Maxay haween badan u qariyaan astaamaha caado-goyska?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadihii u dambeeyay waxaa jiray isbeddello dhiirrigelin leh. Tusaale ahaan, laga bilaabo sanadkan, baaritaannada la xiriira caadp-goyska ayaa si rasmi ah loogu daray baaritaannada caafimaad ee joogtada ah ee dumarka ka weyn 40 sano ee dalka Ingiriiska.
Sahan ay samaysay Jaamacadda College London oo lagu wareystay ku dhowaad 1,600 oo haween ah, kaas oo la daabacay bishii Oktoobar, ayaa muujiyay in in ka badan 75% ay sheegeen inaanay aqoon ku filan u lahayn waqtiga ay ku jiraan caado-go'a. Tani waxay caddeyn u tahay in weli ay jirto farqi weyn oo dhinaca wacyiga ah.
Haween badan ayaa sidoo kale sheegaya in ka hadalka menopause-ka weli loo arko arrin laga xishoodo, taas oo ka dhigaysa inay ku adkaato inay si furan uga hadlaan.
Haweeney lixdan jir ah oo ah bare jaamacadeed isla markaana ku takhasustay siyaasadda bulshada ayaa fariin usoo dirtay mid kamid ah shaqaalaha iyadoo sheegtay inay iyada iyo haweenka ay wada shaqeeyaan bartaan inay kaftan ka sameeyaan waxa ay ugu yeerto "daqiiqadaha menopause-ka". Hase yeeshee waxay qiratay in xaaladdu weli tahay mid laga xishoodo. Balse qarinta calaamadaha menopause-ku waxay noqon kartaa culays nafsiyeed oo aad u weyn.
Dr. Finola Barton oo ah dhakhtar guud isla markaana ku takhasustay caado-goyska kana tirsan Ururka Menopause-ka ee Britain ayaa tiri:
"Tamarta lagu bixiyo in la iska dhigo qof wax walba caadi ka yihiin ama lagu daboolo caqabadaha ay dumarku wajahaan waxay si weyn u dhammaysaa awooddooda, waxayna sababtaa inay si degdeg ah u dareemaan daal iyo tabar-darro marka cadaadis yimaado."
Waxay aaminsan tahay in tani ay si weyn u kordhin karto halista daalka joogtada ah, isla markaana ay mudan tahay in la isweydiiyo in qarinta calaamadahani ay iyaduba dhaawac ku tahay nolosha haweenka.
Qarinta calaamadaha Caado-goyska iyo halista daalka maskaxda
Hay'adda NHS waxay diiwaangelisay 34 calaamadood oo kala duwan oo la xiriira menopause-ka. Qaar ayaa ka duwan kuwa kale, balse intooda badan waxay si weyn u carqaladayn karaan nolol maalmeedka gabada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haweeney la hadashay kooxda ayaa sheegtay in hoos u dhaca hormoonka estrogen uu ku sababo qallayl gudaha xubinta taranka ah, taas oo gaarsiisay heer xitaa socodku uu ku noqday mid xanuun badan.
Saaxiibaday mid ka mid ah ayaa ii sheegay inuu la ildaran yahay dhibaato kaadi hayn la'aan ah. Wuxuu sheegay in dhibaatadu ay si kedis ah ugu bilaabatay, mararka qaarkoodna aanu gaarin musqusha waqtigeeda.
"Arrintani waa waxa iigu dhibka badan," ayuu tiri, isagoo intaa ku daray in sababtaas darteed aysan doonayn inuu ku laabto goobta shaqada, balse uu doorbideyso inuu guriga ka shaqeeyo.
Haweeney kale ayaa sheegtay inay iska ilaaliso ka qaybgalka kulamada bulshada, sababtoo ah daalka maskaxda darteed waxaa ku adkaata in ay la socoto waxa ay dadku ka hadlayaan.
Dad kale oo badan aya nala wadaagay xeeladaha ay ku maareeyaan xaaladdan. Qaar kamid ah waxa ay inoo sheegeen in marka ay shaqeenayaan ay miisaskooda shaqada saaraan marawaxado si ay uga yareeyaan kulaylka degdegga ah ee ku dhaca jirka, halka kuwo kale, waxa ay sameeyaan qoraal gaa-gaaban si aysan u hilmaamin waxa kusoo dhaca.
