Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Kuwait: Weerarrada Iiraan ayaa sababay dab ka kacay xarun koronto iyo xarun biyaha lagu sifeeyo
Wasaaradda Korontada iyo Biyaha ee Kuwait ayaa ku dhawaaqday in weerarkii Iiraan kadib, uu dab ka kacay xarun koronto iyo mid lagu sifeeyo biyaha oo ku taal dalka, isla markaana la joojiyay shaqada dhowr unug oo korontada dhaliya.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dadaallo lagu xakameynayo dabka iyo dayactir lagu sameynayo xarunta ay socdaan.
Maxay ku kala doorataa kaneecadu dadka ay qaniineyso?
Qaraxyo xoog leh oo laga maqlay gudaha Iran
Wakaaladaha wararka ee ku dhow ilaha milatariga Iran ayaa soo sheegaya in la maqlay qaraxyo ka dhacay meel u dhow tuulooyinka Sirik, Bandar Abbas, iyo Jask.
Sidoo kale, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in ciidammadiisu ay qaadeen weerarro cusub oo ka dhan ah Iran, kuwaas oo billowday 5:00-tii galabnimo ee Axadda (waqtiga Bariga Mareykanka).
Bayaanka CENTCOM ayaa lagu sheegay in ujeeddada weerarradan ay tahay in sii la wiiqo awoodda Iran ay ku qaadi karto weerarro ka dhan ah shaqaalaha rayidka ah ee badda iyo maraakiibta ganacsiga ee si xor ah u mara marinka Hormuz.
CENTCOM ayaa sidoo kale shaacisay in Taliyaha Guud ee ciidammada Mareykanka, Donald Trump, uu amray weerarradan iyadoo ujeeddadu tahay "in lala xisaabtamo ciidammada Iran."
Waa maxay sababta heerka hormoonka testosterone loogu tixgeliyo halbeeg lagu galo ciidamada Maraykanka?
Muxuu Mareykanka u beegsanayaa buundooyinka Iran?
Xigashada Sawirka, irna
Buundooyinku ma ahan oo kaliya waddo ay maraan gaadiidka
rayidka ee sidoo kale waa meelo muhiim ah oo isku xira shabakadda gaadiidka.
Haddii buundooyinka muhiimka ah ee ku dhow Bandar Cabbas iyo
Bandar Khamir la burburiyo, waxaa adkaanaya in la kala gudbiyo ciidamada,
shidaal, gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo qalabka milatariga
ee mara mid ka mid ah gobollada ugu muhiimsan Iran.
Maraykanku wuxuu u arkaa weerarradan hab lagu carqaladeynayo
waddooyinka saadka ee saldhigyada milatari ee koonfurta Iran.
Bandar Cabbas waa xarunta ugu muhiimsan ee dekedaha Iran,
kuna taalla marin-biyoodka Hormuz, oo door weyn ku leh ganacsiga iyo
dhaqdhaqaaqyada milatari ee dalka.
In la beegsado buundooyinka, jidadka tareennada, meelaha
laga hago maraakiibta, iyo kaabayaasha kale ee isgaarsiinta ayaa wiiqi kara
awoodda Iran.
Weerarradan ayaa sidoo kale xambaarsan farriin siyaasadeed.
Donald Trump ayaa hore si cad ugu hanjabay in la beegsan doono warshadaha
korontada iyo buundooyinka haddii Iran aysan dib ugu soo laaban wadahadallada.
Marka laga eego aragtidan, buundooyinku ma ahan oo kaliya
bartilmaameed milatari, balse sidoo kale waxay astaan u yihiin kordhinta
cadaadiska lagu saarayo Iran iyo muujinta diyaar garowga Maraykanka ee
ballaarinta weerarrada lagu hayo kaabayaasha muhiimka ah ee Iran.
Ma Israa'iil ayaa isu diyaarinaysa inay saldhig militari ka sameysato Somaliland?
Muhaajiriin ayaa soo hor dhoobtay safaaradahooda ku yaal K/Afrika
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Boqolaal muwaadiniin ka soo jeeda dalal shisheeye ayaa isugu
yimid bannaanka safaaradaha dalalkooda.
Muwaadiniintaas waxay doonayaan in ay heleen kaalmo ay dalalkooda
dib ugu laabtaan. Koonfur Afrika ayaa sii xoojisay qabqabashada muahaajiriinta jooga
dalka oo dhan jooga.
Dad badan ayaa imaanaya bannaanka safaaradaha Nigeria iyo
Malawi, waxaana la soo sheegayaa in dad kale oo hor leh ay imaanayaan.
Dowladaha qaar ayaa culeys ka haystaa sidii ay wax uga qaban
lahaayeen baahida sii kordheysa ee dadkooda doonaya in ay dalka ku laabtaan.
Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dad ka badan siddeed
kun oo muhaajiriin aan sharci haysan la xiray labadii toddobaad ee la soo
dhaafay, halka in ka badan konton iyo saddex kun oo qofna la masaafuriyay ama
dib loogu celiyay dalalkooda tan iyo markii uu ololuhu billowday bishii hore.
Raysalwasaaraha cusub UK, Burnham, ayaa qorsheynaya in uu dalka oo dhan ku maro booqasho dhageysi ah.
Xigashada Sawirka, PA Media
Duqii hore ee magaalada Manchester, Burnham, ayaa Isniinta
noqon doona Raysalwasaaraha cusub ee UK. Mr Burnham ayaan hortageynin xubnaha
Baarlamaanka ilaa bisha Sebtembar marka Golahu uu ka soo laabto fasaxa lixda
toddobaad ah, haddii aanu go'aansan in uu dib ugu yeero baarlamaanka.
Muddada ay baarlamaanka fasaxa ku maqan yhihiin, Burnham
wuxuu qaadi doonaa waxa lagu tilmaamay "safar dhegeysi oo uu ku marayo
guud ahaan UK, waxaana la filayaa in uu bisha Agoosto booqdo qaybo kala duwan
oo dalka ah.
Faahfaahin badan lagama hayo siyaasadaha uu Burnham doonayo
in uu hirgeliyo marka uu shaqada bilaabo, balse fariinta ugu weyn ee uu ilaa iyo
hadda gudbinayay waxay ahayd in awoodda hoos loo qaado oo loo geeyo bulshooyinka
iyo maamullada deegaanka.
Mid ka mid ah meelaha la sheegay in uu booqan doono waa magaalada
Port Talbot ee koonfurta Wales.
Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in Burnham uu booqan
doono Aberdeen, oo ah magaalo udub dhexaad u ah doodda ku saabsan mustaqbalka
tamarta UK, isla markaana hoy u ah GB Energy, oo ah shirkadda tamarta ee
dowladdu leedahay oo dhawaan la aasaasay.
Jawi bani'aadamku ku noolaan karo oo markii ugu horreysay laga dhex helay meere u ek Dhulka
FIFA ayaa siin doonta faraantiyo ciyaartoyda xulka guuleysta
Xigashada Sawirka, Fifa.com
FIFA ayaa faraantiyo guddoonsiin doonta ciyaartoyda kooxda
ku guuleysata kulanka ugu dambeeyay ee Argentina iyo Spain.
Faraantiyada lagu abaalmariyo guuleystayaasha waa dhaqan
caan ka ah ciyaaraha Maraykanka.
Soddon faraanti ayaa loo samayn doonaa kooxda ku guuleysata
Koobka Adduunka, halka 1,996 faraanti oo dheeraad ahna laga iibin doono
taageerayaasha. Faraanti kasta waxa uu naqshaddiisa ku yeelan doonaa koob yar
oo Koobka Adduunka ah iyo xaraf lagu xardhay gudaha.
Madaxweyne Trump, oo la filayo in uu guddoonsiiyo koobka
kooxda guuleysatayaasha, ma uusan ka qayb gelin mid ka mid ah 102-kii ciyaarood
ee Koobka Adduunka ilaa hadda.
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa hore u sheegay in
Trump uu ka qayb geli doono ciyaarta kama dambaysta ah, waxaana arrintaas
xaqiijisay xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Karoline Leavitt.
Xiriirka u dhexeeya Infantino iyo Trump ayaa dhaliyay muranka
ugu weyn ee Koobka Adduunka kaddib markii madaxweynaha Maraykanku uu la
xiriiray madaxa FIFA si looga noqdo kaarka cas ee la siiyay weeraryahanka
Maraykanka, Folarin Balogun.
Intii uu socday Koobkan Adduunka, ma jirin kaarar cas ama
jaalle ah oo kale oo ganaaxooda la hakiyay, inkastoo Faransiiska iyo England ay
codsadeen in dib loo eego dhacdooyin la xiriiray ciyaartoydooda.
Nin deggan Britain ayaa lagu soo eedeeyay dacwad la xiriirta in uu la shaqeeyay sirdoonka Iran
Nin 39 jir ah oo ku nool UK ayaa lagu soo oogay dacwad ku
saabsan in uu la shaqeeyay hay'adda sirdoonka Iran. Lagama bixin wax faahfaahin
ah oo intaas dheer.
Wahid Abri, oo deggen magaalada Liverpool, ayaa la xiray
Arbacadii 15-kii July kaddib baaritaan ay booliska la-dagaallama argagixisadu ku
sameeyeen magaalada Birmingham, waxaana loo qaaday saldhig boolis oo ku yaalla West
Midlands.
