Afhayeenka Aqalka Cad, Carolyn Levitt, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu weli u furan yahay xal diblomaasiyadeed oo lala gaaro Iran, isla markaana xiriirka labada dal uu weli socdo inkastoo dagaalladu dib u billowdeen.
Waxay tiri: "Iran waxay sheegtay inay weli doonayso inay heshiis la gaarto madaxweynaha. Weli waan la xiriirnaa."
Levitt ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Trump uu Iran mas'uul ka qaban doono haddii ay weerarto maraakiibta maraya Marinka Hormuz.
Hadalladan ayaa yimid maalin kadib markii Trump uu uga mahadceliyay Iran sii deynta muwaadin Maraykan ah oo xabsi ku jiray tan iyo Diseembar 2024.
Markii wax laga weydiiyay weerarka lagu qaaday iskuul ku yaalla Minab, afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegtay in baaritaanka dhacdadaasi uu weli socdo, su'aashana u gudbisay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.
Levitt waxay sidoo kale sheegtay in khudbadda Madaxweyne Trump ee caawa ay diiradda saari doonto doorashooyinka iyo ilaalinta hufnaanta doorashooyinka Maraykanka.
Xuutiyiinta oo ka digay inay beegsan doonaan xarumaha Shidaalka Sacuudiga
Xuutiyiinta Yemen ayaa uga digay Sacuudi Carabiya inay bartilmaameedsan doonaan xarumaha shidaalka iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah haddii uu sii xoogeysto dagaalka u dhexeeya labada dhinac.
Xuutiyiintu waxay ku eedeeyeen Sacuudiga inuu Isniintii weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyagoo sheegay inay arrintaas uga jawaabeen weerar ay ku qaadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.
Is-weydaarsiga weerarradan ayaa lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee dhex mara labada dhinac tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sanadkii 2022.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, Cabdulmaalik Al-Xuuti ayaa sidoo kale ku hanjabay in Garoonka Diyaaradaha ee Riyadh la beegsan doono haddii weerarro kale lagu qaado Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.
Wuxuuna yiri: "Isla'egtu waa: garoon haddii al beegsado waxaan beegsanaynaa garoon, deked haddii la beegsado deked layaan beegsanaynaa, go'doominna go'doomin ayaan ku beddelaynaa."
Dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Cadan, isla markaana ay taageerto Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay in weerarkii Isniintii lagu qaaday Garoonka Sanca looga gol lahaa in laga hortago diyaarad laga leeyahay Iran oo doonaysay inay halkaas ka degto.
Muddo ka badan toban sano, diyaaradaha galaya hawada Yemen waxaa looga baahnaa inay oggolaansho hore ka helaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya. Dowladda Yemen iyo taageerayaasheeda ayaa ku doodaya in Xuutiyiinta iyo Iran ay nidaamkaas caqabad ku noqdeen iyagoo bilaabay duulimaadyo toos ah oo Iran uga yimaada Sanca.
Ku xigeenka Trump: Ma doonayno inaan ciidamo lugta ah u dirno Iiraan
Maxay haween badan u qariyaan astaamaha caado-goyska?
In ka badan 800 oo dab-kaymeed ayaa ka socda Kanada, iyadoo digniinaha ku saabsan tayada hawada ay gaareen Mareykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan 800 oo dab-kaymeed ayaa ka socda dalka Kanada, iyadoo digniinaha ku saabsan tayada hawada ay hadda gaareen gobollo badan oo dhanka koonfureed ka xiga dalka Mareykanka.
Tayada hawada ee qaybo badan oo ka tirsan gobollada waqooyi ee Michigan iyo Minnesota ayaa lagu tilmaamay mid "halis ah" marka loo eego nidaamka qiimeynta tayada hawada ee Mareykanka, waxaana dadka lagula taliyay inay guryahooda ku sugnaadaan.
Waxaa hadda dalka Kanada ka socda 857 dab, oo ay ku jiraan 23 dab oo cusub oo billowday maalintii Khamiista, sida ay sheegtay Xarunta Iskaashiga Dab-demiska Kaymaha ee Kanada.
Koox diimeed ku nool Kenya oo ku guuldarreystay isku day ay ku doonayeen in xashiishka la sharciyeeyo
Nooc cusub oo daanyeerka ah oo laga helay Uganda
Xigashada Sawirka, Junior Amboko
Daanyeer leh bushimo oranji ah iyo waji madow - kuna nool kaymaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo - ayaa la xaqiijiyay inuu yahay nooc ku cusub sayniska.
Dusha sare ee dhogorta madaw ayaa la arkay oo la sawiray iyadoo lagu qariyay geed dheer oo kaymo kulayle ah oo ku yaal Beerta Qaranka ee Lomami, ee badhtamaha bari ee dalka.
