Booliska dowladda
Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la xiray 17 qof oo lagu
tilmaamay dad "dadka tahriibiya oo halis ah", kuwaas oo lagu eedeeyay
inay mas'uul ka yihiin dhimashada "in ka badan 60" muhaajiriin ah iyo
kufsiga "dhowr haween ah."
Sidoo kale
wuxuu shaaciyay in dadkan laga shakisan yahay, oo lagu eedeeyay inay geysteen
"falal bahal nimo ah oo ka dhan ah bini'aadantinimada" oo loo gaystay
qaxootiga Itoobiya ee ku sugnaa Yemen, isla markaana ay dhibbanayaasha ka qaateen
"in ka badan 1 bilyan oo birr."
Booliska Itoobiya
ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay, in kooxdan ka ganacsiga dadka uu
hoggaaminayo nin lagu magacaabo "Mohammed Tahir Aden", oo sidoo kale
loo yaqaan "Werdi". Waxa kale oo uu baahiyay sawirrada 17-ka nin ee
la xiray, oo uu ku jiro ninkan laga tuhunsan yahay.
Boolisku
wuxuu sheegay in dadkaasi lagu soo qabtay "kormeer iyo baaritaanno
xooggan" oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Cadaaladda, Hay'adda Sirdoonka
iyo Amniga Qaranka, iyo hay'ado kale oo ay khusayso.
Bayaanka
Booliska Federaalka laguma caddeyn goorta ama goobta saxda ah ee dadkaasi lagu
xiray.
Jaylan Abdi,
oo ah madaxa Waaxda Warbaahinta iyo Isgaarsiinta ee Booliska Federaalka, ayaa u
sheegay BBC-da in "howlgalka" lagu qabtay dadkan laga tuhunsan yahay uu
"socday 15-kii maalmood ee la soo dhaafay."
Wuxuu intaas
ku daray in dadkaasi laga soo qabtay meelo kala duwan oo dalka ah, oo ay ku
jiraan magaalada Addis Ababa iyo deegaanka Harari.
Bayaanka
Booliska Federaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in, markii la xiray tuhmanayaasha
kadib, la diyaariyay gal dacwadeed ku saleysan "caddeymo markhaatiyeed iyo
dukumeenti", kadibna loo gudbiyay Wasaaradda Cadaaladda.
Kooxdan, oo
uu hoggaaminayo "tahriibiyaha halista ah" Maxmed Tahir Aden, ayaa
lagu eedeeyay inay dadka u tahriibin jireen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Muhaajiriinta ayaa la sheegay in laga soo qaadi jiray bariga Itoobiya, iyagoo
sii maraya Jabuuti iyo Yemen.
Sidoo kale
waxaa lagu sheegay in muhaajiriinta laga soo ururin jiray meelo kala duwan oo
Itoobiya ah iyada oo loo marayo "dillaaliin". "Tuhmanayaashu
waxay maamulayeen shabakad tahriibinta dadka ah, iyagoo ku qancinayay
dhibbanayaasha inay Yemen sii maraan si ay u galaan Sacuudi Carabiya, iyagoo u
ballanqaadaya nolol ka wanaagsan," ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida uu
sheegay Booliska Federaalka, muhaajiriinta Itoobiya waxay la kulmeen "
falal bahal nimo ah" markii ay xadka ka gudbeen. Waxaa lagu sheegay in loo
qaaday Yemen, laguna hayay bakhaarro si gaar ah loogu dhisay, halkaas oo loogu
geystay tacaddiyo aad u daran oo ka dhan ah bani'aadantinimada.
Wuxuu
sheegay in falalkan ay "si sharci darro ah ugu heleen in ka badan 1 bilyan
oo birr", isla markaana ay "si sharci darro ah u tahriibiyeen in ka
badan 40,000 oo qof."
"Baaritaanku wuxuu muujiyay in in ka badan 60 qof la dilay, isla markaana haween dhowr ah la kufsaday," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in tuhmanayaashu ay mas'uul ka yihiin dhimashada muhaajiriintaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Booliska Federaalka ay heleen muuqaalloay soo direen markhaatiyaal ku sugan Sacuudi Carabiya iyo Itoobiya" kuwaas oo la xiriira falalkaas.
Nin dadka tahriibiya, horena maxkamadi u xukuntay oo lagu arkay UK isagoo shaqaynaya, sidee bay ku dhacday?