Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegay inay dileen 5 xubnood oo ka tirsan xisbiga Kurdistan

    Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay dileen shan xubnood oo ka tirsan Xisbiga Kurdistan Democratic Party of Iran (KDPI), kuwaas oo lagu dilay aagga buuraha ee xadka Piranshahr.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in IRGC ay sheegtay in raggan lagu qaaday weerar gaadmo ah oo ka dhacay dhul buuraley ah oo u dhow Piranshahr, gobolka West Azerbaijan, kadib markii ay galeen gudaha dhulka Iran.

    Waqtiga saxda ah ee howlgalka lama shaacin, hase yeeshee kooxda xuquuqul insaanka ee Hengaw ayaa sheegtay in isku dhacu dhacay fiidkii Arbacada.

    KDPI ayaa muddo tobannaan sano ah ku lug lahayd iska horimaadyo goos goos ah oo ay la galeen dowladda Iran, iyadoo Tehran ay u aragto kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta inay yihiin khatar kala.

  2. Dowladda Ereteriya oo ku amartay muwaadiniinta in ay si degdeg ah lacagtooda u geeyaan bangiyada

  3. Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Dimishiq

    Gawaarida dab-damiska

    Xigashada Sawirka, SANA

    Qoraalka sawirka, Gawaarida dab-damiska

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya iyo warbaahinta rasmiga ah ayaa sheegtay in qarax uu ka dhashay walax qarax ah oo lagu rakibay kafateeri ku taalla aagga Hejaz, oo u dhow Qasriga Caddaaladda ee magaalada Dimishiq, kaas oo sababay dhimashada 5 qof iyo dhaawaca tiro kale.

    Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, iyagoo sameeyay go’doomin amni, isla markaana bilaabay hawlgallo gurmad iyo daadgureyn caafimaad, waxayna sidoo kale fureen baaritaan ku saabsan dhacdada.

    Sida uu sheegeen ilo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Suuriya oo la hadlay BBC News Arabic, ugu yaraan 5 qof ayaa dhintay halka 16 qof kalena ay dhaawacmeen, taasoo ah tirakoob hordhac ah oo ka soo baxay qarax ka dhacay kafateeri ku dhow Qasriga Caddaaladda ee bartamaha Dimishiq.

    Warbixinno hordhac ah ayaa muujinaya in qarax xooggan uu gilgilay aaggaas, kaas oo sababay burbur hantiyeed oo soo gaaray kafateeriga iyo sidoo kale tiro dhismayaal kale oo deris la ahaa.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  4. Qarax ka dhacay bartamaha Dimishiq

    Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in qarax bam uu ka dhacay gudaha kafateeri aad u camiran oo ku taalla bartamaha magaalada Dimishiq, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

    Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib uu dhacay jahawareer iyo cabsi xooggan, iyadoo gaadiidka gurmadka degdegga ah ay si degdeg ah u gaareen goobta, isla markaana la xiray waddooyinka ciriiriga ah si ay u gaaraan dhaawacyada.

    Kafateerigu wuxuu ku yaallaa mid ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimadda, una dhow Qasriga Caddaaladda iyo Suuqa Taariikhiga ah ee Hamidiyeh.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  5. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka qeybgalaya aaska Cali Khamenei

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif uu safar ku tegi doono Tehran si uu uga qeyb galo aaska hoggaamiyihii hore ee Iiraan, Cali Khamenei.

    Taher Andarabi ayaa sheegay in Mr. Sharif uu safar ku mari doono Iiraan iyo Türkiye inta u dhexeysa 3-da ilaa 5-ta July, iyadoo Tehran ay noqon doonto halka uu safarkiisu ka bilaabanayo.

    Pakistan ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha ugu waaweyn ee wadaxaajoodyada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

    Dhanka kale, Hindiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in Syed Atta Hasnain, Guddoomiyaha gobolka Bihar, iyo Pabitra Margarita, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, ay dalkaasi u matali doonaan xafladda aaska rasmiga ah ee Ali Khamenei.

    Aaska Ali Khamenei ayaa ka bilaaban doona Sabtida magaalada Tehran, waxaana la soo gabagabeyn doonaa 8-da July, marka lagu aaso magaalada uu ka soo jeedo ee Mashhad.