Ilaaliyeyaasha ka shaqeeya halkaas ayaa markii ugu horreysay soo sheegay in ay arkeen xayawaankan u muuqda mid aan caadi ahayn sannadkii 2008. Laakin waxa ay qabteen hal sawir oo mugdi ah.
Kadib 10 sano oo kale oo la arkay, koox caalami ah ayaa u dhaqaaqday raadinta iyo baarista daanyeerka waxayna daaha ka qaadeen inuu yahay nooc aan hore loo aqoon.
Tani waa noocii shanaad ee daayeer Afrikaan ah oo la helo 75-kii sano ee la soo dhaafay.
Junior Amboko, oo PhD ka bartay Jaamacadda Florida Atlantic, ayaa door hoggaamineed ka qaatay raadinta, taas oo ku lug lahayd codad la duubay, sawir qaadis iyo daraasado faahfaahsan oo ku saabsan hiddaha.
Natiijooyinka waxaa lagu daabacay joornaalka PLoS One.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in Itoobiya ay lumisay marin-u-helkeedii Badda Cas sababo la xiriira daciifnimo gudaha ah, halkii ay ka ahaan lahayd awoodda xoogag dibadeed.
Isagoo ka hadlayay furitaanka Shirka Wadahadalka Qaran ee ka dhacay Addis Ababa 15-kii Luulyo 2026, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in “dowlad aan la dooran” ay gaartay go’aanno sababay in Itoobiya ay lumiso marin-u-helkii ay Badda Cas ku gaari jirtay iyada oo sii maraysa Eritrea. “Qaabkii aan ku luminnay Badda Cas wuxuu ka mid ahaa dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee ugu xumaa,” ayuu yiri Abiy.
Sida uu sheegay, luminta marin-u-helka Itoobiya ee Badda Cas waxay inta badan ka dhalatay kala qaybsanaan siyaasadeed oo gudaha ah, halkii ay ka ahaan lahayd cadaadis dibadeed. “Itoobiya waxay maamuli jirtay, lahayd, kana faa’iidaysan jirtay Badda Cas kumannaan sano,” ayuu yiri Abiy, isagoo ku dooday in dalka uu marin-u-helkaas ku waayay daciifnimooyin gudaha ah oo dhaawacay danaha qaranka, ugu dambayna Itoobiya ka dhigay “maxbuus juqraafiyeed.”
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ay sii kordhayso, isla markaana Addis Ababa ay sii waddo dadaallada ay ku doonayso inay hesho marin badeed, arrin si isa soo taraysa udub dhexaad ugu noqotay doodaha siyaasadeed ee dalka. Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn kadib markii Eritrea ay xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1991, kaddib halgan hubaysan oo socday 30 sano. Mas’uuliyiinta siyaasadda iyo militariga Itoobiya ayaa weli ku celceliya waxa ay ku tilmaamaan xaqa sharciyeysan ee Itoobiya u leedahay inay hesho marin badeed oo ammaan ah, arrintaas oo sii kordhisay xiisadda kala dhexeysa Eritrea.
Soomaalida oo qodobbo muhiim ah la tagaya shirka wada-tashiga qaran ee Itoobiya
Kow iyo toban qof oo ku dhintay dab ka kacay xarun lagu xannaaneeyo carruurta oo ku taal Aljeeriya
Xigashada Sawirka, Algeria's General Directorate for Civil Protection
Kow-iyo-toban qof ayaa ku dhintay dab ka kacay xarun lagu xannaaneeyo carruurta oo ku taal Algiers, oo ah caasimadda dalka Algeria.
Waaxda ilaalinta dadweynaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in 19 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dabkaas, kaas oo ay dab-damiyayaashu bilaabeen inay la tacaalaan saacadda markay ahayd 03:30 subaxnimo (04:30 GMT) maalintii Khamiista.
Waxay weli ku hawlanaayeen daminta dabka saddex saacadood iyo wax ka badan ka dib, markii mas'uuliyiintu ay soo saareen warbixin ku saabsan xaaladda.
Bayaanka ka soo baxay waaxda ilaalinta dadweynaha laguma xusin sababta keentay dabka, mana lagu sheegin da'da dadka dhintay ama kuwa dhaawacmay.
Toban gaari oo dab-damis ah iyo 16 gaari oo gurmadka degdegga ah ayaa loo diray xarunta ku taal Mohammadia, oo ah xaafad dhanka bari kaga taal magaalada Algiers.
Dalka Algeria ayaa maalmo badan wajahayay mowjad kulayl daran, waxaana muddo toddobaad gudihiis ah la diiwaangeliyay ku dhawaad 1,000 oo dhacdo oo dab ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Subaxnimadii Khamiista, waaxda ilaalinta dadweynaha ayaa sheegtay inay diiwaangelisay 115 dab oo ka kacay dhul-baaxad leh (wildfires) 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune, ayaa tacsi u diray dadkii ay khuseysay musiibada dabka ka kacay xarunta carruurta, isagoo dhacdadaas ku tilmaamay "khasaare murugo leh".