Saraakiisha boolisku waxay kaloo baareen guryo ku yaal
Birmingham iyo Liverpool kuwaas oo qeyb ka ahaa baaristooda.
Mr. Abri waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu la shaqeeyay
adeeg sirdoon oo shisheeye leeyahay, iyadoo lagu saleynayo Xeerka Amniga
Qaranka ee UK ee 2023. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago.
"Sanadihii u dambeeyay, howlaha baaritaannada la
xiriira amniga qaranka ayaa si weyn u kordhay" ayey tiri Helen Flanagan oo
ah madaxa booliska la dagaallama argagixisada ee London.
"Hal qof ayaa hadda dacwad lagu soo oogay,
balse faahfaahinta eedeymaha kama hadli karno. Si kastaba ha ahaatee, waxaan
rabaa in aan bulshada u xaqiijiyo in baaritaankan aan lagu ogaan wax si toos khatar
ugu ah guud ahaan.
Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Shiinaha in uu faragelin ku sameeyay doorashadii 202-kii.
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynha Mareykanka Donlad Trump ayaa mar kale ku celiyay
eedeymo ku saabsan musuqmaasuq baahsan oo lagu sameeyay doorashada dalkiisa, wuxuuna
ku eedeeyay Shiinaha in uu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee
2020-kii.
Madaxweyne Trump oo jeediyay khudbad xilli ay daawashada
telefishannadu aad u badan tahay ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan
"dayacnaan aad u daran oo laga naxo" oo ka jirta nidaamyada
codbixinta ee Maraykanka.
Khudbad uu telefishan ka jeediyay afar bilood ka hor
doorashada baarlamaanka, ayuu Mr. Trump ku eedeeyay hay'adaha sirdoonka
Maraykanka in ay qariyeen faragelin shisheeye oo loogu talagalay in codadka
looga shubto.
Tobannaan baaritaanno, hubinno iyo dacwado maxkamadeed ayaa
ku guuldareystay in ay helaan wax caddeyn ah oo muujinaya musuqmaasuq doorasho.
Shiinaha ayaa beeniyay eedeymaha faragelinta doorashooyinka Maraykanka.
Trump ayaa khudbaddiisa jeediyay isagoo ay hareerihiisu
taagnaayeen xubno ka tirsan saraakiisha ugu sarreysa maamulkiisa. Suxufiyiinta looma
oggolaan in ay wax su'aalo ah weydiiyaan madaxweynaha.
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka digay ka hor khudbadda Trump in
uu isku dayayo in uu saameyn ku yeesho doorashada baarlamaanka, taas oo
Jamhuuriyiintu ay ku waayi karaan gacan ku haynta Kongareeska.
Hadallada madaxweynaha ayaa ka hor imanaya qiimeynno hore oo
ay sameeyeen hay'adaha sirdoonka Maraykanka. Warbixin sannadkii 2021-kii ay soo saareen Golaha Sirdoonka Qaranka ee
Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay “aad ugu kalsoon yihiin” in Shiinuhu uusan
faragelin ku samayn doorashadii madaxtinimada ee 2020-kii.
Maamulka Trump oo shuruucda fiisaha ku adkeynaya ardayda ajaanibta ah
Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in Mareykanku isticmaalo dhulkooda
Xigashada Sawirka, Reuters
Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in ay u oggolaadaan
Maraykanka isticmaalka dhulkooda, hawadooda ama biyahooda si uu uga weerarro Iran,
iyadoo sheegtay in tallaabadaas ay cawaaqib culus ku yeelan doonto dalalkaas.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran, Mohammad
Saleh Jokar, ayaa sheegay, haddii Maraykanku dhulka dalalkan u adeegsado weerar
ka dhan ah Iran, in ay la kulmi doonaan "Khasare culus".
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay
in dib u soo celinta xayiraadaha hawlaha badda ay ka dhigan tahay mid lagu
jabinayo heshiiskii Terhan iyo Washington.
War-saxaafadeedka wasaaradda waxay sidoo kale ku eedaysay
Maraykanka dambiyo dagaal, iyadoo tusaale u soo qaadatay weerarro lagu
bartilmaameedsaday kaabayaasha rayidka iyo adeegyada bulshada.
Iran waxay sheegtay in meelaha la beegsaday ay ka mid yihiin
xarunta caafimaadka ee Guutada 388-aad, xarunta kaydinta masagada ee Hoveizeh,
iyo meelo kale.
Tehran waxay sheegtay in tani ay tahay markii saddexaad
muddo hal sano gudaheed ah oo Maraykanku weerar ku qaado Iran iyadoo ay weli
socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac.
