You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. SPAIN AYAA QAADDAY KOOBKII ADDUUNKA

  2. DHAMMAAD

  3. GOOOOOOOOL, Ferran Torres

  4. Wakhtiga Dheeriga ah: Spain 0-0 Argentina

    Qaybta hore ee wakhtiga dheeriga ah ayaa soo dhammaatay, iyada oo Spain ay soo bandhigtay ciyaar heer sare ah.

  5. DHAMMAAD, Spain 0-0 Argentina

    Ciyaarta u dhaxaysa Argentina iyo Spain ayaa ku soo dhammaatay gool la'aan 90-kii daqiiqo. Waxa hadda la aaday 30 daqiiqo oo dheeraad ah. Qaybtan dambe waxa ciyaarta si weyn ugu gacan sarraysay Spain oo weerarro halis badan ku qaadayay dhinaca Argentina. Waxa kale oo xusid mudan in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina, Enzo Fernandez loo taagay kaarka casaanka ah.

  6. Spain 0-0 Argentina

    Argentina oo difaacanaysa koobka Ameerika iyo Spain oo soo qaaadday koobkii Qaaradda Yurub ayaa caawa mar kale ku loolamaya ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka. Ilaa hadda labada dhinac midna uma suurtogalin in ay shabaqa soo taabtaan.

  7. Dhammaad: qaybta kowaad ee ciyaarta

    Waxa soo dhammaatay qaybtii hore ee ciyaarat iyada oo labada xul ay ku kala baxeen goolal la'aan.

  8. Kulanka dhammaadka Koobka Adduunka

    Ciyaarta ayaa maraysa qaybtii hore iyada oo hadda loo baxay nasashada gaaban ee waraabka. weli wax goolal ah la iskama dhalin.

  9. 14 kulan oo dhex maray Spain iyo Argentina, Yaa gacan sareeya?

    Taariikhda kulamadii ay wada ciyaareen labada dal ee Spain iyo Argentina ayaa muujinaya in ay yihiin labo dal oo isu dhigma.

    Waxay iska horyimaadeen 14 kulan, iyadoo Spain ay badisay 6 kulan, Argentina-na ay badisay 6 kulan, halka 2 kulan ay barbaro ku dhammaadeen.

    Marka la eego Koobka Adduunka, labada xul waxay is arkeen hal mar oo kaliya. Waxay isku arkeen kulan ka dhacay wareegga guruubyada ee Koobkii Adduunka 1966-dii ee lagu qabtay Ingiriiska. Magaalada Birmingham ayey ku dheeleen taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Luulyo 1966-dii. Kulankaas waxaa Argentina ku badisay 2–1.

    Sii akhri

  10. Sidee ayey u dhaceysaa xafladda xiritaanka Koobka Adduunka 2026?

    Koobka adduunka waxaa sanadkan markii ugu horeysay ka qeybgalay 48 dal, wuxuuna socday shan toddobaad. Waxaa la ciyaaray sanadkan 105 kulan oo lagu kala qabtay saddex dal oo kala ah Mexico, Mareykanka iyo Canada. Ugu dambeyn FIFA ayaa caawa siin doonta koobka xulka guuleysta

    Garoonka caawa waxaa joogaya 8-kun oo daawadayaal ah iyadoo caalamka oo dhan ay kala socon doonaan bilaayiin. Waxaa la qaban doonaa xafladda xiritaanka. Sidoo kale waxaa ka qeybgalaya ciyaarta caawa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Sidoo kale waxaa ka qayb geli doona tartanka fanaaniinta kala ah Robbie Williams, Laura Pausini iyo Nicole Scherzinger oo qaadaysa heesta rasmiga ah ee tartanka ee "Desire."

    Sii akhri

  11. Toddobo dal oo ka qayb galay finalka koobka Adduunka, balse aan maanta jirin

  12. Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda.

    Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104 kulan oo lagu qabtay saddex waddan (Mexico, Mareykanka iyo Kanada), isla markaana markii ugu horreysay kulmisay 48 kooxood, Koobka Adduunka ee FIFA ayaa ugu dambeyn shaacin doona kooxda ku guuleysata.

    Kooxda Argentina ee uu hoggaamiyo Lionel Messi ayaa hiigsanaysa inay noqoto kooxdii ugu horreysay ee ku guuleysata laba koob oo isku xiga tan iyo markii Brazil ay sidaas samaysay sannadkii 1962-kii, taas oo tirada guulahooda ka dhigi doonta afar; halka Spain, oo ay ku jiraan xiddigooda da'da yar ee Lamine Yamal, ay doonayaan inay qaadaan koobkoodii labaad ka dib guushoodii ugu horreysay ee Koobkii Adduunka ee 2010-kii lagu qabtay Koonfur Afrika.