Ma habboon tahay in aad baabuurka xawaare sare ku waddo si meesha aad rabto aad dhaqso u gaarto?
War deg deg ah, Iiraan oo weerarro hor leh ku qaadday saldhigyada Mareykanka
Xigashada Sawirka, Reuters
Tehran ayaa weerarro cusub ku qaadday saldhigyada militariga Mareykanka ee dalalka deriska la ah ee Khaliijka, halka Washington ay sii wadday inay duqeyso goobo ku yaal guud ahaan Iiraan habeennimadii xalay.
Tehraan waxay sheegtay inay duqeysay bartilmaameedyo ku yaal gobolka, oo ay ku jiraan Urdun, Kuwait iyo Baxrayn, iyadoo maalintii lixaad ee colaadaha cusub ay sii xumeysay heshiiskoodii hordhaca ahaa ee lagu soo afjarayo dagaalka.
Dhanka kale, militariga Mareykanka ayaa sheegay inay duqeymo lix saacadood socday ka geysteen goobo badan si ay "u xumeeyaan awoodda Iiraan ee ay ugu hanjabto maraakiibta aan waxba galabsan" ee ku sugan Gacanka Hormuz.
Isweydaarsiga ugu dambeeyay ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga digay Iiraan inay "dhaqan wanaagsan yeelato" ama ay wajihi doonto tallaabo milatari oo dheeraad ah haddii Iiraan aysan ku soo laaban wadahadallada.
Suuriya oo sheegtay inay ka hortagtay hub loo waday Xisbullah
Wakaaladda wararka ee dalka Suuriya ee SANA ayaa ku warantay maanta oo Khamiis ah, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi, in mas’uuliyiinta Suuriya ay ka hortageen in shixnad hub iyo gantaallo ah laga soo daabulay xuduudka Ciraaq ee Suuriya.
Warku waxa uu intaa ku daray in baadhitaannadii ugu horreeyay ay muujinayaan in shixnaddaasi la doonayay in loo diro kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii June ku dhawaaqay inuu kala hadlay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa sidii looga hortagi lahaa Xisbullah.
Jabhadihii hore ee haatan maamula dalka Suuriya ayaa sanado badan la dagaallamayey ururka Xisbullah, sababtoo ah kooxda ayaa ciidamo u dirtay si ay u taageeraan madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaas.
Xafiiska Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Axmed Sharaa uu u xaqiijiyay in Suuriya aysan dhinacna ka noqon doonin arrimaha gudaha ee Lubnaan.
War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlayo qaybo ka mid ah Iiraan
Qaraxyo ayaa laga maqlay meelo
kala duwan oo ka tirsan Iran, oo ay ku jiraan deegaanno ku dhow Badda Cas,
xilli milatariga Maraykanku uu ku dhawaaqay inuu bilaabay wareeg cusub oo
weerarro ah.
Caasimadda Tehran waxaa laga soo
sheegay in gantaallo la riday, halka sidoo kale weerarro laga soo sheegay
magaalada Ahvaz oo ku taalla koonfur-galbeed ee Iran.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa
sheegtay in bukaanno laga daadgureeyay Ninka Iran u qaabilsan wada-xaajoodyada
Maraykanka, Maxamed Bagher Qalibaf, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in
dalkiisu uu sii wado dadaallada wada-hadallada iyo diyaar-garowga dagaalka isku
mar, isla markaana Iran ay tahay inay sii hayso gacan-ku-haynta marinka Hormuz.
Iran ayaa sidoo kale sheegtay inay
diiradda saarayso beegsiga saldhigyada milatari ee Maraykanka ee Bariga Dhexe.
War deg deg ah, Pakistan oo ka hadashay xaaladda Mareykanka iyo Iiraan, halka ay hadda marayso
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda ee Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa sheegay in inkasta oo ay jiraan
caqabado ka dhashay hirgelinta heshiiska, Pakistan ay sii wadi doonto
dhiirrigelinta labada dhinac si ay u joojiyaan colaadda.
"Waxaan rajaynaynaa in
xaaladda marinka Hormuz si degdeg ah loo xallin doono."
Waxa uu sidoo kale carrabka ku
adkeeyay muhiimadda marinkaas, isagoo xusay baahida loo qabo ilaalinta amniga
iyo in maraakiibta halkaas ka gudbaysa loo xaqiijiyo marin ammaan ah.
Toddobaadkan, Maraykanka ayaa
weerar ku qaaday Iran, halka Tehran ay kaga jawaabtay iyadoo weerartay
saldhigyo militari oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla dalalka Khaliijka.
