TOOS, Mareykanka oo weeraro fuliyay maalintii 11aad; difaacyada cirka ee qeybo badan oo Iran ah oo la hawlgeliyay

Marka laga soo tago magaalooyinka xeebaha koonfureed ee Iiraan oo toddobaadyo la kulmayay weerarro uu Mareykanku geystay, waxaa sidoo kale la soo sheegay in saaka oo Arbaco ah nidaamyada difaaca cirka laga hawlgeliyay magaalada Tehran.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Heshiis la sheegay inuu Mareykanka la galay Sacuudiga oo walaac laga muujiyay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku waramay in maamulka Trump uu gaaray heshiis ballaaran oo ku saabsan iskaashiga tamarta nukliyeerka la galay Sacuudiga, iyadoo lagu wado in si rasmi ah loo shaaciyo dhawaan.

    Heshiiskaasi wuxuu u oggolaan karaa Sacuudiga inuu kobciyo shidaalkiisa ee loo isticmaalo hawlgelinta warshadaha tamarta nukliyeerka.

    Labada dal ayaa muddo sanado ah ka wada hadlayay iskaashiga dhinaca tamarta nukliyeerka.

    Hase yeeshee, qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay in Sacuudigu mustaqbalka uga faa'iideysan karo mashruucan sidii uu u horumarin lahaa hub nukliyeer ah.

    Haddii heshiiska la meel mariyo, waxaa la filayaa inuu hagaajiyo xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga oo ay saameeyeen xiisadaha ka dhashay dagaalka Iiraan, isla markaana uu fursado ganacsi oo waaweyn u abuuro shirkadaha Mareykanka.

    Sidoo kale akhri

  2. Yay hoos tagaan ciidamada PSF?

    Mar la weydiiyay cidda ay PSF hoos tagto, Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay in ciidanka uu hadda ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dowladda federaalka.

    "PSF waa ciidan federaal ah oo hoos taga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed," ayuu u sheegay BBC.

    Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay ciidamo ka diiwaangelinayso gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug.

    BBC ayaa sidoo kale weydiisay sida ay sharci ahaan uga hawlgeli karaan deegaanno ay maamusho Puntland, balse Awil wuxuu ku dooday "in dastuurka federaalka uu dowladda dhexe siinayo mas'uuliyadda ciidamada difaaca, halka dowlad-goboleedyaduna ay leeyihiin ciidamada booliiska".

    Markii BBC ay weydiisay in PSF ay ku lug lahayd diiwaangelintaas, Awil wuu beeniyay.

    "Shaqadayadu kuma salaysna diiwaangelin ciidan. Waxaan nahay ciidan loo aasaasay la dagaallanka argagixisada, mana wadno qorista ama diiwaangelinta ciidamo," ayuu yiri isaga oo la hadlayay BBC-da.

    Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, PSF ayaa ka tirsanaan jirtay ciidan horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

    Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray, oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

    "Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

    Ma cadda waxa xiga ee ka dhalan doona khilaafka u dhexeeya Puntland iyo PSF ee haatan, iyadoo labada dhinac ay weli si weyn ugu kala aragti duwan yihiin sababta iska horimaadka.

    Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland iyo PSF ayaa horay iska hor imaad dhawr maalmood socday waxa uu ku dhexmaray magaalada Boosaaso sanadkii 2021-kii, kaa oo uu ka dhashay qasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.

    Faahfaahin dheeraad ah

  3. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay gobo cusub oo Iiran ah

    Kadib markii CENTCOM ay ku dhawaaqday wajigii kow iyo tobnaad ee weerarrada lagu qaaday goobo ku yaalla Iiraan muddo saacad ah subaxnimadii Arbacada, isla markaana ay sheegtay in hawlgalku dhammaaday, wakaaladaha wararka ee gudaha Iiraan ayaa soo sheegay in qaraxyo laga maqlay dhowr meelood oo cusub, oo ay ku jirto Tehran.

    Marka laga soo tago magaalooyinka koonfureed ee Iiraan oo bartilmaameed u ahaa weerarrada cirka iyo gantaallada Maraykanka toddobaadyadii la soo dhaafay, warar laga helay Tehran iyo Tabriz ayaa sheegay, in subaxnimadii Arbacada maanta ah laga maqlay qaraxyo isla markaana la hawlgeliyay difaacyada cirka.

    Sidoo kale, weerarro cirka ah ayaa laga soo sheegay gobolka Kurdistan iyo nawaaxiga magaalada Baneh.

    Mas'uuliyiinta deegaanka Abdanan ee gobolka Ilam ayaa ku dhawaaqay in waaberigii Arbacada uu dhacay weerar cirka ah, oo ka dhacay agagaarka magaalada iyo meel u dhow Dinarkoh.

    Mas'uuliyiinta gobolka Hamedan ayaa iyaguna sheegay in weerarro lagu qaaday goobo ku dhow magaalada Kabudarahang.

    Khasaare weli lama soo werin.

    Sidoo kale akhri

  4. Millateriga Iiraan oo sheegay in ay soo rideen diyaarad drone ah oo Maraykanku leeyahay

    Waxay sheegeen in ay fiidnimadii Talaadada soo rideen diyaarad drone ah oo Maraykanku leeyahay.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, millateriga Iiraan ayaa sheegay in saacaddu markay ahayd 6:30 fiidnimo waqtiga maxalliga ah ee Talaadada la ogaaday diyaarad drone oo ismiidaamin ah oo cadow leeyahay, taas oo gashay hawada gobolka Bariga Azerbaijan.

