Dad ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Drone ay Isarel ku bartilmaameedsatay xaafadaha Zeitoun iyo Shujaaciya ee Gaza
Xarunta Warbaahinta Falastiin ayaa Sabtidii sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa'iil leedahay ay bartilmaameedsatay xerada ku taal Iskuulka Al-Zahraa ee xaafadda Shuja'iyya, oo ku taal bariga magaalada Gaza, iyadoo rasaas iyo duqeymo joogto ah ay ka dhacayeen qaybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza.
Xaruntu waxay sheegtay in rasaas lagu furay bariga Magaalada Gaza, taasoo ugu yaraan hal qof ku dhaawacday xerada dugsiga Al-Zahraa ee xaafadda Shuja'iyya.
Xaruntu waxay sidoo kale sheegtay in saddex muwaadin lagu dilay qaar kalena lagu dhaawacay weerar kale oo ka dhacay xaafadda Zeitoun, bariga Magaalada Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in 19 qof ay dhinteen 60 kalena ay dhaawacmeen, kuwaas oo gaaray isbitaallada Marinka intii uu socday weerarka 48 saacadood ee lasoo dhaafay.
Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa ku warramay in duqeyn cirka ah ay Israa'iil Jimcihii ku dishay siddeed qof meel u dhow suuq ku yaal bartamaha Marinka Gaza, halka militariga Israa'iil ay ku dhawaaqeen inay bartilmaameedsadeen "unug argagixiso ah".
Xamaas iyo Israa'iil ayaa is dhaafsaday eedeymo midba midka kale uu ujeedinayo oo ah inay jebiyeen xabad joojintii lagu dhawaaqay Oktoobar 2025, laba sano ka dib markii uu qarxay dagaalkii bilaabmay Oktoobar 2023.
Israa'iil waxay sii waddaa duqeymaha cirka iyo madaafiicda ee joogtada ah ee ay ka geysanayso marinka Qaza, oo ay ku haysato in ka badan 60 boqolkiiba, taasoo keentay dhimasho, dhaawac, iyo burbur dheeraad ah, iyadoo ay jirto xaalad bani'aadamnimo oo daran.