    Kani wuxuu noqon doonaa kulanka kaliya ee tartanka oo uu ka soo qayb-geli doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Barnaamijka madadaalada ee la shaaciyay ayaa u qalma Koob Adduun oo heer sare ah: laga soo bilaabo Tom Cruise ilaa Madonna, iyadoo ay ka mid yihiin Justin Bieber, Shakira iyo BTS, garoonka MetLife Stadium ee u dhow New York — kaas oo qaada 80,000 oo daawade — ayaa isu beddeli doona goob heer sare ah ka hor iyo inta lagu guda jiro ciyaarta, taas oo bilaaban doonta saacadda 3-da galabnimo ee waqtiga maxalliga ah (7-da fiidnimo ee waqtiga GMT).

  13. Maxaan ka ognahay saldhigga Urdun ku yaalla ee ay Iiraan beegsanayso?

  14. Waa maxay Zinkiga, maxaase loogu baahan yahay?

  15. Ciidanka Israa'iil: Waxaan aragnay gantaallo ay Iiraan ku ridday dekedda Aqaba ee dalka Urdun.

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay inay arkeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda dhanka dekedda Aqaba ee dalka Urdun.

    Horay, afhayeen u hadlay dowladda Urdun ayaa beeniyay warka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee sheegayay in dadka laga daad-gureynayay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Aqaba sababo la xiriira khatar soo wajahday.

    Ciidamada Israa'iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay "dhawaan ogaadeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda magaalada Aqaba ee dalka Urdun, taas oo ku taal meel u dhow xuduudda Israa'iil."

    Ciidamada Israa'iil ayaa sidoo kale uga digay arrintan iyagoo leh: "Waxaa jirta suurtagalnimo ah in rasaastaas awgeed, (colaaddu) ay ku faafto dhulka Israa'iil."

  16. Iran oo ku eedeysay Maraykanka in ay weerartay xarun nukleer oo la dhisayo

    Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran ayaa cambaaraysay weerar ay Maraykanku ku qaadeen xarunta tamarta nukliyeerka ee laga dhisayo Darkhovin.

    Bayaanka hay'adda ayaa lagu sheegay in Maraykanku, isagoo ku kacaya fal "ka hor imanaya sharciga caalamiga ah," uu weerar ku qaaday goobta laga dhisayo xarunta tamarta ee Darkhovin, isagoo adeegsanaya dhowr gantaal, maalintii Axadda, abaaro 3:39-kii subaxnimo (waqtiga maxalliga ah).

    Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran ayaa ku dhawaaqday bilowga mashruuca dhismaha xarunta tamarta nukliyeerka ee Karun ee ku taal Darkhovin bishii Disembar ee sannadkii 2022-kii.

    Waqtigaas, Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran waxay sheegtay: "Xarunta tamarta nukliyeerka ee Karun, oo ah nooca biyaha fudud ee cadaadiska sare leh (pressurized light water type) isla markaana leh awood ay ku soo saarto 300 oo megawatt oo koronto ah, ayaa laga dhisi doonaa dhul baaxaddiisu dhan tahay qiyaastii 50 hektar oo ku teedsan Webiga Karun, una dhow magaalada Darkhovin—oo ka tirsan Degmada Shadegan ee Gobolka Khuzestan."

  17. Baxrayn oo sheegtay in ay ka hortagtay weeraro kaga yimid Iran

    Ciidamada Baxreyn ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay ka hortageen gantaalada iyo weerarada Drones-ka Iran.

    Bayaanka ayaa lagu yiri: "Nidaamyada difaaca cirka ee ciidamada Difaaca Bahrain, oo leh go'aan adag iyo diyaargarowga dagaalka sare, waxay qabteen oo burburiyeen dhowr weerar oo khiyaano ah oo Iran kaga yimid Axaddii."

    "In si ula kac ah loo isticmaalo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah iyo hantida gaarka ah waa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada."

    Milateriga Baxrayn ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay taxaddar muujiyaan, kana fogaadaan in ay u dhawaadaan shay kasta oo aan la garanayn ama laga shakisan yahay oo ah haraadiga gardarada arxan darada ah ee Iran, ayna si degdeg ah u soo sheegaan.

  18. Dhowr fallanqeeye oo Soomaali ah iyo waxa ay ka yiraahdeen finalka koobka adduunka ee Spain iyo Argentine.

  19. Suuragalnimada in Nentanyahu lagu xiro New York marka uu yimaado September oo la bidhaamiyay