  6. Hadallada kulul ee ay hawada isku mariyeen Cirro, Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi

  7. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya oo booqasho ku tegay Lubnaan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Asaad Shaibani

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Asaad Shaibani

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, oo booqasho ku jooga Lubnaan, ayaa kulan iyo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabih Berri.

    Booqashada Asaad Shaibani ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Dimishiq adkaysay inaysan wax damac ah ka lahayn faragelin milatari oo ay ku sameyso Lubnaan, inkastoo uu jiro cadaadis uga imaanaya Maraykanka.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan sheegay in Suuriya ay awood u leedahay inay "wax ka qabato Xisbullah", isagoo sidoo kale dhaliilay istaraatiijiyadda Israa'iil ee dagaalka ay kula jirto kooxda uu Iiraan taageerto.

    Hase yeeshee, Madaxweynaha Suuriya Ahmed al-Sharaa ayaa sheegay inuusan qorsheynayn inuu faragelin ku sameeyo arrimaha gudaha ee Lubnaan.

    Bishii October 2025, Asaad Shaibani ayaa furay bog cusub oo xiriirka labada dal ah, taasoo ahayd booqashadii ugu horreysay ee sarkaal sare oo Suuriyaan ah uu ku tago Lubnaan tan iyo markii isbahaysiga Islaamiga ahi uu talada ka qabtay Suuriya.

    Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa isna booqday Suuriya bishii Maayo.

    Maamulka cusub ee Suuriya ayaan xiriir wanaagsan la lahayn Xisbullah, oo hore u ahaa xulafo muhiim u ah madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad.

    Tan iyo dabayaaqadii sannadka 2024, waxaa la jaray waddooyinkii ay Xisbullah u mari jirtay maalgelinta iyo hubka ee gudaha Suuriya, iyadoo mas'uuliyiinta Dimishiq ay sheegeen inay fashiliyeen isku dayo dhowr ah oo hub si qarsoodi ah loogu gelin lahaa Lubnaan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  8. 'Waxaan ku bixiyay $6,000 safar Koobka Adduunka ah balse albaabka ayaan ku xayirmay'

  9. Sacuudiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

    Sacuudiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Calamada Pakistan iyo Sacuudiga

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga iyo dhiggiisa Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday is-afgarad (Memorandum of Understanding) lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga.

    "Waxaan dib u xaqiijinay sida ay nooga go'an tahay xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal, waxaana saxiixnay is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga, Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naayif.

    Wuxuu sheegay in tallaabadani ay muujinayso adkeysiga iskaashiga istaraatiijiga ah iyo baaxadda xiriirka taariikhiga ah ee muddada dheer ka dhexeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

    Intii uu booqashada ku joogay Riyadh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa sidoo kale booqday Xarunta Midaysan ee Hawlgallada Amniga 911 ee gobolka Riyadh.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  10. Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa ka digay xaalad adag oo caafimaadka oo ka jirta halkaasi

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in 15,000 oo qof oo ku dhaawacmay ama si daran u xanuunsan intii uu socday dagaalku aysan helin daryeelka caafimaad ee ay u baahan yihiin, halka 300 oo qof ay dhinteen iyagoo sugayay in caafimaad ahaan looga daadgureeyo meel ka baxsan Gaza.

    Dalalka qaabila bukaannada ayaa inta badan leh shuruudo gaar ah oo lagu aqbalayo dadka loo dirayo daaweynta, waxaana bukaannadu maraan dhowr heer oo baaritaanno amni ah, oo ay ku jiraan kuwa ay sameyso Israa'iil, ka hor inta aysan ka bixin Gaza.

    Sida ay sheegayaan tirakoobyada Qaramada Midoobay, in ka badan 600 oo xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Gaza, ku dhawaad 30 xarumood oo keliya ayaa si buuxda u shaqeynaya.

    Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in Israa'iil ay weli xaddidayso gaarsiinta dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee muhiimka ah ee Gaza, eedeyntaas oo Israa'iil ay beenisay.

