You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa maxay Zinkiga, maxaase loogu baahan yahay?
Zinkigu waa macdan muhiim u ah jirka, si loo helo caafimaad fiican waxaa loo baahan yahay in wax laga qaato. Jirkeenu ma samayn karo zinkiga si la mid ah macdanaha kale, sidaa darteed, waxaan u baahannahay in aan ka helno cuntadeena. Jirkeena awood uma lahan in uu keydsado zinkiga sidaa darteed waa in aan joogto u qaadanaa.
Macdanaha muhiimka ah waxa uu jirkeena ka heli karaa oo kaliya cuntada. Hadaba sidee ku ogaan karnaa in aan heleyno zinki nagu filan? Hadii uu nagu yaraadase maxaan ka dhalan kara?
Maxaa loogu baahan yahay Zinkiga?
Jirkeenu wuxuu leeyahay tiro ka badan 300 waxa loo yaqaano ensaymis. Ensaymis waa bortiinka dedejiya falcelinta kiimikeeda ee unugyada. Si ay shaqadooda u qabtan waxay u baahan yihiin in zinkigu caawiyo.
Zinkigu wuxuu ka qayb qaataa hawlo badan oo jirka ka dhaca, sida dheef-shiidka borotiinnada iyo karbohaydraytyada, iyo samaysanka caadiga ah ee DNA-ga. Waxa kale oo uu door muhiim ah ka ciyaaraa koritaanka lafaha. Zinkigu wuxuu ka caawiyaa kaalshiyamka iyo macdanaha kale in ay isku xirmaan si ay u sameeyaan qaab-dhismeedka lafaha.
Zinkigu wuxuu kaloo muhiim u yahay taranka iyo bacriminta. Zinkigu wuxuu dumarka ka caawiyaa samaysanka ugxanta, halka ragga uu ka caawiyo samaysanka iyo dhaqdhaqaaqa shahwada. Carruurtana wuxuu ka caawiyaa koritaanka maskaxda iyo hab-dhiska neerfayaasha.
Zinkiga iyo daaweynta hargabka
Maadaama zinkigu uu door muhiim ah ku leeyahay hab-dhiska difaaca jirka, waxaa loo isticmaali jiray qayb ka mid ah daawaynta noocyada kala duwan ee hargabka laga soo bilaabo sannadihii 1980-meeyadii. Cilmibaaris ayaa muujisay in Zinkiga hor-istaago in fayruska hargabka uu sii kordho.
Dhanka kale, cilmibaaris dhawaan la sameeyay ayaa muujineysa in zinkigu uusan daaweyn hargabka. Cilmibaarisyo ka badan 30 ayaa lagu ogaaday in aysan jirin cadeymo ku saabsan in zinkigu ka hortago hargabka, inkastoo kuwa qaar ay muujinayaan in uu hoos u dhigo jirada hal ilaa iyo labo maalin.
Khubarado xaqiiq uma hayaan cadadka ay tahay in laga qaato zinkiga iyo mudada la qaadanayo. Sidoo kale waxaa jira saameyn aan fiicneyn oo laga helo qaadashada zinki aad u badan taas oo keenta, laabjeex iyo lallabo
Intee in la eg oo zinki ah ayuu jirkeenu u baahan yahay?
UK, waxaa dadka lagula taliyaa in 9.5mg oo zinki ah ay ragga joogto u qaataan halka dumarkana lagula taliyo in ay qaataan 7mg. Haweenka waxay u baahan yihiin 6mg oo dheeri ah in ay qaataan maalintii afarta bilood ee ugu horeysay marka ay carruurta nuujinayaan.
Cuntooyinka zinkiga laga helo
Cuntooyinka laga helo zinkiga waxaa ka mid ah, kalluunka, hilibka, digirta, misirta, lawska, bariiska madow, ukunta, caanaha iyo waxyaabaha ka yimaada xoolaha.
Inkastoo khudaarta laga helo fitamiino iyo macdano kala duwan, hadana zinkiga kuma badan. Zinkiga laga helo digirta, badarka iyo miraha oo dhan si fudud uguma milmo jirka marka loo eego zinc-ka laga helo cuntooyinka xoolaha.
Cilmi-baaris ayaa muujisay in dadka cuna khudaarta oo kaliya ama gabi ahaanba ka fogaada wax kasta oo xoolaha ka yimaado in uu zinkigoodu hooseeyo.
Habka cuntada loo diyaariyo ayaa sidoo kale qeyb ka qaadata in zinkigu jirka ku milmo. Waxaa suuragal ah in zinkiga ku jira rootiga laga sameeyo khamiirka uu jirka ugu milmo si ka duwan kan aan khamiirka lahayn.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay ku qiyaastaa in ku dhowaad 30% dadka dunida ay halis ugu jiraan in zinkigu ku yaraado jirkooda.
Waxybaaha keena in zinkigu kuugu yaraado waxaa ka mid ah in aadan cunin cuntooyinka zinkiga laga helo ama aad noqoto qof khudaar un cuna.
Waxyaabaha kale ee keena in zinkigu kuugu yaraado waxaa ka mid ah isticmaalka muddada dheer ee dawooyinka kaadida-bixiya iyo qaar ka mid ah dawooyinka wadnaha, iyo dadka caqaba cudurada kelyaha oo inta badan zinkiga kaga dhammaado sifeynta.
Hilibka oo la iska daayo miyey keeneysaa in zinkigu kuugu yaraado?
Waa xaqiiq in hilibka cas laga helo saddex meelood meel zinkiga uu jirkeenu qaato. In aad qaadato zinki badan macnaheedu ma ahan in aad yareyso hilibka. Wax yar hadii aad hilibka ka cunto, waxa uu jirkaaga helayaa zink ku filan.
Haddii aad doonayso in aad qaadato zink dheeri ah sida kaniinga, waa in aad taxaddartaa oo aadan qaadan qaddar badan. Zinkiga badan wuxuu carqaladayn karaa birta jirkaaga ku jirta oo muhiim ah.
Hay'adda caafimaadka UK ee loo yaqaan NHS waxay ku talisaa in aan la qaadan wax ka badan 25 mg oo zinc ah maalintii.
Qoraalkan waxaa loogu talagalay in uu ku siiyo xog guud oo kaliya, mana ahan in aad ku badalato talada ama la-tashiga caafimaadka. Had iyo jeer kala tasho dhakhtarkaaga wixii khuseeya xaaladdaada caafimaad.