Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
War deg deg ah, SAWIRO: Xuska munaasabada Kowda Luulyo

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Qoraalka sawirka, Xuska munaasabada 1-da Luulyo Waxaa caasimada Soomaaliya lagu qabtay munaasabad lagu soo dhoweynayo Kowda Luulyo, iyada oo uu ka qayb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay ciidamo iyo gaadiid dagaal.
Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri ''Madaxweynaha oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, isaga oo xusay qiimaha ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay usoo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada''
Gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa xoriyada ka qaatay gumaystihii Talyaaniga, iyada oo 1-dii Luulyo 1960 loogu dhawaaqay inay xor yihiin.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Qoraalka sawirka, Xuska munaasabada 1-da Luulyo 
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Qoraalka sawirka, Xuska munaasabada 1-da Luulyo 
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Qoraalka sawirka, Xuska munaasabada 1-da Luulyo War deg deg ah, Dad ku dhintay dhisme ay ku noolaayeen 200 qof oo dab qabsaday

Xigashada Sawirka, BELGA MAG/Belga/AFP
Qoraalka sawirka, Dhisme uu dab qabsaday Booliska Belgium ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhinteen dab ka kacay dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaalada Antwerp. Tirada saxda ah ee dhibbanayaasha lama oga weli, waxaana socda baadi-goob loogu jiro dadka ku haray gudaha dhismaha.
Adeegga dab-demiska ayaa sheegay in qiiq culus uu adkaynayo hawsha samatabbixinta.
In ka badan 200 qof ayaa ku nool dhismahaas oo ka kooban toban dabaq.
Yaa ka soo qayb gali doona aaska Ali Khamenei, mase imaan doonaa Narendra Modi, ra'iisul wasaaraha Hindiya?
War deg deg ah, Amnesty oo ku baaqday ciidamo nabbad ilaalin ah oo la geeyo Suudaan

Xigashada Sawirka, Amnesty International
Qoraalka sawirka, Amnesty International Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa ku baaqday ciidamo nabbad ilaalin ah in loo diro dalka Suudaan, kadib markii ay faahfaahisay inay jiraan kororka dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo halkaasi laga gaystay.
Warbixino ay soo saareen kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay ciidamada gurmadka degdega ee RSF ay dambiyo dhowr ah gaysteen iyada oo ay kamid tahay bulshooyin la laayay intii lagu guda jiray weerarkii El-Fasher ee sannadkii hore.
Baaritaanka ayaa lagu oggaaday eedeymo ballaaran iyo waxyeelo gaar ah oo ka dhan ah carruurta, oo ay ku jiraan dial, afduub, shaqaalaysiin Khasab ah iyo kufsi.
Xooghayaha guud ee Amnesty Agnes Callamard ayaa ugu yeeray ‘’ceeb ka dhan ah bini’aadantinimada’’.
Xiddigaha Koobka Adduunka ee caanka ka noqday baraha bulshada nasiib lacag ah maku heli karaan caanimadooda?
WhatsApp oo u ogolaaneyso dadka isticmaala in ay lambar la'aan adeegsadaan app-ka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . WhatsApp ayaa diyaar u ah inay dadka u ogolaato inay sheekaystaan iyagoon u baahnayn inay shaaciyaan lambarkooda taleefanka - iyagoo beddelanaya magacyadoodo gaarka ah.
Waxay dunida oo dhan gaaraysaa bilaha soo socda taa oo ay ka faa'iideysan doonaan saddex bilyan ee qof ee haysta akoonnada barnaamijka, sida ay sheegay shirkaddu.
Toddobaadkan, isticmaalayaashu waxay bilaabi karaan inay magac u kaydsadaan abka, inkastoo aysan qasab noqon doonin.
Shirkaddu waxay sheegtay in dadku ay awood u yeelan doonaan inay ka saaraan ama beddelaan magacyadooda wakhti kasta.