    Cinwaan: Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa soo sheegay xaalad adag oo ka jirta daaweynta dadka dhaawacmay.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  11. Taliska Guud ee Khatam al-Anbiya: Ku xadgudubka maraakiibta ee jidka loo asteeyay Marinka Hormuz wuxuu halis gelinayaa ammaankooda

    Taliska Guud ee Khatam al-Anbiya ayaa ku hanjabay in haddii maraakiibtu ka baxaan waddada ay Iiraan u asteeysay ama ay iska indhatiraan xeerarka hagidda maraakiibta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ay taasi "halis gelin doonto badqabka maraakiibta ku xadgudba."

    Talisku wuxuu sidoo kale bayaan ku sheegay in faragelin kasta oo Maraykanku ku sameeyo Marinka Hormuz ay "la kulmi doonto jawaab degdeg ah oo adag oo ay bixiyaan ciidamada qalabka sida."

    Bayaanka ayaa Marinka Hormuz ku tilmaamay "dhul hoos yimaada madaxbannaanida aan muranka lahayn ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan,".

    "wuxuuna dhammaan maraakiibta, oo ay ku jiraan kuwa shidaalka qaada iyo maraakiibta ganacsiga, ugu baaqay inay raacaan waddada ay Iiraan u cayimisay si ay si nabad ah uga gudbaan marinka.

    Taliska Khatam al-Anbiya ayaa intaas ku daray in ka leexashada waddadan ama ku xadgudubka habraacyada hagidda maraakiibta ee Iiraan ay la kulmi doonaan "jawaab degdeg ah oo xooggan" oo ay qaadaan ciidamada qalabka sida.

    Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in joogitaanka joogtada ah ee diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Maraykanka ee dul heehaabaya Marinka Hormuz ay yihiin arrimo sii kordhinaya amni darrada marin-biyoodkan isla markaana khatar ku ah amniga gobolka.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  12. Maxay tahay hantidaan la xanibay Iiraan?

    .

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ma jiro tiro tiro rasmi ah oo lagu ogaanayo wadarta guud ee hantida Iran ee la xayiray, laakiin qiyaasuhu waxay u dhexeeyaan ku dhawaad $27 bilyan ilaa in ka badan $100 bilyan.

    Lacagtan laguma hayo hal akoon oo la heli karo.

    Taas beddelkeeda, waxa ku jira dakhliga saliidda, gaaska, iyo dakhliga dhoofinta, kaydka lacagaha qalaad ee bangiyada shisheeye, iyo hanti loo xayiray sababo la xiriira khilaafaad sharci, kuwaas oo qaarkood tobaneeyo sano jir ah.

    Marka Iran ay saliid ku iibiso dibadda, lacagta ka soo baxda iibka guud ahaan waxaa lagu shubaa xisaabaadka bangiyada ee waddanka wax iibsanaya.

    Laakiin cunaqabataynta ayaa inta badan ka hor istaagta Tehran in ay lacagtan ku celiso dalkeeda.

    Mowjadihii ugu horreeyay ee hantiyeed ee la xayiray ayaa billowday 1979-kii ka dib xiisaddii afduubka ee safaaradda Mareykanka ee Tehran.

    In kasta oo hantida qaar lagu sii daayay heshiiskii kama dambaysta ahaa, haddana sheegashooyinka iyo hantidii la xiirta qandaraasyadii milatari ee ka hor 1979 kacaankii Islaamiga ahaa weli lama xalin.

    Mowjadda labaad iyo tan ugu ballaaran ee xayiraadda ayaa bilaabatay 2011 iyo 2012 iyada oo cunaqabatayn adag la saaray barnaamijka Nukliyeerka Iran iyo ka saarista Iran qaybo ka mid ah nidaamka bangiyada caalamiga ah.

    Xayiraadahan ayaa la sii adkeeyay markii Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 (JCPOA) ee 2018.

    Dakhliga Iran ayaa ku xayiran dalal shisheeye ama la kulmay xayiraad.

    Waxaa ka mid ahaa xayiraadaha meesha iyo sida loo isticmaali karo iyo meelaha aan laga isticmaali karin.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  13. War deg deg ah, Degdeg: Muuse Biixi oo si adag ugu jawaabay Cirro.

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda gooni isu-taageeda ku dhawaaqday ee Soamlialnd, Muuse Biixi, ayaa sheegay in madaxweyne cirro uu hadallo u soo gudbiyay, taas oo uu doonayo inuu ka jawaabo.

