Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Farriin ka timid Mojtaba Khamenei oo lagu xusay in 'dhiigga aabihii' loo aargudi doono

    Mojtaba Khamenei

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Farriin qoraal ah oo loo tiiriyay Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayuu ku sheegay in "aargoosi" loo baahan yahay in loo sameeyo aabihiis, kaasoo lagu dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalka weerarrada Israa'iil iyo Mareykanka.

    Farriinta, oo loo soo saaray si loogu mahadceliyo dadkii ka soo qayb galay aaska Cali Khamenei, ayaa lagu yiri: "Waxaan ballan qaadaynaa inaan u aargudno dhiiggaaga saafiga ah iyo kan dhammaan shuhadadii labada dagaal ee ay sababeen gacan ku dhiiglayaasha dambiilayaasha ah iyo kuwa aan sharafta lahayn. Aargoosigan waa rabitaanka qarankeenna waana in si hubaal ah loo fuliyaa."

    Mojtaba Khamenei, oo xilka qabtay aabihiis dilkiisa ka dib, weli ma uusan ka soo muuqan fagaare, oo ay ku jirto aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ma uusan bixin farriin muuqaal ama cod ah, waxaana la daabacay oo keliya farriimo qoran oo magaciisa lagu saxiixay.

    Fariintii ugu dambeysay ee loo tiriyay ayuu yiri, "Dambiilayaashan, oo magacyadooda laga la tixay kor ilaa hoos, waxay la gali doonaan qabriyadooda jacaylkoodii ahaa geeri nabadeed oo ku haleesha sariirahooda.

    Waa inay ogaadaan in arrintani aysan ku xirnayn aniga ama mas'uuliyiin kale midoodna. Haddaynu joogno iyo haddii kaleba, arrintan waa la samayn doonaa, dhawaanna shakhsiyaad naga madaxbanaan oo adduunka oo dhan kala jooga ayaa mid walba gooni u fulin doonaa qayb ka mid ah hawshan rabbaaniga ah."

  2. Daawo: Dowladda Maraykanka oo sii daysay muuqaalo cusub oo ku saabsan UFO

    Dowladda Mareykanka ayaa sii daysay qaybtii afraad ee diiwaannada ku saabsan maqluuqaadka aa la aqoonsanayn ee (UAPs), taasoo calaamad u ah tallaabadii ugu dambeysay ee dadaal lagu doonayo in qarsoodiga looga saaro faylalka dowladda ee UFO-ga.

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in faylalka muddada dheer la qarinayay ay taariikh ahaan sii kordhiyeen "male-awaal dheeraad ah," isagoo sheegay in dadka Mareykanka ay xaq u leeyihiin inay iyagu arkaan macluumaadka.

  3. Guddoomiye hore oo baarlamaan ee dal muslim ah oo loo gacan galiyay Maraykanka si loo maxkamadeeyo

  4. Nin diyaarad hawada ku jirta daaqadeeda madax kala baxay iyo go'aanka diyaaraddu qaadatay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mid ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaarad ka duushay Thessaloniki oo Giriigga ah kuna socotay Memmingen oo Jarmalka ah ayaa loo fidiyay daryeel caafimaad kadib markii daaqad ka mid ah kuwa diyaaradaha ay furantay intii ay hawada ku jirtay.

    Wararku waxay sheegayaan in ninkaasi oo 61 jir ah kana soo jeeda Serbia uu qayb ahaan madaxa kala baxay daaqadda furantay ka hor inta aysan diyaaradda, oo ay maamulaysay Malta Air, aysan , si nabad ah u degin.

  5. Trump oo ku dhawaaqay tallaabada la qaadayo haddii Iran isku daydo in ay disho isaga

  6. Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain ayaa dilay 12 qof, oo ay ku jiraan afar muwaadin Ingiriis ah, halka 23 qof la sheegay in la la'yahay.

    Dabkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu weynaa abid ee lagu arko Spain.

    Boqolaal dab-damis ah iyo khabiiro kale ayaa la geeyay magaalada Bidar ee koonfur-bari Spain si ay isugu dayaan inay xakameeyaan dabka ka kacaya kaymaha.

    Mas'uuliyiinta aagga Los Gallardos ee gobolka Almeria ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay kordhi karto.

