You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dadka lacagaha ugu badan ka helay iyo kuwa ku khasaaray Koobka Aadduunka
Koobkan adduunku wuxuu ka weynyahay tartan kasta oo ilaa hadda la qabtay.
Dalal badan oo ka qayb qaata, ciyaaro badan oo la ciyaaray, iyo dad badan oo daawanayay ciyaaraha waxay la macno tahay lacag badan.
Iyadoo xiddigaha kubadda cagta ee adduunka oo dhan ay sameeyaan waqtiyo taariikhi ah garoonka dhexdiisa, haddana balaayiin doolar oo dakhli ah ayaa sidoo kale laga soo saaraa garoonka dhexdiisa.
Si kastaba ha ahaatee, qof walba ma sameeyo lacag badan. Tartanka waxaa uu leeyhay kuwa dhaqaalle ka sameeya iyo qaar ku khasaara labadaba.
FIFA – ayaa ah tan faai'dda badan ka sameysay
FIFA, oo ah hay'adda maamusha kubadda cagta adduunka, ayaa ka hesha lacag aad u badan Koobka Adduunka.
FIFA waxay soo saartay dakhli rikoor ah oo dhan $7.6 bilyan oo kasoo xarooday Koobka Adduunka ee sanakii 2022 ee ka dhacay Qatar. Tiradan ayaa la filayaa inay ka sarreyso Koobka Adduunka ee 2026, oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Maraykanka, Canada, iyo Mexico, gaar ahaan iyadoo kooxha tartamaya la gaarsiiyay 48 kooxood.
Marion Laboure, oo ah istaraatiijiyad sare oo ka tirsan Deutsche Bank Research, ayaa sheegtay in FIFA, oo dakhligeedu uu ku dhow yahay $13 bilyan muddada afarta sano ah, ay tahay "shaki la'aan" guuleystaha ugu weyn ee tartanka.
Dakhliga FIFA wuxuu ka yimaadaa iibinta xuquuqda warbaahinta, shatiga iyo martigelinta, heshiisyada malgelinta iyo iibinta tikidhada.
Laboure wacay sheegtay, "FIFA waxay sidoo kale gashay suuqa tigidhada labaad iyadoo leh barnaamijkeeda dib-u-iibinta rasmiga ah waxayna bilowday inay ka qaadato 15 boqolkiiba oo faa'ido ah taas oo ka imaaneeysa iibsadaha iyo iibiyaha labadaba."
Maadaama FIFA ay ka fiirsanayso inay mar kale ku gaarsiiso tartanka ilaa 64 kooxood, waxa aan filan karnaa inaan aragno tallaabooyin la mid ah tartamada mustaqbalka.
Taageerayaasha ayaa ah kuwa khasaaray
Ballaarinta noocan oo kale ah waxay u oggolaan kartaa dalalka sida Shiinaha iyo Hindiya inay ka qaybqaataan tartanka, taas oo soo jiidanaysa balaayiin daawadayaal ah oo dheeraad ah.
Taageerayaashu waxay u badan tahay inay rumeeyeen riyooyinkooda waqtiga dheer, laakiin marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, tartankan aad ayuu ugu adkaa.
Lacagta badan ee lagu bixiyay tigidhada oo keliya, iyo dhaleecaynta loo jeediyay istaraatiijiyadda qiimaha lacageed ee FIFA oo kordhisay marka dalabaadka kor u kacay ayaa si weyn looga hadlay.
Xitaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, markii la weydiiyay haddii qiimaha tigidhada ee ciyaarta furitaanka tartanka ee Paraguay uu gaari karo $1,000, wuxuu yiri "ma bixin doono" lacagtaas.
Tigidhada kama dambaysta ah, oo lagu ciyaarayo Garoonka MetLife ee New Jersey, ayaa si rasmi ah loogu iibiyay $32,970, laakiin qaar ka mid ah tigidhada dib loo iibiyay ayaa lagu bixinayay in ka badan $2 milyan.
Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa difaacay qiimaha tigidhada, isagoo sheegay inay la mid yihiin dhacdooyinka kale ee ciyaaraha ee lagu qabto Mareykanka.
Tigidhada ma ahayn waxa kaliya ee culayska saarayay miisaaniyadda taageerayaasha. Duulimaadka, cuntada, iyo kharashaadka hoyga ayaa sidoo kale ku kordhiyay culeys weyn.
Tusaale ka mid ah, waxaa ugu caansan arrintan ayaa ahaa kororka qiimaha tigidhada tareenka ee New Jersey.
Qiimaha safarka soo laabashada ah ee 30-ka daqiiqo ee tareenka loo raaco Garoonka MetLife, kaas oo caadiyan ku kacaya $12.90, ayaa la kordhiyay ilaa $150 intii lagu jiray tartanka.
Qiimaha ayaa hoos loo dhigay ka dib falcelintii, laakiin wali waxay ka sarreeyeen heerarka caadiga ah.
Warbaahinta iyo maalgeliyaasha ayaa faa'ida ka sameeyay
Kuwa Baahiya ciyaarha waxay ku qasbanaadeen inay bixiyaan lacag aad u badan si ay tartanka ugu soo bandhigaan shaashadahooda.
Si kastaba ha ahaatee, qiimeynta daawadayaasha sare iyo xiisaha ka imanaya maalgeliyaasha ee doonaya inay soo bandhigaan sumcaddooda ayaa sidoo kale u suurtageliyay inay ka sameeyaan faa'iido weyn iibinta boosaska xayaysiinta.
FIFA ayaa kusoo kordhsiay waqti biya cabis ah Koobkan Adduunka.
Infantino wuxuu sheegay inay tahay "go'aan isboorti oo cad" isla markaana habkaasi uusan soo saarin wax dakhli dheeraad ah oo FIFA ah.
