Maxay Iiraan khatar weyn ugu gelaysaa Marinka Hormuz?

    • Author, Amir Azimi
    • Role, BBC Persian
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Kaddib 10 maalmood oo ay Iiraan iyo Maraykanku is-weydaarsanayeen weerarro la xidhiidha gacan-ku-haynta marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, hoggaamiyeyaasha Iiraan waxay u muuqdaan in ay haystaan saddex doorasho. Midkoodna ma bixinayo waddo cad oo guul lagu gaadhi karo.

Doorashada koowaad waa inay aqbasho inta badan waxa Washington doonayso: in ay dammaanad-qaaddo in maraakiibta ganacsigu si nabad ah ugu gudbaan marin-biyoodka Hormuz iyadoo joojinaysa weerarrada lagu hayo maraakiibta, inay ka tanaasusho ama yareyso kaydkeeda yuraaniyamka aadka loo naaxiyay, islamarkaana ay aqbasho kormeerro adag oo ay sameeyaan hay'adaha caalamiga ah ee la socda arrimaha nukliyeerka.

Beddelkeeda, Tehran waxay doorbidaysaa in la soo afjaro xannibaadda ciidammada badda ee Maraykanku ku hayaan dekedaha Iiraan, in cunaqabataynta laga qaado, iyo in laga fogaado weerarro kale.

Tani waxay u badan tahay in ay tahay midda ugu kharashka yar dhinaca millatariga, balse siyaasiyan waxay noqon kartaa tan ugu culus.

Dib-u-furidda marin-biyoodka Hormuz iyadoo aan Iiraan loo aqoonsan door ay ku maamusho marin-biyoodkaasi waxay la micno noqon kartaa in ay ka tanaasusho waxa qaar ka mid ah madaxda Tehran ay hadda u arkaan awood cusub oo cabsi-gelin ah, taas oo laga yaabo in ay ka waxtar badan tahay gantaallaha Iiraan, kooxaha ay taageerto gobolka ama xitaa barnaamijkeeda nukliyeerka.

Markii ugu horreysay, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay muujisay in ay si degdeg ah culays ugu keeni karto dhaqaalaha caalamka haddii dhulkeeda la weeraro.

Dhanka kale, barnaamijka nukliyeerka waxaa muddo dheer lagu tilmaamay xuquuq aanay Iiraan cidna ku qasbi karin in ay ka tanaasusho.

Haddii ay aqbasho xayiraado adag oo lagu soo rogo hawlaheeda nukliyeerka kaddib bilo weerarro ah, kooxaha mayalka adag waxay ku doodi karaan in cadaadiska millatari ee Maraykanku uu guuleystay. Waxa kale oo ay taasi albaab u furi kartaa dalabaad kale oo ku saabsan gantaallaha Iiraan iyo xidhiidhkeeda ururka Xisbullah ee Lubnaan, kooxaha Shiicada Ciraaq iyo Xuutiyiinta Yemen.

Doorashada labaad waa inay xaaladda sii xumeyso. Iiraan waxay kordhin kartaa weerarrada ay ku hayso saldhigyada Maraykanka ee gobolka, maraakiibta iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalalka Khaliijka, iyadoo rajaynaysa in korodhka qiimaha tamarta iyo carqaladaha sii fidaya ee ay ku khasbi doonaan Washington iyo xulafadeeda i nay tanaasul sameeyaan.

Tani waxay xambaarsan tahay khatarta ugu weyn ee dhinaca millatariga. Weerar sababa khasaaro badan ama waxyeello culus oo gaadha kaabeyaasha dalalka Khaliijka ayaa keeni kara in deriska Iiraan ay si toos ah ugu lug yeeshaan dagaalka, taasoo Iiraan ka hor keeni karta isbahaysi oo ballaadhan.

Doorashada saddexaad waa in la ilaaliyo xasillooni-darrada hadda jirta: cadaadis ku filan oo lagu hayo maraakiibta iyo suuqyada tamarta si loo sii hayo awoodda gorgortanka, balse aan gaadhsiisnayn heer dib loogu laabto dagaal buuxa oo lala galo Maraykanka.

Tani waxay u muuqataa inay waafaqsan tahay fikirka soo jireenka ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Iiraan uma baahna in ay ka adkaato cadow ka xoog badan haddii ay awooddo in ay sii jirto muddo ka badan inta cadowgeedu diyaar u yahay in uu dagaallamo. Sii jiritaankeeda laftiisa ayaa lagu tilmaami karaa guul.

Hase yeeshee, cunaqabataynta, burburka dagaalka iyo sicir-bararka ayaa si joogto ah u kordhinaya cadaadiska gudaha dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqer Qaalibaaf, ayaa qiray arrintan is-diiddan, isaga oo sheegay in qiimaha Hormuz uu ku jiro kordhinta maraakiibta ka gudba, halkii laga yarayn lahaa. Haddii marin-biyoodku noqdo mid si joogto ah aan ammaan u ahayn, dunidu waxay raadin doontaa waddooyin kale oo ka madax-bannaan Iiraan.

Yaa gaadhaya go'aanka?

Arrinta sii adkaynaysa xiiisadda ayaa ah hubanti la'aanta ka jirta habka go'aan qaadashada ee Iiraan.

