowr goobood oo la deggan yahay, taasoo keentay khasaare hantiyeed, balse uu sheegay in nasiib wanaag aan wax dhimasho ah la soo sheegin.

    Warar dheeraad ah:

  6. Iran oo sheegtay inaysan sii deyn wax muwaadiniin Mareykan ah

    Wakaaladda wararka Mizan, oo xiriir la leh garsoorka Iran, ayaa sheegtay in aysan jirin wax maxbuus Maraykan ah oo laga sii daayay ama lagu beddeshay maxaabiis ku jirta xabsiyada Iran, taasoo ka hor imaanaysa hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Mizan ayaa qortay: "Sida laga soo xigtay baaritaannada la sameeyay, ma jiro maxbuus la xukumay ama basaas Maraykan ah oo leh sifooyinkii uu Trump sheegay ama sifooyin kale, oo laga sii daayay ama lagu beddelay xabsiyada Iran."

    Galinkii hore ee maanta, Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray in muwaadinad Maraykan ah oo ku xirnayd Iran la sii daayay, isagoo ku tilmaamay sii deynteeda inay tahay calaamad muujinaysa "niyad wanaagga" Iran.

    Warar dheeraad ah:

  7. Iran: Waxaa la maqlay qaraxyo ka dhacay Ahvaz, Bandar Abbas, Bushehr iyo Qeshm

    Warbaahinta Iran ayaa xaqiijisay in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Ahvaz, Bandar Cabbaas, Bushehr iyo Qeshm.

    Valiollah Hayati, oo ah ku xigeenka madaxa amniga iyo ciidamada booliska ee gobolka Khuzestan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee ILNA in weerar lagu qaaday nawaaxiga magaalada Ahvaz.

    Mas'uulku ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ama cidda ka dambeysay weerarka.

    Warar dheeraad ah:

  8. Rubio:Shabakadaha wakiillada u ah Iran ayaa xiriir la leh kooxo hubeysan oo garabka bidix

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in shabakadaha wakiillada Iran ay si isa soo taraysa xiriir ula leeyihiin kooxo hubeysan oo ka tirsan garabka bidixda fog ee dalal kala duwan.

    Rubio ayaa hadalkan ka sheegay Khamiistii shir caalami ah oo lagaga hadlayay la-dagaallanka argagixisada, kaas oo ka dhacay magaalada Washington. Wuxuu sheegay in kooxaha bidixda xagjirka ah ay iskaashi la sameynayaan dowlado shisheeye oo kasoo horjeeda Maraykanka, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Iran.

    Hase yeeshee, Rubio ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa xiriirka uu sheegay inuu ka dhexeeyo wakiillada Iran iyo kooxaha hubeysan ee bidixda fog.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in Washington ay qorsheynayso inay ballaariso iskaashiga caalamiga ah si loo aqoonsado loona wajaho waxa uu ku tilmaamay "argagixisada bidixda fog."

    Warar dheeraad ah:

  9. Mareykanka oo habeenkii shanaad weeraro ka bilaabay Iran

    Milatariga Maraykanka ayaa Khamiistii fiidnimo ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay weerarro ka fuliyeen gudaha Iran habeenkii shanaad oo xiriir ah.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku sheegay in weerarrada, oo billowday saacaddu markay ahayd 18:00 GMT, ay ujeeddadoodu tahay "in la sii wiiqo awoodda milatari ee Iran."

    Warar dheeraad ah:

  10. Hub noocee ah ayuu Mareykanku doonayaa inuu ka iibiyo dalalka Carabta?

    Maraykanka ayaa ansixiyay 8.6 bilyan oo doollar oo hub ah oo ay ka iibinayaan xulafadiisa Bariga Dhexe. Go'aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay weli socdaan colaado milateri oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iiraan.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  11. Afhayeenka Aqalka Cad: Inkastoo ay jiraan iska-horimaadyo, haddana xiriirkii Iran ayaa sii socda

    Afhayeenka Aqalka Cad, Carolyn Levitt, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu weli u furan yahay xal diblomaasiyadeed oo lala gaaro Iran, isla markaana xiriirka labada dal uu weli socdo inkastoo dagaalladu dib u billowdeen.