Madaxweynihii hore ee Iran Mahmoud Ahmadinejad muxuu ka yiri eedda ah inuu xiriir la leeyahay sirdoonka Israa'iil
War deg deg ah, Iiraan oo bilowday weerarro cusub oo ka dhan ah saldhigyada Mareykanku ku leeyahayKhaliijka
Xigashada Sawirka, Reuters
Tehran ayaa qaaday weerarro cusub oo ka dhan ah
saldhigyada milatari ee Maraykanka ee ku yaalla dalalka Khaliijka ee deriska la
ah, halka Washington ay sii waday weerarrada ay ku qaadayso goobo ku yaalla
Iran habeenkii oo dhan ah.
Tehran waxay sheegtay inay beegsatay bartilmaameedyo ku
yaalla gobolka, oo ay ku jiraan Jordan, Kuweyt iyo Baxrayn, iyadoo maalintii
lixaad ee colaadaha dib u soo cusboonaaday ay cadaadis saarayso heshiis hordhac
ah oo lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka.
Dhanka kale, milatariga Maraykanka ayaa sheegay inuu
qaaday weerarro socday lix saacadood oo meelo badan laga fuliyay, kuwaas oo
lagu doonayay in lagu “wiiqo awoodda Iran ee ay ugu hanjabi karto badmaaxiinta
aan waxba galabsan” ee marinka Hormuz.
Is-weydaarsiga weerarradii ugu dambeeyay ayaa yimid kaddib
markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu uga digay Iran inay “si
wanaagsan u dhaqanto”, isagoo sheegay in ay wajihi karto tallaabooyin milatari
oo dheeraad ah haddii aysan Iran dib ugu soo laaban wada-hadallada.
Mareykanka oo muwaadiniintiisa ku sugan Congo ka mamnuucay in ay galaan dalkiisa sabab la xiriira Ebola
Xigashada Sawirka, Getty Images
Safaaradda Mareykanka ee Kinshasa
ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta Mareykanka ee ka baxaya Jamhuuriyadda
Dimuqraadiga ah ee Congo aan loo oggolaan doonin inay raacaan duulimaadyada ku
socda Mareykanka ilaa ay 21 maalmood ku maqnaadaan meel ka baxsan DRC, sababo
la xiriira faafitaanka cudurka Ebola ee ka jira bariga dalka.
Tallaabadan ayaa timid kaddib
digniin ay soo saartay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee
Mareykanka CDC, taas oo sheegtay in dadka ka imaanaya DRC, Uganda iyo Koonfurta
Suudaan la baari doono caafimaadkooda muddo 21 maalmood ah.
Sida ay sheegtay CDC, dadka ka
baxaya DRC waxaa lagu soo rogi karaa amar ah "Ha Safrin", kaas oo ka
hor istaagaya inay raacaan diyaaradaha ku socda Mareykanka ilaa muddada
kormeerka caafimaadku dhammaato.
Dadka loo oggolaado inay galaan
Mareykanka waxay weli mari doonaan baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyo
garoomo diyaaradeed oo gaar ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabbiridda heerkulka
jirka iyo la socodka xaaladdooda caafimaad.
Safaaradda Mareykanka ayaa uga
digtay muwaadiniinteeda ku sugan DRC inay fishaan dib-u-dhacyo ku yimaada
safarrada, isla markaana laga yaabo inay maraan dal kale ka hor inta aysan ku
laaban Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiri kara qaar ka mid ah
ka-reebitaanno loo oggolaan karo sababo jiro awgood.
Dhanka kale, Xarunta Hawlgallada
Gurmadka Caafimaadka Dadweynaha ee DRC ayaa sheegtay in faafitaanka Ebola uu
weli sii kordhayo. Ilaa 13-ka Luulyo, waxaa la xaqiijiyay 2,011 xaaladood,
halka ay dhinteen 754 qof oo ku kala sugan shan gobol. Gobolka Ituri ayaa laga
soo wariyay tirada ugu badan ee caabuqyada cusub.
Saraakiisha caafimaadku waxay
sidoo kale sheegeen in kiisaska cusub ee laga helay gobolka Haut-Uélé ay
muujinayaan in cudurku uu sii fidayo una gudbayo deegaanno cusub.Heerka dhimashada ee cudurkan ayaa
gaartay 37.5%, taas oo muujinaysa saameynta weyn ee fayriska.
War deg deg ah, Mareykanka oo sii wada weerarrada uu ku hayo Iiraan
Hamzeh Amraei, ku xigeenka
siyaasadda ee xafiiska guddoomiyaha gobolka Hamedan, ayaa sheegay in Mareykanku
uu saaka weerarro ka geystay goobo ku yaalla magaalada Kabudarahang ee
gobolkaas.
Wuxuu sheegay in aanu jirin qof ku
dhaawacmay weerarradaas.
Faahfaahin dheeraad ah lagama
bixin goobihii la bartilmaameedsaday.