Waa maxay sababta heerka hormoonka testosterone loogu tixgeliyo halbeeg lagu galo ciidamada Maraykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Maraykanku ay bilaabi doonaan baaritaanka heerka hoormoonka testosterone ee ragga da'doodu tahay 30 sano iyo wixii ka weyn, iyadoo baaritaankan uu qayb ka noqon doono hubinta caafimaadka ee sannadlaha ah.
Muuqaal uu ku daabacay barta X, oo cinwaankiisu ahaa "High-T Department", ayuu Hegseth ku sheegay in ciidamada loo oggolaan doono in laga baaro heerka testosterone si loo ogaado inay leeyihiin heerka hoormoonka ee lagama maarmaanka u ah inay gutaan waajibaadkooda ciidan si hufan oo heer sare ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in askarta lagu ogaado heer hoose oo testosterone ah loo soo bandhigi doono, haddii ay iyagu doortaan, daaweynta beddelka hoormoonka (Hormone Replacement Therapy – HRT).
Dadka ka yar 30 sano jir sidoo kale way mari karaan baaritaankan haddii ay u arkaan inuu ku habboon yahay xaaladdooda.
Ilaa hadda lama caddeyn in baaritaankan sidoo kale lagu samayn doono haweenka. Haweenkuna sidoo kale waxay la kulmi karaan hoos u dhac ku yimaadda heerka testosterone marka ay da'doodu sii korodho.
Muuqaalkaas, Hegseth wuxuu ku yiri: "Waxaan rabnaa inaan dagaalyahannadeenna siino daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan dunida. Barnaamijkani wuxuu fulinayaa waajibaadkaas."
Daaweynta beddelka hoormoonka testosterone ma yeelan doontaa faa'iido?
Hegseth wuxuu sheegay in diiradda la saarayo caafimaadka muddada dheer ay tahay in la hubiyo in askartu ay sii ahaadaan kuwo xooggan oo awood u leh inay waajibaadkooda gutaan si hufan.
Wuxuu sharraxay in arrintani aysan ku koobnayn oo keliya waxqabadkooda inta ay shaqada ku jiraan, balse ay sidoo kale khusayso noloshooda ka dib marka ay ka fariistaan ciidamada, iyadoo laga caawinayo inay sii ahaadaan kuwo caafimaad qaba oo xoog leh muddo dheer kadib markay ka baxaan adeegga milatariga.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Maraykanka ay si adag u mamnuucaan isticmaalka hoormoonka testosterone iyada oo aan dhakhtar qorin, haddii ujeeddadu tahay in lagu kordhiyo murqaha ama lagu dhiso jirka.
Hegseth wuxuu sheegay in barnaamijkan aan loogu talagelin in si aan caadi ahayn kor loogu qaado awoodda jireed ee askarta, balse uu ujeeddadiisu tahay in la daweeyo askarta qaba yaraanta hoormoonka testosterone ee u baahan daaweyn caafimaad.
Afhayeenka Pentagon, Sean Parnell, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in laga bilaabo hadda, baaritaanka heerka testosterone uu noqon doono mid khasab ku ah dhammaan askarta ku jirta adeegga joogtada ah iyo kuwa kaydka ah ee da'doodu tahay 30 sano iyo wixii ka weyn.
"Waa baaritaanno bixiya xog muhiim ah oo aasaasi u ah caafimaadka askarta. Kuwa lagu ogaado inay u baahan yihiin daaweynta testosterone waxaa la siin karaa daaweyntaas si loo helo ciidan caafimaad qaba, karti leh oo xooggan," ayuu yiri.
Pentagon kama uusan jawaabin su'aal ku saabsan in baaritaannadan lagu samayn doono dhammaan ragga iyo haweenka, sidoo kalena ma uusan caddeyn in la tixgelin doono bixinta daaweynta estrogen ee haweenka galaya marxaladda kala-guurka ee ka hor istaagga caadada.
Senatarka xisbiga Democratic ee gobolka Illinois, Tammy Duckworth, oo ah halyeey ka qayb qaatay Dagaalkii Ciraaq isla markaana xubin ka ah Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Senate-ka, ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in baaritaannada hoormoonnada loo heli karo ragga iyo haweenka labadaba.
Dhanka kale, xildhibaannada xisbiga Democratic ee gobolka Pennsylvania, Chrissy Houlahan, ayaa cambaareysay hadalladii Hegseth.

Xigashada Sawirka, Getty Images
In la fududeeyo helitaanka daaweynta testosterone
Dr. Mohit Khera ayaa BBC u sheegay in dhammaan ragga da'doodu tahay 30 sano iyo wixii ka weyn ay tahay in laga baaro heerka hoormoonka testosterone. Sannadkii hore, wuxuu hoggaaminayay guddi khubaro ah oo ka tirsan Hay'adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka (FDA) oo ka hadlayay isticmaalka iyo baaritaanka testosterone ee ciidamada Maraykanka. Wuxuu sheegay in baaritaannadan ay muhiim u yihiin qiimeynta caafimaadka qofka hadda iyo mustaqbalkaba.
"Rag badan oo da'yar ayaa leh heerar hoose oo testosterone ah. Tani waxay keentaa hoos u dhac ku yimaadda awoodda murqaha iyo kartida shaqooyinka culus. Taasi waxay dhibaato ku noqon kartaa goobta dagaalka," ayuu yiri Khera, oo ah borofisar ku takhasusay cudurrada kaadi-mareenka ee Kulliyadda Caafimaadka ee Baylor.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in daaweynta beddelka testosterone (TRT) lagu bixin karo oo keliya marka qofku leeyahay calaamado u baahan daaweyn caafimaad, isla markaana taxaddar weyn loo baahan yahay ka hor inta aan la bilaabin daaweynta.
Wuxuu sheegay in daaweyntaas ay yeelan karto faa'iidooyin ay ka mid yihiin:
- Kordhinta awoodda murqaha
- Yaraynta dufanka jirka
- Hoos u dhigista khatarta niyad-jabka
- Xoojinta lafaha muddo dheer
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in daaweyntani aysan ku habboonayn qof walba.
"Haddii ragga da'da yar ay isticmaalaan testosterone, waxay hoos u dhigi kartaa awooddooda taranka. Ragga ku jira da'da dhalmada waa in arrintan hore loogu wargeliyaa. Sidoo kale waxay wax yar kordhin kartaa khatarta cudurrada wadnaha," ayuu yiri.
Ku dhawaaqista Hegseth waxay timid xilli Wasiirka Caafimaadka Maraykanka, Robert F. Kennedy Jr., iyo saraakiil kale ay isku dayayaan inay meesha ka saaraan caqabadaha ka hor istaaga dhakhaatiirta inay ragga u qoraan daawooyinka testosterone.
Wasiirka Caafimaadku wuxuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay xal loogu raadinayo dhibaatada qaran ee hoos u dhaca awoodda dhalmada ee Maraykanka.
Bishii la soo dhaafay, FDA waxay soo jeedisay in laga saaro qaar ka mid ah digniinaha ku saabsan badbaadada iyo waxtarka ee ku qoran calaamadaha daawooyinka daaweynta beddelka testosterone, isla markaana la sii dabciyo xeerarka lagu maamulo bixinta daawooyinkaas bukaannada.