    Waxay tiri: "Iran waxay sheegtay inay weli doonayso inay heshiis la gaarto madaxweynaha. Weli waan la xiriirnaa."

    Levitt ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Trump uu Iran mas'uul ka qaban doono haddii ay weerarto maraakiibta maraya Marinka Hormuz.

    Hadalladan ayaa yimid maalin kadib markii Trump uu uga mahadceliyay Iran sii deynta muwaadin Maraykan ah oo xabsi ku jiray tan iyo Diseembar 2024.

    Markii wax laga weydiiyay weerarka lagu qaaday iskuul ku yaalla Minab, afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegtay in baaritaanka dhacdadaasi uu weli socdo, su'aashana u gudbisay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.

    Levitt waxay sidoo kale sheegtay in khudbadda Madaxweyne Trump ee caawa ay diiradda saari doonto doorashooyinka iyo ilaalinta hufnaanta doorashooyinka Maraykanka.

  12. Xuutiyiinta oo ka digay inay beegsan doonaan xarumaha Shidaalka Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen ayaa uga digay Sacuudi Carabiya inay bartilmaameedsan doonaan xarumaha shidaalka iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah haddii uu sii xoogeysto dagaalka u dhexeeya labada dhinac.

    Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdulmaalik Al-Xuuti, ayaa sheegay: "Haddii Sacuudi Carabiya ay bilowdo weerar ballaaran oo ka dhan ah dalkeenna isla markaana ay sii huriso xiisadda, dhammaan xarumaheeda shidaalka iyo goobaha muhiimka ah waxay noqon doonaan bartilmaameedka gantaalladayada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn."

    Xuutiyiintu waxay ku eedeeyeen Sacuudiga inuu Isniintii weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyagoo sheegay inay arrintaas uga jawaabeen weerar ay ku qaadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.

    Is-weydaarsiga weerarradan ayaa lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee dhex mara labada dhinac tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sanadkii 2022.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, Cabdulmaalik Al-Xuuti ayaa sidoo kale ku hanjabay in Garoonka Diyaaradaha ee Riyadh la beegsan doono haddii weerarro kale lagu qaado Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.

    Wuxuuna yiri: "Isla'egtu waa: garoon haddii al beegsado waxaan beegsanaynaa garoon, deked haddii la beegsado deked layaan beegsanaynaa, go'doominna go'doomin ayaan ku beddelaynaa."

    Dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Cadan, isla markaana ay taageerto Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay in weerarkii Isniintii lagu qaaday Garoonka Sanca looga gol lahaa in laga hortago diyaarad laga leeyahay Iran oo doonaysay inay halkaas ka degto.

    Muddo ka badan toban sano, diyaaradaha galaya hawada Yemen waxaa looga baahnaa inay oggolaansho hore ka helaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya. Dowladda Yemen iyo taageerayaasheeda ayaa ku doodaya in Xuutiyiinta iyo Iran ay nidaamkaas caqabad ku noqdeen iyagoo bilaabay duulimaadyo toos ah oo Iran uga yimaada Sanca.

    Warar dheeraad ah:

  13. Ku xigeenka Trump: Ma doonayno inaan ciidamo lugta ah u dirno Iiraan

  14. Maxay haween badan u qariyaan astaamaha caado-goyska?

  15. In ka badan 800 oo dab-kaymeed ayaa ka socda Kanada, iyadoo digniinaha ku saabsan tayada hawada ay gaareen Mareykanka

    In ka badan 800 oo dab-kaymeed ayaa ka socda dalka Kanada, iyadoo digniinaha ku saabsan tayada hawada ay hadda gaareen gobollo badan oo dhanka koonfureed ka xiga dalka Mareykanka.

    Tayada hawada ee qaybo badan oo ka tirsan gobollada waqooyi ee Michigan iyo Minnesota ayaa lagu tilmaamay mid "halis ah" marka loo eego nidaamka qiimeynta tayada hawada ee Mareykanka, waxaana dadka lagula taliyay inay guryahooda ku sugnaadaan.

    Digniinnada ayaa saameynaya gobollada Upper Midwest, aagga harooyinka waaweyn (Great Lakes) iyo gobollada waqooyi-bari, sida ay Khamiistii sheegtay Hay'adda Qaranka Mareykanka u qaabilsan saadaasha hawada (NOAA).