    Spain waxay sii waddaa inay la kulanto heerkul aad u sarreeya, iyadoo gaartay heerkul gaaraya 40 darajo Celsius, taasina waxay keentay in dab-damis laga soo sheego meelo kala duwan oo ku yaal koonfurta Yurub, gaar ahaan Faransiiska, Portugal iyo Spain.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  7. Nin looga shakisanaa dilka xildhibaan hore oo British ah oo la sii daayay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Booliska Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in nin 26 jir ah oo loo xiray tuhun ah inuu dilay xildhibaan hore Anne Widdicombe la sii daayay, isla markaana aan hadda lagu hayn baaritaan booliis.

    Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in ninku uu ahaa muwaadin cadaan ah oo u dhashay Britain oo Jimcihii lagu xiray Devon.

    Meydka wasiirkii hore ee dowladda Conservative-ka iyo afhayeenka xisbiga dib-u-habaynta Ingiriiska oo 78 jir ah ayaa laga helay gurigeeda subaxnimadii Khamiista, waqtiga UK, iyadoo qabta dhaawacyo halis ah.

  8. War deg deg ah, Iran oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay weerarradii ugu dambeyay ee Mareykanka

    Madaxa Xarunta Warfaafinta ee Wasaaradda Caafimaadka Iran ayaa sheegay in kadib weerarradii dhowaan ay Mareykanku ka geysteen lix magaalo ay ku dhinteen “17 qof”, oo ay ku jirto haweeney.

    Hossein Kermanpour ayaa sheegay in weerarradii Mareykanka ee dhacay 8-da iyo 9-ka Luulyo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 115 qof.

    Sida uu sheegay, qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa laga saaray isbitaallada kaddib markii la siiyay daaweyn caafimaad.

    Kadib markii Mareykanku bartilmaameedsaday saddex markab oo ku sugnaa Marin-biyoodka Hormuz, wuxuu weerarro ka fuliyay Bandar Abbas, Qeshm, Sirik, Chabahar iyo Bushehr.

  9. War deg deg ah, Iran iyo Cummaan oo ka wadahadlaya xaalada Marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, isna

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji ayaa wadahadallo la yeelan doona mas’uuliyiinta Cumaan kaddib markii uu gaaray Muscat.

    Sida ay sheegayaan ilo wareedyo, booqashadan waxay qayb ka tahay wadatashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya Iran iyo Cumaan, kuwaas oo looga hadlay arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xaaladda marin-biyoodka Hormuz.

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Cumaan ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan “dejinta habab ku habboon oo lagu xaqiijinayo marinka ammaankiisa ee maraakiibta dhex marta Marin-biyoodka Hormuz, iyadoo lagu salaynayo Qodobka 5-aad ee Is-afgaradkii Islamabad,” isla markaana ay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan arrimahaas.

    Booqashadan waxay ku soo beegmaysaa xilli xiisadaha ka taagan Marin-biyoodka Hormuz ay kordheen maalmihii la soo dhaafay, kaddib weerarro is-daba-joog ah oo ay isku qaadeen Mareykanka iyo Iran.

    Dhanka kale, wafdi ka socda Qadar oo wada dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, isla markaana lagu yareeyo xiisadda labada dhinac, ayaa u safray Iran.

  10. 5 Hab oo lacag lagu sameeyn karo iyo waddooyinka loo maro

  11. War deg deg ah, Qiimaha shidaalka Mareykanka oo kor u kac weyn ku yimid iyo Trump oo wajahaya culeys

    Trump

    Xigashada Sawirka, Photo by Kevin Dietsch/Getty Images

    Reuters ayaa soo warisay in qiimaha shidaalka ee Mareykanka uu mar kale kor u kacay kadib dhowr toddobaad oo uu hoos u sii dhacayay, iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay mar kale sii xoogeysatay, isla markaana qiimaha saliidda uu kacay.

    Sida laga soo xigtay xogta Ururka Baabuurta Mareykanka (AAA), celceliska qiimaha shidaalka ayaa toddobaadkan kor u kacay lix senti, isagoo gaaray $3.88 halkii liitar, taasoo ah kororkii ugu weynaa ee toddobaadle ah tan iyo bartamihii bishii May.

    Weeraradii lagu qaaday dhowr booyadood oo shidaal qaada oo marayay Marin-biyoodka Hormuz iyo is-weydaarsiga weerarrada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa sababay in qiimaha saliidda Brent uu ku socdo koror toddobaadle ah oo ku dhow 5.5%. Gaadiidka shidaalka ee mara Marin-biyoodka Hormuz ayaa weli aad uga hooseeya heerarkii ka hor intii uusan khilaafku bilaaban.

