Hay’adda xuquuqda aadanaha HRW ayaa ku eedeysay Tigray in ay dad qasab askar uga dhigeen

Xigashada Sawirka, NYT
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa sheegtay in maamulka gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ay afduubanayeen islamarkaana si sharci-darro ah ciidan ugu qoranayeen dad rayid ah ilaa April 2026-dii. Dadka ay ciidanka ka dhigteen waxaa ku jira carruur 15 jir ah.
Askar qorista ayaa bilaabatay kaddib markii ay korortay xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee loo yaqaan TPLF.
Warsaxaafadeed ka soo baxay HRW ayaa lagu sheegay in dad ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka ay sheegeen in ciidamada Tigray iyo madaxdooda ay wadooyinka ka qabqabanayaan dagaalyahannadii hore, ragga iyo wiilsha.
"Mas’uuliyiinta Tigray waxay wadaan olole ay si xoog ah askar uga dhigayaan ragga iyo wiilasha, waxayna gobolka oo dhan ka abuureen jawi cabsi ah”, ayey tiri Laetitia Bader oo ah ku-xigeenka agaasimaha HRW ee Afrika.
"Maamulka waa in uu si degdeg ah u joojiyo ololahan, isla markaana ay u oggolaadaan in ay dib ugu laabtaan guryahooda dadka si sharci-darrada ah loo askareeyay."
HRW waxay diiwaangelisay lix kiis oo ku saabsan askareyn khasab ah, iyadoo wareysiyo kula yeelatay internetka 18 qof bishii Juun.
Dadkii la wareystay waxay sheegeen in uu sii xoogaystay dabayaaqadii bishii April howlgalka ballaaran ee lagu baadi-goobayay dadka, iyadoo mas'uuliyiinta maxalliga ahi adeegsanayeen liisas ay ku qornaayeen dagaalyahannadii hore iyo xog-bixiyeyaal deegaanka ah si loo aqoonsado dadka la doonayay in ciidanka lagu qoro.
Ururka xuquuqda aadanaha HRW ayaa ugu baaqay Midowga Afrika, dowladihii taageeray heshiiskii Pretoria ee 2022, Mareykanka, iyo Midowga Yurub in ay cadaadis saaraan maamulka Tigray si ay u joojiyaan askareynta khasabka ah, una sii daayaan dhammaan carruurta iyo dadka sida sharci-darrada ah loogu qortay ciidanka.
Sii akhri