    Waxaa hadda dalka Kanada ka socda 857 dab, oo ay ku jiraan 23 dab oo cusub oo billowday maalintii Khamiista, sida ay sheegtay Xarunta Iskaashiga Dab-demiska Kaymaha ee Kanada.

    Warar dheeraad ah:

  16. Koox diimeed ku nool Kenya oo ku guuldarreystay isku day ay ku doonayeen in xashiishka la sharciyeeyo

  17. Nooc cusub oo daanyeerka ah oo laga helay Uganda

    Daanyeer leh bushimo oranji ah iyo waji madow - kuna nool kaymaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo - ayaa la xaqiijiyay inuu yahay nooc ku cusub sayniska. Dusha sare ee dhogorta madaw ayaa la arkay oo la sawiray iyadoo lagu qariyay geed dheer oo kaymo kulayle ah oo ku yaal Beerta Qaranka ee Lomami, ee badhtamaha bari ee dalka.

    Ilaaliyeyaasha ka shaqeeya halkaas ayaa markii ugu horreysay soo sheegay in ay arkeen xayawaankan u muuqda mid aan caadi ahayn sannadkii 2008. Laakin waxa ay qabteen hal sawir oo mugdi ah.

    Kadib 10 sano oo kale oo la arkay, koox caalami ah ayaa u dhaqaaqday raadinta iyo baarista daanyeerka waxayna daaha ka qaadeen inuu yahay nooc aan hore loo aqoon. Tani waa noocii shanaad ee daayeer Afrikaan ah oo la helo 75-kii sano ee la soo dhaafay.

    Junior Amboko, oo PhD ka bartay Jaamacadda Florida Atlantic, ayaa door hoggaamineed ka qaatay raadinta, taas oo ku lug lahayd codad la duubay, sawir qaadis iyo daraasado faahfaahsan oo ku saabsan hiddaha. Natiijooyinka waxaa lagu daabacay joornaalka PLoS One.

    Warar dheeraad ah:

  18. Abiy Axmed oo sheegay arrin ku saabsan Badda Cas

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in Itoobiya ay lumisay marin-u-helkeedii Badda Cas sababo la xiriira daciifnimo gudaha ah, halkii ay ka ahaan lahayd awoodda xoogag dibadeed.

    Isagoo ka hadlayay furitaanka Shirka Wadahadalka Qaran ee ka dhacay Addis Ababa 15-kii Luulyo 2026, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in “dowlad aan la dooran” ay gaartay go’aanno sababay in Itoobiya ay lumiso marin-u-helkii ay Badda Cas ku gaari jirtay iyada oo sii maraysa Eritrea. “Qaabkii aan ku luminnay Badda Cas wuxuu ka mid ahaa dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee ugu xumaa,” ayuu yiri Abiy.

    Sida uu sheegay, luminta marin-u-helka Itoobiya ee Badda Cas waxay inta badan ka dhalatay kala qaybsanaan siyaasadeed oo gudaha ah, halkii ay ka ahaan lahayd cadaadis dibadeed. “Itoobiya waxay maamuli jirtay, lahayd, kana faa’iidaysan jirtay Badda Cas kumannaan sano,” ayuu yiri Abiy, isagoo ku dooday in dalka uu marin-u-helkaas ku waayay daciifnimooyin gudaha ah oo dhaawacay danaha qaranka, ugu dambayna Itoobiya ka dhigay “maxbuus juqraafiyeed.”

    Hadalladan ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ay sii kordhayso, isla markaana Addis Ababa ay sii waddo dadaallada ay ku doonayso inay hesho marin badeed, arrin si isa soo taraysa udub dhexaad ugu noqotay doodaha siyaasadeed ee dalka. Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn kadib markii Eritrea ay xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1991, kaddib halgan hubaysan oo socday 30 sano. Mas’uuliyiinta siyaasadda iyo militariga Itoobiya ayaa weli ku celceliya waxa ay ku tilmaamaan xaqa sharciyeysan ee Itoobiya u leedahay inay hesho marin badeed oo ammaan ah, arrintaas oo sii kordhisay xiisadda kala dhexeysa Eritrea.

    Warar dheeraad ah:

  19. Soomaalida oo qodobbo muhiim ah la tagaya shirka wada-tashiga qaran ee Itoobiya