Marka si buuxda loo hawlgeliyo, isticmaalayaasha WhatsApp waxay awoodi doonaan inay isku xirmaan ka dib markay is dhaafsadaan magacyadooda oo keliya. Wali waxaa jiri doona ikhtiyaarro lagu xannibo ama lagu soo sheego farriimaha aan loo baahnayn.
Magacyadu waxay ku koobnaan doonaan 35 xaraf waxaana jiri doona xaddidaadyo yar, marka laga reebo qaar ka mid ah dadka mansabka leh iyo dadka caanka ah oo aan magacyadooda looogolaan doonin cid kale.
Markaa waxay u badan tahay in WhatsApp u xadidoono in ay jiraan dadyoow xad dhaaf ah oo ku qoran kara akoonkooda Donald Trump, tusaale ahaan.
Shirkadda ay leedahay Meta waxay magacyada isticmaalayaasha ku tilmaantay astaan sir ah.
Iiraan ayaa ku dhawaaqday fasax dadweyne si loogu diyaar garoobo aaska Khamenei.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday Talaadada, 6-da Luulyo inay tahay maalin fasax dadweyne ah magaalada Tehran.
Afhayeenka dowladda Iiraan, Fatima Mohajerani, ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay in dadka ka qeyb galaya aaska hoggaamiyihii hore ee Iiraan ay dib ugu soo laabtaan caasimadda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in maalin baroordiiq qaran ah lagu qaban doono Iiraan Khamiista, iyadoo aaska Cali Khamenei la filayo inuu ka dhaco magaalada Mashhad 8-da Luulyo.
Sida ku cad jadwalka rasmiga ah, salaadda janaasada iyo munaasabadaha sagootinta ee Khamenei ayaa la qaban doonaa inta u dhaxaysa 4-ta iyo 8-da Luulyo, waxayna ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad. Baroor-diiq ballaaran ayaa sidoo kale lagu qaban doonaa magaalooyinka Ciraaq ee Baqdaad, Kazmin, Karbala iyo Najaf.
Waxaa mudan in la xasuusto in Cali Khamenei lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Mareykanka iyo Israa'iil ka geysteen Iiraan oo lagu bartilmaameedsaday hoygiisa iyo xafiiskiisa, oo loo yaqaan Aqalka Hoggaanka, laakiin ilaa hadda lama aasin.
Iman Attarzadeh, oo loo soo bandhigay inuu yahay afhayeenka xarunta gaarka ah aaska Ayatollah Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa ka jawaabay qaabka meydkiisa loo keydinayay oo loo ilaalinayay bilihii la soo dhaafay.
"Markii ugu horreysay, waxaan ku dhawaaqeynaa in meydka Imaamkeenna shahiiday iyo xubnaha qoyskiisa lagu ilaaliyay ixtiraam iyo daryeel aad u sarreeya, iyadoo la raacayo heerarka diinta iyo sharciga, meydadkana weli lama aasin,lama gubinoo lama keydin",ayuu yiri.
Sidoo kale akhri
Iiraan oosheegtay inay doorbidayso wadahadallo, laakiin sidoo kale ay diyaar u tahay dagaal

Xigashada Sawirka, CBS
Qoraalka sawirka, . Wadahadallada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ayaa sii socda, iyadoo Iiraan ay ku adkeysaneyso in, iyadoo mudnaanta siineysa wadahadalka, ay weli diyaar u tahay dagaal haddii dadaalladaasi ay fashilmaan.
Waxaa sidaas sheegay madaxa wadaxaajoodka ee dhinaca Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, kaasoo wareysi uu siiyay telefishanka dowladda ku sheegay, in Tehran aysan joojin doonin isdifaaca, haddii wadahadalladu aysan natiijo ka soo bixin.
"Waxaan ku soconnaa waddada wadahadalka, laakiin haddii wadahadalka aan la hirgelin, waxaan sidoo kale diyaar u nahay dagaal, waana ka jawaabi doonnaa si waafaqsan," ayuu yiri Ghalibaf.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo la filayay in ergooyinka Iiraan iyo Mareykanka ay yeeshaan wareeg kale oo wadahadal ah oo ka dhacaya Doha, kaasoo looga gol leeyahay in lagu yareeyo xiisadaha iyo in xal waara loo helo xiisadda bilaha badan socotay.