Iran waxay ugu baaqday dalalka gobalka in aanay u oggolaan
dhulkooda, hawadooda ama biyahooda in loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran,
iyadoo sheegtay in ay doonayso in ay xoojiso isfahamka iyo iskaashiga gobalka.
Calaamado muujinaya iskaashi u dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab si ay ula wareegaan Marinka Bab al-Mandab — The Telegraph
War deg deg ah, Iiraan oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka soo gaaray weerarrada Mareykanka
Xigashada Sawirka, IRNA
Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan
ayaa sheegtay in duqeymihii Mareykanka ee dhacay bishaan Luulyo ay sababeen
dhimashada 38 qof iyo dhaawaca in ka badan 400 oo kale.
Xuseen Kermanpour, oo ah madaxa
Xarunta Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa ku qoray barta X:
"Dagaalkii Luulyo, ilaa 6:30
subaxnimo ee 17-ka Luulyo, tirada dadka ku dhaawacmay weerarrada Mareykanka
waxay kor u dhaaftay 400, halka 38 muwaadin ay shahiideen. Kuwaas waxaa ka mid
ahaa 22 haween ah oo dhaawacmay, 3 haween ah oo geeriyooday, 9 carruur ah oo ka
yar 18 sano oo dhaawacmay, iyo cunug oo ka yar 18 sano oo geeriyooday."
Weerarradii ugu dambeeyay ee
Mareykanka ku qaaday Iiraan ayaa billowday 7-dii Luulyo, iyadoo lagu sheegay
inay jawaab u ahaayeen bartilmaameedsigii lagu qaaday maraakiib dhowr ah oo
marayay Marinka Hormuz. Tan iyo markaas, Iiraan ayaa fulisay weerarro aargoosi
ah oo ay sheegtay inay ku beegsanayso danaha iyo saldhigyada Mareykanka ee
dalalka gobolka.
War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo sheegtay in ay burburisay xaruumo Mareykanku leeyahay
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidanka Ilaalada Kacaanka
Islaamiga ah ee Iiraan ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay
inay burburiyeen laba xarumood oo raadaar oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Cumaan.
Sida bayaanka lagu sheegay,
ciidamada badda ee IRGC ayaa saaka aroortii hore burburiyay raadaarka lagu hago
isu socodka maraakiibta ee Salalah iyo raadaarka hagidda hawada ee Ghanem, oo
labaduba ku yaalla dalka Cumaan.
Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in
tallaabooyinka jawaab-celinta ee Iiraan ay sii socon doonaan si xooggan, isla
markaana Marinka Hormuz uu sii ahaan doono mid ay gacanta ku hayaan ciidamada
badda ee IRGC.
War deg deg ah, Pakistan iyo Shiinaha oo farriin u diray Mareykanka iyo Iiraan
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Shiinaha
iyo Pakistan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Shanghai, ugu baaqay Maraykanka
iyo Iiraan inay soo afjaraan colaadda isla markaana ay dib ugu laabtaan miiska
wadaxaajoodka.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo
baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee
Shiinaha Wang Yi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Ishaq Dar ayaa
"muujiyay walaac ku saabsan sii xumaanaya xaaladda hadda jirta."
Waxay labada wasiir ku baaqeen in si
degdeg ah loo joojiyo dagaallada, isla markaana dib loo bilaabo wada-hadallada
iyo wadaxaajoodyada si xal nabadeed loogu raadiyo colaadda.
In ka badan 500 oo qof oo badda lagu la'yahay iyo warar dheeraad ah oo la helayo
War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo hadda weerar ku qaaday mid ka mid ah dekadaha Iiraan
Sida ay sheegtay IRNA, munaaradda laga hago isu socodka
maraakiibta ee Dekedda Chabahar ayaa saaka markii saddexaad lagu
bartilmaameedsaday weerarro uu Maraykanku geystay.
Warbixintu waxay sheegtay in munaaraddii si buuxda loo
burburiyey, hase yeeshee waxyeello aysan soo gaarin dekedaha lagu xirto
maraakiibta, qalabka, iyo kaabeyaasha hawlgalka ee dekedda.
Sida lagu sheegay warbixinta, xoogga qaraxa ayaa ahaa mid
aad u weyn, taasoo sababtay burbur dhammaystiran oo soo gaaray munaaradda.
Waxaa sidoo kale la sheegay in kooxaha farsamada iyo
hawlgalka ay baarayaan xaaladda isla markaana ay ku howlan yihiin sidii dib
loogu bilaabi lahaa shaqada dekedda, iyadoo aan la soo sheegin cid ku
dhaawacantay weerarkan.