Maxay ku kala doorataa kaneecadu dadka ay qaniineyso?

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxa uu jirkeyga kaneecada u soo jiitaa sida birlabka. Meel kasta oo aan adduunka ka aado marka aan fasaxa ku jiro, waxaa xaqiiqo ah in kaneeco in qaniinto

Qaniinyada kaneecadu waxay maqaarkayga ku reebtaa finan waaweyn oo cuncun badan, kuwaas oo toddobaadyo ka sii muuqda maqaarka.

Sida ay aniga kaneecada ii qaniinto si la mid ah uma qaniinto saaxiibadey ila deggan guriga. Marar dhif ah ayey qaniintaa. Hadii ay taas dhacdana jirkooda dhaqso ayey uga baaba'daa

Saaxiibbaday waxay inta badan igula kaftamaan in dhiiggaygu "aad u cusb yahay", taasna ay keento qaniinyada kaneecada, ayey tiri qoraalka warbixintan Like Catherine.

Jirkeennu wuxuu sii daayaa calaamado kala duwan oo dabiici ah, sida neefta iyo urka ka soo baxa. Calaamadahan ayaa go'aamiya qofka ay kaneecadu aadeyso. Dadka qaarkood, calaamadahani aad bay u xooggan yihiin, taas oo keenta in kaneecadu si dabiici ah u jeclaato.

Sidee kaneecdu ku ogaato dadka u dhow?

Kaneecada dheddigga ah oo kaliya ayaa qaniinta dadka. Dhiigeena waxay ka heshaa borotiinka ay ukumaheeda ku koraan, sidaas ayeyna u jeceshahay.

Ilaa 10 mitir ayey kaneecada ka soo ogaan karta qofka ay qaniineyso. Waxay leeyihiin dareemo iyo arag ay ku ogaadaan.

Neefta aan hawada ku sii deyno iyo maqaarkeena ayaa qeyb ka qaata in kaneecada na ogaato.

Kaarboon laba ogsaydhka ku jira neefteena ayaa kaneecada u sheega in aan joogno meel dhow. Marka ay calaamaddan hesho, waxay billowdaa in ay raadiso qofkaas, una dhaqaaqdo dhiniciisa.

Kaneecada waxay carruurta ka jeceshahay dadka waa weyn oo inta badan ay aado. Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay neeftooda oo aad uga badan tan ciyaalka.

Kaneecada ma aado oo kaliya dadka ee si doo kale aadaa waxybaaha kale ee sii daaya kaarboon laba ogsaydhka. Dabinada loo dhigo ayaana sii daaya kaarboon soo jiita kaneecada.

Kaneecadu waxay sidoo kale jeceshahay kulaylka jirka

Cilmi-baaris ayaa muujisay in kulaylka iyo qoyaanka jirka qofka uu soo jiito kaneecada. Sababtaas awgeed, waxaa suuragal ah in haweenka uurka leh ay kaneeco qaniinto si ka badan haweenka kale.

Kaneecada waxay inta badan aadaa dadka jimicsiga sameeya ama hawlaha culus maadama uu kuleyl iyo uru sii deynayo jirkooda.

Sidoo kale, dadka miisaankoodu culus yahay ayaa guud ahaan kaneecada soo jiita. Sababta ayaa lagu sheegay in jirkoodu uu soo saaro kulayl badan, isla markaana uu sii daayo kaarboon badan.

Urka maqaarku ma go'aamiyaa qofka ay kaneecadu qaniini doonto?

Marka kaneecadu u soo dhowaato bartilmaameedkeeda oo ay u soo jirto wax ka yar 10 mitir, waxay ku aqoonsataa halka ay dooneyso calaamado kala duwan, waxaana ka mid ah urka maqaarka iyo kuleylka jirka.

"Urka ayaa waxwalba saldhig u ah. Qofka ay keencada qaniineyso waxay ku doortaa urka ka soo baxaya. Kala duwanaanshaha kiimikooyinka uu jirku sii daayo ayaa taas go'aamiya. Kaneecadu waxay ku nooshahay adduun ay saldhig u yihiin kiimikooyin", ayuu yiri Prof. Steve Lindsay.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Rockefeller ee dalka Maraykanka ayaa daraasad ku sameeyay urka maqaarka 64 qof. Ka qeybgalayaasha daraasadda waxaa loo sheegay in ay xirtaan dhar naayloon ah ilaa muddo lix saacadood. Kaddib waxaa loo fasaxay oo lagu soo daayay kaneeco si ay u doorto qofka ay dooneyso in ay qaniinto.

Natiijada waxay noqotay in keencada ay dooratay kuwa soo daayay karboon badan. taasna waxaa lagu ogaaday in keencada ay inta badan aado kuleylka oo aysan aadin nooca dhiigga qofka.

Waxyaabaha kale ee go'aamiyo in keencadu ku soo aado waxaa ka mid ah noolayaasha yar yar ee ku nool jirkeena.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Wageningen ee dalka Netherlands ayaa ogaaday in kaneecada gudbisa duumada ay aado dadka maqaarkoodu leeyahay noocyada kala duwan ee bakteeriyada.

Bakteeriyada maqaarka ayaa la sheegay in ay door weyn ka qaadato urka jirka. Xaqiiqdu waxay tahay, haddii aanay bakteeriyo ku noolaan lahayn maqaarka, dhididka qofka wuxuu yeelan lahaa ur aad u yar ama maba lahaadeen wax ur ah.

Qaniinyada kaneecadu si kala duwan ayay u saamaysaa dadka

Dadka oo dhan isku si uma saameyso qaniinyada kaneecada. Daraasad ballaaran oo hidde-sideyaal ah ayaa lagu ogaatay in hidde-sideyaasha hab-dhiska difaaca jirka ay si dhow ula xiriiraan sida uu jirkeennu uga falcelinayo qaniinyada kaneecada.

Inkastoo kaneecada ay dadka oo dhan qaniinto, hadana dadka qaar ayey si weyn u saameeysaa.