Xiisadda ayaa cirka isku shareertay bishii Juun 2026, ka dib weerarro milatari oo dhex maray Iiraan iyo Israa'iil, kuwaas oo sidoo kale ay ku jireen duqeymo Mareykanku ka geystay qaar ka mid ah goobaha nukliyeerka ee Iiraan. Kadib dhowr maalmood oo dagaal socday, dhinacyadu waxay ku heshiiyeen xabbad joojin ku meel gaar ah si loogu oggolaado dadaallada diblomaasiyadeed.
In kasta oo dagaalku uu hadda istaagay, haddana weli heshiis joogto ah lama gaarin.
Kim Jong-un oo lasoo ogaaday meesha uu ka keeno lacagta uu gantaallada ku sameysto - warbixin hore

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin lagu shaaciyay warbaahinta, Kuuriyada Waqooyi ayaa lacago malaayiin doollar ah ku xadda dhinaca internet-ka si ay ugu maalgeliso barnaamijyadeeda sameynta gantaallada ee uu kharashka badan ku baxo.
Baareyaasha ku howlanaa arrintan ayaa sheegay in lacag dhan $50 milyan oo doolar oo nooca digital-ka ah la xaday intii u dhaxeysay 2020-kii ilaa 2021-kii, taasoo lagu qaatay qaabka xatooyada internet-ka.
Waxa ay saraakiishu sheegeen in habkaas dhaca internet-ka ah ee lagu jabsado bangiyada uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu kharash gareyso hubkeeda nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer.
Waxaa lasoo tabiyay in xogtaas maalintii Jimcada lagu wareejiyay Guddiga qaabilsan arrimaha Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay.
Weerarrada dhaca internet-ka ayaa lala beegsaday ugu yaraan saddex meelood oo ku kala yaalla Mareykanka, Yurub iyo Aasiya.
Warbixintu waxay sidoo kale soo xigatay daraasad la daabacay bishii lasoo dhaafay oo ay sameeyeen khubarada shirkadda amniga ee Chainalysis, taasoo muujisay in weerarrada dhinaca internet-ka ee ay sameysay Kuuriyada Waqooyi lagu qaatay lacag nooca digital-ka ah oo dhan $400 oo milyan oo doolar, sanadkii lasoo dhaafay.
Qaramada Midoobayna waxa ay ku sheegtay mid ka mid ah warbixinnadeeda la daabacay 2019-kii in Kuuriyada Waqooyi ay dhaca internet-ka ku heshay lacag dhan labo bilyan oo doolar oo ay ku maalgelisay sameynta hubkeeda wax gumaada.
Farriinta uu madaxweyne Cirro u diray dalalka Islaamka

Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, . Madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulahi Cirro ayaa ka hadlay aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil.
Waxaa uu sheegay in aqoonsiga uu ahaa mid laba geesood ah oo ay labada dhinac is aqoonsadeen.
Waxaa u sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ak dib labada dhinac ay ku heshiiyeen in safiiro la is waydaarsado taasi oo dhacday.
“Israa’iil way na aqoonsatay , anagana iyaga ayaan aqoonsanay, israa’iil markii ay na aqoonsatay dalalka islamka way naga soo horjeesteen dhammaantood, waxay yiraahdeen aqoonsiga Somaliland ma ogolin, waxaan magacaabay safiir, waxay yiraahdeen safiirka ma ogolin, waxaan furay safaarad, waxay yiraahdeen safaaradda ma ogolin, maxay doonayaan, bal idinku ka jawaaba” ayuu yiri mr Cirro.
Waxaa uu Madaxwaynaha Somaliland fariin u diray dalalka Carabta iyo kuwa muslimiinta.
“Waxaa uu farriin u diray dalalka Islaamka isaga oo yiri, “walaalayaal waanu idin baahanahay waanu idin jacelnahay walaalaheenna ayaad tihiin na arka” ayuu yiri
Waxaa uu madaxwaynaha si gaar ah uga hadlay go’aanka safaaradda ay ka fureen magaalada Qudus.