    Qoraal uu hadda soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayu uku sheegay inuu madaxweyne Cirro uu shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa ka sheegay inuu Muuse laba jeer ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia.

    “Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay”, ayuu yiri.

    “Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiyey”, ayuu intaa raaciyay.

    “Odaygu wuxuu sheegay in anan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada JSL hadalkii aan ka jeediyayna waa kan:

    "Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u eegtahay maahmaahdii ahayd "Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta kowaad ee dalkeena JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman”, ayu uku yiri qoraalka uu soo dhigay facebook-ga.

    Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan sidoo kale ku taliyay in laga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli ay caalamka ka dhacayaan isbedello siyaasadeed oo waaweyn.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa madaxweyne hore Muuse Biixi ku yiri: sidaan “Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doonaa”.

    Sidoo kale akhri

  14. Ma ku dhibban tahay inay dhaqso hurdo ku qabato? tijaabi khiyaanadan ay sameeyaan milatariga. Ka akhri faallada hoose👇🏾

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Hurdo la'aantu waa arrin ay la il daran yihiin malaayiin qof oo adduunka ku nool, kuwaas oo jeclaan lahaa in ay si deg deg ah oo fudud u sexdaan marka ay isku diyaariyaan waqtiga hurdada.

    Dhibtaada hurdo la'aanta iyo tirada dadka ay hayso waa ay kala duwan tahay balse cilmi baaris ayaa lagu sheegay in inta u dhaxeysa 5% illaa 50% dadka adduunka in ay qabaan dhibaatadan.

    Hurdo la'aantu waxay keentay in dad badan ay raadiyaan habab ay si fudud ugu seexdaan, oo ay ku jirto waxa loo yaqaan "hurdada militariga" oo la sheegay inay qofka ku seexan karo laba daqiiqo gudahood.

    Habkaan ayaa caan ka noqdat barta TikTok, halkaas dad badan ay daawadaan muuqallada, dadka ku jira bartaas ayaa sheegay in dhaqse ku hurdeen marka ay sidaas sameeyeen.

    Si kastaba ha ahaatee, khubaro ayaa ka digtay in isticmaalka habkan uu dib u dhigi karo hurdada sabab la xiriirta isku buuq maskaxeed oo qofka ku iman kara, sidaa darteedna khubaradu waxa ay ka digayaan arrintaan inuu qof caadi ah sameeyo, waxa ayse soo jeediyeen habab kale oo qofka isku dayi karo inuu hurdada dhaqse ku helo.

    Waa maxay jadwalka hurdada militariga?

  15. Vance: Trump ma weerari doono Iiraan sabab la’aan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uusan dooneyn inuu dib u bilaabo howlgallada milatari ee ka dhanka ah Iiraan, iyada oo aan la helin ujeedo cad oo gaar ah.

    Vance oo Arbacadii la hadlayay wariyeyaasha, ayaa yiri, "Waxa aan xaqiijin karo waa in Madaxweyne Trump uusan dooneynin inuu ciidankeenna dib ugu soo celiyo halkaas, haddii aysan daruuri ahayn."

    Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka digay in isku day kasta oo Iiraan ay ku doonayso inay dib u soo noolayso barnaamijkeeda nukliyeerka ama ay khatar geliso maraakiibta ganacsiga ee badda, ay ku qasbi karto Washington inay beddesho istaraatiijiyaddeeda.

    Vance ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in wadahadallada ka socda Doha ay "horumar wanaagsan sameynayaan" wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in maamulka Mareykanka uu sii wado ka qaybgalka wadahadallada "si niyad wanaag ah."

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  16. Axmed Al shara oo magacaabay 70-ka xubnood ee ugu dambeeya ee baarlamaanka cusub

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Shara, ayaa magacaabay 70-kii xubnood ee ugu dambeeyay ee baarlamaankiisa, kadib markii uu xilka qabtay Bashar al-Assad.

    Magacaabistan ayaa u gogol xaaraysay in baarlamaanku uu yeesho kalfadhigiisii ​​ugu horreeyay toddobaadka soo socda.

