Toddobo dal oo ka qayb galay finalka koobka Adduunka, balse aan maanta jirin

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Waxaa jira toddobo dal oo ka qayb galay wareegga kama dambaysta ah ee koobka dduunka, qaar waxay ku guuleysteen koobka, qaarna waxay gaareen heerarkii ugu dambeeyay ee tartanka, iyadoo FIFA ay ku dartay dalalkaas kuwa ugu awoodda badan kubadda cagta adduunka. Si kastaba ha ahaatee, isbeddello siyaasadeed, dagaallo iyo colaado ayaa sababay burburka dalalkaas, maantana ma ahan dalal jira.

Inkasta oo magacyadii dalalkaas ay dabar go'een, haddana taariikhda ay ku leeyihiin kubadda cagta adduunka iyo xusuusta taageerayaashu, waa arrin weli diwaanka ku jirta.

1. Midowgii Soofiyeeti

Midowgii Soofiyeeti waxaa la aasaasay bishii Diseembar 1922-kii kaddib Kacaankii Ruushka, wuxuuna jiray ilaa sannadkii 1991-kii. Wuxuu ka koobnaa 15 jamhuuriyadood oo hantiwadaag ah, kuwaas oo kala ahaa, Armenia, Azerbaijan, Belarus, Estonia, Georgia, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Latvia, Lithuania, Moldova, Ruushka, Tajikistan, Turkmenistan, Ukraine iyo Uzbekistan.

Midowgii Soofiyeeti wuxuu koobka adduunka u soo baxay 7 jeer wareegga kama dambaysta ah. Sanadihii uu soo baxay waxay kala ahaayeen 1958, 1962, 1966, 1970, 1982, 1986 iyo 1990-kii. Waxay seegeen tartankii 1974-kii kaddib markii ay diideen in ay la ciyaaraan lugtii labaad dalka Chile, sidoo kalena uma soo bixin koobkii 1978-kii.

Guushii ugu wanaagsanayd waxay gaareen Koobkii Adduunka ee 1966-kii lagu qabtay Ingiriiska, waxayna soo gaareen kaalinta afraad.

Muddo tobannaan sano ah, Midowgii Soofiyeeti waxay soo saareen ciyaartoy raad weyn ku reebay garoomada Yurub iyo tartamada caalamiga ah. Qaar badan oo ka mid ah ciyaartoydaas waxay galeen taariikhda. Waxaa ka mid ah ciyaartoydaas goolhaye Lev Yashin oo loo arko in uu noqday goolhayihii ugu fiicnaa taariikhda.

2. Jarmalkii Galbeed

Kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee socday 1939–1945, Jarmalka waxaa loo kala qaybiyay Jarmalka Bari iyo Jarmalka Galbeed. Mid kasta wuxuu lahaa nidaam siyaasadeed iyo nidaam isboorti oo u gaar ah, oo ay ku jirto kubadda cagta. Jarmalka wuxuu labo dal kala ahaa ilaa iyo 1990-kii.

Jarmalka Galbeed wuxuu u soo baxay wareegga kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka 10 jeer. Si kastaba ha ahaatee, 1954-tii waxay sameeyeen mucjiso taariikhda gashay, koobka adduunka ayey ku guuleysteen.

Jarmalka Galbeed waxay sidoo kale qaadeen Koobka Adduunka sannadihii 1974 iyo 1990, halka ay finalka soo gaareen oo aysan koobka qaadin sanadihii 1966 iyo 1982.

Ciyaartoy badan oo caan ku noqday xirfad, farsamo iyo awood jireed ayey Jarmalkii Galbeed soo saareen. Franz Beckenbauer ayaa loo aqoonsan yahay halyeeyga ugu weyn ee Jarmalkii Galbeed. Gerd Müller ayaa ka mid ahaa xidigaha soo maray Jarmalkii Galbeed. Wargeyska France Football wuxuu magaca Gerd Müller u bixiyay abaalmarinta la siiyo gooldhaliyaha ugu wanaagsan dunida.

3. Jarmalkii Bari

Jarmalkii Bari waxaa la aasaasay bishii Oktoobar 1949-kii, waxaana si rasmi ah loogu bixiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Jarmalka. Wuxuu ahaa dal ka madax-bannaan Jarmalkii Galbeed ilaa midnimadii 1990-kii.

