Sida isbeddelka cusub ee WhatsApp uu caqabad ugu noqon karo dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Soomaaliya waxay leedahay dhaqaale si weyn ugu tiirsan macaamillada lacagaha moobaylka lagu kala diro
    • Author, Basillioh Rukanga
    • Author, Priyanka Sippy
    • Role, Focus on Africa podcast
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay BBC-da inay ka walaacsan tahay qorshaha WhatsApp ee lagu soo bandhigayo astaan cusub oo u oggolaanaysa dadka inay ku wada xiriiraan taasoo ah magacyo isticmaale halkii ay ka adeegsan lahaayeen lambarrada taleefannada. Dowladda ayaa sheegtay in arrintani ay khatar ku noqon karto amniga.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Axmed Cismaan Diiriye, ayaa sheegay in astaantan cusub ay adkayn karto raadraaca iyo la-dagaallanka dembiilayaasha, xilli Soomaaliya ay weli la tacaalayso mintidiinta Islaamiga ah.

Waxaa la filayaa in bilaha soo socda WhatsApp uu u hirgeliyo astaantan cusub saddexda bilyan ee isticmaale ee uu dunida ku leeyahay, taasoo u oggolaan doonta dadka inay magacyadooda isticmaale ka saaraan ama beddelaan waqti kasta.

Soomaaliya ayaa muddo ka badan labaatan sano la daalaa-dhacaysay kacdoon hubeysan oo dhiig badan ku daatay, kaas oo ay hoggaaminayso al-Shabaab, oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida.

Iyadoo ka jawaabaysa walaaca ay muujisay dowladda Soomaaliya, WhatsApp ayaa BBC-da u sheegtay in astaantan cusub aan weli la hirgelin, isla markaana isticmaalayaashu ay weli u baahan doonaan lambar taleefan si ay u adeegsadaan barnaamijka. Waxay sidoo kale sheegtay in astaantan lagu daray tallaabooyin amni oo loogu talagalay ka hortagga khiyaanooyinka.

Hase yeeshee, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, Axmed Cismaan Diiriye, ayaa u sheegay barnaamijka BBC Focus on Africa in dowladda Soomaaliya ay arrintan kala hadashay Meta, oo leh WhatsApp, isla markaana ay rajaynayso in "arrintan xal looga gaadhi doono si dhakhso ah."

Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay leedahay xaalad u gaar ah, maadaama dhaqaalaha dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay macaamillada lacagaha moobaylka lagu kala diro.

Wuxuu sheegay in magacyada isticmaale ee aan la xaqiijin karin isla markaana aan si fudud loo raadraaci karin ay kordhin karaan halista khiyaanooyinka maaliyadeed, isla markaana muwaadiniinta ka dhigi karaan kuwo u nugul dadka wax isdaba mariya.

Kooxda al-Shabaab ayaa sidoo kale la og yahay inay WhatsApp u adeegsato hawlaheeda, oo ay ku jiraan baad iyo dacaayad.

Sannadkii 2024, Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay 20 kooxood oo WhatsApp ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay al-Shabaab u adeegsanaysay baad iyo cabsi-gelin.

Hay'addu waxay sidoo kale sheegtay inay hakisay adeegga xogta ee ku dhowaad 2,500 lambar oo taleefan, kuwaas oo lala xiriiriyay kooxahaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Axmed Cismaan Diiriye, ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo Soomaaliya ay si wax ku ool ah u maamusho lambarrada taleefannada ee dalka laga isticmaalo, haddana astaanta cusub ee WhatsApp ay wiiqi karto nidaamkaas.

Walaaca Soomaaliya ayaa daba socda cabasho la mid ah oo ay hore u muujisay Hindiya, oo ah suuqa ugu weyn ee WhatsApp, kana leh in ka badan 850 milyan oo isticmaale.

Horaantii bishan, dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay rumaysan tahay in adeegsiga magacyada isticmaale uu kordhin karo khiyaanooyinka internetka, isu ekaysiinta dadka kale iyo dambiyo kale, maadaama uu u oggolaanayo dembiilayaasha inay la xiriiraan dadka ay bartilmaameedsanayaan iyagoo aan shaacin lambarradooda taleefan.