Dhinac marka laga eego, dadaalladani waxay muujinayaan hal-abuurka iyo adkaysiga haweenka, inkastoo ay la tacaalayaan calaamado mararka qaarkood aad u culus, haddana sii wada shaqadooda iyo nolol maalmeedkooda.

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Fiona Clark oo qortay buugga The Battles of Menopause ayaa sheegtay in dumar badani ay maraan marxalado isdaba joog ah.
"Marka hore waxay galaan jahawareer iyo diidmo, dabadeed waxay maraan marxalad murugo ah, ugu dambayntiina waxay gaaraan aqbalaad," ayay tiri. Waxay intaa ku dartay: "Laakiin marka aad calaamadaha aad dareemeyso aad qariso waxaad sidoo kale joojinaysaa raadinta daaweynta iyo taageerada aad u baahan tahay."
Marka aad ku jirto shaqo maalmeedkaaga qarinta menopause-ka goobta shaqadu waxay noqon kartaa caqabad weyn. Sida lagu sheegay warbixin hore oo la daabacay 2024, ku dhowaad afar milyan oo haween ah oo da'doodu u dhaxayso 45 ilaa 55 sano ayaa ka shaqeeya gudaha dalka Ingiriiska, waana da'da ugu badan ee menopause-ku ku dhaco.
Joe Brewis oo ah bare maamulka shaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Open University Business School ayaa sheegay in marka dadku ay calaamadahooda qariyaan ay taasi leedahay kharash qarsoon. Dhaqaaleyahannadu waxay kharashkaas ku cabbiraan hoos u dhaca tayada iyo wax-soo-saarka shaqada. "Tamarta iyo dadaalka lagu bixiyo qarinta xaaladda waxay qofka ku kordhiyaan culays nafsi iyo jireed oo dheeraad ah," ayuu yiri.
Coodo-go'a dartiis qaar ka mid ah haweenka ayaa xitaa shaqada isaga taga. Warbixin ay Fast Company daabacday sannadkii 2022, oo ku salaysnayd sahan laga qaaday 4,000 oo haween British ah, ayaa lagu qiyaasay in 10-kii haween ee shaqeeya da'doodu u dhaxayso 40 ilaa 55 sano, mid ka mid ahi ay shaqada uga tagtay calaamado daran oo menopause ah.
Joe Brewis wuxuu intaa ku daray: "Cadaadiskan ayaa sababi kara in haweenku ay iyagu is xaddidaan, sida inay ka baaqsadaan codsashada dallacaad ama xitaa ay aqbalaan shaqo mushahar hoose leh si ay ula qabsadaan xaaladdooda."
Wuxuu sidoo kale sheegay: "Dadku waxay sameyn karaan dadaal dheeraad ah si aysan dadka kale ugu muuqan kuwo shaqadoodu hoos u dhacday. Tusaale ahaan, haddii ay la kulmaan calaamado ay ka mid yihiin daalka, waxay shaqeyn karaan saacado dheeraad ah si ay marar badan dib ugu hubiyaan shaqadooda oo aysan wax khalad ah uga harin."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Melissa Melby, oo ah borofisar ku takhasustay cilmiga bulshada (Anthropology) kana tirsan Jaamacadda Delaware, ayaa ku raacsan in dalalka Reer Galbeedka ay ka jirto aaminsanaan xooggan oo ah in caadada oo joogsata (menopause) ay tahay marxalad aad u adag oo dhib badan, isla markaana noloshu ay markaas ka dib u gudubto heer hoos u dhac iyo gabow.
Waxay tiri: "Badanaa dumarka waxa keliya ee loo soo bandhigaa waa liis ay ku qoran yihiin xanuunnada iyo calaamadaha taban, waxaana had iyo jeer laga hadlaa dhibaatooyinka. Laakiin marna si dhab ah looma weydiiyo in muddadaas ay la kulmeen waxyaabo wanaagsan iyo in kale. Marka su'aaluhu ku koobnaadaan dhinacyada xun oo keliya, sawirka maskaxda ka samaysmaya isaguna wuxuu noqdaa mid gebi ahaanba taban."