“Waxaanu ku heshiinay inaanu safaarado kala furano, safaaraddii waanu furnay, waxaanu ka furnay Qudus, wuxuu ahaa go’aan sax ah, waa go’aan aan ka noqosho lahayn,” ayuu yiri madaxwaynaha Somaliland.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku andacooday in goobta ay safaaradda ka fureen ee Qudus ay tahay goob “carabtu u aqoonsan yihiin dhul ay Israa’iil leedahay”.
“Safaaradu waxaanu ka furnay galbeedka Qudus oo ah dhul ay dalalka carabta u aqoonsan yihiin dhul ay Israa’iil leedahay .
Madaxwaynaha ayaa hadaladan ka jeediyay shir ay shalay yeesheen xubnaha xisbaga talada haya ee wadani.
Sidoo kale akhri
Hooyo isku dayday inay iska umuliso ilmaha iyada oo YouTube ka daawaneysa sida loo dhalo oo geeriyootay
Ragga bidaarta leh oo halis ugu jira cudur halis ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta leh ay halis ugu jiraan xanuunada wadnaha in ka badan ragga cayilan ee da'doodu ka hooseyso 40 jirka.
Daraasada oo lagu sameeyay illaa 2,000 oo rag dhalinyaro ah oo Hindiya ku nool in ay badankood qabaan xanuunada wadnaha, intooda badana waa kuwa qaba bidaarta ama cirro.
Mac-hadka xanuunada wadnaha ee Yurub ayaa daraasadan sameeyay, waxaana laga akhrin doonaa shirweynaha ururka dhaqaatiirta wadnaha ee Hindiya.
Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in 50% ragga qaba xanuunada wadnaha ay durba cirro kasoo baxdo iyaga oo aanan gaarin xiligii tintooda ay cirroobi lahayd.
Boqolkiiba 49% ragga qaba xanuunada wadnaha waxa ay yeeshaan bidaar ka hor xiligii laga filan karay in ay bidaar yeeshaan.
Daraasadan wixii ka horeeyay waxaa kaliya loo maleynayay in cayilnaanta ay tahay sababta ugu badan ee keenta wadne xanuunka.
Cilmi baaris kale oo la sameeyay sanadkii 2013, laguna sameeyay rag gaaraya 37,000 oo qof ayaa waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 32% dadkaas ay qabaan xanuuno wadnaha la xiriira.
Sidoo kale, daraasad sanadkii 2014-kii lagu sameeyay 10,885 rag ah kuwaas oo tintooda cireysatay ayaa lagu sheegay in ay u badantahay in ragaas uu mustaqbalka ku dhici karo xanuunka wadnaha.
Afhayeenka aaska Ayatollah Khamanei oo ka jawaabay warar si weyn la isla dhex marayay

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, . Iman Attarzadeh, oo loo soo bandhigay inuu yahay afhayeenka xarunta gaarka ah aaska Ayatollah Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa ka jawaabay qaabka meydkiisa loo keydinayay oo loo ilaalinayay bilihii la soo dhaafay.
"Markii ugu horreysay, waxaan ku dhawaaqeynaa in meydka Imaamkeenna shahiiday iyo xubnaha qoyskiisa lagu ilaaliyay ixtiraam iyo daryeel aad u sarreeya, iyadoo la raacayo heerarka diinta iyo sharciga, meydadkana weli lama aasin,lama gubinoo lama keydin",ayuu yiri.
Gudaha Iiraan, meydka oo “la keydiyo” guud ahaan waxay ka dhigan tahay, in maydka si ku-meel-gaar ah loo ilaaliyo ama loo keydiyo, halkii isla markiiba loo fulin lahaa aas rasmi ah.
Wararka la xariira in Khamanei lagu aasay macbadka Hzrat ayaa ahaa mid si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada.