Jarmalkii Bari ma gaarin heer la mid ah guulihii ay gaareen Jarmalkii Galbeed. Waxay hal mar oo kaliya u soo baxeen wareegga kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka, taas oo ahayd tartankii 1974-kii ee uu martigeliyay. Sanadkaas waxaa koobka qaaday Jarmalkii Galbeed.

Kaddib dib-u-midoobiddii Jarmalka, siddeed ciyaaryahan oo ka tirsanaa xulka Jarmalkii Bari ayaa ku biiray xulka cusub ee Jarmalka. Kuwa ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa Matthias Sammer, oo hoggaamiyay Jarmalka, una qaaday Koobka Qaramada Yurub sanadkii 1996-dii. Sammer waxaa sidoo kale loo doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartankaas.

4. Yugoslavia

Magaca Yugoslavia wuxuu si rasmi ah u soo baxay sannadkii 1929-kii. Xulka Yugoslavia wuxuu u soo baxay wareegga kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka siddeed jeer. Sanadihii uu soo baxay waxay kala ahaayeen 1930, 1950, 1954, 1958, 1962, 1974, 1982 iyo 1990-kii. Waxay sannadihii 1930 iyo 1962 gaareen afar dhammaadka.

Yugoslavia waxaa ka soo baxay xidigo badan oo hibo iyo farsamo sare lahaa, kuwaas oo soo jiitay taageerayaasha tartamada Yurub iyo kuwa caalamiga ah. Kooxaha ugu waaweyn ee Talyaaniga, Spain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku tartami jiray in ay soo qaataan ciyaartoydaas.

5. Czechoslovakia

Czechoslovakia waxaa la sameeyay sannadkii 1918-kii kaddib Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Waxay sii jirtay ilaa sannadkii 1993-dii, markaas oo si heshiis ah loogu kala qaybiyay laba dal oo kala ah Jamhuuriyadda Czech iyo Slovakia.

Muddo tobannaan sano ah, Czechoslovakia waxay ahayd dal magac ku leh kubbadda cagta Yurub iyo tan caalamka. Waxay siddeed jeer u soo baxday wareegga kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka, iyadoo gaartay finalka sannadihii 1934 iyo 1962.

Waxay sidoo kale ku guuleysatay Koobka Qaramada Yurub sannadkii 1976-dii, halka ay kaalinta saddexaad ka gashay tartamadii dhacay 1960 iyo 1980-kii.

6. Zaire

Magaca Zaire waxa uu jiray intii u dhexeysay 1971 ilaa 1997-dii. Si loo kala saaro labada dal ee dariska ah ayuu gumeystihii Belguim-ka u yaqaanay Congo-Kinshasa halka dalka dariska la ahna ee Faransiiska gumeysanayay loo yaqaanay Congo-Brazzaville.

Wabiga Congo waa wabiga labaad ee ugu weyn Afrika marka laga yimaado kan Niilka. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo magaceeda waxay ka qaadatay wabigan. Magaca Zaire waa magaca wabiga ee luqadaha maxalliga ah. Dowladdii xilligaas jirtay waxay u qaadatay magacaas si ay u soo nooleeyaan hidaha iyo aqoonsiga Afrika.

Kooxda Zaire waxay ahayd koox awoodda badan sanadihii 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii. Waxay ku guuleysteen Koobka Qaramada Afrika sannadkii 1974-tii.

7. The Dutch East Indias

Dutch East Indies waxa uu ahaa dhul ay Nederland haysatay kuna yaal Koonfur-bari Aasiya. Magacan ayaa jiray qiyaastii intii u dhaxaysay 1799 ilaa 1949-kii. Markii dhulkaas xorriyadu qaatay waxaa loo bixiyay Indonesia.

Sannadkii 1938-deedii waxay noqdeen kooxdii ugu horreysay ee ka socota Aasiya ee ka qayb gasha wareegga kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa reebay wareegga koowaad Hungary oo uga badisay 6–0. Ilaa maanta, waxay haystaan rikoorka kooxdii ciyaartay kulamadii ugu yaraa taariikhda Koobka Adduunka, iyagoo ciyaaray hal kulan oo kaliya.