Xilligii hoggaamiyihii sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei oo lagu dilay duqayn dhacday bilowgii dagaalkii Maraykanka iyo Israa'iil ay la galeen Iiraan bishii February, khilaafaadka u dhexeeya siyaasiyiinta la soo doorto, hay'adaha diimeed iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka waxaa ugu dambayn go'aan ka gaadhi jiray hoggaamiyaha sare. Balse bilo dagaal ah kaddib, iyadoo hoggaanka uu hadda hayo wiilkiisa Mojtaba Khamenei, isu-dheellitirka awoodda ayaa noqday mid aan caddayn.

Madaxweyne Masoud Pezeshkian iyo diblomaasiyiintiisu waxay u muuqdaan inay doorbidayaan heshiis lagu yareeyo cadaadiska dhaqaale laguna soo celiyo xasilloonida. Dhanka kale, siyaasiyiinta mayalka adag ee baarlamaanka, hay'adaha awoodda leh ee aan la soo dooran iyo warbaahinta muxaafidka ah ayaa laga yaabaa inay ka baqaan in tanaasul weyn uu wiiqo fikirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah islamarkaana uu ka fogeeyo taageerayaasheeda ugu muhiimsan.

Su'aasha ugu weyn waxay khusaysaa ciidammada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Ilaalada Kacaanka. Barnaamijka gantaallaha Iiraan, xidhiidhada ay la leedahay xulafada gobolka iyo istaraatiijiyaddeeda Marinka Hormuz ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee saamaynta IRGC. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda inta uu le'eg yahay saameynta ay taliyeyaashoodu ku leeyihiin go'aannada la xidhiidha sii hurinta colaadda ama wadahadallada.

Saddexda waddo ee horyaalla Tehran ma wada saameeyaan dhammaan qaybaha nidaamka si isku mid ah. Garabka dhexdhexaadka ahi wuxuu doorbidi karaa heshiis, garabka mayalka adagna wuxuu u arki karaa in adkaysiga uu yahay doorashada ugu habboon, halka qaar ka mid ah taliyeyaasha militarigu ay u arki karaan in colaadda la sii xoojiyo ay sare u qaaddo awoodda Iiraan ee wadaxaajoodka.

Sidaas darteed, su'aashu ma aha oo keliya waddada ay Iiraan dooranayso, balse sidoo kale waa cidda dhab ahaantii leh awoodda ay ku gaadhayso go'aankaas.

Maxay dadka Iirana ka dhaheen?

Fikradda hoggaanka Iiraan ee ku saabsan "adkaysiga" aad ayay uga duwan tahay sida ay u arkaan dadka looga baahan yahay in ay u adkaystaan culeyskaas.

Iiraan iyo Maraykanka ayaa bishii Juun saxiixay is-afgarad lagu joojinayo hawlgallada millitari, dibna loogu furayo marinka Hormuz, iyadoo sidoo kale lagu heshiiyay in 60 maalmood gudahood lagu gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka. Hase yeeshee, saddex toddobaad kaddib saxiixa heshiiskaas, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xabbad-joojintii ay "soo afjarmatay", kaddib weerarro ay Iiraan ku qaaday maraakiib marayay Marinka Hormuz iyo duqeymo jawaab u ahaa oo Maraykanku fuliyay.

Haweeney ku nool Iiraan ayaa u sheegtay BBC Persian in ay "aad iyo aad uga murugootay" markii dagaalku dib u billowday.

Waxay ku eedaysay garabka mayalka adag ee nidaamka Iiraan in ay wadaan siyaasad waxyeello leh, iyadoo sidoo kale cambaaraysay qaar ka mid ah mucaaradka dibadda jooga oo sida ay sheegtay dhiirrigeliyay dagaalka.

Haweeney kale oo ku sugan Tehran ayaa sheegtay in shirkaddii ganacsiga dibadda ee ay ka shaqaynaysay la xidhay, taasoo sababtay in ay shaqo la'aan noqoto muddo afar bilood ah, inkastoo ay haysato shahaadada doctorate-ka isla markaana ay leedahay 17 sano oo waayo-aragnimo shaqo ah.

Sheekooyinkan ma muujinayaan hal gunaanad oo siyaasadeed. Weerarrada dibadda waxay dhalin karaan cadho loo jeediyo Maraykanka iyo Israa'iil, xitaa dadka ka soo horjeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Hase yeeshee, waxay sidoo kale muujinayaan xadka ay leedahay in shacabku laga dalbado in ay u adkaystaan dhibaato aan dhammaad lahayn iyada oo loogu magac darayo "iska-caabin".

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna wajahaya doorashooyin adag: inuu ballaadhiyo dagaalka, in uu sii wado cadaadiska millitari iyo kan dhaqaale ama inuu aqbalo heshiis u oggolaanaya Iiraan barnaamij nukliyeer oo rayid ah oo xaddidan, balse si adag loo kormeero. Midkoodna ma bixinayo waddo cad oo guul lagu gaari karo.

Iskahorimaadku wuxuu socon karaa bilo badan, isagoo isu beddelaya wareegyo weerarro ah, dhex-dhexaadin iyo xabbad-joojinno ku-meel-gaadh ah. Su'aasha ugu muhiimsan ayaa ah muddada ay hoggaanka Iiraan awoodi karaan in ay Marinka Hormuz u sii adeegsadaan aalad cadaadis ah, iyaga oo aan kicin dagaal baahsan, dib u soo noqoshada kacdoonno gudaha ah ama dhismaha marinno kale oo ganacsi oo yareeya muhiimadda Marinka Hormuz.