Hindiya waxay sidoo kale ka codsatay shirkadda in aan la hirgelin astaantan cusub ilaa laga gaarayo wadatashi dowladda ku qanciya.

Wasiir Diiriye ayaa sheegay in ku xirnaanshaha akoonka WhatsApp lambar taleefan ay u sahasho hay'adaha amniga inay daba galaan dembiilayaasha.

"Waxaan aaminsanahay in ka guurista isticmaalka lambarrada taleefannada loona wareegayo magacyada isticmaale ay nagu adkayn doonto la-dagaallanka dambiyadaas," ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli u baahan tahay dammaanad dheeraad ah oo ka timaadda Meta, inkastoo shirkaddu sheegtay inay dejisay hannaan lagaga hortagayo dambiyada internetka ee ka dhici kara WhatsApp.

Wuxuu Meta ka dalbaday inay caddeyso in qarinta lambarrada taleefannadu aysan wiiqayn awoodda lagu raadraaci karo dadka ku lug leh dambiyada dijitaalka ah, isla markaana ay soo bandhigto tallaabooyin amni oo gaar ah oo lagaga hortagayo khiyaanooyinka maaliyadeed.

"Haddii ay taas caddeeyaan, isla markaana aan ku heshiinno hirgelinta tallaabooyinka amniga ee lagama maarmaanka ah, markaas wax diidmo ah kama qabno in la soo bandhigo astaantan cusub," ayuu yiri.

Shabab

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada al-Shabaab ayaa la og yahay inay WhatsApp u adeegsadaan hawlgalladooda

Sida uu qabo Moses Kemibaro, oo ah qoraa iyo falanqeeye tiknoolajiyadeed oo diiradda saara Afrika, astaanta cusub ee WhatsApp waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo asturnaanta isticmaalayaasha.

Wuxuu aaminsan yahay in isbeddelkani uu qayb ka yahay horumarka WhatsApp si uu ugu ekaado adeegyada kale ee Meta, sida Instagram, halkaas oo aqoonsiga isticmaaluhu aanu ku xirnayn lambar taleefan.

"Waxay u muuqataa in fikraddu tahay in adeeggu u shaqayn karo si ka madax-bannaan lambarka taleefanka, isla markaana qofku yeesho hal aqoonsi oo keliya," ayuu yiri.

Inkasta oo arrintani ay dadka u sahlayso wada-xiriir gaar ah oo asturan, Kemibaro wuxuu sheegay in dalalku ay leeyihiin walaac sharci ah oo ku saabsan saamaynta ay ku yeelan karto amniga.

"Waa arrin aad u xasaasi ah marka la eego suurtagalnimada in ay kordhaan khiyaanooyinka iyo falalka khatarta ah ee ka dhalan kara isbeddelkan cusub," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Meta looga baahan yahay inay si cad u sharraxdo saamaynta isbeddelladan, oo ay ku jirto in hay'adaha sharci fulintu awood u yeelan doonaan iyo in kale inay qofka ka dambeeya magac isticmaale ku xiriiriyaan dambi kasta oo lagu galo.

Khabiirka amniga ee u dhashay Kenya, George Musamali, ayaa qayb ahaan ku raacay aragtidaas, isagoo sheegay in waxa WhatsApp samaynayso ay gacan ka geysanayso ilaalinta asturnaanta isticmaalayaasha.

Wuxuu sheegay in marka dadku ka cabanayaan in xogtooda laga soo qaaday kooxaha WhatsApp oo si khaldan looga faa'iidaystay, eedda badanaa lagu jeediyo shirkadda tiknoolajiyadda.

Waxaa kale oo jiri kara xaalado ay dowladaha qaarkood u adeegsadaan xogta lagu wadaago kooxaha WhatsApp si ay u bartilmaameedsadaan dadka dhaliila, taas oo Musamali uu ku dooday inay suurtagal tahay inay tahay waxa Meta isku dayayso inay ka hortagto.

Ugu dambayn, wuxuu soo jeediyay in dowladaha qaarkood laga yaabo inay ku degdegayaan go'aan qaadashada, isagoo xusay in loo baahan yahay in la helo isu dheellitir u dhexeeya ilaalinta asturnaanta iyo sugidda amniga.