Si kastaba ha ahaatee, nasashooyinka 90-ka ilbiriqsi ah ee la siiyay ciyaartoyda si ay u bi'iyaan harraadkooda ayaa abuurtay fursad ganacsi oo cusub oo loogu talagalay dadka wax tabiya iyo kuwa maalgeliyaaasha ah ee doonaya inay soo bandhigaan badeecadooda.
Gaar ahaan Mareykanka, taageerayaasha ciyaaraha ayaa muddo dheer la qabsaday ciyaaraha la ciyaaro ee inta badan lasoo dhexgliyo nasasho ganasci.
Fox Sports, oo la sheegay inay bixisay $485 milyan oo loogu talagalay xuquuqda baahinta ee Mareykanka, ayaa baahisa in cabista biyha haraad bi'inta ah, iyada xayeesiina la sameynaya.
Sida laga soo xigtay khubaradu, celceliska qiimaha xayaysiinta Koobka Adduunka ee 30-ilbiriqsi ah ee laga sii daayo Fox waxay u dhaxeeysaa $200,000 ilaa $300,000. Inta lagu jiro ciyaaraha lagu ciyaaro Mareykanka iyo marxaladaha dambe ee tartanka, tiradani waxay gaartay ilaa $750,000.
Taas macnaheedu waa in xayeesiinta la baahiyo inta lagu jiro nasahshada biya cabista oon bi'inta ah ay ka soo saari karaan dakhli dhan $250 milyan oo doolar Mareykanka oo keliya. Tani waxay dhalisay dood ku saabsan in nasashadani ay noqon karto mid si joogta ah loo sameeyo iyo in kale.
Magaalooyinka ciyaaraha martigeliyay oo khasaaray
16-ka magaalo ee martigelinaya ee ku yaal Mareykanka, Canada, iyo Mexico ayaa soo dhaweeyay soo galooti badan oo taageerayaal iyo dalxiisayaal , taasoo dakhli u soo saartay waaxda soo dhawaynta, hoteellada, iyo ganacsiyada maxalliga ah.
FIFA waxay ku qiyaastay in Koobka Adduunka uu ku biirin doono qiyaastii $41 bilyan dhaqaalaha adduunka, iyadoo $17 bilyan ay ku kordhi doonto dhaqaalaha Mareykanka oo keliya, waxayna abuuri doontaa 185,000 oo shaqo, taas oo ah inta badan qaybta martigelinta.
Hoteelada oo Khasaaray
Dalabaadkii la filayay ee qolalka hoteellada ma aysan dhicin. iskaashatooyinka Suuqa ayaa sheegay in bookinada hotelada magaalooyinka martida loo yahay sanadkan ay ka hoosaysay tii sannadkii hore.
Ururka Hoteellada British Columbia ayaa sheegay in inkastoo tirada saxda ah ee bookinada aan weli la xaqiijin, haddana Jbilihii June yo July "ay si weyn uga hooseeyaan sannadihii hore" inkastoo Vancouver ay martigelisay toddobo ciyaarood oo ka dhacay Canada.
Ururku wuxuu sheegayaa in noocyadan tartamada "aysan hubin in hoteelada si buuxda loo kireystay 40 maalmood oo isku xigta," laakiin taa beddelkeeda waxay abuuraan baahi sare oo keliya waqtiyo gaar ah.
Hawl wadeennada hoteellada ee Mareykanka, xiisaha ku xeeran tartanka ma uusan keenin natiijooyinkii la filayay.
Ururka Hoteellada iyo Hoyga Mareykanka (AHLA) ayaa ku eedeeyay FIFA inay abuurtay dalab macmal ah iyagoo bookimay tiro badan oo qolal ah si ay u isticmaalaan. FIFA waxay sheegtay inaysan aqbaleynin eedeyntan.
Laboure ayaa sheegtay in isla arimahaas oo kale ay ka dhaceen Faransiiska sanadkii 1998, baahiduna aysan buuxin filashooyinka.
Shirkadaha qamaarka ayaa iyaguna ka faa'iday
Sida laga soo xigtay shirkadda adeegyada maaliyadeed ee Macquarie, Koobka Adduunka ee 2026 wuxuu ku socdaa waddo uu ku noqon karo dhacdada ugu weyn ee sharadka lagu dhigta abid, iyadoo lagu qiyaasay mugga sharadka inuu yahay $50 bilyan.
Taas macnaheedu waa in qiyaastii $500 milyan oo sharad ah la dhigto ciyaar kasta. Macquarie sidoo kale waxay leedahay dano ganacsi oo ku saabsan suuqa sharadka.
Ilaa 2018, sharadka la dhigto kulamada isboortiga wuxuu sharci ka ahaa oo keliya Nevada, halkaas oo Las Vegas ku taal. Si kastaba ha ahaatee, go'aan Maxkamadda Sare ah ayaa u gogol xaaray gobollo badan inay sharciyeeyaan sharadka ciyaaraha.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira gobollo qaarkood oo sharadka ciyaaraha sharci-darra uu ka yahay. Kuwaas waxaa ka mid ah California iyo Texas. Gobolladan, waxaa jiray xiiso weyn oo loo qabay suuqyada saadaasha, kuwaas oo si gaar ah caan uga ah ragga dhallinyarada ah isla markaana si degdeg ah ugu koray suuqya balaayiin doolar ah.
Sababtoo ah suuqyadan looma kala saarin inay yihiin khamaar, dadku waxay u isticmaali karaan inay ku sharad galaan natiijooyinka dhacdooyinka ciyaaraha, iyadoon loo eegin gobolka ay ku nool yihiin.