    Xubnaha cusub ee baarlamaanka, 15 ka mid ah waa haween halka 13 kalena ay yihiin dad la xiray xilligii xukunka Bashar al-Assad, kaasoo xukunka laga tuuray 2024.

    Ma cadda inta xubnood ee uu Shara magacaabay ay ka soo jeedaan kooxaha laga tirada badan yahay ee diimeed iyo kuwa qowmiyadaha.

    Bishii Oktoobar, guddiyada doorashada ee gobollada ayaa doortay saddex meelood laba meel Golaha Shacabka ee 210-ka kursi leh, kuwaas oo mas'uul ka noqon doona hawlaha sharci-dejinta inta lagu jiro xilliga kala-guurka.

    Ka dib markii lix musharax oo dumar ah iyo 10 musharax oo ka socda kooxaha laga tirada badan yahay ay ku guuleysteen kuraasta doorashooyinka, saraakiisha doorashada ayaa ku dhawaaqay in Al Shara auu adeegsan doono awoodiisa magacaabista si ay wax uga qabto dheelitir la'aantan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  17. 10ka cayaartoy ee laga yaabo in aysan cayaari doonin koobka K/cagta adduunka ee soo socda

  18. Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

    Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

    Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.

    Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.

    Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

    "Beerka digaagga ama ariga oo si fudud loo heli karo waxa uu hodan ku yahay nafaqooyin. Tusaale ahaan, waxa ku jira macdanta 'heme' ah oo badan, taas oo si fudud jirku u nuugo. Waxay hagaajisaa wareegga dhiigga waxayna ka hortagtaa dhiig-yarida," ayuu yiri Dr. Prashant Arun oo ku takhasusay cudurka macaanka.

    Waxa kale oo uu sheegay in fitamiin B12 uu muhiim u yahay samayska unugyada dhiigga cas, caafimaadka ragga, horumarka maskaxda, iyo xusuusta.

    Sida uu qabo Prashant Arun, beerka xoolaha waxa ku jira borotiin tayo sare leh, kaas oo lagama maarmaan u ah dayactirka murqaha isla markaana ka caawiya soo kabashada kadib xanuun.

  19. Nin dadka tahriibiya, horena maxkamadi u xukuntay oo lagu arkay UK isagoo shaqaynaya, sidee bay ku dhacday?

  20. Ilaa 300 oo qof oo daryeel la'aan caafimaad ugu geeriyooday Qaza

    .

    Xigashada Sawirka, Saber Abu al-Kas

    Qoraalka sawirka, .

    Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in 15,000 oo qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka ama cudurro halis ah aysan heli karin daaweynta ay u baahan yihiin, halka 300 oo qofna ay geeriyoodeen iyagoo sugayay in caafimaad ahaan looga daadgureeyo Gaza.

    Dalalka qaabila bukaannada ayaa inta badan leh shuruudo gaar ah, waxaana bukaannadu ay tahay inay maraan dhowr baaritaanno oo amni ah, oo ay ku jiraan kuwa ay sameyso Israa'iil, ka hor inta aan loo oggolaan inay baxaan.

    Tirokoobyada ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa muujinaya, in in ka badan 600 oo xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Gaza, ku dhowaad 30 keliya ay si buuxda u shaqeynayaan.

    Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in Israa'iil ay weli xaddidayso gaarsiinta dawooyinka muhiimka ah iyo qalabka caafimaadka, arrintaas oo Israa'iil ay beenisay.

    Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, oo ay maamusho Xamaas, ayaa sheegtay in Amina ay ka mid tahay 300 oo Falastiiniyiin ah oo geeriyooday iyagoo sugayay in caafimaad ahaan looga daadgureeyo Gaza tan iyo markii uu billowday xabbad-joojintii ay Maraykanku dhexdhexaadiyeen ee u dhexeysay Israa'iil iyo Xamaas bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

    Kumannaan kale—oo Wasaaradda Caafimaadku ay hadda ku qiyaastay 15,000 oo qof—ayaa weli sugaya in dibadda loogu qaado daaweyn.

    Qaar waxay qabaan dhaawacyo ka dhashay dagaalka, halka kuwo kalena ay la ildaran yihiin cudurro ay ka mid yihiin kansarka.

    Sidoo kale akhri