PSF oo sheegtay inay ka tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Puntland oo war kasoo saartay hawlgalkeedii Laag

Xigashada Sawirka, PSF
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Kadib iska hor imaad dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF ayaa labada dhinac waxay soo saareen hadalo ku aadan dagaalkii dhexmaray, iyaga oo sidoo kale eedo isku jeediyay.
BBC du waxay xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.
Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.
"Wuxuu ahaa hawlgal amni, mana ahayn hawlgal dagaal," ayuu yiri Cabdikhaaliq Awil.
Sida uu sheegay, ciidamadu waxay isku dayeen inay la xiriiraan saraakiisha dhinaca kale, balse taa beddelkeeda waxaa bilowday rasaas socotay ilaa salaaddii subax.
Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay "inaanay jirin askar ama dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay iska horimaadka", inta uu isagu og yahay, inkastoo BBC aysan si madax bannaan u xaqiijin karin sheegashadaas.
Dhanka kale, Puntland ayaa BBC-da u sheegtay inay ku ekaanayso war saxaafadeed ay hore u soo saartay .
War saxaafadeedkaas ayay Puntland ku sheegtay in ciidamadeedu ay "hawlgal amni oo qorshaysan" ka fuliyeen deegaanka Laag, isla markaana ay muddooyinkii dambe halkaas ka socdeen "falal amni darro iyo qalqal gelin."
Waxay kaloo sheegtay in hawlgalka lagu soo afjaray kooxo hubeysan oo "dhibaato ku hayay amniga, xasilloonida iyo nabadda Puntland."

Xigashada Sawirka, Social Media
Puntland waxay intaa ku dartay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub iyo rasaas, isla markaana ay sii wadi doonaan hawlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga iyo xasilloonida.
Wareysiga BBC-da, Cabdikhaaliq Awil wuxuu diiday in PSF ay ahayd koox hubeysan oo falal amni darro waday.
Wuxuu sheegay in PSF ay tahay ciidan loo aasaasay la dagaallanka argagixisada, isagoo xusay hawlgallo ay hore uga qeyb qaateen oo ay ka mid yihiin dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee Galgala.
Dhanka kale war saxaafadeed lagu daabacay boggaga Facebook ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa lagu eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya, "in ay qayb ka tahay abaabulka ciidamadaan".

Xigashada Sawirka, PSF
Yay hoos tagaan ciidamada PSF?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar la weydiiyay cidda ay PSF hoos tagto, Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay in ciidanka uu hadda ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dowladda federaalka.
"PSF waa ciidan federaal ah oo hoos taga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed," ayuu u sheegay BBC.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay ciidamo ka diiwaangelinayso gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug.
BBC ayaa sidoo kale weydiisay sida ay sharci ahaan uga hawlgeli karaan deegaanno ay maamusho Puntland, balse Awil wuxuu ku dooday "in dastuurka federaalka uu dowladda dhexe siinayo mas'uuliyadda ciidamada difaaca, halka dowlad-goboleedyaduna ay leeyihiin ciidamada booliiska".
Markii BBC ay weydiisay in PSF ay ku lug lahayd diiwaangelintaas, Awil wuu beeniyay.
"Shaqadayadu kuma salaysna diiwaangelin ciidan. Waxaan nahay ciidan loo aasaasay la dagaallanka argagixisada, mana wadno qorista ama diiwaangelinta ciidamo," ayuu yiri isaga oo la hadlayay BBC-da.
Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, PSF ayaa ka tirsanaan jirtay ciidan horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray, oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.
"Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.
Ma cadda waxa xiga ee ka dhalan doona khilaafka u dhexeeya Puntland iyo PSF ee haatan, iyadoo labada dhinac ay weli si weyn ugu kala aragti duwan yihiin sababta iska horimaadka.
Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland iyo PSF ayaa horay iska hor imaad dhawr maalmood socday waxa uu ku dhexmaray magaalada Boosaaso sanadkii 2021-kii, kaa oo uu ka dhashay qasaare nafeed iyo mid hantiyeed.













