Dhowr fallanqeeye oo Soomaali ah iyo waxa ay ka yiraahdeen finalka koobka adduunka ee Spain iyo Argentine.

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa caawa 10 habeenimo ee Bariga Afrika kuna began 3-da galabnimo ee New York, garoonka kubada cagta ee New York New Jersey Stadium ka dhici doonta ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka adduunka taas u dhaxay dalalka Spain iyo Argentine.

Xulka Argentine oo difaacanaya tartanka kuna guulastay kii ugu dembeeyey ee sanadkii 2022-kii lagu qabtay dalka Qadar ayaa markan la ciyaara xulka Spain oo isna difaacaya tartanka Yurub.

Mid ka mida waxyaabaha xiisaha u yeelaya finalka waa inays iska hor imaanayaan Messi iyo Lamine Yamal oo loo arko xiddig si weyn saaxada kubada ku baddeli karaya.

Messi iyo xulkiisa Argentine ayaa raadinaya inay dalkoodu la simaan Brazil oo ah dalka ugu badan ee tartanka ku guulastay koobka adduunka. Argentine ayaa hadda haysta afar koob adduun. Spain ayaa Iyana raadinaysa koobkeedii labaad iyadoo hadda haysta hal koob adduun oo ay ku guuleysatay sanadkii 2010-kii oo dalka Koonfur Afrika martigelinaysay.

Waxa xiisaha u yeelaya kulanka

Marka laga yimaado xiisaha ciyaartan la wada sugayo oo ah dhacdada ugu weyn ee kubadda cagta caalamka oo afartii sanaba mar dhacda iyo natiijada ciyaarta ka dhici doonta New York New Jersey Stadium waxay yeelan kartaa muhiimad ka baxsan go'aaminta kooxda ku guuleysanaysa Koobka Adduunka. Waxay sidoo kale saamayn weyn ku yeelan kartaa cidda ku guuleysan doonta Abaalmarinta Ballon d'Or 2026.

Arrinta kale ee xiisaha leh waa in Lamine Yamal oo dhashay intii Lionel Messi uu ciyaarayey kubadda uu caawa ka mid yahay kuwa ugu halista badan ee xulka Spain ee ka horjeeda.

Waa laba nin oo hiboolayaal kubadda cagta ah oo midna uu ka sii dhammaanayo waayaha ciyaaraha halka midna uu yahay da'yar loo arko inuu ka mid noqon karo kuwa ugu fiican kubadda

Maxay fallanqeeyaasha Soomalidu ka yiraahdeen Finalka koobka adduunka?

Fallanqeeyasha kala ah Maxamed Axmed Deysano oo muddo ka badan afarsano taxliiniyey arrimaha ciyaaraha, Ciise Talyaani oo ah wariye ka faallooda ciyaaraha, ayaa BBC Somali ugu warramay siday u arkaan kulanka kama dambaysta ah ee koobka adduunka ee caawa cawaysinka xilliga afrika ka dhacaya garoonka New York New Jersey Stadium

Deysane: wuxuu xusay in xiisaha gaarka ah ee kulankaasi uu yeellanayo ay u samaynayaan labada ciyaartooy ee Messi iyo Lamine Yamal oo loo arko inay foollaad u yihiin ciyaartooyda labada dal ee Spain iyo Argentine.

"Koobkan adduunka wuxuu kuwii ka horeeyey ugu duwanaa tirade dalalka ka qayb galay oo ahaa 48 dal, laakiin labada dalna waa kuwo Qaaradahooda ugu fiican kubadda cagta. Marka waxaa is leeyahay waa kulanku waa mid cajiib ah"

Wuxuu intaas raaciyey deysane in waayo aragnimadiisa soo daawada kulanka kama dambaysta ah ee koobka adduunka oo soo bilabay sanadkii 1986-di ay u muujinayso in Spain ay ku guuleysanayso koobka adduunka isagoo ku sifeeyey in hab ciyaareedkooda uu yahay mid mucjiso leh

"Spain waxay ku wanagsan tahay dhexda iyo kubad haysashada sida aan ka aragnay kulmadii ay ciyaareen koobkan ay finalka joogaan iyo wacdarahii ay dhigeen sanadkii 2024 koobkii Yurub" ayuu yiri Deysane.

Dhanka xulka Argentine ayuu xusay inay muujiyeen awood dheeraad ah sanadihii dembe iyagoo difaacanaya koobka imaatinkooda finalkuna uu yahay mid aan la dhayalsan Karin.

Ciise Talyaani: Waxa uu qabaa in xiisaha gaarka ah ee uu caawa leeyahay kulanka kama dambaysta ah ee dhexmari doona Spain iyo Argentine ay tahay isbaddel ay isku badelayaan kubada cagat Jiil dahabi ah oo uu ka mid yahay Messi iyo jil cusub oo dahabi ah oo uu ka mid yahay Lamine Yamal.

Messi ayaa loo tixgaliyaa mid ka mida kuwa ugu wanaagsan kubada cagta adduunka isagoo dhigay rikooro aan horrey cidi u dhigay marka la eego bilahadaha uu ku guuleystay.

Wuxuu Ciise la qabaa Deysane in Spain ay ku wanaagsan tahay dhexda iyo difaaca halka fiicnaanta Argentine uu ku sheegay inay tahay Messi.

Isagoo ka hadlayey cidda uu is leeyahay waa hanan doontaa koobka wuxuu xusay in qiyaastu ku jiri doonto hadba cida hesha hoggaaminta ciyaarta.

Tababaraha xulka Spain, Luis de la Fuente, iyo tababaraha Argentina, Lionel Scaloni, ayaa ku kulmi doona final-ka Koobka Adduunka kaddib markii ay siyaabo kala duwan ku gaareen magaalada New Jersey.

Marka laga soo tago Tayada ciyaartooyda waxaan iyana Meesha laga saari karin hab fekerka iyo beddelka tabarayaasha ee ciyaarta caawa.

Malaayin qof oo daafaha dunida ayaa caawa daawan doona kulanka kama dembaysta iyadoo sidoo kale marti kala duwan ay xaadiri doonaan garoonka New Jersey.