Wuxuu dadweynaha reer Iiraan ka codsaday inay ku tiirsanaadaan oo keliya wararka rasmiga ah ee ay sheegaan guddiiga aaska Khamanei
Ayatollah Cali Khamenei ayaa la dilay saacadihii ugu horreeyay ee duqeymaha cirka ee Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iiraan ka dib markii la duqeeyay xaruntiisa iyo goobtiisa shaqada, oo ah Hoyga Hogaamiyaha, laakiin weli lama aasin".
Aaskiisa waxaa la qaban doonaa maalmaha soo socda ee Bishan June, iyadoo la qaban doono xaflado gaar ah iyo barnaamijyo kala duwan".
Sidoo kale akhri
Labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda laga baqo ee F-16

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.
Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.
Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.
Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.
ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.
Waxaa lagu sheegay warkaas in saanadda ay ka mid ahayd, afar diyaaradda dagaalka ee F-16.
Waddanka kale ee Afrikaanka ah ee la aaminsan yahay in uu haysto diyaaradda F-16 ayaa ah dalka Morocco, kaas oo heshiis hub la galay dalka Maraykanka.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters sanadkii 2007 dii, dowladdii madaxweyne Bush ayaa waxay heshiis la gashay dowladda Morocco, kaa oo ay ka iibsiay 24 diyaaradaha F-16, oo qiimahoodu ku kacayay $2.4 billion oo doolarka Maraykanka ah.
Sidoo kale 2019 kii ayaa mar kale Morocco waxay heshiis diyaarado iibsi ah la gashay dowladda Maraykanka, kaa oo ay doonaysay in ay ku iibsato diyaarado cusub oo F-16 ah, iyo sidoo kale in loo dayactiro kuwii ay horay uga iibsatay Maraykanka.
Senator Mareykan ah oo ku baaqay in dib loo qiimeeyo xiriirka amniga ee Uganda ka dib markii warbaahinta la xiray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Ka dib markii warbaahinta la xiray, Senator Jim Risch oo ka tirsan Mareykanka ayaa ku baaqay in dib loo eego xiriirka amniga ee ka dhexeeya Washington iyo Uganda.
Risch, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, ayaa sheegay in Uganda aysan noqon karin xulafo habboon, ka dib markii dhawaan la xiray qaar ka mid ah warbaahinta iyadoo la raacayo amar uu ansixiyay Madaxa Shaqaalaha ee Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda, Muhoozi Kainerugaba, kaas oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha, Yoweri Museveni.
"Mareykanka wuxuu u baahan yahay inuu dib u qiimeeyo xiriirka amni ee uu la leeyahay Uganda. Weerarrada uu Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ku qaaday xorriyadda hadalka, oo ay ku jiraan xiritaanka warbaahinta waaweyn dhammaadka toddobaadkan, ayaa ka dhigaya isaga iyo Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDAF) kuwo aan ku habboonayn in lala howlgalo.", ayuu yiri.
"Waa inaan la shaqeynaa oo keliya kuwa xoojiya amniga gobolka, ee maaha kuwa wiiqaya," Risch ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X ee horey loo oran jiray Twitter-ka.
Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda ee muddada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni ayaa sanadkii 2022 bartiisa X ku qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo ee dhacday.
Waxa uu ku kaftamay [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay duulaan ku qaadeyso Kenya.
Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay inay ku jirto "go'doomin milatari" ka dib markii taliyaha ciidanka - oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni - uu amray in la xiro telefishinnada, wargeysyada iyo idaacadaha.
Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay ku sugnaayeen meel dibadda ka ah xaruntooda caasimadda Kampala, isla markaana telefishinka NTV iyo Spark TV laga saaray hawada.
Warbaahintu waxay qayb ka tahay Nation Media Group, oo ah mid ka mid ah shirkadaha warbaahinta ugu saameynta badan Bariga Afrika.
Ma cadda waxa dhabta ah ee horseeday joojinta, laakiin qoraallo uu ku qoray X, Gen Muhoozi Kainerugaba wuxuu yiri: "Ma aaminsani saxaafadda xorta ah! Saxaafadda waa inay hagto kaadiriintii kacaanka."