    Kororka qiimaha shidaalka xilli bartamaha xagaaga ay dadku safarro badan sameeyaan ayaa noqday arrin siyaasadeed oo saameyn ku leh Donald Trump. Wuxuu ku eedeeyay shirkadaha shidaalka inay si xad-dhaaf ah u iibinayaan, halka dowladdiisuna ay ku baaqday in arrintaas baaritaan lagu sameeyo.

  12. Maxay ciyaartoyda kubadda cagtu u xirtaan waxaan u eg rajabeetada dumarka?

  13. War deg deg ah, Iran oo si adag uga hortimid war gordhowed uu Trump shaaciyay

    Iran

    Xigashada Sawirka, isna

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Tehran aysan wax codsi ah u dirin Mareykanka oo ku saabsan wadahadallo, balse ay aqbashay codsi uga yimid dhexdhexaadiye goboleed oo doonayay inuu soo booqdo Iran si looga wada hadlo xaaladdii ugu dambeysay.

    Wareysi laga sii daayay telefishinka, Mr. Baghaei wuxuu yiri:

    “Annagu ma aanan codsan wax wadahadal ah oo aan la galno Mareykanka, laakiin iyadoo la raacayo habka mas’uuliyadda leh ee aan mar walba qaadanno, ma aanan diidin codsiga mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee ahaa inuu u soo safro Iran oo uu kala hadlo xaaladda ugu dambeysay. Safarkan wuxuu ka dhacay Mashhad, waxaana dhinaca Qadar u gudbinnay aragtiyadeenna iyo mowqifyadeenna.”

    Isagoo xusay in ay kaliya 21 ama 22 maalmood ka soo wareegeen markii la saxiixay is-afgaradka (MoU), ayuu yiri:

    “Mareykanku muddadan gudaheeda wuxuu si joogto ah u jebiyey qodobo kala duwan.”

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ku daray:

    “Dhacdooyinka Arbacadii iyo Khamiistii waxay ahaayen xadgudub cad oo ka dhan ah qodobada koowaad iyo labaad ee heshiiskan, halka ka noqoshada ruqsadda shidaalka Iran ay si weyn u jebisay mid ka mid ah qodobbadii kale ee heshiiska.”

    Sida uu sheegay, cunaqabateynta cusub ee Mareykanka uu soo rogay waxay ka hor imaanayaan qodobka sagaalaad ee heshiiska is-afgaradka.

  14. War deg deg ah, Sawirrada qabriga Ayyatullah Cali Khamenei oo la baahiyay

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, x/FarsNews_Agency

    Warbaahinta Iran ayaa daabacday sawirro iyo muuqaallo laga qaaday qabriga hoggaamiyihii hore ee ugu sarreeyay Iran, Cali Khamenei. Cali Khamenei iyo afar xubnood oo kale oo qoyskiisa ka tirsan ayaa lagu aasay goobta barakeysan ee Reza ee magaalada Mashhad.

    Cali Khamenei ayaa la sheegay inuu ku dhintay 28-ka Febraayo, saacadihii hore ee subaxnimo, kadib weerarro cirka ah oo ay Iran ku qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dhisme uu deganaa.

    Waxaa la sheegay in lala aasay afar xubnood oo kale oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaas oo kala ah:

    • Bushra Khamenei, gabadhiisa;
    • Zahra Mohammadi Golpaygani, gabar uu awoowe u yahay;
    • Zahra Haddad Adel, oo ahayd soddohda Mojtaba Khamenei;
    • Misbah al-Huda Baqeri Kuni, oo ahaa ninkii qabay gabadhiisa.

    Mojtaba Khamenei, oo noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran kadib geeridii aabbihiis, kama soo qaybgelin aaska aabbihii.

    Waa qabriga Cali Khamene

    Xigashada Sawirka, x/Tasnimnews_Fa

  15. War deg deg ah, Xiisadda Imaaraadka iyo Iran oo sii xoogeysanaysa

    Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa ka falceliyay go’aanka Wasaaradda Ganacsiga Maraykanka ee kor loogu qaaday heerka dhoofinta ee Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay arrintaas inay tahay calaamad muujinaysa taageerada Imaaraadka ee hawlgallada milatari ee Maraykanka ee ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu ku yiri:

    "Qirashadan rasmiga ah ee ka timid Washington iyo dukumentiga fadeexadda ah ee Abu dubai waxay leeyihiin mas’uuliyad caalami ah iyo saameyn sharci oo toos ah. Imaaraadka waa in lala xisaabtamaa."