Waxay sheegtay in tobankii sano ee ay la noolayd, ka shaqaynaysay, islamarkaana la dhaqmayey haweenka Japan, ay baratay in qofku rajo iyo niyad wanaagsan ku wajihi karo wejiga xiga ee noloshiisa.
Anigu, si kastaba ha ahaatee, weli sidaas uma arko. Haddii ninkaygu hadda ii sheego wax sidan oo kale ah, ma hubo in aan dammaanad qaadi karo badbaadadiisa! Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in ay fikraddani xambaarsan tahay cashar muhiim ah: halkii aan si xad-dhaaf ah diiradda u saari lahayn isbeddellada calaamadaha, waxaa habboon in aan eegno sawirka guud ee nolosha.
Ma jiro hal xal oo qof walba ku habboon

Xigashada Sawirka, Universal Images Group via Getty Images
Xilliga caado-goyska wuxuu maanta noqday suuq ganacsi oo aad u ballaaran. Laga billaabo nafaqo-kaabyada, barnaamijyada lagula socdo calaamadaha, qalabka daaweynta sida suumanka madaxa lagu xirto, illaa la-taliyayaasha hab-nololeedka, dhammaantood waxay qayb ka noqdeen warshaddan. Xitaa hab-raacyada baraha bulshada ayaa si joogto ah ii tusaya xayeysiisyo ku saabsan daaweymo dabiici ah oo loogu talagalay haweenka da'da dhexe.
Qiimaha suuqa badeecooyinka la xiriira caadogoyska-ka ayaa sannadkii 2024 lagu qiyaasay in uu ka badan yahay 17 bilyan oo doollar, waxaana la filayaa in uu dhaafo 24 bilyan oo doollar marka la gaaro sannadka 2030.
Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu waxay tahay in inta badan xalalkaas mid keliya aanu ku filnayn.
Marwo Brewis waxay ku adkaysanaysaa in goobaha shaqada loo baahan yahay in dadka loo shaqeeyaa ay si xeel dheer oo xasaasi ah u taageeraan shaqaalahooda. Waxay qabtaa in maamuleyaasha la tababaro si ay u ogaadaan sida loo maareeyo wada-hadallada noocan ah iyo sida loogu waafajin karo xaaladaha shaqada baahiyaha qof kasta. Waxay sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in caado-goyska si rasmi ah loogu aqoonsado sabab sax ah oo fasax shaqo lagu qaadan karo.
Waxay intaas ku dartay: "Dadka qaarkood marnaba ma jecla in ay goobta shaqada kaga hadlaan menopause-kooda, iyadoon loo eegin sida ay hay'addoodu u taageerto. Taasi waa xuquuqdooda. Hase yeeshee, tallaabooyinka wax ku oolka ahi waxay abuuri karaan jawi ay dadku si furfuran uga hadlaan arrintan, isla markaana ay yareeyaan culayska iyo ceebaynta ku xeeran."
Ugu dambayntii, waxaan garwaaqsaday in habka aan u fikirno iyo sida aan wax u aragno ay door aad u muhiim ah ka ciyaaraan.
In ka badan 70 sano ka hor, Margaret Mead oo ahayd aqoonyahanad Maraykan ah oo hormuud ka ahayd cilmiga bulshada, ayaa soo bandhigtay fikradda ay ugu magac dartay "firfircoonida ka dambaysa caado goyska."
Waxay sannadihii 1950-meeyadii tiri: "Adduunka oo dhan ma jiro awood ka weyn firfircoonida haweeneyda ka dib marka ay gasho caadogoyska."
Sidaas darteed, hadda fikirkan togan ayaa ah rajada ay qaar badan oo naga mid ahi ku tiirsan yihiin.
Aniguna waxaan doonayaa in aan ku dheganaado rajadaas inta ay lagama maarmaanka tahay, in aan dhiirrigelin ka qaato hab-fikirka haweenka Japan, islamarkaana aan si dhab ah u sii wato daawaynta isbeddelka hormoonnada.
Intii ay socdeen doodihii iyo dareen-wadaaggii ka dhashay waayo-aragnimadaydii la xiriirtay jahawareerka maskaxda (brain fog), waxaan ogaaday xaqiiqo qalbiga dejinaysa, taas oo ah: in aanan kaligay ku ahayn safarkan.