Kooxaha mucaaradka iyo xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Gen Kainerugaba inuu yahay shakhsi udub dhexaad u ah nidaam aad u caburin badan oo uu hoggaamiyo aabihiis.
Taageerayaasha madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa sheegaya in la damaanad qaaday xasilloonida Uganda, dhaqaaluhuna uu soo hagaagay xilligii ay xukunka hayeen.
Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, waa hoggaamiye hore oo fallaago ah oo xukunka la wareegay qiyaastii 40 sano ka hor.
Sii akhri:
Lix dawo oo lagu iibiyo farmashiyeyaasha Soomaalida oo hoos u dhiga awoodda raganimada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.
Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.
Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.
Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.
Xanuun-baabi'iye
Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.
Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?
Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.
Daawada walwalka
Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.
Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada. Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.
Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Trump ka diidday sharci saameyn lahaa dad ay Soomaalidu ka mid yihiin
Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Dhowr diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nuucoodu yahay T129 ATAK ayaa galabta lagu soo badhigay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in lagu xusayay maalinta guusha qaran ee Turkiga sida uu baahiyay talafishinka dowladda Soomaaliya.
Waxaa goobjoog ahaa goobta munaasabadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka qaarkooda sida wasiirka gaashaandhigga dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradahu ay muujinayaan taagerada Turkiga ee dhismaha hay'ada difaaca Soomaaliya.
Maxay tahay T129?
Diyaaradaha T129 ATAK waa diyaarado siyaabo kala duwan u dagaallama iyagoo loogu talogalay in ay si dhow u taageeraan ciidamada iyo howlgalada sahanka. Diyaaradahan waxay sidoo kale awood u leeyihiin in laba saacadood ay hawada ku jiraan.
Habka ay u kala wareegayaan iyo sida tooska ah e ay u beegsan karaan cadowgooda ayaa ka dhigay in ay noqdaan kuwa tayadoodu sareyso.
Waxaa ku xiran diyaaradahan hub casri ah oo ay ku jiraan kuwa darandooriga u dhaca iyo gantaallada. Sidoo kale diyaaradahan qumaatiga u kaca waxaa lagu yaqaan in ay si saxan u weeraraan goobaha ay doonayaan iyagoo degdeg jihada ay doonaan ugu wareegi kara.
Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee wax weerara waxaa la sheegay in ay yihiin helikobtarada ugu waxtarka badan noocyadeeda, waxaana loo adeegsan karaa sidoo kale duqeymaha meelaha aan fogeyn.
Awooda diyaaradahan waxaa ka mid ah in ay ku dagaallami karaan cimilo kasta, waxaana ujeedkii hore ee loo sameeyay uu ahaa in ay daboolaan baahida ciidamada Turkiga.
Ninka 'ka tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya' ee hadda ka midka ah hoggaamiyaasha sare ee al-Shabaab.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.
Kahor Al-Shabaab iyo burburkii doaladdii Soomaaliya, waxa uu Mahad ka tirsanaan jiray sirdoonkii Soomaaliya ee dowladdii kacaanka, sida dad kala duwan oo aqoon u leh Mahad u sheegeen BBC.
Ma ahan isaga oo keliya, laakiin rag kale oo badan oo ka tirsanaan jiray ciidamadii dowladdii Kacaanka ayaa ka hor burburka iyo ka dib ba ku biiray ururrada Islaamiga ee hubeysan ee Soomaaliya.
Kuwoodda ugu magaca dheer waxaa ka mid ah Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa ururkii Itixaad oo mar ahaa kan ugu ballaaran, ugu na awoodda weyn ururrada islaamiga ah ee Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in uu Mahad ka mid yahay aas-aaseyaasha kooxda Al-Shabaab, laakiin ma ahan nin magaciisa iyo muuqiisu ba ay aad u shaac baxeen billowgii kooxda.
Waxa uu ku eedeysan yahay in uu door weyn ka qaatay weerarro iyo qaraxyo ay kooxdu ka geysatay dalalka deriska ah oo ay Kenya iyo Ugaandha ka mid yihiin.