    Waxay intaas ku dareen in diyaaraddaasi ay soo rideen cutubyo ka tirsan difaaca cirka ee ka hawlgala Nidaamka Qaran ee Isku-dhafan ee Difaaca Cirka ee Iiraan.

    Diyaarad drone ah

    Xigashada Sawirka, x/IrnaEnglish

  5. War deg deg ah, Xoghayaha Difaaca Maraykanka: Dagaalka Iiraan wuxuu ku kacay qiyaastii $37.5 bilyan

    Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa ka jawaabay su'aal uu weydiiyay senatarka Dimuqraadiga ah Dick Durbin, oo ku saabsan qiyaasta kharashka uu ilaa hadda ku kacay dagaalka Iiraan.

    Hegseth ayaa sheegay in dagaalku uu ku kacay qiyaastii 37.5 bilyan oo doollar (qiyaastii £28 bilyan).

    Tiradan ayaan hore loogu shaacin saraakiisha Wasaaradda Difaaca Maraykanka.

    Hegseth

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  6. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo ku tilmaamay hab-dhaqanka laba diblomaasi oo Faransiis ah oo jooga Tehran mid "aan la aqbali karin"

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa ku tilmaamay hab-dhaqanka laba diblomaasi oo Faransiis ah oo ka hawlgala Tehran mid "aan la aqbali karin", wuxuuna ugu baaqay Paris inay ka hortagto falal ka hor imanaya xeerarka diblomaasiyadda.

    Sida ay werisay BBC Persian, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in Cabbaas Araghchi uu arrintan kala hadlay dhiggiisa Faransiiska, Jean-Noël Barrot, intii lagu jiray wada-hadal taleefan oo ay yeesheen maalintii Talaadada. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo laba geesood ah iyo kuwo heer gobol iyo caalami ah.

    Araghchi ayaa ka cowday hab-dhaqanka labada diblomaasi ee Faransiiska, isagoo sheegay in ficilladoodu aysan waafaqsanayn heerarka iyo habraacyada la aqoonsan yahay ee diblomaasiyadda.

    Cabbaas Araghchi

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

  7. IRGC oo sheegay weerarro cusub oo lagu beegsaday nidaamyada raadaarka ee Kuwait

    Saacadihii la soo dhaafay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa soo saaray bayaan cusub oo ay ku shaaciyeen mowjad cusub oo weerarro ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo goobo ay Maraykanku ku leeyahay gobolka, iyagoo ku andacoonaya in ay beegsadeen dhowr nidaam oo raadaar ah oo ku yaalla Kuwait.

  8. Qiimaha shidaalka adduunyada oo weli cirka ku takhlan

    Isku dhacyada ka sii socda Bariga Dhexe ayaa sii kordhiyay qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka.

    Maanta Salaasa ahayd, qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay qiyaastii 2%, isagoo gaadhay heerkii ugu sarreeyay muddo shan toddobaad ah.

    Qiimaha shidaalka Brent ayaa kor u kacay ku dhowaad 92 doollar halkii foosto, halka nooca WTI uu kor u dhaafay 84 doollar halkii foosto.

    Korodhka qiimaha waxaa sababay walaaca laga qabo in khilaafka Bariga Dhexe uu carqaladeeyo sahayda tamarta, taas oo ka dhalatay weerarrada is-dhaafsiga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, iyo sidoo kale hanjabaadda kooxda Xuuthiyiinta Yemen ay ku sheegeen in ay ku go'doominayaan marin-badeedka muhiimka ah.

    Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta (IEA) ayaa sheegtay in colaadda dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe ay kordhisay walaaca laga qabo amniga sahayda tamarta, hase yeeshee suuqyadu ay weli awood u leeyihiin in ay u adkaystaan cadaadiska, sababo la xidhiidha dhowr arrimood oo is taageeraya.

  9. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo uga digtay Bulgaria in ay u oggolaanin Maraykanka in uu saldhigyadeeda u adeegsado hawlgallo millitari.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa uga warning-bixisay dalka Bulgaariya adeegsiga uu Mareykanku u adeegsanayo fariisimaha ciidan ee ku yaalla dalkaas.

    "Iskaashi kasta oo lagu taageerayo weerarrada ka dhanka ah Iiraan waxaa loo tursan doonaa qayb ka qaadasho xadgudubyada iyo dambiyada dagaal marka loo eego sharciga caalamiga ah," ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Ismaaciil Baqaa'i.

    Wuxuu ku tilmaamay in dhul dowladeed loo baneeyo ficillo ciidan oo ka dhan ah dalka kale inay tahay "tusaale caadiga ah oo xadgudub ah."

  10. Maraykanka oo hanjabaad u diray Iiraan

    Donald Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku uu dhowaan bartilmaameedsan karo xarun dhulka hoostiisa ah oo ay Iiraan ku leedahay Buurta Kolang. Wuxuu sheegay in uu weerarkan ku dhawaaqayo sababtoo ah wuxuu og yahay in Iiraan aanay ka hortagi karin.

    Sidoo kale, Mr. Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay aad u danaynayso in kulan balse Maraykanku aanu xiisaynayn ilaa wada-hadalladu ay noqdaan kuwa "micno leh".

    Hadallada Trump ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dhexdhexaadiyayaashu ay soo jeediyeen xabad joojin 10 maalmood ah.

    Dhanka kale, Iiraan iyo Mareykanka ayaa sii wada is-dhaafsiga duqeymaha ee gobolka, iyadoo Baxrayn iyo Urdun ay iyaguna sheegeen in ay soo rideen gantaallo ay Iiraan soo banaysay.

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images