Xuutiyiinta Yemen ayaa uga digay Sacuudi Carabiya inay bartilmaameedsan doonaan xarumaha shidaalka iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah haddii uu sii xoogeysto dagaalka u dhexeeya labada dhinac.
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdulmaalik Al-Xuuti, ayaa sheegay: "Haddii Sacuudi Carabiya ay bilowdo weerar ballaaran oo ka dhan ah dalkeenna isla markaana ay sii huriso xiisadda, dhammaan xarumaheeda shidaalka iyo goobaha muhiimka ah waxay noqon doonaan bartilmaameedka gantaalladayada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn."
Xuutiyiintu waxay ku eedeeyeen Sacuudiga inuu Isniintii weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyagoo sheegay inay arrintaas uga jawaabeen weerar ay ku qaadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.
Is-weydaarsiga weerarradan ayaa lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee dhex mara labada dhinac tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sanadkii 2022.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, Cabdulmaalik Al-Xuuti ayaa sidoo kale ku hanjabay in Garoonka Diyaaradaha ee Riyadh la beegsan doono haddii weerarro kale lagu qaado Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.
Wuxuuna yiri: "Isla'egtu waa: garoon haddii al beegsado waxaan beegsanaynaa garoon, deked haddii la beegsado deked layaan beegsanaynaa, go'doominna go'doomin ayaan ku beddelaynaa."
Dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Cadan, isla markaana ay taageerto Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay in weerarkii Isniintii lagu qaaday Garoonka Sanca looga gol lahaa in laga hortago diyaarad laga leeyahay Iran oo doonaysay inay halkaas ka degto.
Muddo ka badan toban sano, diyaaradaha galaya hawada Yemen waxaa looga baahnaa inay oggolaansho hore ka helaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya. Dowladda Yemen iyo taageerayaasheeda ayaa ku doodaya in Xuutiyiinta iyo Iran ay nidaamkaas caqabad ku noqdeen iyagoo bilaabay duulimaadyo toos ah oo Iran uga yimaada Sanca.