    Iran ayaa dhowr jeer intii uu dagaalku socday weerarro ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa weerarradaas ku sababeeyay iyagoo tilmaamay in Imaaraadku martigeliyo xarumaha milatari ee Maraykanka isla markaana uu iskaashi la leeyahay Israa’iil.

  16. 'Qofkii qoriga diida inuu dhiibo waa lagu dilayaa' -Tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadda Galmudug

  17. Koofiyadda cowboy-ga oo soo jiidatay Erling Haaland iyo taageerayaasha Koobka Adduunka.

  18. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ka walaacsan in Iran ay disho iyo waxa dhici kara

    Trump

    Xigashada Sawirka, Aqalka Cad

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u hanjabay dowladda Iran, isagoo sheegay in Maraykanku uu qaadi doono weerarro ballaaran oo ka dhan ah Iran haddii ay isku daydo ama ay fuliso qorshe lagu doonayo in lagu khaarijiyo isaga.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku yiri:

    "Kun gantaal ayaa loo diyaariyey, laguna beegsaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Haddii hanjabaadda dowladda Iran ee lagu doonayo in lagu dilo madaxweynaha Maraykanka la fuliyo, kumannaan gantaal oo kale ayaa isla markiiba la ridi doonaa."

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in amaradii lagama maarmaanka ahaa hore loo bixiyay, isla markaana ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin inay "si buuxda u burburiyaan dhammaan goobaha Iran" muddo hal sano ah, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in muddadaas la kordhiyo.

    Wuxuu farriintiisa ku soo gabagabeeyay:

    "Mahad oo dhan waxaa iska leh Alle."

    Hanjabaaddan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sirdoonka Israa’iil ay sheegeen oo ku saabsan qorshe cusub oo la sheegay in Iran ay ku doonayso inay ku disho Trump, iyo sidoo kale sawirro iyo halku-dhegyo lagu soo bandhigay intii lagu jiray aaska Ayatollah Cali Khamenei.

    Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya inay qorsheynayeen in la khaarijiyo Donald Trump.

  19. War deg deg ah, Muxuu yahay codsiga Iran Trump u dirtay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran ay codsatay in la sii wado wadaxaajoodyada.

    Qoraal uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku yiri:

    "Iran waxay naga codsatay inaan sii wadno wadaxaajoodyada. Waan aqbalnay codsigaas."

    Hase yeeshee, madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu si cad ugu sheegay Iran in xabbad-joojintii ay dhammaatay.

    Mar sii horeysay wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters ayaa sheegtay in wada-xaajoodayaal ka socda Qadar ay ku sugnaayeen Iran, halkaas oo ay kula kulmayeen mas’uuliyiin Iraniyiin ah.

    Reuters, oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in dadaalladaasi ay ujeeddadoodu tahay in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Iran iyo Maraykanka iyo in loo gogol xaaro wadahadallo ballaaran oo u dhexeeya labada dhinac.

    Sii akhri:

  20. War deg deg ah, Iran oo dusha u saarisay Mareykanka jabinta heshiiskii hore loo gaaray

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu jebiyay is-afgaradkii ay labada dal gaareen, isagoo sheegay in Iran ay weli u hoggaansan tahay qodobada heshiiskaas.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu Caraqji ku sheegay in Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka uu ku xadgudbay Qodobka 9-aad ee is-afgaradka.

    Wuxuu ku dooday in tallaabadaasi ay qayb ka tahay xadgudubyo iyo khaladaad isdaba joog ah oo uu Maraykanku ku kacay.

    Sida ku cad Qodobka 9-aad ee is-afgaradkii ay Maraykanka iyo Iran kala saxiixdeen bishii hore, Maraykanku wuxuu oggolaaday inuu bixiyo fasaxyo u saamaxaya Iran inay dhoofiso saliiddeeda, shidaalka iyo adeegyada la xiriira, sida adeegyada bangiyada iyo gaadiidka, isla markaana aanu soo rogin xayiraado cusub.

    Hase yeeshee, maalmo ka hor, kadib weerarradii lagu qaaday maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay qaar ka mid ah xarumaha sarifka lacagaha iyo shirkado Iraniyiiin ah, tallaabadaas oo Tehran ay ku tilmaantay mid jebinaysa heshiiska labada dhinac.